KADINBAX Q2AAD W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Noloshii Giovanni (Joon)

John, wuxuu ku dhashay, waddanka Talyaaniga gaar ahaan magaalada Millaano, sannadku markuu ahaa: 4-Oktoober 1941-dii. Hooyadiis iyo Aabbihiis carruur kale ma dhalin oo asiga ayaa u ahaa curad iyo cirib dambeed. JOON Aabbihii oo la dhihi jiray; Roberto Alberta (Robeerto Albeeta). waxa uu ka mid ahaa, saraakiishii sar-sare ee maxmiyaddii Talyaaniga ugu fir-fircoonaa. Waxa uu xil sare ka haayay koofurta Soomaaliya, gaar ahaan magaalda Muqdisho. Mararka qaarna waxa saldhiggiisu ahaan jirey magaalada Kismaanyo oo berigaas ka mid ahayd gobalkii laysku dhihi jiray, AALTA JUBBA. (Jubbada sare). Joon AABBIHII, marka uu fasaxa ku jiro wuxuu aadi jiray, reerkiisa iyo xaaska uu qabay, waa Joon hooyadii e oo ganacsi ku lahayd, magaalada Millaano.

Giovanni (Joon) Hooyadii oo la dhihi jiray: Stella Alessandro (Siteella alis-saandaro), markii ay ku curatay Joon ayaa Aabbihii kasoo laabtay, magaalada Kismaanyo oo markaas shaqo maxmiyadeed u joogay. Markii uu arkay wiilkiisa curadka ah ee ifka kusoo biiray, waxa uu go’aansaday inuu xaaskiisa iyo wiilkaba u raro, waddanka ay gumayataan ee Soomaaliya.

Joon Aabbihii waxa uu aaminsanaa inaan Calanka Talyaanigu ka dhici doonin Soomaaliya. Balse, waxa la yiri; “Arrin waliba waageed ayay guurtaa, waqtigeedna waa sugtaa e.” Kama fikirin, in waddan uusan lahayn ee gummaysi iyo xeelad ku haysta qarankiisu u guurayo. Niyaddiisa kuma soo dhicin in maalin uun hilfaha loo tuuri doono, calanka waddankiisana dhulka lagu jiidi doono. Taas kama baaraan degin, kumana yalmin xogaggii Soomaaliyeed ee iska caabbinta iyo halganka weday e, waxa uu Joon iyo hooyadii usoo raray, magaalada Muqdisho. Halkaas ayuu na guri ka dejiyay, asiguna danaha qarankiisa ka fulin jiray.

Joon, waxa wehliyay oo hooyadii iyo Aabbihii u joogi jiray Eey. Eeygaasu wuxuu ahaa canugga labaad ee Joon ay la weheshadaan, waa gaalo iyo dhaqankeed e.

Joon, waxa uu gaaray, Da’da ilamaha lagu geeyo, xannaanda, si loogu carbiyo Iskoolka iyo wax barashada kusoo fool leh. Joon, ilmaha dhinacyadiisa jooga ee uu har iyo habiinba la ciyaarayo, la dheelayo, waa Soomaali, nuuc walba leh. Marka laga reebo dhowr canug oo ay dhaleen saraakiisha Aabbihii la midka ah oo aanay ugu bixin Joon inuu la ciyaaro. Maadaama uusan agtooda qiime iyo dhowritaan ku haysan. Balse, kuwa Soomaalida aad-buu u jecelyahay inuu la ciyaaro, wax badanna dhex maraan.

Joon markii uu gaaray, Da’da 12-ba jir, garaadkiisuna xoogaystay, kalana gartay, waxa qumman iyo waxa qalloocan. Intaasna uu ku dhexjiray carruur Soomaaliyeed oo lab iyo dheddig ah. Dhammaantoodna haysta hal Diin, hal dhaqan, hal Hidde iyo hal Af. Waxa uu dareemay takoorid iyo inuu ka soocan yahay ilmaha asaaggiisa ah. Waxa uu xoogga saaray inuu Af-soomaaliga barto. Maadaama saaxibbadiis, xanta iyo xinkaba ka qarsadaan. Waa canug yar oo maskax furan, qaajo iyo qarsin qalloonca aan weligiis arkin’e, waxa uu si sahlan ku bartay, Af-Soomaaligii, wuxuuna saaxiib dhab ah la noqday carruurtii Soomaaliyeed ee filkiisa ahaa.

Bay’adu saamaynteeda ayay leedahay e, carruurtii Soomaaliyeed marka uu salaan usoo tago, waxay dhihi jireen; ha na salaamin gaal ayaa tahaye. Taasoo Joon ku abuurtay mar kale gucasho iyo gooni ka ahaansho carruurta kale. Ammin dheer oo uu dhibtaas ku jiray, waxa uu go’aansaday inuu qaato Diinta laga takoorayo ee Islaamka. Habiin habiinnada ka mid ah ayuu hooyadii iyo Aabbihii oo wada jooga usoo bandhigay inuu Diintaas qaadanayo. Aadbey uga caroodeen, una canaanteen, balse, Joon kama reebin inuu Diintii Islaamka isaga haro. Joon Diin qaadashadu kama ahan cibaadeysi iyo Eebbe ka cabsi, balse waxay ka tahay facaa la dheel oo ha ka soocmin. Sidaas ayuuna Diintii ku qaatay.

Carruurta Soomaaliyeed maadaama asalkooda iyo faracooduba Diinta Islaamka ka soo soofeen oo aanay ahayn dad firkooda lagu Islaamiyey seef afkeed iyo xoog. Waa tii laashin; Maxamed Gacal Xaayow (AUN), Ku guuroobay asigoo ka hadlaya habka ay Diinta ku qaateen bulshada Soomaaliyeed:

  • Boqolkiiba boqolaan islaam, Buuxa ku ahayne
    Badwaynta u dhexeeydana, Jihaad kulama soo biirin
    Baynaadya seef kuma muslimin, Baawar iyo xooge
    Buluuglana wadaadkii barkaday, Bayda laga gooye
    Hayeeshee barqaa laga hantiyay, Gaalka bayga lehe
    Bisimada qur’aankiyo Cilmiga, Culumadii beesha
    U biyaanisee laga dhaxlaa, Waliba been noole
    Waxa kuu bannaan iyo wuxuu, Boqorku kaa reebay
    Labadaba kitaab lagu bandhigaybaa, Ku soo baxaye
    Dadki kala bartow dhiig Islaam, Uma bareerteene
    Buuq iyo wareer kuma rideen, Beela nabadeede
    Inta baalka hoorsado kufrigu, Wax umma biirsheen.

Canugga Soomaaliyeed ee da’da toban Gu’ gaara ama dhaafa, asiga ayaa ah sheekh dadban ee carruurtii Soomaaliyeed Joon iyagoon masaajid geyn, Sheekhna u wicin ayay Towxiidka u qabteen. Joonna sidaas ayuu ku qaatay Diintii Islaamka.

Joon markii uu carruurtii Soomaaliyeed ku ra’yi noqday, Diintoodina qaatay kama helin soo dhaweyntii uu ka filayay, wuxuu na kala kulmaay waji gabax kale. Balse, waxa uu yaqiinsaday inuu intii hore ka dhawyahay. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa sheekho dhex martay wiil la yiraahdo: Axmed Cabdi oo ay deris ahaayeen, aadna isugu dhawaayeen. Joon waxa uu Axmed wayddiiyay sababta weli loo soo dhaweyn la’yahay mar haddii uu Diintoodi qaatay?” Axmed Cabdi oo ahaa wiil da’diisa ka garaad sarreya ayaa u sharraxay, sababta loo soo dhaweyn la’yahay. Waxana uu u bidhaamiyay inaysan ka dhab ahayn Diinta uu qaatay. Axmed waxa uu ku yiri Joon:

Axad waliba waxan ku arkaa adigoo, Kanisadda ay Dowladda Talyaanigu ku leedahay, Magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmada Xamar-weyne, Hooyadaa u raacayaa. Sidaa aawgeed waxan ognahay inaan Towxiidkaagu run ahayn e haddii aad runlow tahay, yaan lagu arag, adigoo inta ka lugeeya gurigaad ku nooshahay u lugaynaya Kaniisadda ku taalla Xamar-Weyne. Joon waxa uu daneynayay inaan la takoorin oo uu la ciyaaro dhiggiisa e, wixiisu ma ahan xushmo iyo tixgelin uu u haayo Diinta, mid Islaam iyo mid gaalo toona.

Saaxibkiis Axmed markii uu intaas dhegtiisa ku dhibciyey Joonna, da’diisu sii caga-cageyno (13) Toban iyo seddax jir. Amminku waa: 1954 oo awoodda maxmiyaddu waxay ku jirtaa gacan wadaag ah, Talyaaniguna kaligiis uma madax bannaana inuu Soomaaliya maamulo. Waxaba soo dhaw amminkii uu isaga huleeli lahaa ciidda Soomaaliyeed. Joonse kalama jecla in la joogo iyo in la boxo oo waddankiisu waa degmada Wardhiigley oo uu ku noolyahay.

Joon asigoo taladii Saaxibkiis Axmed Cabdi laabtiisa ku qunfulan tahay ayuu u hoyday, gurigooda. Amminku wuxuu is guraba waxa la gaaray Axaddii la aadi jiray Kaniisadda. JOON Hooyadii barqadaan waxay u diyaar garowday inay Kanisadda iska xaadiriso, intaan la gaarin seddex saac. Joon subaxaan maalmihii uu soo mari jiray waa uga duwan tahay, waxa haysta laba daran mid dooro. Waxay ka maraysaa, halkii laahinku ku shirbay:

  • “Dukaalya naaga dirqintood
    Waa uun laba daran mid deey”

Waxa hortiisa yaalla hadalkii saaxibkiis Axmed, geesta kale waxa uu u jeedaa Hooyadii oo farxad darteed wajigeedu hillaacayo. Subaxdaanna u hammuun qabta inay mar uun kaniisadda tagto ee soo ducaysato. Boggiisa waxa ku loollamaya arrimo kala fog oo aan marna is qaban. Waxa uu is leeyahay Diimahaan qofba teedu la saxan tahay, maxaa loo mideyn waayay? Dadku se muxuu hal Ilaah u raaci waayay, waa tan qola waliba, tan kale liddi ku tahaye. “Allowyaa u caddeeya in hal Ilaah jiro, inta kalena quraafaad yihiin”.

Joon asigoo kursi ardaaga yaalla ku dul fikiraya ayuu isha ka qaaday, Hooyadii oo dhowr xabbo oo nac-nac iyo xanjo ah iyo macmacood kale, boorsadeeda ku guranaysa. Waxa uu dareemay inay ku qaylinayso, haddii uusan u labbisan si dhaqso ah. Haddana waxa kusoo dhacday ballantii uu la galay saaxibkiis Axmed Cabdi iyo carruurti kale ee ay jaalka ahaayeen. Isla markiiba wuxuu keenay talo degdeg ah, wuxuuna galay qolkiisa.

Intuusan laba daqiiqo ku dul fadhin sariirtii qolka dhextiillay, ayaa hooyadii usoo gashay, si kedis ahna ku tiri; Joon maxaa kugu dhacay maad na keentid?” Joon waxa uu dhibsaday inuuu Hoyadii farxadda ka kala jebiyo e, wuxuu ku qanciyay inuusan bixi karin, Kaniisadda iyo Buuqeedana xammili karin oo madaxu xanuunayo. Wuxuu si deggan u yiri: “Hooyo waad ogtahay oo Kaniisaddu waa buuq, waxana la garaacaa Muusig aad u cod-dheer oo daryaan ah, wax kale iska daaye, Hooyo waxa I dhibaya “Dhiliw-Dhiliwda” saacadda marka la gaaro tobanka subaxnimo ee dadka loo sheegayo in la gaaray amminkii la heesi jiray, Jesasna loo sujuudi lahaa si uu Ilaaha ay aaminsanyihiin ugu ergeeyo.

Hooyo intaas xitaa ma xammili karo oo madaxa ayaa I xanuunaya ee kaligaa iska bax, mar kale ayaan ku raacayaaye. Waa hooyo iyo naxariis’e iyadoon subaxaas ka shakiyin in wiilkeeda maskax kale oo ka wayne saaran tahay iyo inuu iskiis u caajisan yahay, ayay aadday kaniisaddeedi.

La soco qaybaha xiga.

W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

SHEEKOOYIN