Gabadha noloshayda badashay! W/Q: Mohamed Musa Shiikh Noor

Nor1

Gabadha noloshayda badashay!

Waxaan ahaa gabar yar oo waddada laga soo helay,  nasiib  wanaag cidda isoo heshay waxay ahaayeen cid aad u ladan oo ka koobnayd Aabe iyo Hooyo aan lahayn wax caruur ah, magacayga waa Najma, runta haddan idiin sheego idinma dhihi karo reer hebel ayaan ahay ama waalidkey ayaa sidaa iyo sidaa ah, balse, waxa aan hubo ayaa ah in aan Soomaali ahay Muslimna kasii ahay, oo Paasaboorka ii go’an uu yahay mid muslim.

Taariikhda noloshayda ma ahan Xikmadda aan Maxamed Musa sh Noor sheekadan ugusoo dhiibay, ee waxay ku saabsantahay gabadhayda yare ee Istar lagu magacaabo, qofka marka nolola ahaan ay dadku arkaan qaabkiisa iyo sida uu u noolyahay, isla markiiba waxaa u caada ah in ay ku dag dagaan kuna tilmaamaan astaan uusan runtii lahayn, waxaasa dhihi lahaa hala raaco maah maahda soomalida ee ah, “barasho horteed ha I nicin”.

Aan kasii tilmaan qaato, maah maahda ah, barasha horteed ha I nicin, waxaa laga yaabaa marka aad qoraalkan aragtaan, in aad igu xukmisaan mid ka mid ah, dhalinta maanta dunidan ku nool, taas oo aan runtii idinka dhihi lahaa, ka jooga oo sidaa wax ha u tilmaamina, Maama Najmo ayaan ahay, ku nool Dalka Swedan, waxaana ahay dhalinta gabalkoodu dhacay waa hore!

Sida aan idiin sheegayba waxaa isoo korsaday labadaas waalid, ee dhib la’aanta I dhalay, ee dhibka baaxadda leh hadana igasoo maray,Hooyada Isoo korsatay waxay geeriyootay marka aan jiray Sideed Sano, waxaana dhacday in uu Aabe isoo kafaalo qaado kaas oo runtii dhib badan igasoo maray.

Waxaan ahaa qof iska xir xiran, oo mar walba dhaawac Qalbi oo ku saabsan Waalidiinta Asalka ii ah tabaya, waxaana taa iisi dheerayd in sirta noloshayda aysan ahayn, mid ku qarsan qoyskayga, oo la iga wada ogaa xaafadda aan ku noolaa, taas oo iyana saamayn balaaran runtii igu lahayd, dhaawacyada I hayanana danqashadooda qayb balaaran ku lahayd.

Nasiib daro markii aan soo hana qaaday, la igana doonayay in aan si dhab ah u wajaho dunida la iisoo diyaarshay, ayaan ka weecday waddadii la iigu tala galay, aniga oo ka mid noqday Dadka mukhaadaraadka u saaxiibka ah, taa oo kaliftay runtii aabihii noloshayda ku haray in uu I deersho, kadib markii uu ii caal waayay.

Waxay ahayd qalad ka mid ah qaladdaadka noloshayda, ee aan waligey hilmaamayn, aniga oo u abaal gudin labada Dariiqa igasoo qaaday, ee maalkooda, xoogooda, iyo waqtigoodaba igu beelay, in aniga oo waddo qaldan ku sugan, ayagana aanan u abaal gudin, ay dunidan ka haajiraan, waasa qaddar Eebe  cid lagu eedaya aysan jirin.

Nolosha sideedaba waa iska cashar, maalin walba dhinac kaaga yimaada, oo isaga uun iskaa bara macalin la’aan, lana doonayo in aad wax ka barato, haddi aadan sidaa u qaadana, ciqaab adag aad ku mutaysan karto maalmaha kale ee noloshaada ah.

Waxaa noqday qof qabatintay Mukhaadaraadka, wax walba oo xunna samaysay, dhilaysatay, khaadka cuntay, khamriga cabtay, Xashiishad dhuuqday, Sigaar cabtay, isku durta Cirbadaha Daroogada nuuc walba oo xun, nolosha waxaan ka galay meel walba oo xun  runtii, mana aqaan oo ma fasiro karo maanta haddi wax su’aal ah la iga waydiiyo sababta igu kaliftay? waxaan dhihi karaa uun, way ahayd in aan sidaa noqdo!

Dib bal u milicso noloshayda halka ay kaso bilaabtay, halka ay soo martay koriimadayda, iyo halka ay taagantahay maanta, oo la iga doonayay in aan noqdo hooyo marwo ah , bar baarisana nolosha Ubad ay iyada leedahay.

Igumasoo dhicin marna in aan guursado noloshayda, waxaana aaminsanaa in aananba u baahnayn Nin, maadaama ninka aan rabo heli karo, saacada aan rabana la seexan karo, Caddaan iyo Madow.

Waxay ahayd subaxnimo Jimco ah, magaalada waa Kismaayo, waxaan kasoo baxay club markaa aan kulasoo caweeyay qolooyin Talyaani ah, waddada aniga oo kusoo jira ayaa waxaan damcay in aan xaajaysto, mugdi badan oo magaalada ahna wuu jiray, waxaana damcay in aan meel mugdi ahayd, oo geedo badan inta galo kusoo xaaja guto.

Waxaa dhacday markii aan xaajada gutay aniga oo is leh, bal meelaha wax aad iskaga nadiifiso ka raad raadso, ayay gacantayda qabatay Maro, markaas ayaan is iri, bal soo jiid ee ku xaaja gudo, hadana waxaan dareemay in marada ay aad u culustahay, oo sii jiiditaankeeda igu adagyahay, soo dhifo ayaan maagay, mise waxaa ka dhex qeelshay Cunug yar  oo Qurux badan! isla markiiba waa naxay, oo waxaan is iri maxay ahaayeen waxa Dadka u eg, hadana waan is dajiyay, waxaan damcay in aan ku ifiyo toosh aan markaa watay, mise waaba Cunug yar oo Cad oo qurux badan, aadna markaa u oynayay.

Waxaa is badalay isla markiiba dareekayga nolosha, waana gartay in Najma ahaan markan ay wax badan iska key badali doonaan, waxaan goostay in aan qaato cunuga, waxaana u qaatay guri aan ka daganaa magaalada.

Waligey ilmo ma barbarian, balse waxaa igu jiray dareen ah in cunugan uu sidayda oo kale nolol ugu baahnaa, isla markaana sida la ii kafaala qaaday uu doonayo in loo kafaalo qaado, Xaq badanna uu ugu dhiman yahay dunida, maadaama uu nolola ahaan ugasoo baxay meesha aan xaajo gudashada u galay.

Waxay ahayd gabar yar oo qurux badan, aadna markaa u baahnayd, xaqiiqda saxda ayaa ahayd, in isla habeenkiiba aan go’aansaday in Naaskayga aan siiyo, maadaama uusan caano lahayn, hadana Allah mahadii markii aan cabaar ku hayay ayayba iska huruday dhib la’aan, iyada oo aan wax caana ah ka helin, anigana sidaas ayaan ku seexday, markii aan subixii kasoo toosayna, waxaan arkay Naaskayga oo ay caana ka da’ ayaan, waan isla yaabay, hadana waxaan isku qaciyay in meeshan mucjiso ay ka jirto, lana doonayo in waajibka I saaran aan si wacan u guto.

Waxaan bilaabay shaqo, gabadhana waxaan u dhibtay cid markaa ila ahayd Daris fiican, oo runtii aad iisoo gacan qabtay,xam xamta xaafadda waxay ahayd in aan dhalay gabar wecel ah, oo aan aabo lahayn, balse, waxaan ku oran jiray dadka warkaas iisoo tabiya “waxay doonaana ha igu sheegeen dadka inta ay Istar yarey wax ka sheegi lahaayeen”

Istar dhab ahaan ayay noloshayda u badashay, waxaa ii furmay Albaabada Raxmadda Allah, waxaan ka caajisay acmaashii xumayd oo dhan, waxaan bilaabay in aan tukado salaadda, noqdana qof Allah ku xiran, waxaan  yeeshay dhaqaale, waxaan ku noolaa farxad runtii ay u riyaaqeen dadkii I yaqiin.

Balse, waxaa jiray hal arrin oo aan dhagahayga ka furaysan jiray, taas oo ahayd in aan wax ka sheego taariikhda gabadhan yar ee Istar ah, waxaana gartay intii ay sidayda oo kale dhalinta magaalada dhihi lahaayeen waa wax waddada lagasoo helay, in ay dhahaan ugu yaraan waa wecel, oo hooyadeed ayaa korsata, taas ayaan ka door biday, aniga oo isku maslaxeeya mar walba in dhabta nolosha aysan ahayn sida ay mar walba u muuqato, gudahana waan ka ogaa waxa aan ahay, iyo waxa ay gabadhayda istar tahay .

Istar waxay noqotay gabar aad u fir fircoon, oo ku wanaagsan xag Diin iyo xag dhaqanba, Nasiib wanaag markii ay soo hana qaaday, ma qaadin waddadii aan ka cabsoonayay ee aan horey u qaaday, maadaama qaabka nolosha iyo taariikh ahaanba aan xoogaa iska lahayn, ama iskaga ekayn, hadana, waxay ahayd mahadda Allah in istar wadda fiican ay ii qaaday.

Nimcada Eebe iigu tala galay way iskasoo daba dhacaysay mar walba marka ka dambaysa, mar walbna farxaddayda waxay ahayd mid sii siyaadaysa, wuxuu allah igu manaystay nin wanaagsan oo wadaad ah, iyo laba wiil oo kale oo la kala dhaho khadar iyo khaalid.

Nimco wax barashada markii ay dhamaysay, waxay nasiib u yeelatay in ay hesho Deeq wax barasho, oo uu igu sharfay Nin Talyaani ahaa, oo waagii dhalinyarada aan ahaa aad iigu naxariisan jiray, waxaana gartay in deeqdaas ay ka faa’idaysato gabadhayda Istar.

Istar sidii loogu tala galay ayay uga faa’iidaysatay nolosheeda, waxayna noqotay Dhaqtarad xagga qaliinka gudaha ku takhasuustay, waxayna markii dambe sababtay in aan usoo wada guurno aniga iyo ilmahayga Dalka ay ku noolayd ee Talyaaniga.

Istar hadda waa guursatay waxayna leedahay qoyskeeda,  waana midda aan ugu jeclahay ilmahayga inta ay ii qabatayna ma jirto cid ii qabatay, waana nimco Eebe runtii

Istar waxay sabab u noqotay in aan kasoo baxo mugdigii nolosha aan ku jiray!

Waxay kaloo sabab u noqotay in aan dib u helo shaqsiyaddayda!

Waxay kaloo sabab u noqotay in aan noqdo hooyo sharfan!

Waxay sabab u noqotay in aan noqdo xaajiyad soo booqatay Xarmka Allah!

Waxay gabi ahaanba dhan walba u badashay noloshayda!

 

W/Q: Mohamed Musa Shiikh Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com  

SHEEKOOYIN