XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor Qaybtii 62aad

XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Qaybtii 62aad

 

 

1-sabarka waa Iimaan
Sabarka waa mid ka mid ah astaamaha lagu garto heerka uu gaarsiisan yahay iimaankaaga iyo quwadda uu leeyahay.
Marka aad wayso wax aad, aad u doonaysay oo muddo aad ku taamaysay ama wax aad jeceshahay oo markaa gacantaada ka baxay ama qof kugu wayn oo kaa geeriyooday, waa marka ay kugu dhacdo dhibaatadaas xanuunka badan qaabka aad isu maamusho waa qaabka ugu wayn ee lagu garto iimaankaaga awooddiisa, haddii aad markaa tahay mid mahadnaq badan oo ku qanacsan waxa ku dhacay isla markaana Alle uga sii mahad celinaya oo aan Baroor iyo Ba’ sheeganayn, waxaa tahay iimaan dhab ah qof ay buuxisay laabtiisa, waadna ka qaalisantahay wax walba oo dunida yaal, abaal marintaadana Alle ayaa samayn kara oo kaliya.
Mmusa

2-Boqorka.
Qof walba qofka uu ku heer yahay ayuu la jaan qaadaa noloshiisa, shalay haddii aad ku noolaan jirtay wax ka yar Nus Doolar maantana uu mushaarkaaga kor u kacay waa qaasab in mushaarkaaga inta uu yahay ama ka sare aad ku hammisaa ku noolaanteed, waxaan maqli jiray Boqorka wuxuu madaxa u hoosaasiyaa boqoraddiisa oo kaliya, micnaha ayaa ah in boqorka oo magaalada oo dhan ay ka dambayso, dadka oo dhan ay madaxa hoos ugu lulaan ayaa isagana markiisa madaxa hoos ugu lula boqoraddiisa taas oo ah qofka u dhigma heer nolola ahaan.
Howshu waa nin walba jaantiisa hala socdo.
Mmusa

3-Dhalanteedka
Qalbi ahaan waan u farxi jiray marka aan haystay riyadaada dhalanteedka ii ahayd, waan hammin jiray marka aan sawirto muuqaaga, dhoola caddayntaada, daamankaaga kush kuska ah ee bir birayay.
Runtii dareen aan hadda tilmaami karin ayaan dareemi jiray, waxaas oo dhanse waxay ahaayeen dhalnteed aan ogaa in uusan meel dheer gaarin karin, wax walbase waxaa iigu niyad xumaa marka aad igu tiri soo gunaanad dhanlanteedka aad ku nooshahay.
Waxaan maqli jiray in farxaddu ay naf huris mudantahay mararka qaar, maxaase naf huraa? dhalanteedka aan ku jiro ayaa i dhaafsiin waayay in aan dhaayaha iyo dhabanka ka dhoola caddeyo, taas oo intii la iiga daba yimid la igu yiri “soo gunaanad”!!!!.
Mmusa

4-Da’da
Da’da qofka marnaba saamayn kuma yeelan karto waxa qofku uu noloshiisa u qaban lahaa ama baahidiisa ku dabooli lahaa, damaca iyo dareenka aadnimo waa mid joogta ah inta uu qofku caafimaad qabo rajo nololeedna ay ku jirto, sidaa darteed, ma ahan in aad da’daada uga xishootaa baahidaada nolosha ama horumarinta noloshaada.
Mmusad

5-Damac
Damacaaaga iyo dareenkaaga oo ku daajiya micnaha aad raacdo waa kuwa ku hilmaansiiya waxa qiimaha leh ee ku ag yaala ama aad haysatid, mar walba uu damac iyo dareen kula soo darso fadlan dib u eeg duruufahaaga iyo danta dhabta ah ee aad la nooshahay, hubaal in aadan dib u shallaayi doonin.
Mmusa

                                             6-Dhabta iyo dhalanteedka 
Dadku waa dhalanteed iyo dhab, kuwa dhalanteedka ah mararka qaar waa kuwa qalbigaaga dhab wax u dareensiiya, kuwa dhabta ah’se waa kuwa uu waqtigu keeno, dhab iyo dhalanteedse isku mid maahan oo mar walba dhabta ayaa ka saamayn badan dhalanteedka.
Fiicnaan lahaydaa dhabta qaraar iyo dhalanteedka macaan in nala kala dooransiiyo, si aan u doorano macaanka dhanlanteed oo dhab inoogu noqdo.
Mmusa

7-Raadinta waxa aad u baahantahay.
Muddo ayey i ag joogtay iigu deeqeysay dareenkeeda wanaagsan igu daajinaysay naxariisteeda macaanka badan, igu quudinaysay samirkeeda aan xadka lahayn,igu ifinaysay iftiintkeeda aan marnaba daciifin, waxaan u ahaa wax walba, balse aniga iima muuqan waxa aan u ahaa wax ay ii ahaydna ma jirin.
Waxaan gartay waxa aan u ahaa iyo waxa ay ii ahaydba mar dambe oo aysan dunida ku noolayn waasa markaas marka aan baadi goob adag u galay garashada qiimaheeda, maxaasa laga garan karaa wax markaas aan muuqooda iyo maqalkoodaba lahayn?
Waxaan la noolahay xusuusteeda daran, waan xanuunsadaa runtii, waxaan ku suganahay xaalad baadigoobkeeda aanan heli karin.
Waxaan maqli jiray wax walba raadintooda waxay kugu adkaadan marka aad ugu baahi badantahay.
Mmusa

                                                      8-Maxaad iga rabtaa?
Qof aad damac u hayso hadduu laba iskugu kaa daro waddo kale ma jirto aan ka ahayn in aad ka haajirto.
Hadduu ku dhaho Alle ka cabso oo sidaa ha igu samayn, qofkaas waa in aad kala laabataa damaca iyo dareenka aad u haysid, maxaa yeelay, Qof Alle kugu ehbiyay ma ahan qof sahlan.
Hadduu ku dhaho maxaad iga rabtaana, jawabateed waa iska caddahahay oo qofkaas ma yaqaana waxa aad ka rabtid, sidaa darteed, qof aan ogayn waxa aad ka rabto in aad wax ka doonto waaba kugu khalad.
Mmusa

9-Dhoohanaanta dunida.
Wax kaa nacasan ma jiraan, haddaad dunida u malaysay mid lagu raaxaysto oo wixii la doono lagu samayn karo.
Dhoohanaanta nuucaas ah waa mid aad hadhow ka shallaayi doonto oo wixii aad filaysay wax ka duwan aad helaysid.
Mmusa

10-Codka hoose
Codka hoose ee ka imaanaya gudaha laabtaada marnaba ha ka aamusin waa codka dhabta ah ee loo baahan yahay in aad dhageysato.
Mmusa

11-Riyada waa saddex qaybood
Mid waa Raxmaani
Midna waa Nafsaani
Midna Waa Shaydaani
Midda raxmaaniga ah waa riyada quruxda badan ee aysan ku dhamayn Xaaraan iyo xumaan oo dhan, riyada nuucaas ahna waa lala wadaagaa Dadka kuu dhow.
Riyada nafsaaniga ah waa Damac iyo wax kugu taagnaa, laga yaabee xitaa in ay yihiin wax aad ka baqayso ama wax aad jeceshahay helitaankooda, riyada nuucaas ah waa riyo dhalanteed ah oo dhabta aan ku dhisnayn, sidaa darteed, dan ayaa looga 06baxaa.
Riyada Shaydaaniga ah waa mid uu shaydaanku Shahwo kugu rido ,wax aadan xaq u lahayn oo wanaagaaga ahayna uu kuu qurxiyo baahidoodana uu kugu tuuro, riyadaas waa riyada laga magangalo Alle.
Mmusa

                                             12-Saamaynta waxa kugu dhaco.
Anaga oo dhan waanu la kulanay wax shaqsiyaddeena baddala oo aan xitaa nafteena kula yaabno, dhabta waxay tahayse in aanan noqon karin sida aan ahayn is baddalka inagu dhacay dartiis, is baddaalkaas saamayn balaaran wuu ku yeelan karaa nafteena, balse dhabta ah in aan ku dhacnay wax aan waligeen ku fakarin ama arkin lama baddali karo, waxa aan samayn karno ayaa ah in aan iska dhaga tirno wax walba oo u aragno in aysan waddo wanaagsan inagu wadin, waxa ay waxaas naga dhigeense waan nahay waana ahaan doonaa haddaanan is baddal suubin.
Mmusa

13-Cadowga Dadka waa saddex
Shaydaan, Dunida, Nafta
Uga faaidayso dunidaada si taxaddar ku jirto.
Shaydaanka khilaaf oo waxa uu kugu was waasinayo ka carar
Naftaadana kula cadow noqo baahideeda badan ee dhanka shahwada iyo dhan walba oo damaceeda ku saabsan.
Yahya Bin Macaad

La soco sabti walba qaybaha xiga.

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN