Home Curis  Ma Illoobi doono Q1AAD W/Q: Ibraahim Cismaan Afrax (Nolosha)

 Ma Illoobi doono Q1AAD W/Q: Ibraahim Cismaan Afrax (Nolosha)

1
SHARE

 Ma Illoobi doono Q1AAD

Magaceygu waa Bile Raage. Ina Muslima Wardheere. Haddaanan aheyn qof dhoofay oo dhul shisheeye jooga, gu’geygu waa sagaal iyo labaatan jir. Waxa aan ahay rejo-suge higsigu u yahay hummaag, kuna hanweyn in uu gaaro himiladiisa, mar ay ahaataba. Waxa aan ahay xaasle, aabbe u ah saddex carruur ah, laakiin kalinnimo ku nool. Waxbarashadeyda heerka koowaad iyo kan labaad ee jaamacadda, waxaan ka liibaanay kulliyadda maamulka iyo maareynta. Waan shaqeeyaa. Waxaan ka mid ahay shaqaalaha dowladda. Dabci ahaan, weysan ahaaneyne, aad baan u jecelahay kalinnimada, si aan nafteyda ula sheekeysto.

Maalmahan dambe, waxa aan ku noolahay magaalo loo muraado, la magansado, sidii ay mudneydna aan loo milgeyn. Muqdisho ama Xamar hadba sidaad u taqaan, waa minankeyga ku-meel-gaarka ah.

Saddex toddobaad ka hor, waxa aan ka soo baqoolay magaalada Beledweyne, halkaa oo aan reerkeyga kula noolaa. Tabobar ku aaddan shaqadeyda iyo hawlo kaleba waa aan u joogaa Xamar. Marka ay ii soo idlaadaanna, waxaan dib ugu noqon doonaa Beledweyne.

Maanta waa khamiis ay goor-sheegtu ku sii durkayso labadii duhurnimo. Waa afarta Maarso, sanadka 2031-ka. Dadku waa ay dhididayaan. Qorraxdu in ay kulushahay waxaa dareemi kara qof aan wadan ama saarneyn gaari-raaxo. Qofkii jooga xafiis ama guri marwaxadi ka laallaaddo, isna waa u xaal jiro moog jawigan cakiran.

Waxaan taaganahay afar degmo dhexdood. Waa waddo buuq badan. Dhegtaadu haddii aysan maqlin dad qeylinaya, ma hureyso hoonka iyo xiinka gaadiidka. Kirishbooy magacdhebaya degmooyin iyo isgoysyo ay baabuurtu ku hakadaan iyo nin ku lebbisan koofiyad buluug ah, shaar cad iyo surwaal madow oo gacanta ku haysta ul gaaban oo dhuuban, firimbi madowna afuufaya, marna gacmaha hadba dhinac u taagaya, kalana hagaya dadka iyo gaadiidka, ayaa marka goobtan la joogo, bulshada inteeda kale ka tilmaaman.

Markaan arko kirishbooy docda ama gadaal ka saaran baabuur Hoomeey ah, waxaan soo xusuustaa sheekadii Ceebla’ ee uu iiga sheekeeyey nimaan tabobarka isla qaadanno, oo reer Xamar ah. Islaanta Ceebla’ la yiraahdo, waligeedba reer miyi ayey aheyd. Baadiyaha ayey shanteeda salaadood ku dukataa, kuna Axmedsataa, oo ay xooleheeda ku dhaqataa. Habeen ay soo hoyatay xooleheeda oo kala maqan, waa dhif iyo naadir. Xeradeeda, baadi lagama tebin in lagu tebo maahee.

Beri bey xanuusatay oo laga maarmi waayey, in Xamar la keeno. Wiil ay eeddo u tahay, Sabriye-Xoosh, ayaa loo geeyey oo ay marti u noqotay. Ninkaasi wuxuu ahaa wade ka xamaasha baabuur Hoomey ah, oo dadweynaha u kala daabbula xaafadaha iyo degmooyinka Muqdisho. Wuxuu ahaa nin aad u tol jecel oo xigtadiisa xariirsha. Dadka gurigiisa ku hoyda kana cunteeya waxaa ka mid ahaa Ma-daale, oo dabo-ka-fuul ka ahaa baabuurkiisa.

Ma-daale, waa wiil qarow badan. Xilli habeen ah, waaguna saacado ka dib bikaaci rabo, oo diiqu yeerayo, ayuu ku qarway shaqo-maalmeedkiisii. “Dabka. Dabka. Dabka…” ayuu dhowr jeer kor ugu dhawaaqay. Ceebla’ oo guriga bannaankiisa salli ku fadhida, maqashayna codka Ma-daale, ayaa meel aan ka fogeyn ka haabatay jelemeddii ay ku weyso-qaadatay. Tuhun baa galay ah, in guriga reerku dambas isu beddeli doono, haddaan laga gaarin.

Waxa ay is tiri, kaligaa dab ma damin kareyside, deriska u qeylodhaanso. Afka ayey furatay, iyada oo aan wax hubsan “Waawareey! Waawareey! Waawareey!” Reer Sabriye-Xoosh, waa ay soo wada hambabareen. Jiiraankii, siiba dumarkii oo qaarkood asturnaantii illaaween ayaa bowdkii guriga soo taraaray. Raggana, nin waliba inta uu ninka kale ka bootin iyo orod dheereeyo, ayaa ay u soo kala hormareen, iyaga oo maryuhu u darfo-laaban yihiin. Guriga –oo ka koobnaa saddex qol- inteysan garaacinba, waa Ceebla’ e, waxaa ka hor yimid Sabriye iyo islaantiisii oo is curjinaya.

Ceebla’, waxa ay u hagoogneyd badbaadada reerka. Reerkana, waxa ayba la aheyd in uu bahal (mas) qaniinay, ama tuug xunoo nacas ah ugu galay daashkii hoyaadka u ahaa, ee muska koonfureed ku yaallay. “War maxaa dhacay? Tuug miyaa idiin soo dhacay….” Iyo weydiimo kale, deriskii baa su’aalay.

“Eeddo maxaa ku daaray?” Su’aashii Sabriye ayey aheyd. Islaantii, waa ay shakiday, “eeddo wiilka guriga ka cabaaday qeyladiisa ayaan maqlay, ma nabad qabtiin?” Gunaanadkii, deris iyo reer Xooshba, waxaa la ogaaday, in ay duqdu ku dagantay qarawgii Ma-daale u rukunnaa.

Wali waxaan joogaa jidkii afar irdoodka ahaa. Waxaan sugayaa fursad aan ugu gudbo laamiga dhankiisa kale. Maqaaxi duqowda iyo da’yarta kulmisa, oo aan shaah bigeys ah ka cabo, ayaa horteyda ka muuqata.

Toddobaadka dhan, waxaan ka nastaa hal maalin, waana beriga Jimcada ah. Madax-xanuun ayuu ahaa cudurdaarkeygu, sidaana waxaa igu soo fasaxay maamulaha goobta uu tabobarku inooga socday.

Saaxiibbada aynu halkaa isku barannay, oo ay ugu horreeyaan Cawil, Miido iyo Dahabo, tan iyo saakaba waxa ay igu duraayeen “yaa kuu soo dooqay lebbiskan quruxda badan?” “manta waad shidan tahay!” Iyo hadallo kaloo fowdo ah. Waa suud isku-joog madoow ah, shaar cad iyo qoorxir casaan ah. Xaaskeyga Meyran ayaa haddiyad ahaan iigu soo dhiibtay dorraad, oo ku beegneyd sanadguuradii 9aad ee arooskeenna.

Afarta galabnimo in tabobarka laga rawaxo, waa xeer hore loo xarriiqay. Xaliima Sheekaaley, inanta leh maqaayadda aan u socdo, waxaa i baray Bashiir Shire, oo ahaa ninkii iiga sheekeeyey sheekadii Ceebla’. Waa saaxiib aan waxyaabo badan ku soo xusuusan doono. Xaliima, waxa ay karisaa shaah qofkii cabaa inuu malabeysanayo ka sokow uu malabsado, oo maashka ka dhadhamaya, indhahana karbuun ka dhigaya. Waa carmal aaminsan in ay raggu cadaw yihiin. In ay fekraddaas aaminto, waxaa ugu wacan luggooyadii ay kala kulantay ninkii ay kala tageen. Ma xirxirna mana caro badna, waase laga dareemayaa marka ay kaftameyso, in ay dabin rageed ku dhacday kuna dagmi doonin. Aad bay u feejigan tahay.

Anigu kaniin ma cuno, sidaas aawgeed, waxaan ku dawoobaa hal ama labo bakeeri oo shaah ah, caleentana loogu roonaaday. Bigays aad u guduudan. Markaan shaahii dhammeystay, waxaan u soo baxay dibadda. Aniga oo meheraddii Xaliima horteeda taagan, oo sugaya gaari aan raaco, ayaa gaari meesha marayey oo muraayado madow waxaa iiga gacan-haatiyey iina dhawaaqay, nin aan muddo is moogeyn. Waa saaxiibkey Dhaqane.

La soco qaybaha dambe

W/Q: Ibraahim Cismaan Afrax (Nolosha)

SHARE

1 COMMENT

Comments are closed.