WAAYIHII WARSAME Q4AAD W/Q: Cali M. Diini

WAAYIHII WARSAME Q4AAD

                                 

 Subaxdii aroortii hore ayaa waxaa soo kiciyay maamulihii maqaayadda, kurshiinka ayaa la geeyay, durba waxaa indhihiisu qabteen digsiyo waawayn oo dabka saaran, rag madmadow badan oo maro yar oo cad oo  dufan iyo qiiq midabkoodi beddelay ku lebisan  cummaamadina madaxa ugu duuban tahay.

Markii uu baadiyaha geela ku raaci jiray waxa maqli jiray  wadaaddo madaxyo duuban iyo Amxaaro ayaa Gedo ku dagaallama tolow ma ayagiibaa? Mise waa kuwii qabriyada qodi jiray? Ayuu niyadda iska yiri.  Waxaa la istaajiyay miis halkaan ah oo shan boqol oo saxuun, qaaddooyin iyo digsiyo is dul tuban yihiin tubbo biyo ahina ka socoto, lagu na yiri shaqadaadu waa in aad alaabtaas dhaqdid. Oo ma asagaaba waligiis weel dhaqay?

Gaawe ayaa garabka u surnaan jiraye. Warsame waxa uu bilaabay weelal dhaqiddii saxankii iyo galaaskii uu dhaqaba waxa uu ku tuuraa miis wayn oo dhoobo ka samaysan oo dhankiisa midig ah. Waxa uu is leeyahay degdeg u dhammee laakiin waa uu la yaabay weelashii uu dhaqay halka ay aadayaa? Miiska uu saarayo maba buuxsamo, marmarna weelka uu dhaqaa miiska inta uusan gaarin ba waxaa dafa ninka cuntada guraya.

Waa nin calool wayn oo afku ballaaran yahay aad u codwayn marka uu hadlayo afkiisa calyada ka faniinaysa waxa ay ku dhacaysaa digsiyada karsamaya ama bariiska uu saxuunta ku gurayo. Dhididka ka da’aya ayaa asna ku tifqaya raashinka uu gurayo. Ku tala gal u ma uu samaynayo laakiin xaaladda fayadhawrka caafimaadka iyo nadaafadda ee magaalada iyo dalka oo dhan ayaa dhulka taalla oo ma jirto cid ilaalisa nadaafadda iyo fayoqabka maqaayadaha iyo cuntada lagu kariyaba iyo weelasha lagu kariyo iyo dadka karinayaba.

Cismaan Uuseey baa la oran jiray waagii uu Xamar kuugga ka ahaa balse hadda Gaalkacyo waxaa looga yaqaan Ilkaboqol. Waa nin qaylo badan oo hadal adag ilnaxariis lehna aan dadka ku eegin. Kushiinka asaga ayaa diiq ka ah, karinta iyo guridda raashinka iyo xalidda weelasha asaga ayaa masuul ka ah. Ninka maqaayadda iska lihi aad buu u jecel yahay waayo markii Ilkaboqol maqaayadda kuug ka noqday ayaaba irsaaqad ugu horraysay xattaa maamulaha maqaayadda ee maqalka lacagta fadhiya asaga ayaa milkiluhu uga kalsoon yahay. Shaqaalaha cuntada kariya, kuwa dhiiba dalabaadka iyo kuwa alaabta dhaqa Ilkaboqol ayaa kaabbe u ah. Ninkii hadalkiisa iyo amarradiisa aan u dhaga fududaan  maqaayadda kuma sii negaado.

Warsame waa nin gacan fudud si wacan ayuu shaqadiisi alaab dhaqidda uga soo dhalaalay laakiin asbuucii koowaadba waxaa wadne qabad ku noqday oo uu u adkaysan waayay xaarxaarada iyo qaylada Ilkaboqol ku hayo shaqaalaha kale. Waxaadba u mooddaa in Ilkaboqol uusan joogi karin haddii uusan qof shaqaalaha ka mid ah guulguulin maalin walba.

Shaqaalihu shaqada ha qabto ama ha ka habsaamo Ilkaboqol waa isugu mid, waa kii un cartamaya. Warsame asbuucii koowaadba waa uu karaahsaday ninkaan codka wayn ee kibirka badan ee maalin Ilaahay keeno shaqaalaha hujuumaya.

Warsame asaga wali si toos ah Ilkaboqol u ma soo abbaarin waayo wali waa uu cusub yahay si wacanna  waa uu uga soo dhalaalaa shaqadiisa alaab dhaqidda sidaas darteed Ilkaboqol wali Warsame dhankiisa indhihiisu ma qaban. Balse dhawr jeer ayuu Warsame dareemay in hadallada Ilkaboqol asaga ku fooraraan.  Laakiin ugu dambayn Warsame iyo Ilkaboqol foodda ayay isdareen.

Maalin ayaa Warsame oo dhaqaya bakeerida shaaha lagu cabo oo badan dhulka uga daateen Warsame kadib waa ay burbureen maadaama ay dhalo ka samaysnaayeen kadib Ilkaboqol ayaa aad uga xanaaqay taas oo si xun uga qaybliyay Warsame ugu na hanjabay in uu shaqada ka cayrin doono haddii uusan Warsame lacagtii koobabka si deg deg ah u bixin.

Warsame waa nin baadiye ku soo koray waliba geeljire ah oo aan aqoon hadal la la gabbado iyo cabsi, shaqo ayaa lagaa ceyrinayaa iyo mag bakeeri baa lagaa rabaana aysan cabsi galin. Warsame oo si daran uga carooday hanjabaadda daciifka ah ee Ilkaboqol ayaa Ilkaboqol oo halkaan bariis guraya inta u dhawaaday asaga oo indhaha caddaynaya ku yiri “yaad isku malaysay marka aad shaqada iga cayrinaysid? Ma adigaa i keenay? Ma maqaayadda Xaaji Daahir ee aad cuntada u karisid baad isku malaysay in aad leedahay? Cago dhigo cuntadana si fiican u kari u na gur.”

Hadalkaas sidii warankii ayuu Ilkaboqol ugu dhex baxay jirkiisana u gilgilay, waa hadal aan dhagihiisu maqlin ku dhawaad labaatan sannadood oo uu jiko maqaayadeed ku jiray. Waxa uu la yaabay dhiirranaanta iyo indha’adaygga kurayga yar ee maqaayadda ku cusub.

Ilkaboqol oo xanaaq darteed margiyadu taagmeen ayaa inta dhankii Warsame u soo jeestay yiri asaga oo codkiisi waynaa kor u qaaday “iiga bax kushiinka saqajaanyohow geeljiraha ah oo reer baadiyaha ah, bax waryaa!.”  Warsame oo degganaani ka muuqato ayaa inta u dhaqaaqay miskii uu alaabta ku dhaqayay yiri “waa haddii kushiin aad leedahay aan ku jiro.”

Ilkaboqol oo aad uga sii xanaaqay jeesjeeska wiilka yar ayaa u soo dhaqaaqay miiskii Warsame alaabta ku dhaqayay asaga oo ku qaylinayay “waryaa iiga bax kushiinka inta aanan gacan ku saarin.” Laakiin Warsame dhag u ma dhigin hanjabaadda Ilkaboqol ee saxuun iyo qaaddooyin miiska u dhoobnaa ayuu dhaqid ku bilaabay.

Maqalhayihii ayaa maqlay dagaalka jikada ka oogan oo ku orday kadibna kala dhexgalay Warsame oo alaabtii dhaqaya iyo Ilkaboqol oo afkiisu dhawr senti mitir dhagta Warsame u jiro qaylo iyo hanjabaadna ka burqanayso.

Maqalhayihii ayaa inta Ilkaboqol dib u riixay ku yiri “maxaa jira?”

Ilkaboqol: wax kale ma jiraan ee saqajaankaan jikada iiga saar haddii kale wallaahi neef camal baan u kalaankaalin doona.

Maqalhayihii oo yaabban baa inta Warsame ku jeestay yiri “Adeer sidee wax u jiraan?”  Warsame ayaa yiri “ Adeer dhawr bakeeri ayaa dhulka iiga dhacay oo jajabay intaas ayaa uu igu haystaa oo u leeyahay shaqadaan kaaga eryayaa sidii in uu asagu shaqada i qoray.”

Maqalhayaha qudhiisu Ilkaboqol waa uu ka cabsadaa oo waa u waabsan yahay. Maqalhayihii ayaa yiri “Warsame adeer bal soo bax aan wada hadalnee” Warsame inkasta oo uusan jeclaysan hadalka Maqalhayaha haddana waa uu yeelay warkiisa waana uu raacay.

Sababta uu Warsame u addeecay Maqalhayaha waa in uu yahay ninkii odayga maqaayadda lihi u keenay mas’uulna uga dhigin sidaas darteed waxa uu arkay in uu yahay taliyihiisa.  Maqalhayihii iyo Warsame waxa ay fariisteen kursi maqaayadda bannaankeeda yaalla waxaa na hadalkii bilaabay Maqalyahihii oo yiri “ Warsame miyaad waalan tahay? Maxaad Ilkaboqol u la dagaashay? Sow ma ogid in Ilkaboqol maqaayaddaan kaabbe ka yahay oo qofkii uu doono eryi karo?”

Warsame : “Oo sidee ku eryi karaa ma maqaayadda ayuu leeyahay mise maamule ayuu ka yahay? Sow Xaaji Daahir maqaayadda ma leh adiguna maamule ka ma tihid?

Maamulihi: Maamule waan ahay laakiin maqaarsaar ayaan ahay, Xaaji Daahir waxa uu iiga kalsoon yahay oo hadalkiisa iyo taladiisa yeela Ilkaboqol. Ayuu yiri Maqalhayihii.

Warsame ayaa la yaabay hadalkaas yiri na “Hadda ma Ilkaboqol ayaa maqaayadda iga eryaya?”

Maqalhaye:  “Haa haddii uu go’aansado in uu ku cayriyo cid kaa celin kartaa ma jirto.”

Warsame: “Aniga hal nin ayaa shaqada iga eryi kara waa na Xaaji Daahir asaga ayaa i keenay haddana shaqada ayaan ku noqonayaa ee nabadeey.”

Maqalhaye: “Maya maya, Warsame joog, isdaji, ha ku noqon jikada waayo Ilkaboqol waad is fara saaraysaan haddaad jikada ku noqotid.”

Warsame: “Haddii uu gacan ii qaado waan iska celinayaa.

Warsame dhankii kushiinka ayuu u dhaqaaqay, Maqalhayihii ayaa inta ka daba orday isku duubay, Warsamana in uu iska fujiyo ayuu isku dayay. Ayaga oo isla xarbinaya ayaa waxaa arkay Ilkaboql markaas ayuu inta kor u qayliyay yiri “War waxba ha qaqaban ee soo daa asagaa arki doona bal in caano ka soo horreeyaane.”

Ayada arrintu  sidaas u cakiran tahay oo Warsame jikada u baxbaxsanayo Maqalhayihiini celcelinayo dadkii maqaayadda ka quraacanayayna ay arkayaan waxa dhacaya ayaa Xaaji Daahir maqaayaddii soo galay. “Maxaa dhacay?” ayuu Xaajigii yiri kadib na nin kasta gartiisi iyo waxa uu qabay ayuu sheegay.

Xaaji Daahir canaan ayuu dhagaha u saaray Ilkaboqol iyo maamulihii waxa uu na xasuusiyay in mas’uuliyad ka saaran maqaayadda iyo macaamiisheeda waxa uu ku canaantay ayaga oo rag waawayn ah in ay ku mashquuleen wiil yar oo alaabta u dhaqa iyo bakeeriyo jajabay.

Xaaji Daahir waxa uu yiri “saddexdiinnuba waxaad leedihiin 3 shaqo oo kala duwan mid kasta shaqadiisa ayuu mas’uul ka yahay, ma doonayo in aad idinku isku mashquushaan mar dambe.”

Warsame aad ayuu ugu farxay hadalka Xaajiga hoos ayuu na ka qoslayay. Intaas kadib Xaaji Daahir waxa uu si gaar ah u la shiray maamulihii iyo Ilkaboqol waxa uu na u sheegay in ay wiilka yar faraha uga qaadaan oo aysan ku xadgudbin.

 Waxa uu ku yiri “Warsame waxa uu ii la mid yahay wiil aan dhalay oo kale sidaas darteed iigu ilaaliya sidii wiil aan dhalay oo kale.” Maalintaas kadib Warsame waxa uu helay nafis iyo degganaan qayladii Ilkaboqol na waa uu ka nastay waliba Ilkaboqol waxa uu beddalay qaabkii uu Warsame u la hadli jiray oo si xushmad leh ayuu u la hadlaa.

La soco qaybaha kale

 

W/Q: Cali Maxamed Diini.

SHEEKOOYIN