Gabayga Tababbar. W/C: Laashin Xasan Cabdi Abtidoon

Gabaygaan magaciisa waxa la yiraahdaa: “TABABBAR” waxa curiyay laashin Xasan Cabdi Abtidoon, waa gabay si guud iyo si gaar ah ba Soomaalida ula hadlaya. Wuxuu na u dhacay sidaan:

Beel waliba calan tolatayoo, Loogu tagi waaye
Ummad taahday oo kala tagtana, La isku toli waaye
Halkee tacaddigaan nooga yimid, Waa tu yaab  badane?

 Tabar male aboorkuba markaad, Taagti aragtaye
Duddun taag markii uu tashaday, Wuu na tamashlayn e
Asaa idin tabtaabini kare, Tababbar wayddiista!

Shinniduba tagoog iyo malahan, Xagal la taagtaaye
Waxay tabacday malab teedsan oo, Lagu tanaadaaye
Waxeey taa ku gaartana haddaan, Idin yar taabsiiyo
Is tix gelinta weeye ma jiro, Taakuleeyn kale e.

Cudur weeye Tafaraaruq aan, Lagu tanaadeyne!
Is ku tiirsanaan baa nafluhu, Tamar ku yeeshaaye
Inta aan tariigiinnu dhicin, Meel isugu toosa.

Iska tira qabiilkiyo jahliga, Maanka idin teedsan
Ka hortaga ninraba inaw tir-tiro, Tabaca Soomaali
Ka hor taga tahriib iyo nin raba, Inaad wax soo tuugto
Ka hor taga Tigree iyo nin raba, Xabashi tuutaale
Ka hor taga nin kala tuur ka jecel, Nabad tis qaadelaysa
Ka hor taga nimaan fikirka togon, Taabbo galineeynin
Ka hor taga nin taaneeyn ka jecel, Taako lagu hoobto
Ka hor taga tasbiixdiyo Sunaha, Kaan tix galineeynin
Ka hor taga nimaan tiisa garan, Taano geli waay e
Ka hor taga nin taay soo xirtaa, Tuug xun weeyaan e
Ka hor taga niman xarig tirjeeyn, Hoos xir toli waay e
Ka hor taga nimaan Awr tujeyn Toosin waa xagale
Ka hor taga nimaan tiigsan karin, Meel tan noo dhaanta
Ka hor taga nimaan talada geyn, Ee tolku u dooro
Ka hor taga nin taarikh dad kale, Looga dhigay taajka
Ka hor taga nin togag soo fakaday, Toorahaw seexda.

Tunka tuur ku taalleey nafluhu, Kaaga tagayaane
Tiil uu Ilaah keenay bay, Kuugu tirin booge
Toban calan miyey talis dhalaan, Waa tu’ yaab badane?

Ninba tabarti inuu tashadaa, La isku tugun-beeyn e
Tii sarane loo diid awood, Ay ku talisaaye
Sideen taam ku noqonnaa sharcigu, Wuu tartarayaaye.

Xoolaha innaga noo tarmee, Tirada loo haysto
Geelaa u taag roon haddii, Tulud la qiiymayne
Dooradu siday ula tartami, Timid garoonkiiye.

Waxaan ugu tusmayn taasne waad, tacajabaysaane
Tu’san diidday Soomaalidii, Taarigta ahayde
Qaa’in tuuga mooyee mid roon, Way ka tolataaye
Xagdey talo u taal toodu waa, Taakuleyn nacabe.”

 

W/C: Laaahin Xasan Cabdi Abtidoon

SHEEKOOYIN