Qowsaarkii is dhagatiray! W/Q: Saciid Muuse Axmad(Ustaadka)

lol

Qowsaarkii is dhagatiray!

Waxuu ahaa qowsaar ujuuro ugu raaca xoolaha dad kale, Waxuu usha u goostay sidii uu ku dhisan lahaa mustaqbalkiisa ugana bixi lahaa waxla’aanta. qowsaarnimadu waa shaqa adag oo mas’uuliyadeeda leh, Sidaasi daraadeed ayuu Geedi go’aansaday inuu la yimaado dulqaad iyo sabar aanay cid bini-aadan ah sameyn karin, Taasoo u is tusiyay inuu kaga talaabi karo xeydaabka adag oo eey nolosha u dhigtay(Struggle of life) Waana inuu ficil la yimaado si uu howshiisa u sii wato, Waxaa lagula heshiiyay in sanadkiiba la siinayo hal Neef oo lo ah, iyo hal mar oo la arad bixiyo. Waxuuna illaalinayaa tiro lo ah oo aan ka yareyn 80 neef, Oo la rabo in uu baahi, Baadi iyo bahalba ka ilaaliyo, Subixi asaga ayaa u hortooso dadka, sidoo kale habeenki asaga ayaa u danbeeyo ruux seexdo, Haddaba Geedi waxaa ka go’an ama eey riyadiisu tahay, inuu maalin uun noqdo milkiilaha 80 kaa neef, oo uu raacayo oo kale, Waxuu is tusiyay inuu mustaqbalkiisa faraqiisa ku jiro, Markiiba horeba waa ka go’neyd oo heshiiskii 1aad iyo barashadii waxaa Geedi lagu bartay inuu yahay nin dhagool ah walow uusan dhagool ahayn, Haddana isaga ayaa goostay inuu dhagool iska dhigo si uu ugu dulqaato caayda, xaqirida iyo canaanta kulul ee kaga iman karto Milkiilaha xoolaha, Walow markii hore laga biya diiday dhagoolnimadiisa haddana waxaa lagu heshiiyay in la tijaabiyo dhowr bilood. bii’ada iyo dagaanka ayaa iyaguna ah kuwa halistooda leh, oo duunya raacyadda waa kuwa xafiiltan iyo xin joogto ah ku hayo dhagoolka, oo eey ku dhaliilaan inuu ka soo jeedo qoys aan la garaneynin, iyo qolo meel fog dagto, laakiin Geedi oo ah nin karti badan yaraantiisina xoolo raac ahaa, khibradna u leh nolsha adag, ayaa ah mid ishiisu muddac karin, oo har iyo habeen u soo taagan siduu isaga yureyn lahaa dhalinyarada bahalada ah sidaasi awgeed ayuu dhowrkii bilood oo ugu horeeyay waxuu la kulmay iska hor imaad iyo goobasho badan oo kaga timid ilmo-adeerta xoolaha kaltanka ku raacdo, Dhowr mar ayuu wax tooriyeeyay isagana la dhaawacay, laakiin waxaa hiil iyo hooba la garab istaagay ninki uu u shaqeynayay oo ahaa nin bulshadiisa magac ku leh, kaasoo eey daraadiis dad badan isku rasaaseeyeen. habeenkii markuu xoolaha soo hooyo, Waxaa la fiiriyaa sida uu u soo daajiyay, haddii eey xooluhu gaajo ama haraad ka muuqato “Dhagoolka maanta xoolaha meel fiican ma gaynin ayaa la isku tabiyaa” balo ku qaaday iyo habaar kalana waa loo raaciyaa, Cashadiiseey ka go’antahay ayeey tiraahdaa xaaska ninka xoolaha leh, oo habeenkaa dhagoolka waxaa la galiyaa, qarsiin qalooc, Maalintii uu soo dharjiyana sidaas oo kale ayaa loo dharjiyaa, iska soo duuboo, nolosha Geedi iyo Tan xoolaha uu ilaaliyo ayaa ah kuwa isku isku xiran. Geedi waxaa u go’ay sanadkii koowaad waxuuna helay neef lo’ah oo uu isgu leeyahay.

La soco qaybta labaad.

W/Q: Saciid Muuse Axmad(Ustaadka)

SHEEKOOYIN