Filan waa Q29AAD W/Q: Yaasiin Xasan Muuse

Filan waa Q29AAD

Habeenkii markay islaantii Eedadey ay guriga timid, ayay durba labadii gabdhood intay qolka ugu galeen u sheegeen hooyadood in la i soo furay. Nasiib wanaag maalmo kaddib, jawigu sidaan moodayay ma noqon, guriga qaabkii aan ku aqaanay waa laga baddalay, howsha labadii gabdhood ayaa midba maalin loo dhiibay.

Sidii qof martiya ayay iila dhaqmeen, wax la dirsadoo iska daaye fadhiga ayaa laygu keena cuntada, si wanaagsan oo ixtiraam leh ayaan ku wada joognay, aniga lafteedu wixii aan qaban karo kuma eegtee dhinacayga ayaan howsha ka galaa anigoo is xilqaamaya.

Waxaan niyadda ka idhi anigoo qiiraysan, maxaa shalay walaalaha sidan u diiday inay kuu soo dhaweeyaan, ninba maba guursadeen waxbarashadayda ayaan iska wadan lahaa. Dhowr toddobaad kaddib Maxamedow adiga ayaan  ku bartay, xidhiidhkeenuna halkaa ayuu ka billaamay.

Runtii aad ayaan ula dhacday barashadaadii, waxaan kuu qaaday jacayl aad u wayn, oo aan noolashayda horay ii soo marin, waxaad i siisay kalsooni iyo farxad badan.          Runtii  kaaga sheekayn maayo jacaylkii ina dhaxmaray iyo sida aan isugu dheeraanay, illaa aan ugu dambayntii ballan iyo axdi meel wada dhiganay, iskuna afgaranay in aan  howsha soo gabagabayno.

Iyadoo arrintu sidaa tahay, balantiinii shan iyo toban maalmood oo kaliya ay ka hadhsantahay, aadna ugu hanwaynahay inaan Maxamedow nolasha kula qaybsado, ayaa waxaa dhacday arrin  filanwaa ah, muddo toddobaada ayaan waxaan isku arkay xanuun aan u maleeyay duumo, kaddib islaanta eedaday ayaa igu tidhi duuma ayaa ku haysa ee dhakhtarka u tag oo isa soo baadh, balse nasiib daro dhakhtarkii wuxuu ii sheegay sheeko naxdin iyo murugo igu abuurtay.

Halkaa markay sheekada marinaysay Deeqa ayaa waxay maqashay qaylo iyo sawaxan, intay naxday ayay Maxamed ku tidhi: “walaalo maxaa idin helay?

Wuxuu yidhi: “bal isug, telefoonkii intuu dhulka dhigay ayuu istaagay, durba waxaa u soo gashay walaashii oo barooranaysaa!

Waxay tidhi: hooyo ayaa  intey wareertay dhulka ku dhacday waana miyir beeshay ee waxaad inoo wacdaa wiilkii saaxiibkaa ahaa aan cisbitaalka ula cararnee. Gacankii telefoonka intuu soo qabtay ayuu Deeqa ku yidhi: walaalo hooyaday ayaa xanuun ku soo booday ee macasalaama, anaa bari kula soo hadli doona.

Oday ay jaar ahaayen oo gaadhi xaajiyad khamsiina lahaa ayaa la toosiyay, waxaa islaantii loo qaaday cisbitaalka guud ee magaalada, inkastoo xilli dambe ahayd, nasiib wanaag dhakhaatiirtu si fiican ayay ula dadaaleen,ilaa ay ugu dambayn islaantu ka soo miyirsatay.

Maxamed, walaalladii iyo dadkaloo qoyska ka mida oo hooyadii la soo qaaday, wuxuu ku yidhii iska laabta, aniga ayaa la joogaya hooyo oo caawa haynayaa, mar hadday hadda miyir qabto dabcan wax dhib ah ma jiro, haddii eebbe idmo bari subaxdiina dhakhtarku jawaaba uu ina siiyo ayaan  eegi doona.

Walaashii ayaa diiday oo ku tidhi lagama yaabo, hooyo oo xanuunsan inaan caawa  ka tago, ee labadeena ayaa la wadda joogaynaa,  waxayna intaa u raacisay walaalo waan is baddalaynaa ee hadda iska yara seexo, hadhow ayaan ku toosin doonaa.

Wuxuu yidhi: “haye walaalo, hurdaba ima haysee, balse waan is yara kala bixin kaloy anigaa is ogoo bad kalaa igu furan.

Waa xilli kulayla, dadka waadhka cisbitaalka jiifa waxay dareemayaan huur, qofka xanuunsan iyo dadka la socda midna ma xamili karo qolka gudihiisa, sidaa darteed bukaanka barxada isbitaalka dhexdiisa ayaa sariirta loo soo dhigaa xilliyadda habeenkii ah si ay naacowda qabow ugu gam’aan.

Maxamed meel aan sidaa uga durugsanayn halka hooyadii jiifto ayuu kartoon yar intuu dhigtay cumaamad isku  duuduubay, ma seexan oo muddo saacad ku dhawaada wuxuu qaada dhigayay sheekadii caawa Deeqa uga sheekayasay oo Filanwaa ku noqotay, isagoo yaaban oo madaxu aad u xanuunayo ayuu wax yar indhaha is galiyay calaashaan gam’ay, nin jaahwareersan in uuna jiifsan oo uu soo jeedo ayaa u wanaagsanaydee,  wax yar kaddib, qaylo ayuu afka furtay isagoo qarwaayanawuxuu ku dhawaaqayay maxaad iigu sheegi wayday inaad  guur hore soo martay? Waad i khayaantay iyo ereyo kaloo badan.

Bukaankii iyo dadkii la joogay ee cisbitaalka jiifay, ayaa halmar wada oogsaday oo qaylada ku soo kacay, hooyadi oo awalba dareen ka qabtay xaaladda Maxamed, ayaa intay soo booday ku tidhi: “hooyoo shaydaanka iska naar hooyoo Maxamedow acuudi bilayso”.

La soco qaybaha dambe

W/Q: yaasiin xasan muuse

Yaasiinxm114@hotmail.com

SHEEKOOYIN