XAAWO; MA FEERTA AADAM AYAA LAGA ABUURAY?! W/Q: Abdullahi M. Hussein

XAAWO; MA FEERTA AADAM AYAA LAGA ABUURAY?!

Shaki kuma jiro in dadku badankoodu aaminsan yihiin in Abooto xaawo cs laga abuuray feerta Abkoo Aadam cs.
Waxayna arintaas u haystaan mid khilaaf ka nabad gashay,tiiyoo aysan arintu sidaas ahayn kolka loo yimaado gorfaynta masalada iyo garnaqsiga cilmiga.

In kasta oo culimada muslimka badanood aaminsan yihiin ama ay dood cilmiyeedkoodu ku arooriyeen faham tilmaamaya in xaawo laga abuuray feerta aadam misana waxaa jira culimo kale oo waaweyn oo ku diidan arintaas iyada oo labada garab ee culimada uu mid la arkaba daliilo diini ah ah ku xoojinayo aragtidiisa ku aadan arintaas.

Jamhuurta culimada ee qabta in Xaawo laga abuuray feerta Adam waxyaalaha ay u cuskadeen fahamkooda sidaasa waxaa ka mid ah.
Qowlka Alle ee oranaya.
﴿ يَا أَيُّهَا النَّاسُ اتَّقُوا رَبَّكُمُ الَّذِي خَلَقَكُمْ مِنْ نَفْسٍ وَاحِدَةٍ وَخَلَقَ مِنْهَا زَوْجَهَا
“Dadyahow ka dhowrsada rabigiin,kaasoo idinka abuuray naf kaliya oo isla naftaas xageedana ka abuuray xilahiisa”.

Waxay kale oo dalishadaan qowlka Alle ee oranaya:-
هُوَ الَّذِي خَلَقَكُمْ مِنْ نَفْسٍ وَاحِدَةٍ وَجَعَلَ مِنْهَا زَوْجَهَا لِيَسْكُنَ إِلَيْهَا ﴾ [الأعراف: 189].
“Alle waa midka idinka abuuray nafsad kaliya oo nafsadaana xageeda ka yeelay xilaheeda si uu ugu xasilo”.

Waxay kaloo daliishadaan daliilo xagga axaadiista ah oo uu xagga sanadka ugu cadcad yahay midkan ay isku waafaqeen imaamyada bukhaari iyo muslim.

“وعن أبي هريرة رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: ((استوصوا بالنساء؛ فإن المرأة خُلقت من ضِلَع، وإن أعوج شيء في الضلع أعلاه، فإن ذهبتَ تُقيمه كسرتَه، وإن تركته لم يزل أعوج، فاستوصوا بالنساء))متفق عليه.
“Rasuulka scw wuxuu yiri:-haweenka isugu dardaarma khayr waayo waxaa laga abuuray feer oo halka ay feerta ugu qallooc badan tahay waa dhankeeda sare oo haddii aad toosi is tiraana waad jabinaysaa oo hadii aad iska daysana way uun qalloocnaan waligeed”.

Culimada ra’yigaa khilaafsan waxay yiraahdeen Xaawo waxaa laga abuuray wixii laga abuuray Aadam cs Oo isku meel uun baa dhoobadooda laga qaaday,ee ma jirto wax cadeynaya in feertii aadam laga abuuray,daliilada quraankana waxay oga jawaabeen ooy yiraahdeen aayadaha arintaa laga fahmay kuma cadda feer ee bal waxaa ku cad in isku meel ay ka soo jeedaan Aadan iyo xaawo.
Waxay kale oo yiraahdeen:-
وخلق الله من جنس آدم حواء عليها السلام، فــ (مِن) ليست للتبعيض، بل لبيان أن الله خلَق حواء من جنس آدم.
“Erega MIN kii tabciidiyada ahaa ee qaybta tilmaamayay looma jeedo ee waxaa loo jeedaa MINta bayaamiyada ah oo kolkaa ka dhigaysa in xaawo laga abuuray isla jinsiga Aadam laga abuuray.

Xadiiska bukhaari iyo muslim ay warinayaan ee sheegaya in haweenka feer laga abuuray waxa ay ka yiraahdeen:-marka hore xadiisku haween oo dhan ayuu isku qabtay ee xaawo gaar uma sheegin,lafdigana kuma cadda feerta aadam,tiiyoo la og yahay in haweenka kale ay ku dhashaan sida raggaba ay ku dhashaan ee aysan jirin feer inta riximka lala galiyo laga abuuray.
Ujeedada waxa ay ku sheegeen inay tahay in haweenka intooda badan sidoodaba lagu dabeeceeyay qallooc la mid ah midkaa feerta oo ay ka caadifad badan yihiin ragga,caadifadaasna ay marar badan ku keento is rogrog iyo caro dhow oo ay fulin degdeg ah la socoto.

Sheekh Albaani oo ka mid ah culimada sida weyn oga soo horjeedda fikirka ah in Xaawo laga abuuray feerta Aadam wuxuu arintan ka yiri:-
وقال الألباني: “قال الشيخ القاري في “شرح المشكاة” (3/ 460): أي خُلقن خلقًا فيه اعوجاج، فكأنهن خُلقن من الأضلاع، وهو عظم معوجٌّ، واستعير للمعوجِّ صورةٌ أو معنى، ونظيره في قوله تعالى: ﴿ خُلِقَ الْإِنْسَانُ مِنْ عَجَلٍ ﴾ [الأنبياء: 37].
“Albaani wuxuu yiri haweenka waxaa lagu abuuray qallooc la mid ah midka feerta ee iyagii baa feer laga abuuray maaha,arintana waa sarbeeb oo waxay la mid tahay qowlkii Alle ee Ahaa.
‎خُلِقَ الْإِنْسَانُ مِنْ عَجَلٍ ﴾ [الأنبياء: 37].”
“Insaanka waxaa laga abuuray degdeg”
Tiiyoo aysan jirin maaddo la taaban karo oo Deg-deg la yiraahdo oo bani aadamka laga abuuray ee ay ujeedada loo jeedaa ay tahay dabeecadda.

Waxay kale oo ay caddeeyeen culimada ka soo horjeeda in xaawo laga abuuray feerta aadam cs axaadiis badan oo si toos ah u tilmaaya in ay arintu matal tahay oo aysan xaqiiqo ahayn,axaadiistaas oo warkooda u dhigaya xaawo ama haweenka sidoodaba waxaa lagu abuuray qallooc dabiiciyan ah oo la mid ah sida feerta oo kale.

أنه جاء الحديث بصيغة التشبيه في رواية عن أبي هريرة؛ بلفظ: ((إن المرأة كالضِّلع…))؛ أخرجه البخاري (5184)، ومسلم (4/ 178)، وأحمد (2/ 428 و 449 و 530) وغيرهم من طرقٍ عن أبي هريرة، وصححه ابن حبان 6/ 189/ 4168 – الإحسان)، وأحمد أيضًا (5 / 164 و6/ 279)، وغيره من حديث أبي ذر، وحديث عائشة رضي الله عنهم”[5].

Culimada iyo mufasiriinta qabta rayiga ka duwan kan jamhuurta ee timaamaya inaan xaawo feerta aadan laga abuurin waxaa ka mid ah kuwa hoos ku xusan oo iyaga iyo meelaha ay fikirkoodaas ku bayaamiyeenba referensiyada hoose laga tix raaci karo.

أبي السعود، والقاسمي، ومحمد رشيد رضا؛ يُنظر: تفسير أبي السعود (3/ 303)، تفسير القاسمي (5/ 234)، تفسير المنار (9/ 432)، سلسلة الأحاديث الضعيفة والموضوعة؛ للألباني.

Isku soo wada duuboo danta uu darsigan daaran yahay ayaa ahaa in wax uun laga iftiinsho sida masalada abuurka abooto Xaawo u yahay mid khilaaf ka jiro oo ay culimada diinta meelo kala duwan ka istaageen.

Waxaana diyaarinta darsigan igu xambaaray kolkaan arkay doodo soomaalida dhexdeeda ku dhexmarayay baraha bulshada oo ku aadan abuurka Aadam iyo abuurista Xaawo ee feerta aadam.

Ugu dambeyntii Waxaa xusid mudan in Aadane iimaan leh uu mar kasta qirayo awoodda Allaha weyn ee aysan jirin wax ku adag oo wax kasta oo uu doono uu siduu doono u abuuri karo wuxii uu doonana uu sida uu rabo u agaasimi karo, waadna mahadsan tihiin.

W/Q:Abdullahi M. Hussein

SHEEKOOYIN