WAAYIHII WARSAME Q3AAD W/Q: Cali M. Diini

WAAYIHII WARSAME Q3AAD

Ayaan kadib Warsame waxa uu yimid tuulladii ay ku ballansanaayeen Burhaan oo Hargaysa ka imaanaya, waxa uu la kulmay Burhaan oo uga soo horreeyay u na sheeg in aabbe ka codsaday inuu sugo inta roob ka da’ayo. “Waatahay” ayuu Burhaan yiri. Waxay ku ballameen in markii roob da’o ay halkaan (tuulada isugu yimaadaan). Xoogaa lacag ah ayuu siiyay waana la ismacsalaameeyay.

Roobkii waa da’ay ciddiina barwaqowday, sidii ballanku ahaa Warsame wuxuu isku diyaariyay safarkii uu noloshada miyiga ku macsalaamaynay. Aabbe Faarax wuxuu wiilkiisa siiyay dhawr boqol oo kun oo shilin Soomaali ah wuxuuna kul dardaarmay inuu iska ilaaliyo balwada ay dhallinta baabuurreydu isticmaalaan sida qaadka iyo sigaarka wuxuu kaloo kula taliyay in hadduu heli karo shaqo kale magaalada ka raadsado maadaama shaqada gaadiidku tahay mid dhib badan khatarteedana leh sidoo kale wuxuu ka codsaday inuu sannadkiiba mar booqasho ugu yimaado.

Warsame waxa uu nabadgelyeey aabbe Faarax iyo walaalihiis waxa uuna u ballanqaaday inuusan hilmaamin doonin sababta uu magaalada u aadayaana tahay inay tahay siduu noloshadooda wax ugu soo kordhin lahaa.  Waxa uu u dhaqaaqay dhanki tuullada oo ilaa 20km u jirta.

Warsame waxa uu yimid tuulladii ila markiiba waxa uu u dhaqaaqay in uu dadka waydiiyo inuu yimid gaarigii uu Burhaan dabakafuulka (kirishbooyga) ka ahaa iyo in kale. Waxaa loo sheegay inuusan gaarigaasi imaan in muddo ah.  Maalmo dhawr ah ayuu tuulladii joogay asagoo sugaya bal in Burhaan yimaado mase imaan.

Warsame waxa uu go’aansaday inuusan intaan ka badan sugin Burhaan oo toos u aado magaalada ugu dhow oo ah Gaalkacyo. Waxa uu raacay baabuurka xaaji khamsiinta loo yaqaan oo Gaalkacyo u socota. Socdaal shan saacadood iyo xooga qaatay kaddib ayuu soo gaaray Gaalkacyo ammin ku beegan yahay  gadiidka ama harkii maalinimo.

Warsame waligiis ma uusan imaan Gaalkacyo ama magaalo sideeda oo kale u wayn, mana jiro qof uu ka yaqaanno. Aqoon la’aanta magaalada waxaa u dheer Gaalkacyo waa meel aysan xaaladdeeda ammaan degganayn oo dagaallo qabiil ka jiraan.

Gaarigii uu la socday ayuu waydiiyay halka baabuurta waawayn ee Xamar iyo Hargaysa aadda ay ka baxaan? Darawalkii ayaa ku daray dad baabuurka saarnaa oo Hargaysa u socday inay geeyaan meesha ay baabuurtaas ka baxaan.

Warsame waxaa la geeyey halkii baabuurtu waaweyn ee gobollada u kala gooshaan ka baxayeen,  asaguna waydiin ugu dhaqaaqay kirishbooyadii iyo wadayaashii, “Burhaan oo gaari hebel kirishbooy ka ah ma garanaysaan?”  Ku ma se guulaysan.

Warsame talo ayaa ku caddaatay, ma yaqaan meel uu ciirsado iyo meel uu u irkado toona, xitaa qof uu indhogarad ah oo uu waa arki jirey waa waayey, meel uu wax ka bilaabo waa uu garan waayey. Waxa uu iska fariistay kuraas taalla maqaayad shaaha laga cabo oo ku hortaalla bakhaar wayn oo raashinka kala duwan lagu iibiyo, wuxuu dalbaday koob shaah ah. Wuxuu ka fakarayaa halkuu caawa seexan lahaa berri yeelkadeede.

Wax uu meeshii fadhiyo oo indhaha rogrogaba waxa uu arkay wiilal gaari gacanno wata oo bakhaarka alaab ka qaadaya iyo kuwa keenaya, kuwa ninka bakhaarka jooga lacag u keenaya kuna dhahaya “Tan waa kirada shalay iyo maanta”, waxa uu dareemay in ninka bakhaarka jooga yahay kan gaari gacannada leh oo wiilasha ka kireeya.

Isagoo meeshii taagan oo sida wax u socdaan dusha ka daawanaya ayuu arkay laba tuug oo raba inay odayga jeeb siibaan oo lacag shaatigiisa fotoshaariyaha ah jeebkiisa kala baxaan, kaddib warsame ayaa arkay  markay dhaafayeena warkooda maqlayey.

Warsame waa nin miyi ka yimid cid uu ka baqaya oo aan ilaahay ahayna ma jirtee ushuu sitay ayuu la dul maray, ee is jir nimanku waa tuugo  ayuu yiri: Odaygiina waa arkay ragga jeebkiisa gacanta kula jira waana la diriray tuugtiina waa carareen, Odaygii baa aad uga helay geesinimadiisa waayo? Magaalada laysuma sheego tuugga qofna kama hadlo, isagoo ka baqaya inay isaga dabagalaan ama waxyeelleeyaan. Odaygii ayaa  u mahadceliyey oo weydiiyey qofka uu yahay, Warsamena waxa uu uga warramay xaalkiisa iyo waxa uu magaalada u yimid.

Kaddib ayuu weydiistay adeer gaari gacannada maad iga kireysid mid aan ku xoogsado.Warsame waa nin da’yari  oo weyd ah aadna caattonimadu uga  muuqato.

Odaygii aya yiri “Adeer gaari gacan awood aad ku riixdid ma lihide maad iska dhaaftid”

Warsame waxa uu yiri: “Adeer waa runtaa waan tabar yahay balse inaan xoogsado ayaa iga go’an sidaan hore kuugu sheegay maantadan ayaa magaalada imid meel aan aado iyo meel aan u hoy dana  ma aqaanni  iyo qaab kale oo aan noloshayda u maareeyo .” Odaygii bakhaarlaha  oo ka helay daacadnimadiisa iyo kartdiisa ahaa waxa uu ku yiri “Ka warran haddaan maqaayad ku geeyo oo aad alaabta u dhaqdid lacag iyo meel aad seexatidna aan ku siiyo?”

Warsame ayaa ugu warceliyey isagoo la dhacsan hadalka ninka odayga ah“Haye adeer waad mahadsan tahay”.

Odaygii iyo Warsame way israaceen waxa ayna tageen maqaayad odaygu lahaa oo suuqa wayn dhexdiisa ku taal. Maamulihii maqaayadda ayay u tageen odaygiina ku wargeliyey “Wiilkaan ayaan kuu wadaa ee alaabta ha kuu dhaqo qolka maqaayadda dhabarkeeda ku yaalna ha seexdo. Maamulihii ayaa si diiran usoo dhaweeyey kuna yiri: “ Hawraarsan mudane.”

Warsame waxaa la geeyay qolkii yaraa ee ku yaallay daaqaddiisu ku beegnayd kushiinka maqaayadda. Waa qol ka samaysan dhagax iyo shamiinto laysku dhisay oo  kulayl badan, dhanka kalena qiiqa iyo hanfiga ka soo duulaya kushiinka maqaayadda ayaa xaaladdiisa sii cakiray.

Waxaa dhex  taal sariir hal qof loogu talo galay oo ka samayn silig la marmaroojiyay joodari  ka samaysan gufarka geedka qumbaha oo kuuskuusan oo aad moodo in uu qarniyo jiray, guriga dhulkiisa hoose waa shamiinto adag oo aan wax roog ama shumac ahi ku goglanayn.

Warsame asagu waligiis sariir uu ku seexdo iska dhaafe meel kor ka dadan ma seexan meesha uu ka yimidna  wiilka aqalka seexda waxaa loo yaqaan ceeb iyo dhaqanxumo. Bannaannada ayuu jabad hor dhacdiidsan jiray habeenkii. Maaliintii qurac qodxo badan ayuu gali jiray. Qolka darbiga dheer, dhulka shamiistaysan ee aan boorku ka soo duulayn iyo sariirtuba waxa ay u yihiin jannadii adduunka.

Urkii habeedda geela waxaa u beddalay suugada carafta badan ee uusan waligiis qaaddo darin ee ka soo kakamaysa kushiinka daaqadda ku beegan. Musqul ku taal dhinaca kale ee darbiga dheer ee wareegsan ayaa la tusay. Kaddibna waxaa la keenay maqaayadda oo baasto, suqaar, moos iyo galaas mushakal ah laga siiyay.

Markii uu cuntadii dhammaysta ayuu u dhaqaaqay maqalka lacagta lagu bixiyo si uu u bixiyo lacagta cuntada macaanka badan ee uusan noloshiisi horay u cunin. Balse, ninkii lacagta qabanayay ayaa yiri “Adeer lacaga lagaama rabo oo shaqaalaha cuntadoodu waa bilaash.

Hadda laga bilaabo quraac, qado iyo casho maqaayadda ayaad ku leedahay waayo saacaas laga bilaabo waxa aad tahay shaqaalaha maqaayadda. Haddana orod iska seexo oo berri hal saac shaqada soo gal. Meesha aad ka shaqaynasid aniga ayaa subaxdii ku tusi doonee.

La soco qaybaha dambe

W/Q: Cali M Diini

SHEEKOOYIN