Home Qoraallo BARO BOQOL ERAY; Casharka 4aad W/D: Caliqeyr M. Nuur 

BARO BOQOL ERAY; Casharka 4aad W/D: Caliqeyr M. Nuur 

0
SHARE

BARO BOQOL ERAY; Casharka 4aad

Xilkas  – Xildhibaan

Si aan u ogaanno kala duwanaanta ‘xilkas’ iyo ‘xildhibaan’waa in aan baranno macnaha horgalaha ‘xil’ iyo labada dibgale ee ‘dhibaan’ iyo ‘kas’.

  • Xil: Ceeb; wadhi, dheec, bayuur; wax la qariyo. – Wax xil leh ayuu weligii sheegaa. Maahmaah baa tiraa: Qofi wax uu xil moodo ayaa qof kale xarrago moodaa.
  • Xil: Masuuliyad. – xil weyn ayaa Samatar loo dhiibay. Maahmaah baa tiraa: Nin xil qaaday eed qaad.
  • Xil: Doorasho. – caanaha badan ayaan ugu xishay sacaas. Maahmaah baa tiraa: Doorshaanba xaarka wax buu ugu xishay.
  • Dhibaan: Wadar wax dhibta. – Ima dhibaan hadalka & shanqartu marka aan hurdayo.
  • Kas: Garasho, ogaal. – Ma kastay waxa uu Rooble yiri. Maahmaah baa tiraa: Ninba kaskiisuu kor-tagaa.

Erayga ‘kas’ marmar ayaa loo adeegsadaa doorkii negida ama xasilnaanta sida “hebel waa kas-daran yahay” oo loola jeedo ‘hebel ma xasilna’. Kas-darnaantu waxay timaad marka uu ogaalku liito, baraarug la’aani jirto ama ay garashadu yar tahay. Si walba oo ‘kas’ loo adeegsadaba ujeedku wuxuu u dhuranayaa garasho ama ogaal.

Erayga ‘xil’ oo marna la yiraa ‘xilxil’ ujeedkiisa asalka ahi waa kaayid ama qarin. Xilka ama xilxilku waa ded la saaro wax aan la rabin in la arko. Soomaalidu waxay tiraa “wixii la qariyo qurun baa ku jira”.  Sidaas awgeed, wixii sheegistoodu ay ceeb tahay ayaa xilan ama xil leh (qaris leh, qarin mudan). Ninku naagtiisa waxa uu yiraa “waa xilahayga”. Ujeedka weedhani waa in uu ninku naagta ka og yahay wax badan oo dadka kale ka qarsan, ama in ay iyadu isaga ka og tahay wax badan oo aanay dadku ka ogayn.

Weedha ah “xil ayuu iga mudan yahay” waxay u dhigantaa “qarin ama asturaad ayuu iga mudan yahay”. Waa weedh sheegaysa qof ciddaas ka og waxyaala badan oo qarsan, balse ku qasban in uu xilkaas (qarsoodigaas) dhowro.

‘Xil’ marka uu masuuliyad yahay waa in uu qofku og yahay ama la ogeysiiyey arrimaha bulshadiisa u qarsan oo dhib iyo dheefba leh. Danaha bulshadu waxay leeyihiin weji haddii la ogaado ay halis gelayaan, iyo weji wax-dheef leh oo ay si madax-banaan u maaraystaan. Labaduba waa ‘xil’ ama ‘qarsoodi’ leh waqti ku habboon oo la ogaado. Laakiin  ‘xilkaas’ ama ‘qarsoodigaas’ haddii la ogaado waqti aan habboonayn waxaa eeddeeda leh ciddii qarinteeda lahayd. Sidaas awgeed, danaha qarsan ee bulshada, ama haddii si kale loo yiraa ‘xilka bulshadu’ haddii uu kashifmo goor aan loogu tala-gelin, waxaa jira dad uu dhibayo ama dad loo raacanayo wixii dhib ka yimaad. Dadkaasi waa ‘xil-dhibaan’ ama inta ay dhibto danaha bulshada, sirta reerka, maslaxada qaranka, xogaha halista iyo waxtarka u leh beesha oo kashifma iwm.

Waayadii  hore, waxaa ‘xildhibaan’ loo yiqiin dhammaan dadka haya talada beesha. Tusaale ahaan,  beelaha qaar waxay lahaayeen wax la yiraa ugaaska, afarta dhardhaar iyo boqolka oday. Boqol iyo shantaas qof oo dhammi waxay ahaayeen ‘xildhibaanno’. Ogowse magaca ‘xildhibaan’ ma ahayn eray-bixin loo adeegsado darajooyinka maamulka; keliya waxa uu ahaa eray uun. Waayadii dambe, ‘xildhibaan’ waxaa lagu gaar yeelay magaca xubin ka tirsan golaha xeer-dejinta dowladda.

Kala duwanaanta labada eray;

·   Xildhibaan: Qof u  xilsaaran dhowrista danaha bulshada. Qof lagu og yahay sirta, xilka ama arrimaha qarsoodiga ah ee beesha, bulshada, qaranka iwm. Waa qof wixii dhib ah ee xilkaas ka yimaad loo raacanayo.
·   Xilkas: Qof kasaya, og ama yaqaan wixii dhowris u baahan iyo wixii aan dhowris u baahnayn. Magacani qofkiisa ma saarayo masuuliyad, wuxuuse muujinayaa in qofkani leeyahay garasho wixii xil ah iyo wixii aan xil ahayn.

La soco qaybta 5aad 

W/D: Caliqeyr M. Nuur (Qoraha buugga: Abtirsiinta Erayga Af-Soomaaliga)

Caliqeeyr@gmail.com

 

SHARE