SHEEKADAYDA

 

Waan ashqaraaray markaan dib ugu soo laabtay guriga. Muuqaalka, carafta iyo dareenka waa iskummid. Waa markaan ogaaday in dadku isbeddelay laba qof mooye: aniga iyo hooyo. Waa boqorad dhuxulmadow ah, wejifuran iyo bilicsan. Waan xusuustaa markii ay iigu timid hoteel aan deganaa, waxay ahayd waqti u dhexeysay har ilaa casar. Maalinkaa wejiga aan arkay, dareenka iyo carafta wuxuu ahaa mid iigu dambaysay saddex sano ka hor. Waa weji awliyo, caraf iyo dareen uu Rabbi ilaaliyay, ee aan saamayn isbeddelka deegaanka iyo dabeecadda nolosha.

Laba maalin ka dib waxaan imid guriga, waxwalba way isbeddelayn. Waxaan arkay walaalkay iga yar, Basri. Waa yaraanka cidda, laakiin dhib badnaa. Xagiisa ayaan aaday, waxaan dhulka dhigay jilbahayga ilaa aan ka hubsaday in aan la simannahay. Waxaan ka codsaday in uu hab i siiyo, waxaan ku qabtay laabtayda ka dib waxaan ku dhahay “Gaabow, Ii warran?.” Wuu orday! Dabcan wuxuu maqlay naynaas ay maqalkeeda ugu dambaysay saddex sano ka hor.

Waan istaagay, waxaa dhankayga soo aaday walaashay Fatima, Hani, Najma iyo Safiya. Fatima, iyada innaba caadi ma aha. Waa quruxlay madow ah, laakiin dagaal badan-waxaad mooddaa boqoraddii Aminatu (Queen Aminatu). Madowgeeda quruxsan waxaad moodaysaa boqoraddii Cleopatra (Queen Cleopatra of Egypt). Dagaal aa! Haa, way dagaal badnayd, waxaa u sii dheerayd qaylo. Laakiin hadda sidii hore ma aha, waa la weynaaday; waa la isbeddelay. Waan xusuustaa waxyaabahii caro-gelin jiray, waxaa ka mida markaan ugu waco “madowbay” ama “suusay.”

Safiya, iyadana waa boqorad deggan. Waagii ay yarayd way qaraaxo badnayn, xitaa waan ku cammiran jiray, waxaan dhihi jiray waa suufiyad. Markaas ka dib way xanaaqi jirtay, laakiin sida Fatima oo kale ma ahayn. Yacni maysan qaylinjirin. Markay ii timid ka dib, aniga iyo iyada oo wada socona waxaan u tegnay hooyo. “Fiiri hooyo sida ay isku beddeshaday Safiya.” “Hadda waxay noqon kartaa hooyada guriga.” Si kaftan ah ayaan u dhahay.

Hani iyo Najma, labaduba ma yaraystaan. Najma, way gaabnayd intaan bixin ka hor laakiin hadda waa la dheeraaday, luqunteeda waxaad mooddaa qoor geri. Aamusnaanta waxay kala simnayd Safiya, sidaas darteed waxaan ku foorjayn jiray ‘Najma miskiinay.’ Hani, iyada waa mucjiso gaaban, sankuusan, xanaaq badan, quruxsan. Laakiin hadda xoogaa way dheeraatay, sankii kuusnaa wuu dhuubtay. Weli waan xusuustaa magacii aan ku foorjayn jiray ee ahaa ‘santuuji.’ Waan ka shactiraysan jirnay markaas ayay xanaaqi jirtay.

Fatima, Safiya, Hani, Najma iyo Basri dhammaantood waxay igu soo dhoweeyeen dareen gacaltooyo walaaltinnimo. Waa qoys qurux badan!

Waxaan arkay isbeddel ay dabeecaddu samaysay, laakiin muuqaalka, dareenka iyo carafka guriga weli waa sidii.

WQ: Hassan Mudane

SHEEKOOYIN