Home Curis Hammi caashaq iyo hunga been ah Q29AAD W/Q: Cabdisalaan Macalin Xirsi

Hammi caashaq iyo hunga been ah Q29AAD W/Q: Cabdisalaan Macalin Xirsi

0
SHARE

Hammi caashaq iyo hungo een ah Q29aad.

Fartuun oo ah gabdhaha meesha jooga midooda ugu beerka adag ayaa hadalka qaadatay oo tiri: “Anigu naagtaan in uusan ninkaasi qabin , mar hore ayaan ka shakiyay, kaddib kolkii ay igu tiri Nuur ayaa safar taylaan ugu maqan aniga oo maalin walba suuqa ku arka,dhibsa ma leh oo ayada ayay ku kooban tahay, haddiiba ay safar u soo gashay si ay nin aan qabin u tiraahdo waa i qabaa, oo u been abuur u samayso , dhanka kale Xaliimo gabdhaani sida aan u nool nahay ha noola noolaato ama maantaba bannaanka ayaan boorsadeeda u dhigayaa,annagu ma dhalin intaan hayn karnayna waan haynay, ee maanta ama guriga wax ha ka qabato ama ha is ka tagto”.

Xaliimo oo markii horaba ku tala jirtay arrinkaan ayaa hadalka qaadatay,oo tiri: “Walaal fartuun waa runtaa oo gabdhu in badan ayay dulsaar nagu ahayd, waxa aanan filayaa hadda in la joogo waqtigii ay magaalka dhinac ka geli lahayd soona qaraaban lahayd, nafteeda ay maarayn lahayd, maamulina lahayd, laba waddo ayaa u furan in ay hadda banaanka iskaga baxdo  oo kaligeed tashato iyo in aan anagu u talino, waxaan u dirnana ay samayso.

Fartuun ayaa hadalka ka boobtay xaliimo oo ku tiri: Afkaada caano lagu shubye labadaas  waddo mid halaga helo.

Xaliimo waxa ay ku jeesatay Nasro oo kaligeed meel halkaas  ah ku ooyasay, madaxana u raaricaysay hadallada lays dhaafsanaayeyna ay gubaayeen, waxa ayna ku tiri: “Waxaan filayaa in aad maqlaysay hadalkeena”?

Nasro oo hiqlaynaysa cid u garaabeysaana aysan jirin ayaa ugu warcelisay: “Haa waan maqlaayay, laakiin idinma ogayn in aad sidaan cadow u tihiin, waxa aan sugaayay in aad garab isiin doontaan, waxa aan is lahaa ayaga ayaa kaaga gargaaraaya ninka ku xumeeyay, waxaa an filaayay in aad soomaalinimo iyo muslimo midkood igu caawin doontaan, balse waaba igu wiirsateen oo ila yaabteen, dhib maleh oo waa adduunyo xaalkiis,  aniga ayaa soo doontay dhibkaan, waxa aan maqli jiray meel lagaa jecel yahay haddii aad ka soo tagto meel lagaa neceb yahay ayaad tagtaa, oraahdaas maanta ayaan xaqiiqsaday, tan kale aaway soomaalinimadii iyo dumarnimadi?”.

Nasro oo hadalka wada ayaa waxaa ka marooqsatay, Fartuun kuna tiri: Naaya hee soomaalinimada aad sheegayso ma naqaane, abaalna ma lihid haddiiba aad tiri ima caawinna annaga oo  waqtiga intaas la’eg  ku haynaye, hadda maxaad damacsan tahay? Ma waxaad rabtaa in aad na dhaafto oo aan boorsadaada bannaanka kugu soo bixiyo mise in aad maqasho warkeena oo aad yeesho waxa aan ku dirno?

Nasro oo xaqiiqsatay in aysan meeshaan oolin wax naxariis ah ayaa tiri: Meel aan aado ma aqaan ee adinku tala soo gooya ana waan qaadanayaahe.

Fartuun: intaasbaa lagaa rabay halkaaga fadhi go’aan ayaan soo gaaraynaa, adinkuna qolkayga na geeya aan tashano e,  qolkiibaa la tegay waxaana laga shiray shaqada ugu habboon ee Nasro loo diri karo, in badan kolkii la hadlaayay fikirado badana oo gabdhihii so bandhigeena ay u cuntami waayeen xaliimo ayaa waxaa hadalka qaadatay, gabar ka mid ahayd gabdhaha guriga degan oo lagu magacaabo Deeqo waxa ayna tiri: “Walaalyaal gabadhu wax kale ma taqaano ee ka warrama haddii aan niraahno noqo shaqaalaha guriga oo cuntada kari guriga dhaq, dharka dhaq oo nadiifi qolka aad degantahayna wax ka deganow, cunto aad cuntana na waydii.

Fikradaasi waxa ay noqotay mid wanaagsan oo laysla qaatay, waxaana loo bandhigay Nasro, ayaga oo og in aysan diidin Karin, ay si quursiya Fartuun go,aan ugu dul aqriday, Nasrana kama caga jiidine aqbal iyo guddoon ayay tiri kaddib markay xaqiiqada meesha taal aragtay………………..

lasoco qaybaha kale.

W/Q: Cabdisalaan M. Xersi

SHARE