Home Qoraallo KADINBAX. Q3AAD. W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

KADINBAX. Q3AAD. W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

0
SHARE

KADINBAX. Q3AAD. W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Waayuhu waxay is guraanba waxa mar kale yimid Axad. Joon hooyadiina sidii caadada u ahayd-ba, Axaddaan waxay mar kale isu diyaarisay, inay is raacaan iyada iyo wiilkeeda. Joonse Axaddaan uma toosna oo waxa joogaa Aabbihii Roberto Alberta oo isbuucaan shaqada fasax ka ah. Joon waxa uu dareemay in halkii caad laga sugayay ceeryaamo ka timid. Berigana uusan ku baxsaneyn, buuqa ayaa i dhibaya iyo madaxa ayaa i xanuunaya, mar haddii Aabbihii joogo. Joon waxay ka taagan tahay, halkii uu uga guuroobay, laashin: Maxamuud Xasan Nuur Fareey kana yiri:

  • Qatar muu adoogaa yohow, Qoorta qabahaayo
    • Habartina quraac hiiro iyo, Qado ku siiheynin
    • Adiguna Qur’aan aadan rabin, Miihi qalad waaye
    • Ninyohow qof weynaa tehee, Hays-ku qarin duurka
    • Nin haddow qasaay yahay marow, Hadal ku qoolmaaye.

Joon subaxdaan, waxa uu go’aansaday inuu waalidkiisa u sheego, inuusan diyaar u ahayn inuu aado Kaniisadda iyo goob walba oo diineed. Wuxuuna sabab uga dhigay; inuusan jeclaysan qaylada iyo Muusigga ka baxaya. Laakin hooyadii Stella Alessandro oo aan warka wiilkeedu ku socon axaddaan ayaa Aabbihii ku tiri; Joon waa inuu Kaniisadda noo raaco, si aan Jesas ugu barinno. Wiilkaygu ma fiicna isbuucyadaan, waxa uuna saluugsan yahay Diinteenna Kirishtaanka ee ab iyo oday kasoo gaarka ah. Joon Aabbihii Roberto Alberta waxa uu u riyaaqay, warka xaaskiisa. Joon ayuuna ku canaantay inuu raaco haddii uu nabad rabo. Joon kuma yalmin indhagaduudiska Aabbihiis waana ka diiday inuu raaco, asigoo dhowraya, ballanta ay wada galeen asiga iyo dhallinta filkiisa ah. Gaar ahaan Axmed Cabdi. Aabbihii waxa uu damcay inuu u gacan qaado Joon dhowr dharbaacshana ku dhifto.

Caada ahaan bulshada Talyaanigu lama mid ahan, bulshooyinka kale ee heer Yurub. Ilmohoodana waa garaacaan sida Soomaalida haddii ay warkooda diidaan. Dhallaankuna waalidkood xannaanada ma geeyaan haddii ay duqoobaan ee waa u khidmeeyaan ilaa iyo intay ka iilanayaan ifka. Balse, Ummadaha kale ee heer Yurub ilmaha lama taaban karo, lamana canaanan karo marnaba. Waalidkuna haddii uu howlgeb noqdo “Beeshin” waxay geeyaan xannaano dowladdu maamusho, ubadkiisana halkaas baa ugu dambaysa, haddii uu garaadkiisu taam yahay xitaa dib dambe ugu ma soo laabtaan. Waxa se jira waddamo fara ku tiris ah oo carruurta la canaan karo, sida; Talyaaniyiinta iyo Jarmalka. Sidaa aawgeed inuu Abbihii garaaco Joon waxba kuma jabna, mar haddii aanu jirin xeer ka reebaya, inuu garaaco wiilkiisa, si uu u tarbiyeeyo.

Markii uu damcay inuu gacan qaado, ayaa waxa meel gees ah oo ay taagneyd ka soo orday Joon Hooyadii. Hooyadu mar walba waa ka naxariis badan tahay Aabbaha, waana dabeecad uu u abuuray Eebbuhu. Sidaa aawgeed Joon Aabbihii waxba kuma dhifan oo Hooyadii ayaa ka hor istaagtay, inuu wax ku dhifto. Hooyadu iyadaa Aabbaha fartey inuu wiilka canaanto, haddana waxa horteeda yimid oohinta wiilkeeda marka Aabbuhu u gacan qaado ka dib. Waxa kale oo meesha aan ka marneyn inay Joon kaligiis carruur ka haystaan, aadna u jecelyihiin, dilkiisana aan lagu dhiirra karin mar walbo.

Markii uu intaas sameeyay Joon dhowr isbuuc ka dib ayay is arkeen, carruurtii ay isla ciyaari jireen. Isla markaas ayuu wiil ka mid ah salaan usoo taagay, nasiib wanaagse wiilkii Joon salaanti kama qaadin ee gacantiisa ayuu ka laabtay. Joon oo xanaaq dartiis cunuhu la casaadeen ayaa ku tiraabay: dad fiican ma tihidiin, sababtoo ah Diintiinni ayaan qaatay, waa igu xushmeyn waydeen. Haddana waalidkey ayaan diiday warkoodi iyo inaan u raaco Kaniisadda si aan idiin qanciyo. Welina waa i salaami la’dihiin ee waa maxaay dhaqankiinnu?. Calas oo carruurta goobta joogtay, ka mid ahaa ayaa ku yiri: Saaxib Joon waxa gurigiinna jooga Ey waana la macaamishaa mar walbo, waana taataabataa shalay waxan ku arkay adigoo sal-salaaxaya afkana raashin u gelinaya. Sidaa darteed agteenna Eygu waxa uu ka yahay Xaaraan mana taabanno jeer uu guri noo joogo iska daaye.

Bay’ada lagu noolyahay inay tahay, wax qofka maalinba in kooban ka beddelaysa, Joon waxa haysta inuu mar kale ka haro noole uu aad u jecelyahay. Xitaa waalidkiisa ugu fadhiya qiime xad dhaaf ah, heer ay gaaraan inuu ula mid noqdo, carruur ay dhaleen oo kale. Joon carruurta uu jaalka la yahay iyo Bay’adu waxay u tababarayaan si degdegsiimo leh. Maalin walbana dhaqankiisi, Hiddihiisi, Diintiisi iyo waxa laga fogaynayaa raashinkii uu cuni jiray. Wax kale ma ahan oo waa tii ay Soomaalidu ku mahmaahaan: “Deriskaa kuma caddeeyo, kumana madoobeeyo ee siduu yahay ayuu kaa dhigaa”. Sidaa aawgeed Joon Bay’ada uu ku noolyahay waxay u barbaarinaysaa sida carruuraha ku nooli ay u yaallaan.

Joon waxa uu garaawsaday inay jirto, dhibaato ka horjoogsaneysa inuu la mid noqdo, dhallinta asaaggiisa ah. Balse markaan waxa uu go’aansaday inuu sameeyo, wax walba oo aan saaxibbadiis ka takooreyn. Waxana uu u tegay Hooyadii iyo Abbihii waxa uu u bandhigay in Eyga laga saaro guriga. Waxa uu yiri: aniga iyo Eygu guriga isla joogi mayno ee aniga i doorta ama Eyga doorta. Aabbihii Roberto Alberta iyo Hooyadii Stella Alessandro waxay is tuseen inay sameeyaan wax walba oo Wiilkoodu ku farxayo, kuna niyad sammaanayo. La ye: “Gaaladu waa ilma la deeyay” balse Joon waalidkiis waxa u wehliya inay kaligiis ilma ka dhaleen oo aysan u joogin carruur kale. Sidaa aawgeed Eygi waxa ay siiyeen, deriskooda iyagoo haddiyo uga dhigaya.

Joon Aabbihii oo ahaa sarkaal aqoonyahan ah, waddan uusan u dhalanna gumaysta, ayaa intuu kaxeeyay waxa uu geeyay, goobaha lagu caweeyo laguna nasto. Waxa uu doonayaa inuu tuso inay jirto nolol ka waasacsan kana qiima badan midda uu dooranayo, taasoo uu dabin uga dhigayo Joon. Si uu uga haro dhallintaan Soomaaliyeed ee afrikaanka. Waxa uu geeyay baarar lagu caweeyo, waxana uu dhegta ugu sheegay, haddii uu ka haro dhalintaan marin habaawsan iyo Diintaan jaan ee lagu xujeynayo inuu siin doono, wax allaala iyo waxa uu u baahan yahay oo idil. Balse, taas kuma qancin Joon e, waxa uu yiri: Aabbe anigu ma doonayo nolol ka wanaagsan midda aan ku jiro, taasina waa inaan la mid noqdo, carruurta ila da’da ah.
Waxa uu si deggan u yiri; Aabbe haddii aad ii sameynayso, waxa aan xiiseeyo, maxaa diidaya inaad I siiso anoo diintaas aaminsan? Joon Aabbihii hadalkaas uu wiilkiisu ku yiri; waxa uu ku noqdey wadna qabad iyo filanwaa. Waxa uu gartey in wiilkiisu ku dhacay wadda qaldan, waa sida uu aaminay e. La ye: “War jiraaba cakaaruu imaan” ee Joon Aabbihii gadaal buu ka ogaan doonaa cidda qaldan, balse, markaan waa ka quustey wiilkiisa.

La soco qaybaha kale

W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Goobta xariirka: 

Cuute23@hotmail.com

SHARE