Home Curis Ma Illoobi doono Q2AAD W/Q: Ibraahim Cismaan Afrax (Nolosha)

Ma Illoobi doono Q2AAD W/Q: Ibraahim Cismaan Afrax (Nolosha)

0
SHARE

Ma Illoobi doono Q2AAD

Dugsiga qur’aanka (malcaamad) ayuu xiriirkeennu ka billowday innagoo da’ ahaan aan shan sano gaarin. Dugsiga hoose, dhexe iyo sarena waan kala war haynay, in kastoo aanan isku fasal noqon. Waxbarashada waxa uu ka gaaray heer fiican, waxa uuna u dallacay ganacsi u gaar ah. Dalka oo dhan sharikad laga yaqaan, saameynna leh, ayuu fikraddeeda iyo milkiyaddeeda leeyahay. Yaraantiisii, wuu u sasaan ekaa nin hal-abuur leh, oo wax uun soo kordhinaya. Firfircooni iyo karti, waxaa u dheereyd daacadnimo, asluub, dad iyo dal jaceyl, waana ay ka go’neyd, in uu wax taro ummaddiisa.

Muuqaal ahaan, Dhaqane, waa nin madoow, laf weyn, jir dhisan, dhererna ku darsaday oo ficiis ka tilmaaman. Waa nin dabeecad ahaan aamusan, aadse u naxariis iyo garasho badan, una furfuran intii waji taqaan ee ehel iyo asxaab ah. Qadaadka (jeegada), waxa uu ku leeyahay haar weyn oo aan xusuusto sababteedii; xilli duhur ah ayey aheyd oo dugsiga nalaga soo daayey. Xabbad wiifto ah ayaa qoorta ka leeftay. Dhulka ayuu ku raftay, annaguna kala-haad iyo kabteydii ma aragtay ayaa nagu dhacday. Waa carruurnimo iyo cabsidii waagaas jirtay. Markii dambe, dad meesha ka ag dhawaa ayaa soo daddaamiyey oo gurigiisa geeyey.

Gaarigii ayuu ka soo degay. Salaan iyo is-wareysi ka dib, wuxuu ii sheegay in uu toddobaadka xiga guursan doono. Gabadha uu doonanayaa, ma aha tii lagu xaman jirey, anna ma weydiin halkii ay ku dambeysay Mullaaxo, oo uu aad u jeclaa, waqti fogna ay mataano ahaayeen. Waxaan xusuustaa, waraaqihii uu u qori jirey iyo in uu magaceeda ku xardhi jirey gidaarrada aqalkooda. Kaba daran e, gacantiisa midig waxa uu middi caaraddeed kula qoray magaceeda. Maqaar-fiiqa, xanuunka iyo balbalkaba, dareenkii ka danqan lahaa wuxuu ku xawilnaa Mullaaxo!

Berigaas, indho iyo dhego kale ma laheyn, iyada ayuu ku wardi jirey, aadna ugu waalnaa. In aan ka qeybgalo lana wadaago maalmaha farxadda badan ee meherka iyo arooska, waxaa i farayey waajibaadka saaxiibtinnimo. Laabta ayuu i galiyey, waana uu iga tagey.

Daqiiqado ka dib waxaan u jaheystay dhankaa iyo gurigii aan kalinnimada ku deggenaa ee aan kireystay, maadaama aan reerkeygii ka soo fogaaday. Waa qol nasiinada ku wacan. Waxa uu leeyahay labo dariishad, oo mid ka mid ah aan ka daawado dadka waddada maraya iyo midda aan jecelahay, iina ballaqan inta badan. Dariishaddaas, waxaan ka daawadaa gabbaldaye ay reerka guriga lihi ku beereen.

Quruxda, midabka iyo goorta la joogo wey i maaweelinayaan, ina illowsiinayaan hurdadii iyo daalkii i hayey. Markii hore, waajibka i saaran –salaadda casar- markaan iska bixiyo ka dib, inaan seexdo ayaa iga go’aaneyd, haddeerse, wax baa igu soo maaxday, oo tii aan jeclaa ayaa maankeyga ku galgalaneysa. Marmarka qaar, quruxda gabbaldayuhu siduu ii soo jiitay aawadeed, waxaan moodayaa in ay iyadii tahay – waa xilaheyga, ina Saalax Warsame. Qurux iyo qaab, deggenaan, dadnimo iyo dabeecadba, kama aysan qadin.

Waligeedba, lagama ilbaxo in qof lagu xusho qurux muuqata ama la wada arki karo. Mid muuqata iyo mid dahsoonba, waa ay leedahay. Quruxda la sheego ee la raadsho, iyadey ka soo subkataa.

Bidhaanteeda, waxaa ku soo hanuuni lahaa dad badan oo baadiyoobay. Ma inkireen in uu Ilaah jiro, ama kama aysan lumeen dariiqa toosan, sababtoo ah, qof sidaa u bilicsan, Allihii abuuray baa jira!

Wax uun inaan maskaxda ka soo tuujiyo, qasab beyba aheyd, waayo maalintaa islama aannaan hadlin. Sidii ay tii Ilhaan aheyd inoo soo dhexgashana, ash iskuma aheyn labadeennu, oo xiriirkii hore ee saacadlaha ahaa, ayaa meesha ka baxay. Qisadaas in aan wax kaaga sheego waa aan ku qasbanahay.

Maalin maalmaha ka mid ah, anigoo jaha-wareersan baan ka soo baxay aqalkayga. Ku talo-galkeygu sidaa ma aheyn, weyse dhacday. Waxa aan soo beegsaday halkii uu baabuurku ii yaallay. Durba, shirka goortii aan ka galay, waxa aan maagay kici, dhawaq muujinayey in uu cilladeysan yahay buu la sanqaray. Haddii sida uu qorsheygu ahaa, ay wax waliba ahaan lahaayeen, toddobo nacalladood, tugumbo iyo haraanti ayaan isugu dari lahaa gaariga. Mase aheyn, oo haddii uu hallaabo iyo haddii kaleba, xanuun iguma hayn. Cilladdiisu culeys iguma noqon, sababtoo ah mid ka weyn baa tunka ii saarneyd.

Waa aan ka degay, kabarka ayaan furay, mowjado qiiq iyo kuleyl ah baan madaxa la galay. Ma aheyn cillad igu kallifeysay in aan makaanig u yeerto. Daqiiqado ka dib, waa aniga dayac-tirey. Alle ka sokow, waxa aan mahadiyey dugsi aan beri hore ka bartay wadista iyo sameynta gaadiidka yaryar. Mar kale ayaan gudaha u galay gaarigeygii, furahana ku rogay. Markii aan kiciyey baan dibadda u soo saaray.

Kolkii aan ku jaheeyey jidkii aan ku kaxeyn lahaa, ayaan meel fog ka dheehday nin iyo naag ku soo lugeynaya waddada. Waa aan rumeysan waayey, waayo, Soomaali bey ahaayeen. Sasaan u eg wada-noolaansho dhexdooda ah ayaa iiga muuqday. Islaantu, waxa ay madaxeeda ku santeecisay xabadka ninka, gacanteeda midigna waxa ay saarneyd garabkiisa midig. Waa ay luudayeen, dhoolla-caddeyn ayaana u dheereyd iyo kaftan. Maqalka kaftankoodu imuusan soo gaarin, balse, waxa aan arkayey sida ay sanka isaga jiidayeen, marna ay caloosha isaga juqjuqeynayeen.

Ninku, waxa uu gacantiisa bidix ku xajiyey haweeneyda dhabarkeeda. Mararka qaar, gacantiisu waxa ay u muuqatay mid godlineysay sinta bidix, dhabarka dambe, kelliyaha ilaa xuddunta. Xaalku sida aan u arkayey in uusan aheyn baa laga yaabaa. Godlintu waa wax kale. Faro-ciyaar miyuu ka waday? Ma garan. Rumeystay in ay is qabaan.

Gaariga iska daaran, in aan ku dhex jiro oo madal muhiim ah la iga sugayo ayaan illoobay. Waxa aan milicsanayey dad qurux badan oo waqtigu qurxiyey. Laamiga hareerihiisa, oo kolkii hore ila ahaa kob abaarsatay, ayaa ila noqday doog dhalaalaya. Qorraxda godka sii galeysa, ayaa casuus u yeeshay bilicda meeshaas iyo lammaanahan faraxsan.

“Alla! Maxay u sii fogaan waayeen si aan muddo u daawado, markii ay agteyda yimaadaanna?” Ayaan is kula hadlay. “Maxay bartii hore uga soo billaabi waayeen socodka?” Ayaan raacshay. Isla markii ay igu soo dhowaadeen, ayaa ay malaha eegmadeyda ka shakiyeen; indhaha ku gub ismaan laheyn, laakiin waan u riyaaqay, sababtaas ayaan u fiirsanayey farta iyo farraantiga mataanoobay.

Ninkii baa isugu keey daray gacan-haatis iyo foori, dabadeedna waa aniga naxdin la soo baraarugay, oo gacanta si kama’ ah ugu riixay hoonkii baabuurka. Waan ka fuqay, iskana dhigay qof meel iyaga ka shisheysa ku mashquulsan. Iyaga oo qoslaya ayey i ag mareen. Run ahaantii aad baan uga hinnaasay. Ma bannaan tahay in ay raggu hinnaasaan? Dabcan haa, waliba kan ku beerani waa mid halis ah, oo waxaa la yiraahdaa “hadduu nin rag ahi maseyro, waxaa ka suurtowda in uu naf gooyo, ama ugu yaraan uu dhiig daadiyo,” keyguse sidaa ma aheyn.

Labada qof ee aan ku maahsanahay daawashadoodu, waxa ay ila noqdeen aniga iyo xaaskeyga, Meyran. Laakiin ma aheyn, iyagii aan jeerkaas arkayey bey ahaayeen iyagu, aniga iyo xaaskeyguna, daqiiqado ka hor waxa aan ku soo kala tagnay mushkilad ay maareynteedu u baahneyd waqti dheer.

Duhurradii, mar aan shaqada ka rawaxay baa dhambaal qoran waxa i soo gaarsiiyey, mid ka mid ah jaallayaasheyda. Xaflad ka qabsoomeysay magaalada ayuu ii sheegay, leynagu casuumay aniga iyo saaxiibbo kale oo door ah. Waxa uu ii raaciyey “dumaashina ha ka soo tagin.”

Illinka gurigeyga ayaan gaaray, baaq aniga gaar ii ahaana waa aan sameeyey. Wax kale ma aheyn, ee sida durbaankii ayaan faraha fooddooda ugu garaaci jirey albaabka. Ilbiriqsiyo wax aan ka badneyn bey igu soo gaartay adeegtadii gurigu. Hibo.

Qacdii ay iridda furtayba, waxaa iyana barsadda ka soo tallowday oorideydii. Ruclo-orod bey soo billowday, lama moodo in ay dhowr gu’ aheyd marwo nin dhaxday. Legdan-jiifadkii xalaasha ahaa, galgalashadii iyo dildilleyntii, kama aysan dhigin mid dabacsan. Ma illaawin xusuustii xurmada laheyd ee inaga dhaxeysay. Waxa ay sidatay guntiino midabbo kala duwan leh. Kaliya waxa ay hagoogan jirtay, kolka ay aqalkeenna dibadda uga baxdo ama qof marti ahi inoo yimaado.

Gamboda ogaal bey uga soo tagtay. Timo si togan loo tidcay baa garboheeda ka sii deganaya. Kubkeeda caddiinta leh ee maarriinka ahi waxa uu togayaa tafoheeda, tallaabadana in ay bilaan Rabbaa ugu yaboohay. Ammaanta ay laheyd baan xaraf u waayey, tixo iyo tiraab kasta oo aan u hibeeyana, waxa ay ila noqdaan wax aan u dhigmin iyada.

Adeegtadii baa dhexdeenna ka baxday, qolkeedana aadday. “Hab” baanu isku boobnay “haah!” ay hammuuni keentayna waa ay inoo xigtay. Hadalladii aan ka filayey iyo qaar kaloo ka macaanba waa ay igu dharbisay, dabadeedna waxa ay igu waraabisay dhunkasho aan kala joogsi laheyn. Qofkii aan aqoon u laheyn hab-nololeedkeenna, wuxuu iska dhaadhicin lahaa in aynu is moogeyn muddo aad u fog. In aanu isugu nabnaanno sidaa iyo siyaabo kaleba, caado ayey inoo aheyd tan iyo wixii ka dambeeyey guurkeenna.

La soco qaybaha kale

W/Q: Ibraahim Cismaan Afrax (Nolosha)

SHARE