BARO BOQOL ERAY; Casharka 8aad W/Q: Caliqeyr M. Nuur

BARO BOQOL ERAY; Casharka 8aad

Kal – Laab

  • Kal:Tib, tiir labada af ka gamuuran oo badarka lagu tumo. Tusaale: Kal iyo mooye ayey reer miyigu badarka ku tuntaan.
  • Laab: Duub, duubid; wax fidsan ama dheer oo la isku soo rogo. Tusaale: Dhambasha isku laab.

Si kasta oo loo rogrogo, salka ‘kal & laab’ wuxuu u dhuranayaa labadaas macne ee kor ku sheegan.  Maxayse tahay danta dhalisay in mar kastaaba labadooda la is raaciyo?.

Muuqaalka ‘kal’ waxaa leh oo loola jeedaa xiriirta ama lafdhabarta. Waa ricirro ka bilowda dabajaanta kuna dhamaada madaxa. Ricirradan waxaa dhexdooda mara dhuux ama unug-maskaxeed loo yaqaan xandulle. Waa dhuux la xiriirsan maskaxda oo xagga hoose ka qabsada maskax-yarada, doorkiisuna waa gudbinta iyo helidda dareennada. Xandulluhu waa xiriiriyaha maskaxda iyo jirka intiisa kale. Haddii si kale loo dhigo, doorka xandulluhu waa isla kii maskaxda. Sidaas darteed, marka la oranayo ‘kasha’ waxaa la sheegayaa dareenka ay gudbiyaan ama helaan xandullaha iyo maskaxdu. Waa dareen ku dhisan ogaalka ama garashada walaxda.

Laabtu waa saabka feeraha oo sidii wax soo laabmaya uga yimaad duudka ama lafdhabarta kuna kulma shafka hore ee qofka. Laabtaas isku soo laaban waxaa ku hoos jira beerka, sambabka, wadnaha iyo unugyo kale oo dareenka qofka ku leh kaalin aan ka liidan tan maskaxda.

Beerka oo ay Soomaalidu dareenno badan la xiriiriso iyo wadnaha oo lagu naanayso ‘maskaxda labaad’ waxay ku yaallaan laabta. Waxaa la runsan yahay in wadnuhu yahay isha ay ka soo fulaan dareennada jacaylka, nacaybka, naxariista, qiirada iwm.  Aragtiyo ayaa  qiirada ku sheega dareen iskiisa u madax-bannaan, waxaase hubaal ah in aanu jiri karin dareen aan raad ku lahayn ama aan ka soo fulin unugyada qofka.

Maskaxda oo ah unugga lagu sheego hagaha jirka wuxuu ku yaal kasha meesha ugu sarreysa. Sidaas awgeed wax walba ama dareen kasta ee kasha lala xiriiriyo wuxuu si dadban farta ugu fiiqayaa maskaxda. Waxaa la runsan yahay in aanay maskaxdu xeerin dareennada naxariista, jacaylka, nacaybka iwm. Keliya waxay garataa xogta ay u gudbiyaan dareen-wadayaashu.

Tusaale ahaan haddii uu libaax kayn kaaga soo baxo, maskaxdu waxay ogaanaysaa waxa uu yahay, sooyaalkiisa, dhibkiisa, sida aad uga badbaadi karto iwm.  Si taas ka duwan, wadnuhu ma laha qorshayn iyo garasho balse waa isha ay ka imaanayaan dareennada cabsida, welwelka ama  naxdinta ah ee aad libaaxaas ka qaadday.

Haddii si kooban loo yiraa, kasha oo ka kooban lafta madaxa iyo lafdhabarta waxaa ku jira maskax iyo xangulle oo isaguna ah unugyo maskaxeed. Unugyadaas kashu waa kuwa wax sababeeya, rogroga, keydiya, garta ama ogaada dhibka & dheefta walaxda. Laabta oo ah qalfoofta isku laaban ee feeraha waxaa ku jira beerka, wadnaha, sambabka iwm. Bartani waa halka ay ka dhashaan jacaylka, nacaybka, welwelka, qiirada, reynreynta, naxariista iwm. Sidaas awgeed, labada dareen ee kasha iyo laabtu way is dheelli-tiraan waana sababta mar kasta la isu raaciyo ‘kal & laab’.

Kala duwanaanta labada eray

·    Kal: 1) Ogaal ama garasho maskaxeed.

2) Xiriirta ka bilaabanta dabajaanta taniyo laga gaaro lafta madaxa.

3) Xandullaha lafdhabarta iyo makaxda.

·    Laab: 1.     1) Dareen ka yimaad beerka, wadnaha ama qalbiga.

2.     2) Laabka saabka ah ee ka soo rogma duudka kuna kulma shafka hore.

3.     3) Wadnaha, sambabka, beerka ama unugyada laabtaas ku jira oo dhan.

 

La soco qaybta 9aad

 W/Q: Caliqeyr M. Nuur (Qoraaga buugga: Abtirsiinta Erayga Af-Soomaaliga)

Caliqeeyr@gmail.com

SHEEKOOYIN