Gabayga: GODGODAN Curiye: Abwaan Maxamad Xuseen Faarax

 

Gabayga: GODGODAN

 

Ga’da maanso, guurowga gabay, amase geeraarka

Murti gaafan, arar lagu gedfoo, gudub u liishaaman

Gundhig hadale, hadaf gobannimoo, gelaya taariikhda

Galayroow adaa goor walbaba, gaawahoow cula’e

Iga gunud warbixin gaaban baan, gudogelaayaaye.

 

Gabagabo inuu yahay adduun, galabta aan joogno

Oo uu gabaabsaday waqtigu, gebi ahaantiisba

Guud ahaan tilmaan lagu gartaan, gudagelaayaaye

Gacalloow bal eeg xaajadaan, geddisan waa yaabe.

 

Xiddigaha godkoodiyo rugaha, dib uga guurguurey

Garbihiyo sahriga gooshayee, midibba goor muuqdo

Cirjiirkiyo galgaalka is barkaday, geganahaan dhowray

Saxalkaan gu’ iyo dayr fadhiya, cirir gadaashiisa

Afagaalka dayaxaan golmaray, tiro sagaal gaartey

Naafana galbeed ku la degeye, gudub u weydaartey

Misna dirirka gowraca ka galay, geeddi socodkiisa

Gudcurkaan caddida gaasiriyo, gabbal cadceedeedka

Gelimadaan is ka la guray waqtiga, ka la geddoonaaya

Waa adduun geddii lagu ogaa, guudka loo rogaye

Taa ku garo, geddoon aaqirseben, gebidhaclayntiisa.

Afartaas guddoontaye mid kale, aan ku garansiiyo

Duurjoogna eeg gacaliyow, dhaqan gaddoonkeeda

Gaboodlaha dhurwaagee handadey, gucumalow aarka

Dawacadan gudeysee gundhiday, goosha miraneeysa

Weerkaan gurxamayee shabeel, guudka kaga soohan

Currahaan indhaha giirayee, haramcas goobyaalshey

Gaduudanaha goondhabaya yeey, joogta godadkeeda

Gabsastaan geddiga habardugaag, wada garaafeysay

Waa adduun geddii lagu ogaa, guudka loo rogaye

Taa ku garo, geddoon aaqirseben, gebidhaclayntiisa.

 

Afartaas guddoontaye mid kale, aan ku garansiiyo

Gugumaha abeesada gigiman, goodka ka eryoodey

Amuurkaan gaboodaya masxoor, ganaya waabaayo

Suuxaanyada ilkaha gororisaye, goodadda maagtay

Abriskaan galaalane gasada, garadaxduu diiddey

Yaxaaskaan galgalateynayee, saynta godanaaya

Bulacaan gafuur laacayee, goowska kaga taagan

Jilbiskaan gabbanaye cidlada, garangar duudduuban

Geel-ururujeeyahan gefyada, ugu garaardaayey

Siilaanyada gargoorkii hantiday, halaq gamaareyda

Waa adduun geddii lagu ogaa, guudka loo rogaye

Taa ku garo, geddoon aaqirseben, gebidhaclayntiisa.

Afartaas guddoontaye mid kale, aan ku garansiiyo

Gorgorkiyo galayrkaan tukuhu, mici gujeeynaayo

Gudurigaan galaayuusayee, habisku guulguuley

Baqalyada gafleeysee jirrida, aayda kaga giigtay

Guumeeyska iyo xiitadaan, ga’masan fiidcawlka

Qoolleyda guuraha mirtaye, digasho goohaysa

Gorayadan cayaartii gableey, gaafka imaanweysey

Galawgaan ku goobeynayee, guuxo tumanaaya

Waa adduun geddii lagu ogaa, guudka loo rogaye

Taa ku garo, geddoon aaqirseben, gebidhaclayntiisa.

Afartaas guddoontaye mid kale, aan ku garansiiyo

Wiyishaan bakaylaha gefrani, geed walba u diidey

Gaaddaweynta jeertee ka biqi, guunka dabagaalle

Maroodigan galliin cabanayee, gacanka laaladshey

Dhidirkaan golxada tooxayee, caro guhaadaaya

Waa adduun geddii lagu ogaa, guudka loo rogaye

Taa ku garo, geddoon aaqirseben, gebidhaclayntiisa.

 

Afartaas guddoontaye mid kale, aan ku garansiiyo

Gerigaan gandood hoganayee, goodirku hujuumey

Gaashaanlaha biciidkee atoor, geeska ugu faanay

Cawshaan baqada goojisaye, guunyadu eryeyso

Golcastaan gumaadfali ugaar, garabyaweynteeda

Waa adduun geddii lagu ogaa, guudka loo rogaye

Taa ku garo, geddoon aaqirseben, gebidhaclayntiisa.

Afartaas ga’dii ararta iyo, gogoldhig miisaan dheh

Tusaalooyin goosgoosa iyo, guuxi maansada dheh

Guulaamo ay wadato iyo, galangal suugaan dheh

Murti igu garoorton godladey, gayr anoo qaba dheh

Goolgooladkeygiyo GODGODAN, gumacyadeedi dheh

Godol kale, gufaacada labaad, gababacdeedii dheh.

Hal’abuur hadddii loo guntado, gole ka fuulkiisa

Gibbaanadiyo baydgaabku waa, kaa dilaan gabaye

Gurbood garab aleelihina waa, eray gandoobaaye

Nimaan luuqda garanayna waa, gaandhacaa hadale

Gudublool intaan kala gurguray, weedha gucunkeeda

Ma gardaadshey hawraar girgiran, gararna mow yelay

Afar kelena aan goonibaar, garangarshee hooya.

Gaaddiilahaygiyo gabagan, gaylab dhabadkiisa

Galka hogatusaalaha murtida, gadawyalaabkeeda

Gembisada ku gaadaansi xiran, dhirirna gaashaaman

Ha gensado gulaan doobbagoray, saan u giijiyaye

Aan goldooxo goolaaftan kale, gumarna ood jiido.

 

Maansada adoo gun iyo baar, samo garaabaaya

Haddii aad gabyaayow sarbeeb, saarto gibilkeeda

Macnaheeda gaarkaa halkuu, dhibic gantaalaayo

Gurdanraac xumaan gaalanbaa, kaa gidaadiya’e

Waxse ay gorgoriyaani waa, faallo guudmarane

Bal haddaba anoo guuclihiyo, uur gergereyaasha

Iyo kuwa gunuunuca badane, geddiya suugaanta

Halka ay ka soo gaambiyaan, wada gufeeynaaya

Waxan uga golleyahay murtida, balaan galaalxooro.

 

Wanaaggaan gawaxayee xumahu, gooba gelinaayo

Gardarrada garbaha nuuxisaye, samida gaameeshay

Dulqaadkaan gayaca yuuraree, kibirku gaaddeeyey

Samirkiyo garaawshaha naxligu, gebengebeynaayo

Daacaddaan garwaaxeedsataye, dhagartu geeseyso

Xushmaddaan gariirtiyo damaca, geedo sare waabtay

Gacaltooyadaan baaqatiyo, gocoshadaan baahdey

Cadligaan galbaday iyo dulmiga, soo guryaha laabtay

Colaaddaan garaaraha ruxiyo, nabaddan guulawdey

Heshiiskaan la gardaduubaye, nacabku goofaarshey

Shakigaan guntiga dhuuqsadiyo, aaminka gedoodey

Goblan tala adduunyada gigtiri, ee garraar furatay

Iyo hawlahaan wada gurrucan, ee golbada yeeshay

Waa gedo la yaabliyo middaan, aragnay goortaane

Waana gabagu tuu gaar ahaan, gooni dhabayaaye

Gundhiggiyo ujeeddada ku xira, gobodu waa taase

Afar kale giraan taa ka culus, hooya galawdeeda.

Runta godashay, ee been gurani, ibo garaacayso

Hubaashaan gardhalatee maladu, gimisha saareyso

Xaqiiqada gondaha laabatiyo, ii dhehdaan guluftey

Xogta gaylabeysiyo dhabtaan, gaaha lagu daahey

Geesaaska baxayiyo rajadan, sii guntima roortay

Saadaasha wada gaagaxdiyo, murugta gowriirta

Waa gedo la yaabliyo middaan, aragnay goortaane

Waana gabagu tuu gaar ahaan, gooni dhabayaaye

Gundhiggiyo ujeeddada ku xira, gobodu waa taase

Afar kale giraan taa ka culus, hooya galawdeeda.

Gartaan odayadeedii dhammaan, laga gayeysiiyey

Gabannadaan ku googgaatamee, gebiga dheer saara

Xaajadaan raggii gaadan jirey, gaarka laga soocay

Gamboorrada guraabaasayee, gorayahoosaadshey

Guddigaan duqow guudcaddiyo, guurti laga reebay

Guumisyadan guddoominahaye, ceebta ka la goosta

Xeerbeegta goobaha shirkii, gole imaanweysey

Iyo gocorradaan geedfadhiga, ganafka taagaaya

Indheergaradka aan gelin tashiye, jiifa gurigiisa

Iyo aragti gaabkaan ra’yiga, hadda gorfeeynaaya

Waa gedo la yaabliyo middaan, aragnay goortaane

Waana gabagu tuu gaar ahaan, gooni dhabayaaye

Gundhiggiyo ujeeddada ku xira, gobodu waa taase

Afar kale giraan taa ka culus, hooya galawdeeda.

 

Gogoshaan aqoonyahanka guud, gebigi loo diidey

Jaahillada gebranayee hungada, gacantogleynaaya

Codkarkaan caqligu gaamuree, garasha doodaaya

Afgaroocan googgo’a baxshee, guusha ku horqaata

Wacyigaan galiilyoonayee, godob ka soo daaley

Gabgablaha gelgelintii darraad, dib ugu geeddeeya

Gubatada baxaysee goshaas, galangalcayneeysa

Gurya midiglahaan hurinayee, gaararka u faafsha

Nabsigaan guclaha roorayee, soo xargaha goostay

Dadkaan uu galaaftaye mar kale, wada gaggaamaaya

Waa gedo la yaabliyo middaan, aragnay goortaane

Waana gabagu tuu gaar ahaan, gooni dhabayaaye

Gundhiggiyo ujeeddada ku xira, gobodu waa taase

Afar kale giraan taa ka culus, hooya galawdeeda.

 

Gobannimo waddanigaan rabee, gaylan diriraaya

Gunnimada kuwaan qaayibee, gaadda la hortaagan

Gashigii maqnaa geesigaan, guraya raadkiisa

Doqontaan gumeysigu watee, gaysa xugihiisa

Xornimada go’doontaye sidaas, loogu gododoobey

Gurmadkana dadkii bixinlahaa, lagu gabraaraayo

Geyigaan ka gees iyo ka gees, gabawermee hoogey

Geerigo’anka duulkaan ka dhigay, iyo gabaahiirta

Misna cadaw u googgooynayee, gabaxtan boobaaya

Gollomada dadkaan uga jiree, gadaya beentooda

Oo dhaliisha ay galabsadeen, gibilka saaraaya

Waa gedo la yaabliyo middaan, aragnay goortaane

Waana gabagu tuu gaar ahaan, gooni dhabayaaye

Gundhiggiyo ujeeddada ku xira, gobodu waa taase

Afar kale giraan taa ka culus, hooya galawdeeda.

 

Waxba gabagu yuu i la gudbine, waxan ku soo gooyey

Guugguulayaashaan hagane, xilalka gaafeysta

Ee hawl middii loo gelbiyo, gudan aqoon waaya

Waxaa gacalayaal goor walbaba, soo gadaalceliya

Ama u ah gabbaad iyo dhufeys, gowsa bahalleeyda

Ama goosatada waayabadan, loo gagabin waayey

Waa gacan shisheeyiyo qabiil, loo gurbaan tumaye

Iyo gurubsi dheefeed caqliga, lagu go’aanshaaye

Waxa gaarhayeen daafacana, maahan gabalkeene

Waa arrin geyaan saan u nahay, aan gudboonahaye.

 

Hayeshee haddaan soo geddiyo, galalka taariiqda

Ama aan gujiyo dhaqamadii, layska garabdhaafay

Ama sifo dad gudan lagu yiqiin, idin garwaaqsiiyo

Ama aan gagciyo xeerarkaan, oday ka soo gaarey

Ummaddii xishood giiratee, ceeb ka godaneeysa

Ama sharaf gadaal dhowratee, hadaf gobaadeedle

Gu’yaal iyo gu’yaal badan haddii, gaajo ku abaaddo

Amey goomanaadaan muddee, qaar u go’o baahi

Magacooda guunkaa anfaco, lagu garaafeeyo

Iyo gumuro lagu baayacaa, gaabinta hankooda

Kuley xabag garawdiyo cunaan, garas caleentiisa

Gabadano u may qaadan jirin, gunnuda quureede

Dadkaan geeridii dili lahayd, nolol ka goobaaya

Waa gedo la yaabliyo middaan, aragnay goortaane

Ka gilgilo garaad kii lahoow, waan gunaanadaye.

Dhammaad.

September, 2018

Curiye: Abwaan Maxamad Xuseen Faarax

SHEEKOOYIN