Hammi caashaq iyo hunga been ah Q27AAD W/Q: Cabdisalaan Macalin Xirsi

Hammi caashaq iyo hunga been ah Q27aad.

Subaxyadii ayaa is daba galay, galbihiina waa isku gacan haatiyeen isna sagootiyiin, waa subax dhaliilo Nasrana waxa ay garab fadhidaa xaliimo, waana wada sheekaysanayaan, waxa ayna Nasro xaliimo waydiinaysaa in ay is maqleen Nuur, maadaama ay dhowr  isbuuc ka soo wareegtay safarkiisa,  ayadana uusan la soo hadlin,  Nasro aad bay Nuur uga fikiraysay intii uu ka maqnayba,  waxa ay aad ula yaabtay sababta keentay in uu lasoo xariiri waayo.

Xaliimo oo qoslaysa ayaa tiri: Nasro horta halkeed Nuur isku barateen?

Nasro: Walaalo waxaan isku baranay baraha  bulshadu kuwada xidhiidho, gaar ahaan faysbuug(facebook).

Xaliimo: aqoon intee Le’ eg baad u leedahay?

Nasro: Aqoon sidaa u ballaaran uma lihi, waxa uu ii sheegay in uu yahay nin ganacsade ah, oo xoolo rabbi ku manaystay, sidoo kale waxa uu ii sheegay, in uu waddankaan()Kenya) ku dhashay, tan kale  waa wiil dhaqan wanaagsan, jaceyl farabadana ii qabay, in badana in aan is aragno waan ku hammi jiray intaanan halkaan ugu iman, waan ku raystay intii aan la joogay waxaan ka helay dhaqankiisa faraxad fara badana waa uu isiiyay, ee adigu bal haddii aad iiga aqoon roon tahay wax ii sheeg?

Xaliimo: Walaal horta waxaan rabaa in aan runta kaaga sheego ninkaan Nuur ah, waxaad  tahay gabar walaashay ah, weliba isku magaalo ayaan labadeenu ka nimid, haddii aan hoos isku sii warraysanana waxaa laga yaabaa in aan qaraabo noqono, taasise muhiim iima ahan,  walaal Nuur waxa uu ka yimid ama ku dhashay, magaalada Jigjiga qayb reerkooda ka mid ahna waa reer Hargaysa magaalada  aad adiguba ka timid, aniga iyo asagu waxaan isku fahanaa in aan ka soo wada jeedno hal magaalo.

Nasraay haddaan runta kuu taabto Nuur ganacsade ma ahan, haddana ganacsi kuma maqna ee magaalada ayuu dhinac ka joogaa, shalay galab kolkaan suuqa aaday xitaa waan is aragnay, imana kaa waydiin, ma ahan nin reer yeelan kara, ma ahan nin adi ku dhaqi  kara, waa nin ay waa hore reerkiisii kala irdhoobeen, kalana tageen waa hore.

 Nuur magalaadaan  waxba kama ahan adna wax kaagama qaban karo, waan hubaa waa uu ku soo lugooyay, ma tihid gabdhii ugu horraysay ee uu lugooyo, gabdho badan ayuu hallaagay, beena u sheegay, aniga waxa uu iga codsaday in aan magaalada ku fahamsiiyo bisha kowaadna aad qolka ila deganaantid, kaddibna aad shaqaysatid, ana aan kaa caawiyo sidaad magaalada u geli lahayd, waad aragtaa anagu sidaan u nool nahay, magaaladaan hooyo iyo aabbe midkoodna  nooma joogo, annaga ayaa magaalka ka qaraabana, nimankaas guriga usoo qayil tegayaa ayaan waxay haystaan la cunaa, habeennada qaarna maggaalka ayaan ku dhaxnaa sida aad aragtayba, oo aan waxaan cuno kasoo raadsanaa, adna wax kaaga keenaa, Xaliimo oo hadalka aan dhammayn ayay Nasro ka daftay oo tiri: Xaliimow oo ma waxaad i leedahay Nuur magaalada ayuu joogaa, oo safar ma aadin, ma waxaad i leedahay Nuur ganacsade ma ahan ee waa darbi jiif ma waxaad i leedahay, Nuur nin dumar dhaqda ma ahane waa baylihye, alla ba,ayay, anaa hoogay, xaliimow tan oo kale in ay I qabsanayso wiligay kuma fikirin, waxa ayna bilowday in ay ooydo.

Xaliimo ayaa isku dayday in ay aamusiiso, waase ka diiday, waxaa u timid, Fartuun oo qolka ku xiga ka soo kacday, hadalna uga bilow naagtu maxay la suuroonaysaa, ooyinteedu cid ay dhibayso miyaa jirta? xaaliimow waa kuu sheegay in badan gabadhaani waa nagu dulsaar, waxna nooma qabato, maanta laga bilaabo, waa iney, wax qabsataa, haddii kale bannaanka ayaan u saari doonaa, mar danbana yaanan maqlin ooyinteeda,  tan kale maxay hurdada nooga kicinaysa ma anaga ayaa gurigeedii ka keenay, naayaa iga aamus aan kaa seexda e.

Maxaa ka xanuun badan kolka ooyintaada lagu wiirsado, dareenkaagu siduu noqon lahaa, adoo ooyaay haddii ay dhegtaadu maqli lahayd ereyo nuucaas ah, ma aamusi lahayd, maba amusi kartid, Nasro ooyinteedii ayay iska wadatay, ilaa Fartuun soo noqotay oo kob afka kaga dhufatay, Xaliimana kama qabana waxa ay ku tiri: fartuuney naga aamusi, waa tu beer jilcane, runtii ayayba ka oynaysaaye ka warran.

Nasro waxa ay maagtay iska qabo, balse waa cabsatay, sababtoo ah fartuun ayay  horay u aragtay ayada oo gabdho deriska ah la dagaalamaysa, marka in ay dagaal gasho waa ka baaqsatay.

Adduunyo weji xun maalinba waji ayay noolaha ku qaabishaa, Nasro oo boqorad guri ka ahayd maanta kobaa afka lagala dhacay, cid u garaabtana ma leh, ileyn marbay dantu kuu run dheegtaa?

Nasro waaa aragtay in aysan meeshaan naxariisu ool, ooyinteedu cid ay dhibaysana  in aysan hareeraheeda joogin ayay ogaatay,  waxa ayna ku jeestay xaliimo kuna tiri: Maalintii uu Nuur ii kaa keenay, maxaad warkaan igu sheegi wayday?

Xaliimo: Dee  nin iyo naagtiis is wata, maxaa i dhex gelinaaya, maxaadse ka qaadi lahayd?

Nasro: Walaal hadda ninka ma I tusi kartaa?

Xaliimo: Kuma tusi karo, taasina  shaqadayda ma aha nee maxaad u haysaa ninka?

Nasro: Walaal ninka uurbaan u leeyahay waana ninkaygii ee halkuu joogo igu hagaaji.

La soco qaybaha kale

W/Q: Cabdisalaan Macalin Xirsi

SHEEKOOYIN