Home Qoraallo Tilmaamid Buugga: GASO, GANUUN iyo Gasiin. W/D: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Tilmaamid Buugga: GASO, GANUUN iyo Gasiin. W/D: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

0
SHARE

Tilmaamid Buugga: GASO, GANUUN iyo Gasiin.

Buugga GASO, GANUUN iyo GASIIN ee uu qoray Borofaysar Cali Jimcaale Axmed, waa buug aaney fahmi karin in badan oo wax aqrisa. Waa buug falsafadeed aad is leedahay waxa loogu talogalay jiilka imaan doona qarniyada soo socda. Buugga qofku markuu arko qacda hore ee uu indhaha ka qaado, ayuu ku wayddiinayaa, waa buug ka hadlaya dhaqanka heermiyiga. Waxay ku wayddiinayaan, waxa ay kusoo kordhin karto, qarniga lagu jiro ee casriga ah, adduunyaduna noqotay, hal Guri dhediis, in laga hadlo GASO, GANUUN iyo GASIIN? Iyo wax maantoo laga gudbay, ama laga ilbaxay. Halka buuggu yahay mid dhigaalkiisu u qalmo inay dhugtaan jiil aan maanta ifka joogin. Halkaas waxa ka jira is waydaarasho iyo mooggaansho, u dhaxeysa buugga dhigaalkiisa iyo qofka doonaya inuu aqristo ama iibsado.

Inta aynaan u gelin falaqeynta buugga iyo ka sheekantiisa. Aan mugga hore baranno waxa ay yihiin GASO, GANUUN iyo GASIIN. Afkeennu waa af Hodan ka ah dhinac walba. Soomaaliduna weligeedba mas’aladi la bixin waayo, Qur’aanka iyo Sunnada Suubbanaheenna Muxammad (SCW) ayay ula noqon jireen. Halka erayga Afka kusoo biira ama la doonayo in la iftiimiyana loola noqon jiray Suugaanta guunkaa ee abya oday kasoo gaarka ah. Haddaba anigoo taas ka duulaya ayaan rabaa inaan seddaxda eray ee Buugga loogu wanqalay inaan ka baaro suugaata Soomaaliyeed. Si aan u ogaanno kalximaha ay geliyeen halabuurrada suugaanta jaadadkeeda kala geddisan curiya.

Suugaan yahannada qaarkood, waxad ku arkaysaa qaar seddexda magac ee Gaso, Ganuun iyo Gasiin, hal curis u adeegsaday kuna soo qaatay iyagoo is wata. Waxa jira qaar laba ka mida hal curis u wada isticmaalay, halka qaarna ay mid uun ku ekaadeen.

Afeef:

Dan kama geli doono macnaha iyo sida tixda aan soo qaadanayo loo curiyay. Kaliya waxan rabaa inaan baranno qiimaha iyo qaayaha uu qoraagu siiyay magac bixinta buugga iyo sideey u yihiin, seddax eray oo si joogto ah loo adeegsado. Seddaxda magac bixin ee buuggu xambaarsan yahay, waxan u kala horraysiin doonaa sida ay u kala horreeyaan.

Waa maxay GASO?”

GASO, MOORO, XERO, waa halka lagu hooyo gaabbaadna u ah Gaashada Xolaad. Waxa kale oo ay noqon kartaa, meel kasta oo wareegsan, dhinacyadana aan loo dhaafi karin. Mar waa moorada aan soo tilmaamay ee xoolaha u gaarka ah, midna waa mid guud, sida; Dhulka aynu ku noolnahay ee carra-edeg, adduunka oo idil. Haddaan ku billaabo gabay aan anigu tiriyay goor sii horreysay;

Gacal iyo haddii Geel lahaa, Qurux la gowriirshay
Ganuun iyo haddii Geel lahaa, Gaawe lagu maalo
Gayax iyo haddii Geel lahaa, Caana gabin seexsha
Galaan iyo haddii geel lahaa, Rabaddin loo goobo
GASO iyo haddii geel lahaa, Geesi dhaqahaayo
Gorod iyo haddii geel lahaa, Kuris gadaaleeyo
Gerhays iyo haddii geel lahaa, Gaasha laga dhiibo
Gobal goyn haddii geel lahaa, Diya rag goyneysa
Gabbad iyo haddii geel lahaa, Awrta lagu guuro
Gaduud iyo haddii geel lahaa, Gaafka iyo hoorka
Gerqaad iyo haddii geel lahaa, Haaman gure saaran
Gole gayn haddii geel lahaa, Gugundhaw yeeraayo
Gar Allee intaas gacalahoow gooni u lahaaye
Maxaa reebi loo geynayaa waa gef iyo yaabe.

Geela aan ka gabyey waa qaranka, MAANDEEQ. Shiribmaal.

SHIRIB:

Goosaartii laga waayey Geel
GASO Idaad ma loo geelaa?

Laashin: Cabdi dilcif (AUN).
●●●●
Geelya Digaagya Gabsaseey
GASO isugu geey rabaan.

Laashin: Xasan Abubakar Calasow “Abaaji”

Gaso, macanaheedu waa sidaas, balse, gasada uu qoraagu ka hadlayo waa adduunka oo idil. Ubadka Nabi Aadan ee ifka ku nool maanta waxay ku wada jiraan hal gaso, mooro, xeyndaab ha ba usii kala ood-oodtaano e. Sheekada buuggu bidhaaminayo waa dedan iyo daalacan labadaba. Qoraagu Gaso wuxuu ka billaabay mid qoys wuxuuna kusoo afjaray mid guud oo tilmaameysa dadka ku nool carra-edeg dhulka.

Waa maxaay GANUUN?”

GANUUN, Buray, Doobtay, Haruub, Gaawe, Armeyl, intaas oo magac ayaa loo yaqaan iyo kuwa kale oo badan. Si guud waxa uu ku caanyahay Weelka lagu liso xoolaha gaar ahaan GEELA. Si kale haddii loo dhigana wuxuu noqdaa wax kasta ee wax lagu daboolo, ama lagu aamburo, sida: Dhiisha, Haanta IWM. Ganuun Suugaanta Soomaaliyeed inbadan-baa lagu sheegay, balse, waan soo koobayaa anigoo amminka ilaalinaya. Sheekh Axmed Abiikar Xasan “Sheekh Axmed Wacdiyow” (AUN). Wuxuu masafo ku yiri; qarnigii 18aad.

MASAFO:

Ma aragteen inaan geesi waarayn
Geerida loo xirahaynin gaashaan
Gacaladiinni haddaad god geyseen
Mahaad kasoo galiseenna goyseen
GANUUNYA dhiilna wax loogu gayhayn
Gaashadiney guray-guuga oodnayn
Gargaar wuxuu qabanaan la goobayn
Mageftadaas wax ma gaysatiinoo
Adduunyadaan laga geeddi waaye.

GABAY:

Haddaan ka tilmaansanno, gabay uu tiriyay; Abwaan la yiraa: Gacal Dhegoole asigoo ka gabyaya Gumaystihii Talyaaniga billowgi qarnihii 19-aad wuxuu yiri:

GANUUN meerto mow culan karaa, Ninman lahayn geela
Guri iyo aroos mow dhigtaa, Niman lahayn gaari
Gaso baaxad wayn mow xirtaa, Niman lahayn guurto
Garas iyo maraay mow falaa, Niman gerwayn haysan
Gentalkaya Marakiibta, Uu gadashaduu doontay
Gumays-tuhu wuxuu gayn rabaa, Biyaha noo gara.


Abwaan noolaa dhammaadka qarnigii 18aad iyo billaawga qarnihii 19aad, lana yiraahdo: Abwaan Maxamuud Qoddaale (AUN). waxa uu tilaamay GANUUNKA sidaan:

Minuu gaari badan yeeshayow, Gura gurayhaayo
Guri ijaaranuu ka baxay, Gabar cadnuu guurshay
Mayadaa GANUUN daarla li’, Guri wax geyhaaya
Gaw hadduu i dhaha caadkuyaa, Wax i gelaayaane.

————–

Laashin : Cabdi Nuur Xasan Cali (Waddani) wuxuu ku tilmaamey sidaan:

Casir iyo habiinkii waxaan, cunug ku daayaaba
Cuucdiyo gunuunaca waxay, soo cel celisaaba
Markii ay candhada soo togtee, godol u caaltaagto
GANUUN culan wixii aan Cabdoow, culus ku maalaba
Caanaha wixii aan cuntiyo , kaba dhigtaa ceeshka
Cabitaan sidoodii waxaan, oon ku celiyaaba
Cunug kaliya waataas Cabdoow, aan canqarineyn!

JIIFTO:

Waa Gobiyo Xaalkeed
Nimaan gelin abaalkaa
Godob weynna kaa galay
Lama sii guhaadshee
GANUUN caano buuxiyo
Gogol baa la siiyaa
Isagu hays garooxee.

Abwaan: Cabdiraxiim H. Galayr

——
Bal garwaaqso shacaboow
Nimankii geddaa falay
Ee gaaray guushaas
Ee keenay gobonimo
Garwadeen ma noqonoo
Guddoonkii ma qabanoo
Guunyaday dhaqaayeen
GANUUN caanahooda ah
Gurigooda lama gayn
Geedihii ay beereen
Mirihii ka soo go’ay
Gacantooda kuma qaban
Guryo dabaqyo dheerliyo
Gaariyaal dakeeyiyo
Guutooyin dhawroo
Ku gadaaman may arag
Galladdoodii dabadeed
Shacabkuna ma gaarsiin
Mahad gaara ee garo!

Abwaan: Bashiir M. Xersi

——-
Ma garbaa in gaalada
Gabbaad laga samaystee
Gacalkaa la weeraro
Walaalkaa la gowraco?
Gefka iyo colaadaha
Guulu kuma timaadee
Soomaalaay is garab sada
GANUUN dhaaya wada caba.

Laashin: Ibraahim Cali

———-
Hablaheenu waa
Dahab lama helaan
Hablaheennu waa
Hoodiyo nasiib
Ubad haarayeey
Horaadkeeda iyo
Ku habtaa GANUUN
Waa garab la hubo
Iyo gacal haruub
Hambo kaaga dhiga.

Abwaan: Cabduqaadir Ibraahim Weheliye

SHIRIB:

GANUUN-ba Ey lug waa gelshaa
Adoon wax-nuugu geyn lahayn.

Laashin: Imaam Cumar Imaam Caamir (AUN).
●●●●●

Hal godlatoo GANUUN agyaal
Aan-gaad marshaa ha gaagaxdee.

Laashin: Xuseen Sheekh Axmed Kadare (AUN).
●●●●●

GANUUN biyaa ganuun kaloo
Ku gawahaa lagu gudaa.

Laashinkaan magaciisa sooma helin.

●●●●●
Waa uun GANUUN xareedohood
Gandeeri noogu soo guddeen.

Laashin Ibraahim Qooryareey.

Ganuunka lagu bidhaamiyay suugaanta Soomaaliyeed, waa kaas aan kasoo sheekeeyay. Qoraaguse ganuunki aan naqiin ee miyiga iyo gasoodhinka xoolaad u badnaa uma danlehe, wuxuu tusaalaynayaa agabka yaalla dunida ee wax lagu cuno ama lagu cabo. Qoraagu wax kasta waxa uu ka billaabay; Qoys, wuxuu xejiyay qolo, ka dibna qaran ilaa uu kusoo gunaanaday inta dulsaaran ee ku dhaqanta Carra-edeg. (Adduunka).

Waa maxaay GASIIN?”

GASIIN waa wax kasta ee dhuunta mara, sida: Cunno, dheef, dhuuni, Hunguri, Raashin, Iyo iidaanki lagu macaaneyn lahaa. Sidaa darteed waxa la yiraahdaa: GASIIN iyo GOOSAAR. “Ollog iyo iidaan” qoraagu se si isku duub ah ayuu gasiinka u tilmaansaday. Haddaan ku billaabo mahmaah caan ah waxay leedahay:

Saddex Dumar laguma qabo.

GASIIN xumo.
Gogal xumo.
Galmo xumo.

GABAY:

Abwaankii caanka ahaay ee Salaan Carrabeey (AUN). Wuxuu ku gabyay:

Ragna guudka waysaga egyahay, goonse kala roone
Gabi waranka gaashanka ficil, goray dagaalkeeda
Guddi murantay waayeel garramay, xaajo lagu guulay
Gacatiyo GASIIN laga baxshiyo, guriga hawshiisa
Gobannimo dhammaanteed haddii, laysu wada geeyo
Ma gudboona geesiga hantiyo gocorka caayaa.

****

Abwaan: Cabdidhuux Yuusuf wuxuu tilmaamay asigoo ka maansoonaya dhaqanka iyo gobannimada dadka Soomaaliyeed wuxuu yiri:

Adigoon GASIIN wadan socdaal, Meel fog ugu gooshka
Goorti ay timaaddaba martida, Gowriciyo loogga
Waa dhaqan inoo gooniyoon, Gaar u leennahay.

***
Laashin: Hassan Abukar Alasow “Abaaji” wuxuu ku tilmaamay GASIINKA sidaan:

Gurgurshaa biyaha daadiyee, Layliguna geeyo
Guran caano laga maalo iyo, Geeri laga baanto
Gef wanaag ka khayr badan xummaan, Gacal walaalaysa
Geddaas yaa arkoo sheegi kara, Goorba waa ugube?
GASIIN-ka ba barkiis lama cuniyo, Goror dhunkaaleede
Gowlalliyo Dharkeyn laguma daro, Garawga iidaane
Geerida wax kuu sababi kara, Aadna garaneyso
Gowsaha inaad geliso waa, Waxan gudbooneyne
Ma garwaaqsadeen waa gefyaa, Aadanaha guude?

*****
Abwaan: Cabdiraxiin Hilowle Galayr isna wuxuu ku tilmaamay GASIINKA sidaan;

Gabayadu marbeey kuu yihiin, Gaawe iyo xoore
Gaashaan marbeey kuu yihiin, Guluf colaadeede
GASIIN kaad cunaysiyo mar waa, Gaaja tira wayne
Marna godob la aaseey tixuhu, Soo gadaal fagane
Godka damanihii jiifay baa, Soo dur-durin goore.

****
Abwaan: Xasan Daahir “Weersame” asna wuxuu yiri:

Gurmadaay dadkeenii miyiga, Waan ka Gaabinnaye
Saddex goor haddii aad GASIIN, gawska la helayso,
Haddaad miraha geedaha ku yaal, Gurato hoobaanta
Haddaad guri dugsoon jiifto iyo, Ilo-xir kuu gaara
Haddii goolal kuu looganyihin, Dhereg ku goohayso
Way galan-galcoobeen dadkii, Kugu gadaamnaaye.

***
Abwaanad: Hodan Sh. Cumar, waxay tiri:

Godkaas waan afeeftee haddaan, Gudub u sii dhaafo
Oon ararta aan gana jariyo, Gaafo dulucdeyda
Hooyada GASIIN ay cuntiyo, Gogolba aan haysan
Oo gabi bannaan taagan oo, Hoorsan gacanteeda
Galin waliba ooyeeyso oo, Gubatayoo oontay
Oo abaydin gaajoonayana, Haysa gacantiisa.

***
Abwaan kalena wuxuu yiri:

Markay gubatay teennii bulshadu, saw ma gudin doolka
Gabayooxa sawmay ku ladin, goobo halaq joogo
Gaal aan bariinayn dantii, Gogol umay doonan
Saw gashaantidaynii ma qabo, Gacal ma sooraanku
Saw gumaraddii ma taal, goobta lagu duugay
saw GASIIN waxay layd ma cunin, Gaalka ubadkiisu?

****
Abwaan kalena wuxuu yiri:

Haddii gabar habow ihi dhex timi, Guri masuulkiinni
Waxba yaan GASIIN iyo la siin, Gogol firaashkeede
Garba duub maxaa loogu xiray, Jeelna loo geliyay?”

****
Gabar Abwaanad ah oo ka gilgilatay ragga dayaca xaasaska iyo ilmahooda, waxay GASIINKA u tilmaantay sidaan, weliba gabadhaanu laba goor ayay soo qaadatay GASIINKA.

Gabadhiyo carruurtiyo markuu, gooyey ehelkiisa
Ee uu GASIINKII ka jaray, guri xannaanayta
Ee gacalo waa hooyo ee, gubatey tiiraanyo
Labadeeda geesood markuu, gaalku kala jiitey
Giddigii habeenkii waxay, gawr la ledi waydey
Gurmad iyo markii aanay hayn, Aabbe garab taagan
Ee iniba gees aaddayee, talo ku gawriirtay
Gabbal dhaciyo waagii beryaba, gocasho ooyayso
Inta ay gacmaha hoorsatay, Guulle baridaaye
Iskuullada markay gayso bay, gur u dhaqaaqdaaye
Guntigay u xirataa illayn, hawshi wuu gibaye
GASIIN iyo waxay raadisaa, shoobinkii go’aye
Gaari bay ka soo buuxisaa, guriga kaydkiisi.

JIIFTO:

Abwaan: Maxamed Cali Kaariye (AUN). Wuxuu yiri:

Wallee gabdho aan arkiyo
Geyaankoodaan heshiin
Mid baan iri; gacalisooy
Aqalka gogoshiisa iyo
GASIINKA ma kari taqaan
Gurboodse ma korin kartaa?

Waxay tiri; waad gaftee
Galaaskaa lay ma dhigin
Aqal-gogol layma barin
GASIINNA ma karinayoo
Dheriga waan ku gubanayaa
Gurboodkana laga ilbaxyoo
Godol naaskoo la jaqo
Haweenkay gaboojisaa
Carruurtana waw gurriine
Ged kalaa loo korinayaa
Ma taasaa gaariyoo
Gargaarkii hooyo noqon?

*****
Abwaan: Xasan Ganeey wuxuu ku tilmaamay heestii caanka ahayd ee Gacal iyo Gayaan ee wada qaadeen Axmed Cali Cigaal iyo Khadra Daahir Cige sidaan:

Marti goor xun socotaba
Gurigaaga oo maran
Adigoon GASIIN hayn
Iyo gaabanow Ari
Geeluna irmaaneyn
Dadkaba gobal aan la qadinoo
Ogoow gibil ma daadshaha
Loo gowracaa jira.

******
Abwaan kalena wuxuu yiri:

Dhulka yaan la kala goyn
Intay goori goor tahay
Geyi laga hayaamiyo
Laga dhigin gabaahiir
Gurma go’anta mooyee
Geed sare la waabayn
Galawga iyo fiintii
Guumaysku kugu ciyin
Adoo galab carawtiin
Gaaraaya meel dheer
Oo aan GASIIN wadan
Gunno kaa dhammaatoo
Harraadkii ku gawracay.

******
Abwaan: Xasan Cabdi Abtidoon (Kunciil Qorrax) asna wuxuu ku tilmaamay sida tan:

Abaaluu u galay ruux
Qofka goob ka sheegoow
Gun ayaad la tahay ehel
Mana lihid wax garashaa.

Inta lagu garguurtiyo
Gummadaha mid laga jaray
Gabaahiir qof dhigayoow
Naxariistu kaa guran.

Guure ruuxa ugu yimid
Wax harraadka gooyiyo
GASIIN kii ka qadiyoow
Gabadhaadu guur ma leh.

****
Abwaanad: Farax Sheekh Cabdirisaaq (Zedra Sheikh) waxay ku tilmaantay sida tan;

Waxaan geeshka leeyahay
Haddii aanad gaajada
Adigoon GASIIN cunin
Goobaha colaada ah
Nafta aanad gaynayn
Maad gudan xilkaagoo
Adaa gabay dadkaagii.

Suugaanta laga tiriyey ama ay ku jiraan seddaxdaan eray ee qoraagu buugga ugu wanqalay; GASO, GANUUN iyo GASIIN, waa ay tira badanyihiin. Halkaasna waxa nooga cad afaqoolnimada Borofaysar Cali Jimcaale Axmed. Seddexdaa eray ee magaciisu ka kooban yahay dhiganaha ayaa dhexdiisuna ka kooban tahay, waa sheekho dedan oo haddana daahfuran, suugaan ku habboonna lagu iidaamay. Ma doonayo inaan buugga dhexdiisa idiinka ka sheekeeyo. Balse, macaanida ku jirta sheekada ayaa kugu qasbeysa in qaybiba qeyb kuu dhiibto. Mar-mar ayuu qoraagu dood isla gelayaa, dooddaas oo dhex maraysa, maskaxda iyo maanka. Maskaxdu mar walba waa oggol diiddan, halka maanku yahay mid oggol walaxda maskaxdu u soo bandhigto, haddana danbaa ka dhaxeysa e, waa is fahmayaan.

Buugga inuu ka hadlaayo adduunka oo idil, qoraaguna yahay aqoonyahan gaamuray, waxa kuu caddeynaya luuq aan ku jirin ma jirto Dhiganaha dhexdiisa. Waxa ku hilan qisooyin maandhis ah oo uu qoraagu kasoo guuriyay waddamada adduunka. Sidaa aawgeed, GASO, waxay u taagan tahay moorada dadkoo idil ku noolyahay “Adduunka”. GANUUN, wuxuu u taagan yahay agabka kala geddisan ee yaalla isla Gasada uu qoraagu tilmaamay. Halka GASIIN, ka warramayo dhuuniga lagama maarmaanka u ah, Gasada iyo Ganuunka sare ee ah “Adduunka idilkiis. Haddaba biya dhaca iyo muhiimmadda dhiganuhu waa in dunida lagu wada noolaado iyadoon lays riix-riixeyn, laysuna awood sheeganeyn. Dhanka kale wuxuu si mug iyo miisaan leh uga hadlayaa Dhiganuhu, “Caddaaladda” oo ah tiirka koobaad ee nooluhu ku baraaro.

Waa sheeko daalacan oo haddana Dedan. Waa sheeko dabran oo haddana dalaaloco ah. Waa sheeko dhiliqsan oo haddana dhiftin leh. Waa sheeko dhahan oo haddana dhigan. Waa sheeko fayl-xiran oo haddana furan. Hadal badan haan ma buuxsho e, intaas wixi ka badan, adigaa lagaa doonayaa inaad aqriso dhiganaha ee kasoo dhex saarto macaanida falsafadaysan ee buugga dhex ceegaagta mahadsanidiin.

W/D: Xasan Cabdulle Calasow Shiribmaal

Guriga xariirka:

Cuute23@hotmail.com

SHARE