KADINBAX. Q4AAD. W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

KADINBAX. Q4AAD. W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Wiilkii dib ayuu ugu soo celiyey hooyadii, waxana uu ku yiri; wiilkaagu waa Soomaaliyoobay ee sidiisa ku hayso, ama iyaga isaga dar derbi jiif ha kuu noqoyee. Soomaalidu derbi jiif ma ahan, asal iyo faracna uma lahan, balse, waxay ka tahay gef iyo isla wayni uu iska sare marinayo dadka soomaaliyeed ee uu dhulkooda martida ku yahay. Abwaan Xasan Abuukar Calasow “Abaaji” waxa uu ku gabyey:

  • • Ereg baadi fiirtaa jirtiyo, ood ka bood nafehe
    • Aroor biyaha diiddana marbow, uujin cabayaahe
    • Ma ogtahay usuud waa dilaa, Awr dibbood badane
    • Abwaan hore siduu odorosiyo, Oday siduu sheegay
    • Nin ambaday halkow aaday, Way ula ekoonayde
    • Ma ogtahay ninnana ay libaax, Kuma ag seexdeene.
    • Eyniguba sheekada waxbay, Oddorosaayaane
    • Ma ogtahay haddii aabi jiro, Ways arkahayaane

Haddaba sarkaalkaas Talyaaniga ahi waxa uu illoobey inuu xoog ku haysto dhul iyo dad aan firya farac u gelin. JOON Hooyadii uma jawaabin odaygeeda markii ay aragtey inuu quus joogo aadna u xanaaqsan yahay. Wiilkeeda ayay gacanta ka qabsatay qolkiisa na gelisay. Odaygeedina kursi loogu talo galay in lagu nasto ayey meel gees ah u dhigtey. Dhowr dhallo oo sharaab ahna waa u keentay, si ay maskaxdu ugu degto. Markii uu cabbaar joogay ee uu ka baaba’ay xanaaqii carcarka ahaa ayay baalka ka fadhiisatay. Iyadoo gacanta ku xoodinaysa ayay tiri: waad yara nasatey, waana cara daysay ee ka waran adiga iyo Joon maxaa idin kala qabsadey? Maxaad se u malaynaysaa mustaqbalka wiilkeenna? Joon Aabbihii iskama uu waalin e, waxa uu ku yiri: Wiilkaagu waa beddelmay, waana Muslimay. Dhaqankeenna iyo Diinteennana waa la gala quustey. Waxana saameysay Bay’ada uu ku noolyahay ee qarriban. Dhibka ugu weynna annagaa leh; mar haddii aan u keennay afrikaan md-madow jaahiliin ah.

JOON Hooyadii inta qosol yar ilkaha la caddeysay ayay si debacsan u tiri; “Roonaaba Rabbiyaa og ee iska dhaaf” haddii uu waynaado ee kala fahmo waxa saxan iyo waxa qaldan asigaa iskiis usoo laaban doona e. Markaas ayuu ka shallaayi doonaa waxa uu falay iyo Diinta uu qaatey. Balse, waa inaan u dulqaadannaa inta uu garaadkiisu ka buuxsamayo. Waa inaan sasabnaa dabinna u dhignaa uu ku dhaco ee ha ka daalin inaad haddiyado u keento. Anna wax walba ee uu jeclaado waan u samaynayaa. Adiguna markaad shaqada fasax kasoo noqoto u keen waxyaabaha farxad geliya iyo waxyaabaha carruurta lagu sasabo. Waa yahay iyo waa yahay ayaa lagu kala tegay.

Amminku waxa uu is guraba waxa dhacdey oo daaqadda toos looga saaray, gummaysigii Talyaaniga ee maxmiyadda ahaa. Soomaaliduna waxa ay qaateen Calan laga aqoonsaday Caalamka oo idil. Halkaas waxa kusoo afjarmay shaqadii ay u joogeen Joon reerkiisu magaalda Muqdisho. Gaar ahaan ciidannimadii iyo howlihii kale ee danaysnaa. Waddaniyiinti Talyaaniga ee Koofurta Soomaaliya joogay waxa qasab ku noqotay inay u guuraan dalkooda iyo dunida inteeda kale, mar haddii awooddoodi maxmiyadeed soo afmeerantay, intoodi badnayd na waa ay ka baxeen Soomaaliya.

Talo waa tii Eebbe qaddaro’e Joon iyo reerkiisu waxa ay ka mid noqdeen, dadkii fara ku tirska ahaa ee ku haray magaalada Muqdisho. Halkaasna Joon waxa uu ka sii watay noloshiisi caadiga ahayd iyo wax barashadiisa. Hooyadii Stella Alessandro iyo Aabbihii Roberto Alberta waxa uu wiilkoodu u caddeeyay inuu Islaam adag yahay, si toos ah na u liqay Diinta Islaamka. Waa ay ka aqbaleen, iyagoo u arkaya inuu qaldan yahay, balse wax walba waxa kala waynaa farxad gelinta Wiilkooda ku kaliga ah.

Joon markaan waa nin haysta Towxiida, dhallinta ficiisa ahna ulama dhaqmaan sida ay markii hore u midab sooci jireen, balse toos isuma dhex gelin oo waa dareemayaa inuusan gaarin heerkii ay ka rabeen. Waxba waxbaa keena’e maalin iyagoo laga soo daayay Iskoolkii ay wada dhiganayeen Joon iyo ardayda Soomaaliyeed ayay soo ag mareen, masaajid laga aqimay salaadda Duhur. Dhallinyaradii uu ku fasalka ahaa waxay si hoose u yiraahdeen; Salaadda ayaan soo dukanaynaa ee halkaan nagu sug, boorsooyinka, buugaagta iyo qalmaantu ku jiraanna noo ilaali.

Arrintaan ay soo jeediyeen Joon waa ka diiday, waa na u cuntami wayday inuu ka haro raggii uu waxbadan u seegay dartood. Wuxuu na u sheegay inuu masaajidka dhankiisa ka gelayo maadaama uu Diinta ay haystaan la aaminsanyahay. Balse, wiilashii ficiisa ahaa waa ka diideen, waxayna si deggan dhegtiisa ugu dhibciyeen, inay u sharrixi doonaan sababta ay ugu diideen inuu Masaajidka la galo. Waxay ku yiraahdeen noo dulqaado inta aan kasoo dukanayno!”

La soco qeybaha kale.

W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

SHEEKOOYIN