Filan waa Q31AAD W/Q: Yaasiin Xasan Muuse

Filan waa Q31AAD

Dhakhtarkii wuxuu ii sheegay sheeko naxdin iyo murugo igu abuurtay,wuxuu yidhi: “Uur  lix bilooda ayaad leedahay!

Yaab facaj iyo Filanwaa waa tan oo kale, waxa aan ahaa  gabadh da’yar sidaa awgeed maba aana dareemin walac iyo xanuun, ilaa la arkay calooshaydii oo kuusan iyo jidhkaygii oo isbaddalay.

Talo faraha ayay ka haaday, Adeerkey iyo odayaal xigaala ah ayay arrintu gaadhay, sidoo kale waxaa loo sheegay qoyskii uu ka dhashay  ninkii aan  kala tagnay in aan uur leeyahay.

Wada hadal dheer kaddib, qoysku waxay ku adkaysteen intii masaariif iyo qarash laga qaadilaha in gabadha loo soo celiyo, isla markaana khilaafkii hore ee dhacay hadda la xaliyo, sidaana mar labaad ku midowno.

Sidoo kale qoysku waxay balanqaadeen inay i dhaqanayaan oo si fiican iila dhaqmaayaan, mar dambana ayna dhacayn wixii aan ku kala tagnay oo kale.

Adeerkey markuu arrintii rogrogay, oo uu qiimayn ku sameeyay duruufa jira iyo in dhaqaale loo baahan yahay, waxaa la qumanaatay in aniga sidaasi ii wanaagsantahay oo ninkii ilmaha lahaa laygu celiyo, sidaana marlabaad reerkeyga ku dhaqdo.

Markii aan maqlay in la damacsanyahay in ninkii dib laygu celiyo, ciil iyo cadho owgeed waan miyir beelay oo wax hadala waa layga waayay, toddobaad Ayaan dhulyaal ahaa.

Ugu dambayn waxaa laygu qanciyay inaan ninkaygi hore ku laabto, waxaa laygu beer             laxowsaday inaan u baahanahay garab iyo wax ilmaha ila koriya, sidaa darteed ay waajib tahay inaan  go’aankaa u hoggaansamo.

Cidhiidhi adduun ayaa dhan walba iga saameeyay, waxa aan noqday qof maradeedi ku gubatay oo waalid iyo wehel dhibaatada la qaybsada midna aana haysan.

Anigoo og inaan marxaladaa adag ku suganahay, haddana si adag ayaan uga hor imid talada la iisoo bandhigay, balse dani waa seeto, anigoo tiiraanyaysan oo aad uga shalaynaya guurkii hore aan ninkan la wadaagay, ayaan arrintii oggolaaday.

Balse, waxaa soo dhan waxaa iiga si idaran oo murugo aad u wayn igu haysay tobanka maalmood ee ka harsan wakhtigii aynu ku balanay inaynu wada aqalgalno

Xaaladdu markay halkaa gaadhay waan fikiray, waxa aan samayay arrin fool xun balse xiligaa ila qumanayd, inkastooy gadaal aan ka qoomameeyay.

Maxamedow, waxaan filayaa inaad xasuusantahay habeen habeennada ka mida ayaan kula soo hadlay, waxaan kuu sheegay in arrinta maherka iyo arooska dib loo dhigo, ilaa muddo shan iyo toban maalmood, anigoo  ooyaya oo codkeygu aad u hooseeyo, waxa aan intaa kuu raaciyay, in ay igu soo koradhay arrin  filanwaa ah, taasoo madax xanuun iyo mushkilad igu abuurtay, sidaa darteed waxaan kugu idhi: “Waxaan doonayaa inaan Muqdisho aado, kaddibna si dhaqso ah usoo laabto”.

Gacaliye Muqdisho ma tagin, magaalada Baladweyn ayay dhinac ka dagay, runti sidaa ayaan xal u arkay waana  kaa qariyay arrintii ila soo daristay, waana dhibaato inteeda leeg, ilaa iyo hadda wax igu kalifayna arrintaa ma garanayo.

Aad ayaan uga niyad xumaaday sida ay wax u dhaceen, waxaa intaa iidheer oo aan aaminay in aana mar dambe indhaha saari doonin Maxamed, sababto ah waxaan iska dhaadhiciyay inaad kollayba maqli doontid mashaqada meesha ka dhacday, kaddibna wax badan is baddali doonaan.

Anigoo og waxaa aan sameeyay, haddana kaama quusan jacaylka aan kuu qabay hal habeen qalbigayga kama bixin, waxa aan go’aan ku gaadhay maalinta aan dhalo cunugan aan caloosha ku siddo inaan dhabta u saaro ninkii aabbaha u ah oo aana nolal dambe la sii wadaagin.

Runtii ma qiyaasi karo dhibaatada faraha badan ee aan la kulmay intii aan wada soconay, waxaa iga soo hadhay fikir iyo dhabanahays mar walba joogta ah, waan isbaddalay oo muddo kooban ayuu dheehaygii iyo dhabankaygii quruxda badnaa ku baabay, muragada waxaa iisii dheer nolasha guriga oo iska liidata.

Deeqa markay halkaa sheekada marinaysay ayaa waxay ma qashay, dhawaqa xabado tacshiir ah iyo qaylo nin cod dheer oo  leh alla iqaada alla iqaada, intay naxaday ayay Maxamed ku tidhi: “ walaalo khadka ku jir xabbadaa dhacaya .

La soco qaybaha dambe.

W/Q: Yaasiin Xasan Muuse

Yaasiinxm114@hotmail.com

SHEEKOOYIN