Qoowsaarkii dhagaha is tiray! Q2AAD WQ: Saciid Muuse (Ustaadka)

lol

Qoowsaarkii dhagaha is tiray! Q2AAD

Geedi hoygiisa waa doqosh coosh ka sameysan oo looga dhisay geeska Xerada lo’da uu ilaaliyo, waloow uu heshiiska ku jirin in habeenki wax la qabto hadana xiliyada qaarkood ayaa xoolaha habeenkii la foofiyaa, oo maalintiina la hergalsiiyaa, siiba marka uu kaco Qaniin lo’da cuno oo ku nool meelaha gosha ah,

Geedi xiliyada abaarta ah howshaa ayuu qabtaa, Aarankiina marka habeenkii dhalinyarada caweyneyso kama qaybqaato waloow uu iska dhageysto haddana looma haysto nin wax maqlo oo xanta lagama qarsado.

Geedi waxuu sidaa ahaado oo uu waqtiga iyo waayaha u dhabar adkeystaba waxaa u go’ay sanadkii labaad, Waxuuna helay qaalin sadax jir ah, Qaalintii horena waa u riman tahay, sidaas ayuu laba neef iyo rajo ku haystaa, ma jirto cid uu soo raadsato ama uu raadiyo, dadkana waxeey la yaaban yihiin kartida iyo adkaysiga faraha badan ee ninkan. Nin walbo oo deegaankaas xoolo ku haaystay waxuu jeclaaday inuu isaga u noqdo qoowsaar, laakiin sidii looga dhaadhicin lahaa inuu isaga soo tago ninkan uu u shaqeeyo ayaa la waayay, Waayo wa nin aan wax maqlin, dhowr marna waxaa loo balan qaaday in la siinayo in ka badan inta uu qaato, haddii uu ninkan isaga soo tago, laakiin geedi waa is dabaaliyaa, oo miih iyo maahda uunbuu u guraa ninkii sheeko ula yimaado.

Geedi reerkiisa waxeey ahaayeen xoolaleey, laakiin colaado dhacay ayaa salfaday waxay haaysteen oo dhan. Dagaalo beeleed xun ayaa dhax maray beesha Geedi iyo beel kale oo la jaar ah.

Geedi oo maalintaa 5 jir ahaa, wili wuu xasuustaa mahadhadii lagu ceeyrteeyay, waxeey aheeyd subax aan wili xoolaha ooda laga rogin, markii weerar baahsan lagu soo qaaday jabadkii eey daganaayeen reerihiisa.

Iska caabin xoogan oo eey galeen dhalinyaradii xoolaaleyda ahayd iyo ragii soo duulay ayaa saacado qaatay, Waxaana ku gacan sareeyay ragii soo duulay, oo tira iyo hubba ka badnaa dadka tuulada daganaa.

Waxaa si arxan daro ah loo dareersaday dhamaan xoolihii qoysaskaa oo illaa iyo 20 qoys ahaa, Wax alla iyo waxey haysteen oo mood iyo nool ahaa waa lala tagay, raga soo duulay qaar baa watay xargo soohan oo eey ku xariirsadeen oowrtii hayinka aheyd, Geedi aabihii oo baadiraadis ku maqnaa, waxuu ka horyimid xoolihii oo la qunsanayo, Meel kayn ah ayuu naftiisii ku qariyay ilayn waa la dilayaa haddii la arkee, Neefkii baadida ahaa ee uu wadayna waxuu ka raacay xoolahii dhacnaa, Geedi aabihii meel uu wax ka bilaabo ayuu garan waayay, guriga waxuu ku ogaa ilma isuma qado ah, xoolihiina waa kuwan la didsanayo.

Ciladhaantii yeertay, iyo gurmad meelo kale ka yimid oo beesha ahaa, ayaa ragii ka daba taxanoobsaday, geedi aabihiisna horey ayuu u raacay, dhaxna waa la isku helay, oo miida la iska cabay.

Raga soo duulay oo tabo iyo xeelada burcadnimo ku caan ahaa, marki horeba waxey iska sii hormariyeen xoolihii, si kastaba ha ahaatee, waxaa wareega labaad gacan sareeyay ragii gurmadka ahaa, waxaana u suurta gashay ineey soo celiyaan illaa toban qoys xoolahoodii, halka tobankii kale lala tagay, oo mar hore, laga talaabiyay seerada eey beelaha wadaagaan, Geedi reerkiisa neefna looma soo dhicin, aabihiina waxaa lagu dilay raacii labaad ee gurmadka.

Sidaas ayuu jaafaajiriq iyo agoonimo ku soo koray.

Waxaa dhamaday sanadkii sadaxaad, neefkii horena weyl buu ku curtay, Kii kalana waa rimanyahay mid sadaxaadna waa uu haaystaa Geedi. Sidaasi waxuu ku haaystaa, 4 neef iyo rajo, waxaana ka go’an in sanadkan danbe uu isaga tago aagan isagoo xoolo wato.

Waxaa u dhamaaday sanadkii afaraad, qaalin sadax jir ahna waa helyay, tii labaadna weyl bey ku curatay, Tii koowaadna waa rimantahay mar labaad, Tii sadaxaadna waa rimantahay, lix neef oo eey laba rimantahay midna irmaan tahay ayuu subxii danbe isku soo duwday oo usha intuu garbaha saartay oo uu soo dareersaday yiri, asagoo ku halqabsanayo Sacii 1aad ee magaciisu dhiimeey ahaa.

Dhiimeeyay maqal
Nimaan dhidideyn
Dhargi waayoo
Dheef waxaa helo
Dhib ninkii maray!

Ana dhaaxaan
Is dhagoolshoo
Dhoohan lay qabay!

Dhuda maqalkaan
Dhiiqa qoyan iyo
Dhoobo saartee
Ruux la dhaabiyo
Dhagool maaheyn.

Aan dhaqaaqnee
Dhaqso ii soco
Dhuurta hoosiyo
Dhabahaa kore
Dhanka wabigaa
Dhinacaa bari
Aad ku dheeshide
Dhiimeeyey soco!

Dhab waxaad tagi
Dhulka keeygoo
Nin dhaqaayoo
Dhabi goostaa
Halkey dharag taal
Kuu dhigaayee
Dhaqso ii soco!

Hal mar ayeey dadkii afka yaab la taageen, oo waxeey ka wada shalaayeen, waxii eey xumaan iyo dhagahadal ninkan kula soo dhiiran jireen.

Dhammaad.

WQ: Saciid Muuse Axmad (Ustaadka)

SHEEKOOYIN