Nin Dhadhaab ku Xaday Tiin Wq A. M. Yusuf

Nin Dhadhaab ku Xaday Tiin


SIDA GOLE WAYEEL ba, degel kasta oo kale waxa aad ku la kulmeysaa, erayo qoran. Qoraallo. Qoraallo du, laga yaabee in ay lahaayeen ama qoreen: duul horteen waayó kala duwan if ka kan ku noolaan jiray; se ama qoraayo weli nool hayeeshee meelo kala kaan ah oogo dan maan ta uga kala nool. Qoraallo du waxa ay ka joogaan ogaan (male ama bareere) ay ka kala qabeen ku na saabsan waayaragtiyo ama dareenno siyaalo kalataggan; u sii kala sandahanaan karayo. Hindisaad dii farta iyo qorriin ka dhambaallo du ba, labaddaraadle, noqday na bandhig erayodeed; balse hadal af uun lagaga tiraabo; si weyn uga toolmoonaa, uga na soo waari ogaa — inkasta oo ay erayo doodu ba misana ahaayeen, weli na yihiin kuwo aan sinnaba uga duwaneyn mooddooyin koodii (qab koodii, fakar koodii). Sidaas aw geed, eray ga qoran — “madmadoobe-Allaa-ku-yaqaan” — waxa uu na awoodsiin karayaa, in aan la hadalno: dadyow naga kala yaallo dalal shishe, dadyow nagu ollog ah, iyo facyaal aan haddeer dhallaneyn balse dhalan doono.

Bal malee! Bilow gii farsamo da qoritaan ka, dammiin ka aan abid far ta la gelin, gaado ha silloonaa, uu hadba ugu kedin jiray layaab iyo caatibawaá. Ma og tahay? Waá gii la daahfuray Ameerika, siyaabo ha diimoonaa ee loo la yaabi jiray kiciye (akhriste) la haasaawayay oo intaa iska daalacanayay dhigane. Buugaag tu ma ahayn wax addoon Hindi Guduudan (Calibeesteen) ahaa, caamo na ahaa, uu sinnaba u rumeysan karayay.

Aan kaaga hadlo, sheeko ku habboon, ku na saabsan addoon ahaa Calibeesteen. Nin abbaan ahaa, ayaa addoon ka isaga ah, u dhiibay dambiil tiin ah iyo dhambaal. Ma nin buko, ayaa nin baahan badar loogu dhiibaa?! Intii uu dhex sii ahaa; addoon kii, xogaa ka mid ahaa tiin kii; jidmar ahaan, ha u jiscinto. Dabadeed na cid dii loo geyn lahaa ayaa ka mahiibtay: haraa gii tiin ka iyo dhambaal kii ba. Cid dii kol kii ay akhrisatay; u na jeedi weyday tiro dii tiin ka; tu u dhiganta tiro dii xaashi da ku qoranayd, ayay midiidin kii (qabbaan kii) u sheegtay war kii dhambaal ku siday, ku na eedeysay, “Waar ma qaar b’aad dhex ku soo cuntay?!”

Hayeeshee Calibeesteen kii inkasta oo looga raariday daliil kii waraaq da; waa uu dafiray; weliba si dammooni (jahli) lahayd na u inkiray xatooyo dii, waraaq du, ay isaga ku caddeysay. Habaar ayuu misana u tiriyay xaashi dii. Waxa uu ka bixi waayay, ku na celceliyay, “Waa been teed! Belo ha qaaddo. Sheeggeed, la waá!”

Addoon kii mar labaad ayuu isla tuugnimo dii hore oo kale isku deyay. Qalbi giisii inta la yar baanay (dooday), ayuu dhagar tii hore, dhagar kale ku qari is yiri. Kahor intii aan u tiin ka fara ha ba la gelin; illayn dhaymo kahortag ayaa ka wanaagsan e: si uu hadhowto iskaga caabbiyo eedeyn kale, ayuu falan keedii galay. Xeel wadne ku taal, miyaa farriin xaashi oo kale ku taal, u dhigmeysa?! Bal aan dhowrno; qalbi iyo qardaas, koodii adkaada. Durba waxa uu daf la yiri waraaq dii, oo ku na soo hoos qariyay dhadhaab culus, dandaan (case) aan ay cidi na hinjin kareyn, dhadhaab u madoobayd sidii Xajarul Aswad kii. Dhadhaab ka sameysan oo kale unugyo dii laga amaamuday isfinge ha (Abul Hawl (/أبو الهول/sphinx) — taallo ka soo hartay uumiye iyo ilbaxnimooyin duugoobay. Ma xaashi dhadhaab arag gii looga saabay, ayaa se xogo Calibeesteen, wabin (ka xogwarrami) karayso? Ma xaashi xun ayaa kashifi kareyso, sir makas? Waayo mar kaan addoon ku, waxa uu qabay, waraqqadu ba in aan ay arki kari doonin; goora ha uu cunayo — miro hii tiin ka. Sidaas aw geed na, si da uu doonayay, ayuu uga dhergay. Saami dheeraad ahaa, ayuu weliba si kalsooni lahayd ugu hamuuntirtay.

Mar kan dambe se, waxa dhacday eedeyn ka ba sii daranayd tii hore. Illayn wax aan ad filaneyn iyo fallaari waa ay ka nixiyaan. Weydiin uu la qarracmo iyo cay ayaa loo dhaamiyay,

“Waxyahow abuurta xumi, haddana w’aad soo cuntay, maaha!?”

Aw Calibeesteen yaab ayaa ka soo haray. Xog tii dhambaal ku siday, halxiraale aan u furfuri karin, ayay u la ekoonaatay. Gef kiisii ayuu ciyoon tii ba garwaaqsaday: isaga oo balse la yaabsanaa waraaq da eebbenimo deeda (muqaddasnimo deeda); waxa uu na ballanqaaday foogo ha dambe, eebbe dar tii, si aan dhagar iyo laqdabo, midina ku jirin, in uu adeegyo da u fulin doono.

Weydiinno u baahan warcelinno:

  1.   Ilaa heer kee ayaan Calibeesteen ka kaga ilbaxnimo roon nahay xogo ha ku saabsan dhambaallo da (“madmadoobe-Allaa-ku-yaqaan”)?
  2.   Ilaa iyo heer kee ayay xeel sheennu ka sii tabo wanaagsan tahay, “xaashi la hoosdhigo dhadhaab madow”?
    ● Qormo: Nin Dhadhaab ku Xaday Tiin
    ● Wq A. M. Yusuf

SHEEKOOYIN