Doob gaamuray! Q2AAD W/Q: Bashiir C. Xuseen(Barbaariye)

Doob Gaamuray! Q2AAD.

Waxa uu soo tallaaba gaabsadaba, carra tuur ay dhir badani ka kor baxday oo balliga kor kiisa ahaa buu Guuleed, isaga oo is gaabinaya aayar u soo dul istaagay, si uu muuqeeda isaga qariyo.

Yaa salaam!!!, yaa salaam!!!, markiiba indhihiisu, waxey si toos ah ugu dhaceen Gobaad oo keligeed biyaha ku dhex raaxeysaneysa dabaashana ku laba legdooneysa!.

 “Cajabey cajiibey!, curdan iyo la yaabey!” intuu yiri, buu haddana sii raaciyay “War illeyn quruxi waa u dhalasho!!!” waxa uuna ugu danbaystii ku ducaystay “Alloow haddaan nasiib leeyahay, Gobaad calaf iiga dhig”

Illayn doob dareen baa dilaye, Guuleed, waxa uu indha xadid ku sameeyay kana daawasho bogtay qaab dhismeedka Gobaad iyo idil ahaanba muuqaalka jirkeeda oo yara dayacnaa, kuwaa oo uusan weligii soo jeed iskaba daaye riyana uusan ku arkin.

 Guuleed mar qura, ayey farxad naxdineed iyo qosol giriir isku laran jirkiisa oo dhammi wada ekeeyeen, waxa uuna niyadda iska weydiiyay “Waxa iga hor muuqda ma dhab baa, mise waa dhalanteed?” waa uu se ku qancay, sida ay wax u dhacayaan, ugu danbeystiina “Aah!”  intuu yiri bey meeli danqatay, isaga oo aragtidaasi ay ku noqotay mid aanu filaneynin, ha yeeshee intuu candhuufta dib u liqay bey neef kululi ka soo boodday, waayo waxa uu rumeysan kari waayay, aragtida qofta  biyaha ku dhex jirta ee uu cawradeeda daawanayo in ay Gobaad tahay iyo in kale, waxa uuna isaga oo indhaha mar maraya isa sii weydiiyay su’aal aheyd “ tolow ma indha heygaa mise waa iyadii?”.

Mar kale, ayuu inta indhaha galka si qumaati ah uga soo saaray, haddana aad u la sii dhowaaday eegmadiisii dhakashada ahayd, isaga oo ku talax tagay daymada inanta uu sanooyinka  badan raadinayay, waxa uuna Guuleed nasiib u yeeshay inuu bar qaawanaan ku daawado qaybo ka mid ah oogada jirkeeda, isaga oo aan la fahmin, taas oo kor u sii qaadday dareenkiisii kalgacal iyo hammigii uu Gobaad u hayay.

Goobaad oo aan haba yaraatee ka war heynin in ay meesha cidi ku weheliso, ayaa balligii xareedda ahaa si kalsooni qab ah aayar uga  soo dhex baxday, iyada oo aan indhaha jirkeeda soo eegaya dareemin beyna dhar beddelasho ku dhaqaaqday, waxay iska bixisay garayskii qoyana iyadoo qaarka sare ilaa gaadada ku duubtey maro qalalan oo ay dhigatay, kaddibna dharkii ay biyaha la gashay ayey hoos isaga jiiday, waa dhaqankii lagu yaqaanay haweenka Soomaaliyeed oo waagaas ma jirin haween si dhan isaga dhiga dharka, hase yeeshee, marada qoyan eek u dhegan jirkeeda ayaan waxba dhaamin qaawanaan, isla markaana si tuhun la’aan ah gorgoroddeedii iskaga siibtay, si ay biyaha uga maroojiso, waxayna xilligaa ku mashquulsanayd uun in ay dharkeeda qallajiso oo ay biyaha ka engejisato keliya.

Guuleed, oo ilaa markii is qarinayay, ayaa si miyir la’aan ah u sii daawanayay bilicda iyo hannaan quruxsamida dumareed ee uu Gobaad ilaah ugu deeqay!, waxa uuna boogihiisa jacayl ku dhayayay aragtida xiisa gelisay ee ah dheeha midabka dahabiga ah iyo timaha dhabarka ka sii hoobanaya ee baal gorayga la moodo!

Waxa uu rajeeyay oo uu niyaddiisa ku qanciyay goor ay ahaataba, inuu mar uun calfan doono ( Sunniyaha qor qoran. Bushimaha ladaabsan . luqunta dheere cabbaaryaha leh. Gacmaha xaadda leh. Gaaddada il qabadka ah iyo horaadada sida hootada waranka caaradda ibahoodo marada soo dirqinayaan).

Guuleed, wuxuu naftiisa ku raalli geliyay, inuu qaarka sare iyo qaarka dambe ee aad moodo laysku sar gooyey dhexdana in la tuujiyey ee marada qoyani dibadda ku dhegtay soona  dhigtay bannaanka in mar uun  hanan doono, waxa ayse muuqaalladaasi cajiibka ah sii dhaxal siiyeen beer laxow iyo kalgacal laabta sii huriya!.

Gobaad oo weli sidii u dooc iyo dareen la’ in laga indha buuxsadayna aan ka war hayn, ayaa intey timaha biyaha si fiican ugu jaf jafatay bur caws balliga qarkiisa ah soo dul fariisatay, iyada oo weliba meyrax u sii diirneyd soohid ku billowday waxayna cod qurux badan oo dhegaha maqlaa aysan ka xiisa gooyneynin ku qaadaysey heesti kebbada.

Guuleed, markii uu hubsaday in ay Gobaad ka soo dhex baxday balligii xareedda ahaa, ayuu dhankeeda soo abbaaray, isaga oo si deggan u taag taag sanaya, lana moodo inuu gaatamayo.

Isma uusan fududayn hadalna ku ma uu deg degin ee waxa uu ka yara fekeray, halkii uu wax ka billaabi lahaa iyo wixii uu Gobaad maanta ku oran lahaa!.

Gobaad, oo dhegaheeda ay ku soo dhaceen dareenka shanqarta gadaasheeda ka soo yeertay, ayaa intey si kedis ah u bacleeshay markiiba si hal haleel ah isu cawra tirtay, iyada oo xishood dartii isla sii hagoogeysay!.

Guuleed, oo ay wadnihiisu eegmada Gobaad shir ka nax yari dareensiisay cabsina ay ku yara jirto, ayaa si dhoolla caddayn ah u yiri “dharaar wanaagsan”.

Gobaad, oo hoos fiirineysa aadna u xishoonaysa, ayaa iyada oo afka gacanta ku haysa, isla markaana dhoolla caddayn yar sii raacinaysa, waxey markiiba ku war celisay “Maalin suubban”.

“Gacalo xaaladdaada ka warran?” ayuu Guuleed, mar kale, si farxad leh ugu salaamay, isaga oo ay ka yara dabacday naxdintii heysay ee uu wadnihiisu la qar qarayay!!!”.

“ Xamdi alle iyo xaal adduun” ayey ku jawaab celisay Gobaad oo Guuleed indha naxariis leh ku soo eegeysay.

Guuleed iyo Gobaad aqoon ahaan dad isku cusub ma ay ahayn, degaanka ayey wada degganaayeen ehelnimaa ka dhexeysa in muddo ahna indhaha, ayey ka soo wada sheekeysanayeen, hasa yeeshee in ay si fool ka fool ah u kulmaan maanta ayaa isugu horreysa, laakin labadooduba waa doob iyo gashaanti  dareen jacayl la dibbirsan oo meel ay kula dakeeyaan nafta la raadinaya laakiinse Gobaad aad bey dhibteeda u qarsanaysa Guuleedna waa wax doon shirka nax buuse qabaa labadooduna, xishood baa kala aamusinaya!

Guuleed, oo ku qancay quruxda iyo hadal macaanida Gobaad, ayaa intuu is geesima geliyay gabadha ammaan iyo su’aal isugu daray, isaga oo leh “Xil-kaseey xurma wanaageey gacalo, xod xodasho ma inoo xeeriyaa?”

Gobaad oo ay amaantaasi saamayn weyni ku yeelatay, ayaa iyada oo weli hoos eegeysa ku jawaab celisay “ Waa xaal dhallinyaro xil buuse mudan yahay”.

Guuleed, oo rajadiisu aanay xumayn, isla markaana si qunyar socodnimo ah Gobaad ugu beer laxawsanayay, dhinaca wada dhalashada, ayaa mar kale si qalbi dabacsanaan ah ugu dhiirraday weydiin ahayd “ gacalooy hadda gayaan baan nahaye garowso, geed kaa dheeri kuma dhaxantiree?”.

“ Ma xuma gacaliye, haddaad xil gudasho u diyaar tahay” ayey tiri, Gobaad oo ereyada Guuleed ka soo fatahaya si dabacsani iyo naxariis leh u guddoomeysay.

Guuleed oo is moodsiiyay in heybaddii gabarnimo isaga loo hibeeyay, ayaa Gobaad intuu garabka soo qabtay si tartiib ah u yiri “ Waa isla doonasho ilaahe, gacaliso bal igu soo yara durug!!!”.

Gobaad oo ay nin shukaansi iyo xod xodashaduba ku cusbeyd lana moodo in ay dhimbil dab ahi ku dhegtay, baa intey dib u boodday si kulul oo cara leh u tiri “A,. aah!, maya maya, haygu dayin taas ee bal candhuufta dib u yara liq soo durugtuna maxay ahayd?!”.

W/Q: Bashiir Cali Xuseen(Barbaariye)

SHEEKOOYIN