Jago Bannaan! Qore: Saciid Muuse Axmad (Ustaadka)

Sac

Jago Bannaan!

Waxaa lagu daabacay bogagga hore ee jaraa’iddada ama Wargaysyadda, oo wiliba idaacadaha laga baafiyay in shirkadda, eey qaadanayso shaqaale cusub, cid Alla iyo ciddii buuxiso sharuudaha looga baahanyahay waa laga qaybgalinayaa tartanka.

Waxaa goobtii isugu yimid khalqi aad u farabadan nin walibana waxuu horey u soo qaatay Cvgiisii, Waana la soo wada xaadiray. Shirkadda waxey u baahantahay hal qof, laakiin waxaa goobta isugu yimid ilaa iyo soddon iyo labo Profisoor oo uu mid waliba leeyahay qibrad ugu yaraan dhowr sanadood ah.

32dii qof ayaa interfiyuu laga qaaday, 16 ka mid ah ayaa u gudubtay, wareegii labaad, 16ki, ayaa haddana 8 laga qaatay, 8deedii soo hartay, ayaa interfiyuu kale la mariyay, Oo waxaa baasay 4 qofood, Afartii qof, ayaa haddana lagu celiyay imtixaankii oo waxaa lagala baxay laba qof oo fiinaal isugu soo hartay.

Labadii soo hartay waxaa la balamiyay sadax maalin kadib, Hoteelka oo saxmad iyo cariiri ahaa awgiis ayaa labadoodii hal qol la isla dajiyay. Waxaa lagu xujeeyay in mid waliba la yimaado lecture ama qudbad aad u heersareyso taasoo noqon doonto mida lagu kala saarayo.

Labadan nin mid waa nin dhalinyaro ah, oo ciyaal macna ma leh ah, Habeenkii oo dhan waxuu jiraa caweyska hoteeladda, maalintii oo dhana waa uu hurdaa, maadaama sadaxdaas maalin qarashkiisu shirkada qabto.

Waxuu wax u cunaa sida faraska, sida eygana waa uu u hurdaa. kan kale waa oday da’ dhaxaad ah oo aad u dadaal badan, hadh iyo habeen waxuu ku fooraraa diyaarinta khudbada laga sugayo, waxaana hortiisa dhooban Waraaqo iyo qalmaan uu wax ku diyaarsanayo, suuliga unbuu u baxaa, ee meel kale ma haweysto.

Waxaa la gaaray xilligii balanta, madashiina waa la wada yimid, Waxaa hadalkii furay gudoomiyihii Shirkada oo sheegay in labadooda midkii qudbad wanaagsanaado la qaadan doono. si loo kala saaro ayaa la yiri, Xaraf ahaan ayaan idiin kala hormarineenaa(Alephpetical) Waxaa nasiibka ku hormaray kii dhalinyarada ahaa maadaama uu magaciisa (A) ka bilaabanayay, waana loo yeeray.

Si kalsooni ka muuqato ayuu u istaagay, Waxuuna la soo kala baxay warqad 3 bog ah oo uu si cajiib ah ugu taagtaagsaday, Intuu aqrinayay dadka aad beey ugu riyaaqayeen, qaarkoodna madaxa ayeey u lulayeen.

La yaabkeedaay” Warqada waxaa iska leh oo saacado ka hor laga dhiitiyay odaga, maadaama eey qol wada daganaayeen. waxa la aqrinayo waa khudbadii uu har iyo habeen u soo jeeday xili uu wiilkan iska baashaalayay, Mana dhihi karo anaa la iga xaday, oo xili wadahadal lama joogo.

Markuu wiilkii dhamaystay Khudbadiisii ayaa halmar qiira sacab tun ah, lala wada istaagay (dhac dhac dhac dhac) Qaarkoodka magaciisa ayeey ku qeylinayeen. Dabadeed waxaa loo yeeray odagii oo uu magaciisa (X) ka bilaabanayay, Odagii oo niyad jabka ka muuqdo wajigiisa laga dheehan karo ayaa si cagajiid ah u dul yimid meeshii makarafoonku yiilay, La yaabkeedaay” ileyn wax kale ma hayo,e, waxuu ku tashanayayna waa lagala hormaree, waxuu bilaabay inuu ku soo celiyo isla khudbadii uu wiilka aqriyay, Ileyn waqti badan ayuu ku lumiyay oo waa uu xifdiyee, si arday loox ka baxayo oo kale ayuu xaraf xaraf dusha uga aqriyay. dadkuna ihtimaam ma siinaynin, Isagoo aan waxba gafin ayuu dhameeyay, mana jirin wax sacabtun ah ama qiiro ah oo odaga loo muujiyay shibta ayaa loogu dadaalay. Dadkina indha ayaa ka soo haray. Isagoo cagajiidayo ayuu haddana booskiisii ku soo noqday.

Sidaas ayaa lagu kala tagay, waxana lagu balamay in eey galabta bacdul casirki natiijada ka soo eegtaan darbiga shirkada. Odagi oo niyadjabsan iyo wiilki oo aad u faraxsan ayaa u soo dhaqaaqay dhankii hotelka eey daganaayeen.

Ninkii dhalinyarada ahaa, ayaa si jeesjees ah odagii ugu yiri, “Duqa labadeena mid unbaa guulaysan lahaa ee caloosha xiro, iimaankana kiyaabo ku dhuuqso”
duqii ayaa madaxa iska lulay, ilayn talo faraha weey ka baxdee, waxaa la gaaray xilligii balanta, waxaana la wada yimid Darbigii natiijada” la yaabkeedaay” waxaa dhagan in uu guulaystay oo la qaatay, odagii magaciisu ka bilaabanayay (X)

Gudoomiyihii shirkada ayaa hadloo yiri, Waxa aan u baahanahay nin maskax furan sida odagan oo kale, khudbad dheer oo hal mar la aqriyay ayuu isla markiiba dusha ka aqriyay isagoo aanan xaraf ka tagin, marka sidaas daraadeed ayaan isaga qaadanay, Adiguna Mr. (A) waad iska tageeysaa, sidaas ayaa lagu soo gunaanaday oo uu ku guulaystay odagii, waxaana loo sheegay inuu alaabtiisa xafito.

Aqristoow maxaa kaaga baxay? Saaxib mayla socotaa?

Qore: Saciid Muuse Axmad (Ustaadka)

SHEEKOOYIN