WAAYIHII WARSAME Q2AAD W/Q: Cali M. Diini

WAAYIHII WARSAME Q2AAD.

Axmad intii uu Dugsiga Sare dhiganayay waa uu shaqayn jiray waxa uu na bil kasta biil u dirijiray qoyskiisi miyiga degganaa. Markii uu dhammeeyay Dugsiga Sare waxa uu qortay Ciidanka Difaaca Cirka laakiin waxa uu ku dhintay shil dhacay maalin ciidanku sammaynayay carbis ciidan.

Ka sokow naxdinta ay geerida Axmad qoyska uga tagtay waxaa u sii dheeraa culayska dhaqaale ee maadaama ay nolosha qoysku asaga ku tiirsanayd. Aabbe Faarax waa da’ iyo Hooyo Cibaado sidoo kale, gabdhaha shan ka mid ah baadiyaha ayaa lagu guursaday oo niman iska danyar ayaa qaba, labo hablood iyo Warsame oo ka yar, aabbe Faarax iyo hooyo Cibaado adduunyo waxay ka haystaan ari kontameeyo ah dhawr neef oo geel ah.

Warsame shan sannadood markii uu jiray waxaa geeriyootay hooyadiis. Siddeed jir markii uu ahaa na Warsame waxa uu bilaabay inuu la wareegi shaqooyin uu aabbihiis qaban jiray sida, raacidda geela, waraabinta ariga iyo geela iyo biyo dhaaminta.

Warsame  waa nin nolosha adag ee miyiga la hardamaya oo aan war iyo wacaal u ahayn nolosha magaalooyinka u dhow deegaanka uu ku noolyahay marka laga reebo tuulooyinka uu xoolaha ka soo waraabiyo marmarna caanaha geela u iibgeeyo kuma se hakado waqti badanna kuma lumiyo tuulooyinka habeen dhaxna haba sheegin.

Warsame waa nin aabbihiis baarri u ah aadna u jecel walaalihiis. Maalin maalmaha ka mid ah Warsame oo jooga tuulo uu caano u iibgeeyay ayay is arkeen Burhaan Geelle oo sannad ka hor isugu dambaysay. waxa uu kirishbooy ka yahay gaari wayn oo qudaarta u kala daabula koofur iyo waqooyi. Is xaalwaraysi iyo sheeko dheer kaddib Burhaan waxa uu Warsame ku yiri “Warsamow isaga soo tag geelaan aad dabajoogtid oo kaalay aniga I raac kirishbooy ayaad noqonaysaa lacag fiicanna waad helaysaa nolosha baadiyaha ee oonka iyo gaajada badanna waad ka raysanaysaaye Warsame waxa uu yiri “oo kirishbooygu muxuu qabtaa?” Burhaan: Baabuurka  iyo hantidada saaran ayuu ilaaliyaa, taayarada ayuu baabuurka ka beddalaa marmarna waxa uu qabtaa hawlaha farsamada ee  makaaniggu qaban lahaa.

Burhaan: Haye ma intaas un? Burhaan: maya, darawalka ayaad noqon kartaa laakiin waa in aad sannad iyo ka badan kirishbooy ahaatid iyo in darawalka aad la shaqaynaysaa yahay nin wanaagsan oo wax ku bari kara ama oggol in aad baabuurka wax ku baratid, darawaliinta qaar waa dad xun oo kuuma ogolaanayaan in aad baabuurka baratid waxay rabaan in aad waligaa u ahaatid kirishbooy.

Warsame: ma dhici kartaa in aanan darawal iyo kirishbooy midna noqon ee milkilaha gaariga ba noqdo? Burhaan: taasi waxay u baahan tahay shaqo badan iyo dadaal badan. Inaad gaari yeelatid waxaa ka horraysay in aad shaqaysatid oo lacag badan aruursatid. Warsame: meeqa sannadood ayay igu qaadanaysaa in aan aruursado lacag aan gaarigaan oo kale ku gato?

Burhaan lacag badan oo aanan caddadkeeeda aqoon, waayo kama ba fakaro maxaa yeelay waan ogahay in aanan heli karin lacag intaas le’eg.

Warsame: oo waayo? Ninka baabuurka  iska leh ba sow ma helin? Miyuu caloosha hooyadiis kala soo baxay?

Burhaan: kalama uusan soo bixin laakiin ma ogi si uu ku helay.

Warsame: Waxaa laga yaabaa in uu geeli aabbihiis gatay kadibna lacagtii baabuur ku iibsaday.

Burhaan: kakakakaka way dhici kartaa. Intaas kaddib Burhaan waxa uu Warsame mar labaad ku celiyay su’aashii hore, “Warsamow  iskaga soo tag geela iyo miyigaba.”

Warsame haye ayuu yiri balse wuxuu ka codsaday inuu marka hore cidda u geeyo raashinka. Waxay ku ballameen labaatan beri kaddib in ay tuulada isugu yimaadaan, markaas oo Burhaan oo Hargaysa u socda halkaan soo mari doono.

Burhaan Geelle labo sannadood ayuu ka wayn yahay Warsame, asaga oo aad u da’yar ayuu geeljire noqday kaddib maalin asaga oo geelii la jooga meel waddo ah ayaa baabuur wadada marayay u istaagay kaddibna darawalkii ayaa caag saddex litir oo biyo ah siiyay. Markii baabuurkii dhaqaaqay ayuu cabbaar sii eegay baabuurkii asaga oo la yaabban orodkiisa. Waxa uu iswaydiiyay “yaa sameeyay? Sidee loo sameeyay? Ninka wada sidee ku barta sida loo wado? Anigu haddaan haysan lahaa baabuurkaan sow geela kuma raacdeen oo socodka badan iyo daalka kama raysteen?” Asaga oo niyadjabsan in uusan lahayn nasiibka ninka baabuurka wada iyo dadka saaran oo kale ayuu dhankii geelu ka xigay u dhaqaaqay.

Maalmo iyo bilooyin maskaxda Burhaan waxaa ku wareegayay oo ku soo laba noqonayay xasuusta gaarigii biyaha siiyay waxa uu na jeclaystay in uu maalin un baabuur wado ama uu dushiisa fuulo sida dadkii uu arkay.

Muddo yar kadib Burhaan oo tuuladii caano geeyay si uu sokor ugu soo beddalo ayaa arkay gaari tuulada jooga oo dhanka Gaalkacyo ka yimid. Gaarigii ag istaagay oo fiiriyay hadba dhinac ka istaagay asaga oo la yaabban bal sida birtaan orodka badan u taallo. Asaga oo gaarigii hadba dhinac ka istaagaya ayaa waxaa arkay kirishbooygii oo buush u dhow ku qayilaya markaas buu intuu kirishbooygii soo orday labo dharbaaxo ku dhuftay Burhaan asaga oo ku leh “Tuugyohow maxaad  baabuurka ka rabtaa oo ka eegaysaa? Bax waryaa ka agdhaqdhaaq baabuurka haddii kale qoortaa kaa jabinayaa.”

Burhaan oo dharbaaxadii darteed aan indhaha wax arkayn ayaa cagta wax ka dayay, xoogaa markii uu orday ayaa uu gadaal fiiriyay bal kirishbooygii marqaansanaa eryanayo iyo inkale mise buushkii ayuu sii galayaa. Burhaan waxa uu rabaa in gaariga Gaalkacyo u raaco oo lacagtii caanaha ee sokorta ku soo iibiya la yiri ayuu rabaa in gaariga ku raaco waayo wuu ogyahay haddii oday aabbihiisa ee Geelle Warfaa uu ka maqlo magaalo ayaan aadayaa in uu gaashaanka u daruuri doono haddii uu diidana gacan qaad tagi doonto.

Sidaas darteed Burhaan go’aan ayuu gaaray in maanta uu kansho haysto maadaama lacagtii iyo baabuurkiiba diyaar yihiin. Burhaan intuu gacanta ku salaaxay dhabankiisa ay gacantii kirishbooyga marqaansan dhaawacday ayuu dhankii buushka u dhaqaaqay. Burhaan waxa uu galay buushkii lagu qayilay ee kirishbooygu ku jiray, wuxuu fariistay kursi bannaanaa. Kirishbooygii ayaa inta indhaha ku gubay ku yiri, “Waryaa sow kuma oran gaarigayga agtiisa kugu ma arki karo maxaad u soo laabatay?” Burhaan ayaa si deggan u yiri, “saaxiib malaha waad marqaaansan tahay ee halkaani waa maqaayad ee gaariga aad dabakafuulka ka tahay waakaas bannaanka yaal.”

Kirishbooygi intuu istaagay ayuu damcay in feer ku dhufto Burhaan laakiin Canab oo ah gabadha maqaayadda leh ayaa isku duubtay kirishbooygii kaddibna si caro leh ugu amartay in uu maqaayaddeeda uga baxo. “Tani waa maqaaxidaydi ma ahan gaariga aad taambooyga ka tahay, macaamiishaydana kuma xadgudbi kartid adiga oo maqaaxidayda ku jira, tan kale maxaad ku maagtay wiilkaan yarkaa? Ayay Canab tiri.

Kirishbooygii waxa uu ku dacwooday in uu arkay wiilka yar oo gaariga baaranaya si uu wax uga xado. Laakiin  Burhaan oo hadalkaas aad uga carooday ayaa yiri “Beenlow baad tahay aan Alle iyo Rasuul aqoon, anigu gaarigaaga ma baaranayn mana baaran karo oo muraayadaha ayaaba xiran, kaliya waan eegayay baabuurka maadaama aanan waligey baabuur raacin, waxaan jeclahay in aan maalin un darawal noqdo, haddana waxaan rabaa in lacagtayda la baxo oo gaariga Gaalkacyo u raaco.” Markii Burhaan hadalkii dhammeeyay ayaa nin maqaayadda ku qayilayay yiri “Adeer raalli noqo, gaariga aniga ayaa wada Gaalkacyana waan ku gaynayaa lacagna kaa qaadi maayo, wiil fiican ayaa tahay oo hammi leh ee galabta sagaalka saac halka gaarigu taagan yahay iigu imow waan baxaynaaye.”

Burhaan aad ayuu ugu farxay hadalka darawalka gaariga waa uu na u mahadceliyay kaddib na waa uu iska tagay. Burhaan haweenaydii uu caanaha ka iibiyay ayuu u tagay oo ka soo qaatay lacagtii caanaha kadibna waxa uu soo fariistay halkii baabuurku yaallay si uusan baabuurku uga tagin fursadda qaaliga ahi na uga khasaarin. Ugu dambayn Burhaan baabuurkii ayuu raacay.

Intii waddada lagu sii jiray Burhaaan iyo darawalkii, Gayre waa ay sheekaysteen. Darawalkiina waxa uu Burhaan ku yiri “Ka warran haddaad aniga ila shaqaysid oo kirishbooy ii noqotid? Markaad muddo ila shaqaysid waxaad baranaysa sida loo kexeeyo.” Burhaan aad ayuu u farxay hadalka Gayre wuuna mahadceliyay. Burhaan baabuurkii Gayre ayuu kirishbooy ka noqday. Waa baabuur wayn oo qudaarta iyo alaabaha kale u kala daabbula koofurta iyo waqooyiga Soomaaliya.

Warsame markuu noqday aabbihiis ayuu u sheegay wixii asaga iyo Burhaan dhexmaray wuxuuna ka codsaday inuu u fasaxo inuu aado magaalada si uu kirishbooy u noqdo qoyskuna lacag fiican u helaan oo ay noloshooda ku maareeyaan wuxuu kaloo intaas ku daray inuu muddo yar kaddib u dallicidoono darawal baabuurta waawayn kexeeya. Aabbe Faarax asagoo og inuusan jirin qof qabanaya hawsha uu Warsame qoyska u hayo haddana wuu u fasaxay wuxuuse ka codsaday inuu sugo inta roob ka da’ayo maadaama xilli abaar ah lagu jiro.

La soco qaybaha kale

W/Q: Cali M. Diini

SHEEKOOYIN