Home Qoraallo BARO BOQOL ERAY; Casharka 7aad W/D: Caliqeyr M. Nuur

BARO BOQOL ERAY; Casharka 7aad W/D: Caliqeyr M. Nuur

0
SHARE

BARO BOQOL ERAY; Casharka 7aad

Qarin – Kaayid – Gedmin.

  • Qarin: Meel aan la arki karin wax dhigid. –Qobor ayaan iskaga qarinnay colkii.

‘Qarin’ waa eray ka yimid ‘qar’ ujeedkuna waa in meel qar ama gebi ah reeddeeda wax la geliyo si aan loo arag. Eraygaan waxaa loo adeegsadaa marka la isku aaddiyo meel qar leh, ama walax la dhigo meel uu qar uga dadban yahay indhaha cid kale. Waayadaan dambe waxaa ‘qarin’ loo adeegsadaa wixii la dedayo, la daahayo, la raarayo, la kaayayo, la daboolayo, la duugayo ama la maldahayo oo dhan.

  • Kaayid: Weel ama gurgur yar meel wax la gelin. –Waa la kaayey dhiishii caanaha ahayd.

Ujeedka dhabta ah ee ‘kaayid’  waa in weel daboolan meel wax lala geliyo. ‘Kaay’ oo ah salka ‘kaayid’ waa weel yar oo cuntada yaryar lagu shubto ama raashinka haraadiga ah meel lala dhigto. Saddex weel oo la muuqaal ah ayuu ugu yar yahay; waa ‘kur’ oo ugu weyn, ‘kurbin’ oo ku xigta iyo ‘kaay’ oo ugu yar. Kurbin isagu wuxuu ka yimid ‘kur-bun’ oo ah kur bunka lagu shubto, balse waa kur yar.

Maadaama ‘kaay’ uu yahay weel yar oo badanaa cuntada hartada ah lala dhigo meel aanay cidi arki karin ayaa loo adeegsaday isla magacii ‘wax qarinta’.

Xagga weyninka kurta waxaa ku xiga  godan, xeero iyo  seref. Godantu waxay leedahay muuqaalka kurbinta oo weyn balse ma laha jarafka hoose. Xeeradu waa mid u qoran sida dubaha ama doomaha yaryar. Serefkuna waa weel wax lagu cuno kan ugu weyn waana uu fidsan yahay.

Kaaydu waxay ku jirtay meesha maanta laga adeegsado saxanka yar ee macmacaanka la saarto. Badanaa, iyada waxaa lagu gurtaa cuntada aanan dheregta loo cunin sida hilibka toorka ah, oodkaca, kuuska laga sameeyo gocosada iwm.

  • Gedmin: Walax meesheedii ka wedid oo meel kale geyn.

Salka eraygani waa ‘ged’. Qaamuusyada Soomaaligu waxay ku sheegaan “dhaqanka iyo dabeecadda ay cid gaar u leedahay”. Macnahaasi wuxuu meel soke ka taabtay ujeedka erayga. Se, ‘ged’ sidiisaba waa dhinac, ama bar u tusmaysan bar kale. Weelku marka uu geddii lagu yiqiin maahane ged kale u fooraro waa la geddiyaa. Mar baad maqlaysaa qof oranaya “gedda-cad ayaan u seexday”.  Weedhan waxaa loola jeedaa dhabar-dhabar ayaan u seexday. Haddii si kale loo yiraa; inta badan calooshu way ka caddahay dhabarka markaad eegto masaska, xoolaha iyo weliba dadka qaar. Sidaas awgeed qofku wuxuu yeelan karaa ged madow iyo ged cad. Qofkuna marka uu hadba dhinac isu dadbo isaga oo jiifa waxaa la yiraa gedgeddoon.

Wax kasta waxay yeelan karaan dhinacyo badan ama siyaalo kala duwan. Wixii aad adigu laba si u tiqiin ama aad laba ged ka tiqiin ayuu qof kale lix ged ka yaqaan; qofkaasi wuu kaa gedo badan yahay. Ujeedkaas ayaa la tixraacayaa marka ‘ged’ lagu fasiro tab ama xeelad.

Waxaa jira xeer Oromadu adeegsato oo la yiraa Geda.  Waa eraygii ‘gedo’ oo xarafkii ‘o’ ee wadarta tilmaamayey uu afka Oromadu sidaas u dhigay. Xeerkan berigii hore wuxuu ahaa xeer Soomaaliyeed, waxaana la sheegaa in xilli ku beegan afar boqol oo gu’ uu nin la oran jiray Bariise Midde oo Oroma ahaa u yimid Garaad Aadan oo Samaroon (Geda-biirsi) ahaa. Bariise halkaas ayuu ku bartay  ‘Xeerka Geda’ wuxuuna ku maamulay tolweynihii Oromada. Waagaas waxay odayada Geda-biirsi u yaqaannaan “Gulantidii Garaad Aadan iyo Guddoonkii Bariise Midde”. Ujeedka weedhaasi waa in Garaad Aadan uu bixiyey aqoontii xeerka ‘Geda’, Bariisana uu guddoomay/qaatay aqoontaas.

Maahmaah baa tiraa ‘wax gedgdeddi ha kula gaddoomaane’. Sida halkan ka muuqata  ‘gad’ iyo ‘ged’ waa isku ujeed. Se, kala duwanaantu waxay ku xiran tahay goorta & afguriga qofka.  Xilliga qorraxdu bartanka istaagto ee aanu hoosku labada ged midna jirin waxaa la yiraa ‘gadiid’. Waa eray ka unkamay ‘gad-diid’ (ged-diid). Hooskii ayaa labada gadba diiday oo bartanka taagan. Marna “gediid” ayaa la yiraa.

Sida aan niri ‘gad’ iyo ‘ged’ waa isku ujeed, habka dhawaquna wuxuu ku xiran yahay  goorta iyo afguriga. Tusaale ahaan erayga ‘iib’ lagama adeegsado Mudug iyo dhulka koofur ka xiga oo dhan. Qofka dhulkaan ka yimaad wuxuu oran karaa “shan ceesaan ayaan maanta gaday, berrina shan kale ayaan gedi doonaa”. Halkaas waxaa kaaga muuqda in falkii tegay uu noqday ‘gad’ balse falka soo socda uu noqday ‘ged’.

Dhinacii ama geddii xoolaha lagu ogaa marka laga wareejiyo oo ged kale la geeyo waxaa la oran karaa xoolahaas waa la geday. Ujeedka geditaanku waa in walax ged lagu ogaa ma ahane ged kale ama meel kale la geeyo. Walaxda ay ciddii iska lahayd ay wax kale ku doorsatana waa la gaday maadaama ay ged kale u wareegeen.

Qarin, kaayid iyo gedmin waa saddex eray oo tilmaamaya fal ku dhacaya si kas ah oo haddana ay ciddii falka lahayd meel ku og tahay wixii la qariyey, la kaayey ama la gedmiyey. Way ka duwan yihiin dhumin, ambin iyo habaabin oo ah fal kas ama kama’ noqon kara balse aanan meel lagu ogeyn wixii la dhumiyey, ambiyey ama habaabiyey.

Kala duwanaanta saddexda eray.-

·  Qarin: In walax la geliyo ama lagu aaddiyo meel ah  qar, qaf, qobor, gebi iwm.
·  Kaayid: Walax aan la rabin in la arko oo wax kale la sii dhex-geliyo ee haddana meel kale lala sii geliyo. Tusaale ahaan lacag la geliyey qandi ee haddana qandigii god la geliyey.
·  Gedmin: Walax meel ay joogeen ka wedid oo meel kale geyn. Gedmintu ma laha ujeeddo walaxdaas loo diidayo in la arko sida kaayidda iyo qarinta.

 

La soco casharka 8aad.

W/D: Caliqeyr M. Nuur (Qoraha buugga:Abtirsiinta Erayga Af-Soomaaliga)

Caliqeeyr@gmail.com

SHARE