Akqrisku waa furaha aragtida toolmoon W/Q: Cabdisalaan Macalin Xersi.

Akqrisku waa furaha aragtida toolmoon

 

Waxaa caddaan iyo madoow dadyoowga adduunku isku raaceen in aqrisku yahay furaha aragtida toolmoon iyo baraha nolosha jaad walba ay leedahay waana mid laga simanyahay, si gaar ah bulshoweynta islaamka ah eraygii ugu horreeyey ee nebigeenna(Csw) la faray wuxuu ahaa aqriska, waxaana weliba lagu qasbay si xooggana loo faray inuu aqriyo, waana suurada koowaad ee quraanka magaceeda(IQRA) sidaa awgeed taasi waa mid muujineysa heerka uu ilaahay aadmigiisa la rabo inay wax aqriyaan si ay wax u ogaadaan, diini iyo maadiba.

Oraah uu leeyahay qoraa  maraykan ah oo lagu maggacaabo:E. L. Doctorow ayaa waxa ay leedahay:“Wax aqrisku waa sida sahanka, fara marnaan ama maskax daboolnaan  ayaad ku bilaabaysaa, tartiib tartiibna waxaad u ogaanaysaa ama u baranaysaa wax badan, oo kaa qarsoona, ama kaa dednaa”

Si dhugma leh haddii aad ugu fiirsato oo aad ugu kuurgasho  oraahdaan,waxaad ka helaysaa in aqrisku yahay furaha aragtida toolmoon,  aqrisku wuxuu irdaha u furaa hal abuurka iyo curintaba, sida caadiga ah qofku hadduu aqriska  joogteeyo waxa uu noqdaa qof  waayo arag ah oo dibadda ka jooga xayndaabka iyo xero  argtiyeedka dadka qaarkood ku oodan yihiin. Qofka aqriska badani wuxuu noqdaa mid xeeldheer oo  madax bannaan inta badana aan lagu xiran karin qoolka iyo edegga arrimaha iyo aragtiyaha gurracan.

Aqoonta lagu barto dugsiga ama xarumaha waxbarashada waa bilowga iyo ambaqaadka barashada, balse aqrisku waa degelka iyo deegaanka barashada, waa il burqanaysa oo waraabinaysa mar walba maskaxdaada kana haqabtireysa oonka ogaalka ba’an eek u xeeran.

Qof ka aqriska badani waxaa uu noqdaa qof maskax furan oo meelo badan wax ka fiiriya, had iyo jeerna u gayfan in uu arrimaha dhabta ah ee la daboolay daaha ka rogo, soona bandhigo waxaa uu noqdaa qof wax cusub barta oo boqol meelood ku nool, kun dhaqana yaqaan, dad dhintay iyo kuwa noolna la jaal ah oo sheeko wadaag la ah, qorayaasha garaadkoodu  buux dhaafiyey baalasha buugaagta ay makbatabaduhu la ciirayaan.

Qofka Aqriska alab ka dhigtaa  waxa uu nqodaa qof  maan abuur iyo maamuuris badan oo hilaadiya ama odorosa dhacdo weliba halka ay saldhigan doonto, isagoo ku jaangooynaya hab nololeedka bulsho iyo heerkiisa ogaal iyo aqooneed.

Aqriska badani  waxa uu qoka siiyaa dhabbe ama waddo uu ku gaaro waxyaabo badan oo uu  is lahaa ma gaari kartid, awoodaas kolka aqristuhu helo, fikir joogta ah ayaa ku dhasha, waxaana bata wax soo saarkiisa.

Aqristuhu waa ruux Dux joogta ah u qoray maskaxdiisa kobcinteeda iyo korinteedana ka shaqaynaaya, oo iska xoreeyay cudurka aqoondarrada iyo ogaalyarida iyo kas gaabnidaba  curyaamisa maanka dadka, waana mid had walba la dooda garaadsamayaasha carra edeg ku kala firisan ee maskaxdooda la maalo lana miirto,  wax qof wax aqriya waxaa u fudud in uu noqdo curiye wax cusub, xaliye dhibaato taagan,  waa midka diida ee is hortaaga beenta iyo ku tiri kuteen walba oo bulshada dhibaateyna, taageerana samaha iyo guusha bulshada.

Adoo intaasba maskaxda ku haya, aan in yar kuu bidhaamiyo xariirka aqriska iyo aragtida toolmoon ka dhexeeya oo ah biyo dhaca qormadani xambaarsan tahay.

Aqrisku waa duxda iyo kobcinta garaadka, waana  jaal iyo widaay awoodda inuu kaa murugeysiiyo ,kaa qosliyo, kaa yaabiyo, wax ku baro, ku hoga tuseeyo, dhan walba xiriir kaala yeesho.

Aqrisku qofka  waxaa uu ka xorreeyaa ciriiriga dhuleed iyo aminba, oo  dhul badan oo uusan qofku  gaareen ayuu aqris ku geeya oo gayeysiiya. Amin uuna noolayna ummaddii joogtay arag  ayuu waayahooddii bartaa, haddaba qofka caalamka aqriska ku dhex jira aragtidiisa iyo ogaalkiisu  sow kama horreeyo ninka ogaalkaygu ku xiran yahay sheekooyinka laysku meeriyo, dhanka kale sow uma fududa in uu keeno aragti toolmoon oo cusub?

Waxaa jirta murti soomaaliyeed oo tiraahda saddex(3) nin mid noqo:

  1. Cag ku ciroole oo ah nin dhul badan maray, wax badana soo arkay indhuhuna u furan yihiin, wax badana og oo dhaqamo kala duwan arkay, dadyow kala duwana la dhaqmay.
  2. Madax ku cirroole oo ah nin waayo badan soo noolaa, duninasoo joogay, casharo badana noloshu soo siisay, sida aan oganahay cirradu waynaan kaliya kuma soo baxdo mararka qaar talan iyo maanshiilkuna waa keena.
  3. Maan ku cirroole asagu waa ninka aan rabbo in aan oo ula jeedadaydu tahay, waana ninka wax badan aqriyay, wax badana og(intaad aqrido ayaad taqaanaa) waayo aragnimo fara badan ayaa laga filan karaa ninkaan.

Saddexdaan nin midkoodna haddii aadan ahayn, waxba kuma taalid,  oo tashi ma lihid, waxaadna tahay mooge, aan meel ku aadaneyn, sida murtida laga dheehan karaba.

Qofka rabba in uu noqdo mufakir dadka iyo dalkaba u fikira waxaa u furan dariiqad kaliya, ama wado kaliya waana in uu buuggaagta badsado, wax badan baaro, akhirkana la joogo, si uu wax badan u barto, sidoo kale haddii aad rabto in aad howlahaaga khaaska ah ku guulaysto waa in aad noqotaa akhriye buugta la jaal ah, cilmi doon haddad tahayna waa kugu qasab aan meel looga leexda lahayn in aad wax akhridaa, si hadafkaagu kugu suura galo.

Aan kabo qodobkaas, oo aan iraahdo aqrisku wuu ku horumarinayaa wuxa uuna kaa caawinayaa in aad gaartid guulo badan oo aad ku hammiyaysay, waa run la tijaabiyay, in aqrisku kaa dhigaayo, qof la maciinsado oo caqli laga maalo, maciina la bido.

Gunnaanad.

Gunta iyo gabagabada waxaan leeyahay, oo aan maqaalkaan ku soo afjarayaa ama aan ku soo afmeerayaa in aqrisku   yahay meesha kaliya ee aad ka helaysaid  ogaal wax badan naftaada tari kara, kaana kaabi kara mugdiga ku hareersana kuu iftiimin kara, aqrisku waa bare, waa jaal, waa wehel isku day inaad noqoto aqriste maskaxdiisa koriya oo maankiisa kobiciya.

Waxaa qoray: abdisalan macalin xersi.

Email: abdisalanqaran63  @gmail.com

SHEEKOOYIN