“Horta aniga ma i taqaan?” W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

“Horta aniga ma i taqaan?” W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Gaari qurux badan ayuu watay oo ah nuucii ugu dambeeyay oo soo baxa, Sida “BMW, TOYOTA COROLA, VW, OPEL ASTRA, Volvo, IWM.
Asigoo si tartiib ah, waddada u maraya ayuu arkay “Gabar sida bisha u hillaaceysa oo qalanja luul ah” waa u istaagay, salaan iyo bariidin ka dib! gaarigii ayay soo raacday waliba kursiga hore ka soo fadhiisatay, (Dareen il doogsi leh). Halkaas waxa uga billowdey is barasho iyo aragti kala geddin ay saldhig u tahay dareenkii ka dhaxeyn jiray LAB IYO DHEDDIG.

Markii uu cabbaar gaarigii weday, ayuu arkay “Lacag, MONEY” aad u badan” oo meel gees ah waddada ka taal. Ma qofbaa ku hilmaantey ma oga, ma siriq-baa lagu dabayo ma oga, isma wayddiin cidda iska leh e, intuu bururey oo farxay gaarigina istaajiyay, ayuu gabadhii ku yiri: 《Abbaayo kursiga gadaale/dambo raac, Raaxeeyaha fadhiiso. Lacagtiina kursiga hore ayuu saartaay》 (Hanti jaceyl). Hammigi iyo hammuuntii u haysay Gabadha qalanjada ah, waxa u beddelay, xiisaynta maal adduunyo. Jiraalka ayaa sidaas u samaysan e, dhib kale ma jiro.

Markii xoogaay la socday ayuu haddana arkay “Diinti” oo meel gees ah waddada ka taagan gacantana u taagaysa oo leh: hore ii sii qaad, ama ii qaado aniga darawalow; dib uma jalleecin iska daa jeer uu u istaago e. wuxuu ku yiri: wax yar isug anaa dib kuugu soo noqon doona e,, “Lacagta iyo gabadhaan meel gaynayaaye” DIINTI waxay ku tiri; amminku ma kugu simi doonaa inaad iisoo laabato? Amaa adoo bilaa DIIN ah dhex lagaa oofsadaa intaad sug leedahay waan kuusoo laabanayaa e?” Isagoon dheg u dhigin ayuu socodkiisi sii laba lixaadsaday, nin gaari cad ku kicitimaya, qalanja luul iyo googo’ lacageedna hore u saaran tahay, ma Diin iyo cibaado ayaa kusoo dhacaysa. “Waa col kula tag, tuugna kuu ciidami e.”

Isagoo waddada xawaare dheereeya ku maraya ayaa la isku hor jaray, lana is taajiyay, markaasuu dhahay; asiga oo u haysta qolooyinka waddada ku shaqada leh; (Trafic Road). Sow yiri: maxaad ii hor istaagtay? Fadlan ka leexo gaariga yuu ku jiirin e, sow inaad dhimato kama baqaysid, ama gaarigu ku baduujiyo ku shiido?, (Khabar mooge). Halkii uu ka filanayay sharciga aad gaariga ku waddo soo bixi, xawaare aan bannaaneyn ayaad ku socotaaye gaariga inta dhig, xeerka waddada loo maro ayaad jebisay e, intaas oo ganaax ah iska bixi, ayaa lagu yiri;

“Horta aniga ma I taqaan?”

Soo yiri maya; ee kumaad ahayd? Saa lagu yiri: waa malaggii nafta kaa qaadi lahaay oo laga soo amray xagga sare/Eebbe. Magacaygu waa “Malakulmowd” ee hore ma u maqaahay? Soo yiri; haah! Saa lagu yiri; goortow imaanayo ma laguu muddeeyay? Sow yiri; maya! Balse, hadda kuma tashaneyn oo maraa adduunyo isu kay qabatay. Saa lagu yiri; haddaba meel iska dhig ee inna keen, waa amminkii ugu dambeeyay noloshaada adduunyada e soo bax. (Naxtin qac). Markaasuu yiri; asigaoo calaacalaya “DIINTI” ayaan waddada kusoo dhaafay ee waqti yar isii, si aan usoo qaato. [SODDON DAQIIQO IGU SUG HALKAAN] Saa lagu yiri: Amarkii waa la xugmiyay, hal daqiiqana laguuma dib dhigayo, waqti iyo waaya kugu filanna waa lagu siiyay ee soo bax. (Huri wayto).

Hadda iska fiiri adiga intaysan kugu dhicin, weli waxad haystaa xilli iyo ammin aad ku fikirto, hubaal inaad siiban doonto marka saacaddaadu/ajashaadu idlaato. dhibka jira ayaana ah inaan lagu ogaysiinayn, talana aan lagaa wayddiineyn ee qoor qabad iyo qadaad jebis lagugu ka xaynayo. Haddii aad ka gilgila is tiraana si aayar-aayar ah hawada lagaaga xirayo, hore moogiye gadaalna aadan kaarboon/hawo damo u direyn/celinayn.

Ciddaa kuu imaanaysa waa Malag, amarkana hal meel ayaa laga bixinayaa taa soo ah, qaanadda Eebbe ee carshu Raxmaanka. Aniga iyo adiguba ma ogin goorta nalan kusoo aaddan yahay, kaliyeeta waxan ognahay in la imaanayo oo aan nalan illaawin, haddana annagaa illowna. Waa halkii laashin Farey ka yiri:

Ilaahow ha noo qaban intaan, Duni qardofayno
Waxba qaadi maynoo qaloon, Dharabsanaan nahaye.

W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

SHEEKOOYIN