XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor. Qaybtii 61aad 

XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Qaybtii 61aad

1-  Kitaabka noloshaada.
Khaladka waa hal bog oo ka mid ah noloshaada, noloshaadase waa kitaab buxa oo aqrintiisa ay waajib kugu tahay, inta badan ee aad aqrisaa  noloshaada waa inta badan ay garashadaadu siyaaddaa, sidaa darteed, khaladka aad gashid yuusan kaa hakin in aad aqrin waydo ilaa dhowr bog oo kitaabka noloshaada ah.
Mmusa

                                            2-Maraxalad walba macallinkeeda.
Maraxald walba macallinkeeda ayee leedahay, xaaladaha ubucdooda ama saldhigooda ayey mar walba ku xirantahay sida guul looga gaaro.
Marka aan sidas leeyahay guusha waxay kasoo askuntaa maskaxda guriga uu qofku ku nool yahay, guul marka la tirinayo aalaaba waxaa loo tirshaa Raga, waxaasa muhiim ah nin walba oo guulaysta ama gaara Han fiican, waa mid guri kasoo baxay,gurigaas uu kasoo baxayna laba dumar mid ayaa maamusha, in ay tahay hooyadiis iyo in ay tahay xaaskiisa, sidaas si la mid ah dumarka ayagana guulaysta waxaa ka dambeeya aabaheed ama Saygeeda (ninkeeda)
Marka ay is kaashadaan raga iyo dumarka waa marka ay guushooda muuqato, sidaa darteed, maadaama guusha magaceeda mar walba loo nisbeeyo ninka waxaan ku qaban lahaa in nin walba oo guulaysta ay guushiisa macalimadda ka dambayso ay tahay hooyadiis ama xaaskiisa mid uun.
Raga marka ay helaan talo iyo guubaabo wanaagsan iyo maskax dagan oo buuq ku furnayn waa markaas marka ay soo burqanayso guushiisa heerka la doonayana uu gaari karo, balse, nin lagu cunayo fadhiga gurigiisa iyo sariirtiisa goormuu fakari karaa, goormuuse guulaysan karaa ileen waa Nin mar walba Mixnad ay ku furantahee, Raga iyo dumarka guushooda waa is guubaabin iyo garab is taagid, haddii taas uu midkood waayana, labadoodaba wax ma noqdaan.
Mmusa

3-Saddex iga qaado.
Soomaalidu waa Dad Bulsho ah dhaqan ahaantooda, mar walba oo ay sheekeeysanayaan qofka aan aqoonta u lahayn hadalkooda wuxuu is dhahaa kuwan goormey isku bilaabi doonaan oo la kala qaban doonaa, ayaga oo hadalkooda ay xasiira ama xamaasad ka muuqato, iyada oo aad loo qaylinayo ayaa hal mar la wada qoslayaa, tilmaantaas aan bixinaya iyo goobtaas aan tilmaamaya ninka goob jooga ka ahaa ee ku sifaysan aniga ayuu ahaa.
Wuxuu ahaa nin caddaan ah, markii aan dhamaysanay hadalkeena oo kala tagi rabno ayaan si kadis ah ugu kulanay meel gacmaha lagu xalo ama micnaha lagu dhaqdo, markaas ayuu igu yiri ” niyahow waan arkayay marka aad murmayseen saaxiibkaa ee fadlan Saddex Arrin iga qaado.
Noloshu waa mid gaaban, mana mudna in lagu dhamaysto Muran iyo Dagaal, si taas aad uga  hortagtana saddexdan suubi.
Farxaddaada ha kuu xisaabsanaato.
Saaxiibkaaga dhabta ah ee aan muran iyo dagaal kula galina asxaabta kale ha kaaga doornaado/ kaaga dhawaado.
Muranka badan maskaxda ayuu mashquuliyaa, Nacayb ayuu abuuraa.
Madaxaaga kor ha ahaado mar walba, dhoola caddayntaadana hala socoto muuqaaga.
Aad ayaan ugu riyaaqay taladiisa, waxaana u sheegay in aan sheekeysanaynay saaxiibkey oo aysan muran ahayn waxa uu mooday, inta qoslay ayuu igu yiri anigana waxaan sugayay goorta aad isku qaadi doontaan oo la idin kala qaban doono, si kastaba ha ahaatee iga qaado taladaas, waa mahadsantahay ayaan ku iri waana ka guddoomay oraahdiisaas xikmadda badan
Mmusa

                                       3-Qurxdiisa Shan Sakan.
Waxaan ku aqiin xir xirnaan iyo murugo joogta ah oo mar walba wajigiisa ka muuqatay, waligey ma arkin isaga oo dhoola caddaynaya, mar walba wuu cabursanaa, xanaaqsanaa, tabashadiisu waa badnayd, wuxuu ahaa Nin dunidiisa aysan isku hagaagsanayn, waa sida aan is iri, mar walba oo aan arko, waxaan hoos ka dhahaa waxa u diiday dhoola caddaynta  ma ahan wax yar, culays badan ayaa saaran maskiinkan.
Waxaanu si lama filaan ah ugu kulanay meel la isku sawiro, waa markii iigu horeysay oo aan arkay isaga oo dhoola caddaynayo, quruxda ka muuqato waad yaabaysaa, waxaan niyadda iska iri, haddiiba shan sakan ama wax ka yar daqiiqad uu dhoola caddeynta sidan ugu qurux badanyahay, maxaa u diiday in uu dhoola caddeeyo mar walba si uu u qurux badnaado!!!!.
Mmusa

 4-Duni Dad wanaagsan.

Dunida dad wanaagsan iyo dad xunba waa ka buuxan, kuwa aad raadsatid ayey ku xiran tahay, haddii aadan midkood helina, adiga noqo midka aad doonto.
Mmusa

 

                                                  5-  U ooy!!!!

U ooy qof u qalma oohintaada
U qosol qofka kaa keensadaa
U mahad celi qofka kaa mudan.
Ixtiraam qof walba .
Cafi qof kasta.
U qushuuc Khaaliqa oo kaliya.
U hogo Alle oo kaliya.
U samir oo ku samir wax walba.
Hanashada naftaadana ka fakar.

 

6-Iska illow
Hadaad ku daashay hanashadiisa is baddal suubi oo tijaabi in aad iska illowdo, mararka qaar waxay ku haboontahay in aad iska illowdo waxa aad waqtiga badan galisay, balse sida aad rabtay aan ku socon .
Mmusa

 

                                                       7-Waxay tiri damac badan……

Waxay tiri “damac badan ayaan wali nolosha u hayaa, hadana markaa hoos u eego Da’dayda ayaan isku xishoodaa”
Anna waxaan ku iri “noloshaada sida aad jeceshahay ugu noolow, waxa aad jeceshahayna hano, iskana iloow da’daada, muhiimadda waa halka aad gaari karto iyo sida aad ku gaari karto, macna ma lahan inta waqti aad ku gaarto halka aad tiigsanayso”
Mmusa

8-Waxba ha isku dayin

Waxba ha isku dayin in wax aad hallsysay aad dib u habayn ku samayso, hubaal in wax sidooda kusoo laabanaya aysan jirin, qalbigayga shalay ayaad hallaysay dibna uma habayn kartid, hankaagu ha dhaafo dib u hanashada wixii hore, horey u soco oo  kasoo bilow halganka halka ku haboon.
Mmusa

9-Damacaaga
Damacaaga yuusan noqonin mid muran ku dhisan, mar walba, wixii kugu dhaga waa laga tagaa, si aad i hesho nabad galayo.
Mmusa

 

10-Dabayl soo duushay
Waxaan ahay Dabeel soo duushay oo necaw macaan ku dareensiisay balse aan kugu hakanayn, sida loo sameeyey neecowda macaana waa in aysan hakan
mmusa

11- Caaqil.
Waxay tiri “haddaad hesho nin caaqil ah, wuu daacadnimo badan yahay, dumarna nin aad daacad u ah ma rabaan”!!!
Wuxuu yiri “haddii ay caqli badantahay ma dhaqmayso, mar walba Jadwal dhaqaalahaaga iyo noloshayda qatar ku ah ayey qorshaysaa.
Kkkkk caqlina waa la nacay, yaab!!!
Mmusa

12-Dad xun/wanaagsan
Dad wanaagsan dunida waa ka buuxaan sidaas si la mid ah dad xun, qof walba dookhiiisa ha ciyaaro, doorashada waa xagaaga, dhinaca aad ku biiraysana adiga ayaa xaq u leh doorashadiisa, hubaalse waxaa ah in dad xun iyo dad wanaagsanba ay ka buuxaan dunida, adigana la doonayo inta aad midkood raadin lahayd in aad mid noqoto, si aad ugu biirto kooxda aad ka heshid ama dooratay.
Mmusa

la soco qaybta xigta Sabti walba insha allah

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN