Home Curis Filan waa Q30AAD W/Q: Yaasiin Xasan Muuse

Filan waa Q30AAD W/Q: Yaasiin Xasan Muuse

0
SHARE

Filan waa Q30AAD

Hooyadi oo awalba dareen ka qabtay xaaladda Maxamed ayaa intay soo booday ku tidhi: “hooyoo shaydaanka iska naar hooyoo maxamedow acuudi bilayso”

Deeqa aad ayay ugu faraxday caawa fursada wanaagsan ee Maxamed  ku wada hadleen iyo sida qiimaha badan ee uu Maxamed u soo dhaweeyay, in kastoo ujeedaday lahayd iyo sheekada dulucdeedi aana wali la gaadhin, haddana wakhtigaa ay isku heleen iyo wada hadalkaa dhexmaray ayaa wax wayn u ahaa Deeqa, iyadoo aad u faraxsan balse ka walwalsan xanuunka Maxamed hooyadi ku soo booday ayay seexatay.

Maxamed hadalka hooyadii ayuu soo kacay, isagoo yaaban oo ka shaki qaba inay sir ka fakatay ayuu hooyadi soo ag fadhiistay, walaashii ku yidhi: “walaalo kac oo yara seexo, waxaan filayaa hadda waabaragii ayaa soo dhaw’ee.

Faarax sandheere oo ah wiil ay Maxamed saaxiibo ahaayeen, oo isna qof bukaana isbitaalka ku hayay islamarkaana xalay maqlayay qarowgii iyo qayladii Maxamed ka baxaysay, ayaa subaxdii markuu waagu baryay intuu gooni u la baxay waydiiyay gabadha uu sidan u jecelyahay.

Maxamed intuu qoslay ayuu ku yidhi: “Saaxiib  waxba ma jiraan, cidna waxba nagama dhaxeeyaan, midda kale xalay waan daalana waxaana ka walwalayay xanuunka hooyaday markaa waxaasi waa uun iska qarow.

Ugu dambayntii dhakhtarku wuxuu Maxamed hooyadi u sheegay in xaaladeeda caafimaad ay wanaagsantahay, dawooyin ayaa loo soo qoray waxaana ku wargaliyay inay bixi karaan.Galabtii markii ay guriga ay yimaadeen ayay iska waraysteen Maxameed hooyadii iyo walaashii Nuura,

Hooyadii oo yaaban ayaa waxay  tidhi: waxaa dhiig la’aanta igu riday ee aan maalin walba la fikirayo waa wiilka Maxameda, waad maqlaysay xalay wixii uu ku qarwaayay ilaa hadda qalbigiisa waxaa ka dhax guuxaysa gabadhii Canab ahayd”

Hooyadii waxay u haysataa in uu Maxamed  wali la jaahwareensanayahay jacaylkii Canab, balse ma ogo arrintan ugubka ah ee uu Deeqa kala kulmay.

Deeqa oo aad u faraxsan ayaa galabtii soo wacday telefoonkii Maxamed, nasiib daro ma joogin, balse waxaa ka qabatay walaashii nuura, salaan kaddib waxay tidhi: walaalo yaad doonaysaa?

Deeqa: walaalo waxaan doonayay Maxamed ayay ugu jawaabtay.

Wow dumaashii soo dhawoow, waan ka xumahay, Maxamed ma joogo, ayay ku tidhi, waxay intaa u raacisay waxaan filayaa waad maqashay in hooyo ay xanuunsatahay, midda kale waa lagu sugayay dumaashii goormaad noo iman.

Deeqa oo la yaaban sida ay u aqoonsatay codkeeda maadaama ayna horay telfoon uga wada hadal, ayaa ku tidhi iyadoo xishoonaysa “Haa Maxamed ayaa ii sheegay, inshaa’alaah waan idin iman doonaa, walaalo hooyo Allah ha caafiyo, ee igu salaan”.

Dad badan oo qaraabada ka mid ah ayaa guriga ku soo booqday Maxamed hooyadii markay maqleen in ay xanuunsatay, waxaana dadkaas ka mid ahaa eedadii oo runtii qoyska aad ugu canaanatay waxa ay waxba uga qaban la yihiin wiilkan maalin walba naag ayaan jeclahay ku haya ee meel walba lagu hadal hayo, waxay tidhi: Maxamed hadduu mustaqbal u diyaar yahay gabdhahan faraha badan ee reerka ka buuxa mid ha loo doonoo anigu jacayl iyo waxa la sheegayo waxba ka garan maayee”.

Si walba ha ahaate, waxaad mooda hadda in arrinta Maxamed ee is daba jiitanka badan ee dhibka iyo culayska leh in ay qoyska si guud u saamaysay.

Maxamed, oo fikirka badan ee soo wajahay hurdo la’aani u dheertay ayaa sidii uu duhurkii u seexday ammin fiidkii ku beegan  hurdo ka soo kacay, walaashii Nuura ayaa intay qolka ugu gashay u keentay casho, kaddibna cabbaar ayay wada sheekaysteen, waxayna ka wada hadlayn arooska Maxamed iyo hadal haynta xaafadda ka jirta.

Nuura waxay  Maxamed ku dhiirigalisay arrinta guurka ee isaga iyo Deeqa horay ugu hishiiyeen in durba la soo gabagabeeyo,waxay tidhi: “Maxamadow hooyo mar walba adiga ayay kaa fikirtaa waxayna doonaysaa inaad mustaqbal wanaagsan yeelato, adiguna waxaad u dhaqmaysaa sidii qof dhallinyaro ah oo aan go’aan la hayn, xaqiiqada markaan ka hadlo aad ayaa laguu jecelyahay balse adigaa ayaa wax walba ka caga jiidaya oo aan  jid iyo jaro lahayn, walaalo waxaan kugu la talinayaa bari ama saadambe  arrinta aroosku in ayna dhaafin”.

Maxamed wuxuu yidhi: “Waa si fiican, kolay dadaal iguma yaro laakin wali wakhti iyo calaf ayaa iska dhiman inshaa’alaah waxba inaga xumaan maayaan, isagoo hadalkii sii wada ayaa waxaa soo wacday Deeqa, kaddib walaashii ayuu ku yidhi walaalo qofkan ayaan wax yar la hadlayaa ee waa inoo bari.

Salaan iyo xogwaraysi kaddib, Deeqa waxay Maxamed ka codsatay haddi uu firaaqo hayo caawa in ay  wada hadlaan .

Waxba kama qabo ayuu ugu jawaabay Maxamed, wuxuu intaa u raaciyay inay sheekada halkii ay habeen hore maraysay ka sii amba qaado.

Deeqa waxay tidhi: “ waa si fiican, Maxamedow sidaan horay kuugu sheegay waxaa dhacday arrin  filanwaa ah, muddo toddobaada ayaan waxaan isku arkay xanuun aan u maleeyay duumo, kaddib islaanta eedaday ayaa igu tidhi duuma ayaa ku haysa ee dhakhtarka u tag oo isa soo baadh, balse nasiib daro dhakhtarkii wuxuu ii sheegay sheeko naxdin iyo murugo igu abuurtay. Wuxuu igu yidhi uur lix shanbilooda ayaad leedahay!

la soco qaybaha dambe

W/Q: yaasiin xasan muuse

Yaasiinxm114@gmail.com

SHARE