Jiiftada: “Magan!” Curiye; Maxamed Cilmi Dhicisow

Jiiftada: “Magan!”

Dhowr iyo labaatankii sano ee la soo dhaafay, dalka iyo dadka Soomaaliyeed wixii dhibaato ahaa ee soo marey, maaha mid laga sheekayn karayo, qalin lagu koobi karayo kana dadan dunida iyo dadka garashada leh, burburka, barakaca, dilka iyo dayowga soo wajahay ummadda Soomaaliyeed, waxaa u dheer inaysan jirin is-cafin iyo ififaalo nabadeed, iskaba daa in Gar sooran a isugu yimaadee! Halkaa oo ay xaajadu u egtahey: “Waxaad barato waa baaskaa ee bohosha yaan laga bixin!” taa oo isku rogtay xasaradda, xisqiga, dhibaatada, dirirta iyo nabad la’aanta, waxaan ka soo gaarney sinjigeennii hore ee Soomaaliyeed, noqon doontana midka ka saarta samaantii iyo sifihii wanaagsanaa ee Soomaalidii kale ee hore, maadaama qarnigaani ku socdo qarrib, qalaase, qaxooti, iyo qurba-jaceyl.
Waa tii la yiri: “Kud ka guur ee Qanja u guure!” dirirtii lama mahadin, qurbihii lama mahadin, gobolaysi lama mahadin, fara-gelin shisheeye lama mahadin taa oo weliba keentey in maamulkii dalku uu noqdey maamul la maamulo, madax iyo manjo qaxootiya ee aan is-aaminin! Haddii aan u soo daadego dulucda qoraalka ee ah maansadaan “Magan” ka sokow inay iyadu is-sharraxayso, waa duco iyo Alle bari, waxa ayna taabanaysaa marxaladda madaxda, maamulka, iyo muwaaddinka Soomaaliyeed soo wajahdey. Haddaba, akhris wanaagsan.

Jiiftada: “Magan!”

1. Gabay moxogga kaa galo
2. Oo maanka kaa mudo
3. Maahmaah madow iyo,
4. Murti aana reebtaa
5. Mirir iyo dhibaataa
6. Malax iyo masuug badan
7. Mindi iyo maliiddaa
8. Maal iyo maroodiya
9. Mardabiyo khiyaanaa
10. Miishaar afaysana
11. Shar mutaxan shug iyo shalaw
12. Duul macangagiiniyo
13. Majnuun iyo majaaniin
14. Mowlaan ka magan nahay!

15. Madaxwayne qaa’ina
16. Xildhibaan la maamulo
17. Wasiir maqane joogaa
18. Gaashaanle mustacmira
19. Malaakh reer mustaawaa
20. Odayaal maroortiya
21. Sekratari macriifaa
22. Aqoonyahan ma-naaxaa
23. Dallaal iyo mallaal iyo
24. Daba-dhilif ma quustaa!
25. General ma diidaa!
26. Saraakiil ma-dhaantaa!
27. Wadaad diinta maanica
28. Maan-gaab ma garataa!

29. Muslim maanka laga xadey
30. Oo masiixi maamulo
31. Mujrim iyo munaafaqo
32. Mooryaan la magansado
33. Marwo meherka laga sugo

34. Masdar go’ay mushkilo baas
35. Maxas iyo masaakiin
36. Mashaqiyo mashaariic
37. Muddul dumey masiir ba’ay

38. Madal lagu garramayoo
39. Shisheeyuhu ka madaxyahey
40. Soomaali magan iyo,
41. Isma-dhaanto marras iyo
42. Ay tahey maqaar saar!
43. Duul maabka laga tirey
44. Muruqooda lala harey
45. Maankooda la nasaqey
46. Maalkooda lala baxo
47. Adduunyadu mamnuucdoo
48. Muwaaddinkii qaxootiya
49. Uu yahey musaafuris
50. Macaluulya maataa!
51. Mugdi galey iftiin dumey

52. Macdan qubatey miir baxey
53. Magalooti nolol adag
54. Maadaysya meertaa
55. Millad iyo shareeciyo,
56. Mabda’aan la meel marin
57. Maayado is-daba jara
58. Maaweelo sheekaa
59. Shanya toban jir maafaa
60. Manqo marasha diiddaa
61. Majinow majiir badan
62. Madfac iyo marduufley
63. Iyo mayd la furanaa
64. Murigiyo musiibiyo
65. Maraaxiil is-dabayaal
66. Mixnadiyo masuug badan
67. Mahadhooyin lagu dhaco
68. Mowlaan ka magan nahey!

Dhammaad.

Maxamed Cilmi Dhicisow
elmi_0@hotmail.com

SHEEKOOYIN