Maansada Galabtii madoobayd. W/C: Abwaanad Farax Sheekh Cabdirisaaq

Jiiftadaan magaceeda waxa la yiraahdaa: “GALABTII MADOOBEYD” waa maanso baroor diiq u ah dadkii ku shahiiday qarixii 14-ka Oktoober ee 2017 ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan “SOOBBE” Waxa ay ahayd maalin ay go’een gacal iyo Gayaan Soomaaliyeed oo cidda halaagtay aanay garaneyn sababta ay u dishay. Shuhaddada la dilana aanay ogeyn sababta naftooda loo dhaafiyey iftiinka adduunkana loogu aqoonsaday, marka laga reebo geerida iyo dhimashada oo ah xaq ku waajibay noolaha.
Jiiftadaan waxa curisay: Abwaanad Farax Sheekh Cabdirisaaq, (Dressa Nadar). Ruux kasta ee qalbigiisu milicsado dhibka maalintaas dhacay, waxa hubaal ah inuu bogga iyo laabta ka dareen celinayo, sidaas darteed ayay abwaanaddu uga gocatay dhibtaas na wada saameysay. Maansadii: “GALABTII MADOOBEYD” waxay u dhacday sidaan:

Galabtii madoobayd
Qaraxii na gaadhiyo
Gamtii aynu noqonniyo
Gubashada dadkeenniyo
Maydkeenni goo go’ay
Goortaan xasuustaba
Gocashada habeenkii
Gami’ waayay jiifkee
Ummaddaydu Guulloow
Bal maxay galeenoo
Laga goynayaa weli.

Gobollada dalkeenniyo
Geesaha adduunkiyo
Geyigaba dhammaantii
Lama sheegin goornaba
Galabtii madoobayd
Sidii SOOBBE loo galay
Wax kaloo geddeeda ah.

Galabtii madoobayd
Inta gaari dhimatee
Gardarradu haleeshiyo
Inta gabadh la waayiyo
Inta gaban siqiirtiyo
Inta gacal is waydaa
Geedaha ka fara badan.

Galabtii madoobayd
Inta hooyo gubatiyo
Inta ruux gayaanoon
Gafba aan samayn weli
Gegidaa ku dhimatiyo
Badanaa qof goobtaa
Wadku uu ku gawracay.

Galabtii madoobayd
Inta ololkii gaadhigu
Gebiyada ku laaliyo
Inta uu gariirkii
Dhulka hoose geeyee
Aakhira u guurtiyo
Garaad way ka badan tahay
Intuu guri ku jiifsaday.

Ruuxii garaad lihi
Gar Allee ma yeeleen
Galabtii madoobayd
Baladii gudaysiyo
Geeridii na laysiyo
Xasuuqii na gaasiray
Inuu nagu galaaftee
Gaysta ciidda noo dhigo
Gadh wadeen xumaadiyo
Ninka ay ku guuraan
Gaalkiyo shisheeyuhu.

Gob haddaan ahaan jiray
Maalintaan gumoobeen
Goblameen is eedaay
Sannad guuradaadani
Gacal tooyo maahoo
Inta inan gashaantiya
Ama guurti odaya ah
Ama gacalo hooyo ah
Ama aabo geesiya
Giddigood la aasee
Galabtaa la waayaa
Gabayada baroorta ah
Aakhira gunteediyo
Godka kaaga tiriyoo
Shacabkayga guudbaa
Gu’gii aad timaadaba
Godob kaa tirsanayee
Afar toban gal baaseey
Yaa gudin af wayniyo
Ablay kugu garaacoo
Kaa gooya maalmaha
Ama bilaha guudiyo
Gebigoodba kaa tira
Xilliyada la guuriyo.

Guubaabo mooyee
In october garacyadu
Muslimiinta gaadaan
Ummaddana guhaadshaan
La garawsan maayee
Caku garashadaydaay.

Galabtii madoobayd
Gudcur baa bilaabmoo
Dhulku wuxu la gaagaxay
Ilmadii ka gabax tidhi
Gurboodkiyo dhallaankii
Iyo geela kii jiray.

Galabtii madoobayd
Guunyo way dhammaatoo
Hantidii la gadi jiray
Iyo ganacsigeennii
Kama yaalo giniyoo
Gambo waanay noo hadhin.

Galabtii madoobayd
Gud gudaha hillaaciyo
Godlan waa cirkiiyoo
Guulaamo hoortiyo
Gamashiye darruuruhu
Waayeelka goortii
Gogoshuu lahaan jiray
Dabka lagu gadaamee
Gaas lagu rusheeyee
Giriyaad bannaaniyo
Laga dhigay gabaahiir.

Galabtii madoobayd
Gal daloolladeedii
Weli lama gufaynoo
Waxaan laga gayoonayn
Gunaadkay abuurtiyo
Muuqaal gurracanoo
Tallo iyo gorfayniyo
Gaashaan u baahane
Waxaan geeshka leeyahay
Turki noo gar gaartoo
Kuwii dhiiga goostiyo
Guray dhaawaceenaa
Gurmad noo sameeyee
Galladdiyo abaalkaa
Gunto oo xasuusnoow.

Waxaan geeshka leeyahay
Cadaw soo gudbaayaad
Ku gadaamantahayoo
Gudoodiga habeenkii
Dhaxanta iyo gawraha
Sida galowga fiinta ah
Haddii aanad guurayn
Waxa gaadhka kuu qaban
Bahallada ku gaadiyo
Goodkiyo abeesada
Waanay kaa gar joogaan
Hadday gawska mariyaan
Maati aan gadoodayn.

Waxaan geeshka leeyahay
Haddii aanad gaajada
Adigoon gasiin cunin
Goobaha colaadda ah
Nafta aanad gay nayn
Maad gudan xilkaagoo
Adaa gabay dadkaagii.

Waxaan geeshka leeyahay
Dibadda iyo gudahaba
Haddaan laysu garabsannin
Oon hawsha geesaha
Gacmo wada jiraa hayn
Heli maysid guuliyo
Sharaf aad u gaar tahay.

Waxaan geeshka leeyahay
Galabtii madoobayd
Ruuxay gantaalladu
Intay gudub u raaceen
Garka iyo halbawlaha
Nabar uu ka gaadhee
Guluubyada indhaha iyo
Intuu beelay garashada
Gacmahana ka naafo ah
Haddii aanad guudkiyo
Garabkaaga saarayn
Gobba waanad noqonayn.

W/C: Abwaanad: Farax Sheekh Cabdirisaaq “Dressa NADAR”

SHEEKOOYIN