Doob gaamuray! Q1AAD W/Q: Bashiir C. Xuseen(Barbaariye)

Doob gaamuray! Q1AAD

Waqtigu wuu is gurayay, Diiqii baa ciyay, salaad subaxna waa la tukaday, markaasi ka dib, baalalleyda duusha ee geed fuulka ah ayaa isku darsaday sawaxankoodii jalajalamta ahaa ee ay isku af garanayeen.

Xilligu waxa uu ahaa habeen cawasami la dareensanaa oo inta caafimaadka qabta hurda macaan oo raaxa leh ay ku seexdeen, iyada oo markaa ay habeenka qaybtiisa danbe soo idlaaneysay oo gunaanad ahayd.

Waxaa iyana dhanka bari ka soo muuqday, iftiin midabbo leh oo ay soo baahinayeen fallaaraha cadceedda ee  oogta waaberi la soo shaaac baxa. Waagu nabad iyo rayn rayn buu ku beryay, qof walibana sidii caadiga u ahayd buu ugu soo kallahay, hawl  maalmeedkiisii joogtada ahaa, maxaa yeelay dadka oo dhan baa ku howlanaa dan iyo wax qabad gu’ga da’ay ee lagu diirsaday awgii.

Rays iyo doog dharab leh buu degaanku ka wada sinnaa. Dhirtu ubax iyo man bey wada ekeysay, biyaha xareedda ahina, meel walba ayey ceegaageen. Raha iyo shimbiraha ayaa codadkooda,  si talantaalli ah isugu jiibinayay, iyaga oo ku damaashaadaya barwaaqada iyo neecaawda qabow ee uu Eebbe weyne ku galladay.

Hiirta aroornimadii hore, goortii reerka iyo duunyadaba, si wanaagsan loo kala agaasimay bey, Gobaad tiro ari ah oo uu qoysku lahaa daaqsin u soo foofisay, maadaama ay iyadu ahayd gabadha kaliya ee hawshaasi u gacan bannaanayd.

Dhirta caynba caynka ah iyo doogga is barkaday ee degaanka wada camiray awgood,cawska kala abtirsiimada ah ee dharabka leh, cayada, dureemada, baldhoolaha, dixida iyo saddexada isku maran, ee sayaxa dharabku iyo manka geed gaabka iyo geed miroodka saarani hawada u dirayaa ayaad moodaa guri gabar gaari ahi dhir udug isugu dartey, tanise maahe waa mid eebbe ugu deeqay dadkiisa, markan oo kale duunyada la ma fogeeyo ee daafta reeraha, ayaa la daajinayay, maxaa yeelay, waxaa la jooga xilli barwaaqeysan buu oo ay dad iyo duunyaba nabad ku wada caweysimayeen.

Seddexda meesin Xoolaad seddex lis ah bey ahaayeen oo danbarka, ayaa haamaha loo culanayay, gaawahana isaga oo xoorinaya, ayaa dhaaydaa laga wada dur duuranayay, haraagana inta la dhigaaliyo baa dhowr maalmood ka dib, subag laga lulayay, si looga helo keyd dux iyo wax dheef leh oo qumbaha buuxisa.

Karuurka, ayaa danyarta iyo martida lagu soorayey, ciirtana waa la qubayay, ama awrta qooqan baa lagu qab jabinayay, barwaaqada jirta awgeed. Cunno collob iyo subag ku iidaaman, ayey dadku si barqa libaaxayn iyo deris wanaag ah ugu wada qundhaceysanayeen, iyaga oo isu wada faraxsan.

Waa nimca Rabbiye, goor duhurnimadii ahayd oo uu arigu barqo dhereg la fariistay, ceesaamaha iyo sabeenuhuna durduro iyo dudumo ku ciyaar  ku jiraan, bey Gobaad milicda qorraxda hugaar dhidid iyo kaliil leh ka yara dareentay, waxa ayna isla markiiba soo abbaartay balli xareed ahaa oo aan markii horaba, sidaa uga sii fogeyn, si ay ugu yara qabowsato. Xiisaha dabaasha, ayey aad ugu hammuun qabtaye, iyada oo aan xagga iyo xaggaba iska eeg eegin bey hubsiino la’aan biyihii dalaq isku siisay.

Gobaad weli, ma aanay dareemin in ay meesha cidi ku weheliso tuhuna ka ma ay qabin ee si kalsooni leh bey biyahii u sii dhex quustay ( jibaaxday ) iyada oo marba dhan u shiideysay kuna raaxeysaneysay is rog rogga cayaar biyoodka dabbaasha  la yaabka lahayd ee ay midig iyo bidix u kala jaala buteyneysay.

Guuleed, oo in badan maanka ku hayay, inuu mar uun Gobaad la kulmi doono, ayaa soo baadi goobay meel dheerna ka soo jeedaaliyay goobta uu arigu ka muuqday oo uu ka filayay iney Gobaad ku sugan tahay.

Halkii uu arigu daaqayay, markii uu isa soo dhex taagay buu meesha ka waayay gabadhii uu la kulankeeda xiiseynayay ee uu maalintaasi iyada darteed  u soo hawl daayay.

Isaga oo weli baadi goobkiisa ku guda jira, ayuu soo dhaqaaqay!!! hareeraha ayuu eeg eegay!!!  Gees walba ayuu bacleelay!!! Dhinac kasta ayuu isha la raacay. Meeshu waa cidlo aanay cidi ka muuqan, juuq li’iduna ay dhigtay goob aamusan oo cabsi gelin leh!

Guuleed, gabadhii uu soo tiigsanayay ee uu araggeeda u oomanaa bidhaanteedaba ma hayo, waxa uuse dareensanaa kolley iyo kolley meesha uu dhex taagan yahay iyo hareeraheeda uun in aanay ka fogeyn.

Galka biyaha dhiniciisa iyo dhir gaab hortiisa ku toosnayd buu soo abbaaray, si uu u hubiyo bal in ay balliga xareedda ahi cidi ku jirto iyo in kale, isaga oo shanqar tiranaya cagahana ciidda ka dhowraya, si aanay gabadhu u tuhmin imaatinkiisa iyo qishka indho ku xadidda ah ee uu ku sameynayaba!.

La soco qaybaha kale

W/Q: Bashiir Cali Xuseen(Barbaariye)

SHEEKOOYIN