XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Qaybtii 63aad

                                        1-Maanta oo kale
Maanta oo kale ma soo laaban doonto, ee sida ay tahay uga faaiidayso.
Saaxiibtinimada badi, qof saaxiib u noqo.
Qof dhiiri gali oo waqti sii qofka kaa mudan.
Afkaaga Erayada ka baxaya ha noqdaan Daawo Qof daweysa ee yeysan noqon kuwa qof sumaeeya.
Mmusa

2-Umaddeena
Umaddeena waa Umad in ay wax aragto ka jecel in ay wax maqasho.
Mmusa

                                                  3-Qurux
Waxaa jirto Qurux uu kaa arko qofka ku jecel, balse aadan iska arkin karayn nafsiyan adiga.
Mmusa

4-Fahan
In aadan i fahmin ayaa iiga qiima badan inta aad Khalad ii fahmi lahayd.
Mmusa

                                                    5-Qalbigaada
Qalbigaada faaruq ha kuu ahaado inta uu dareen u qaadi lahaa Qof aan dareen u qabin.
Mmusa

                                                   6-Fasirka Mustaqbalka
Mustaqbalka marka aad sawirato waxaa kuu sawirma Quus iyo Raja xumo, Balse taas ma ahan mid ka tarjunta dhabta taagan.
Dhabta taagan ku noolaanteeda ayaa ka fasiraad fiican fasirka meesha dheer laga keeno ee Mustaqbalka.
Mmusa

7-Damac iyo doonis
Waxaa jira wax badan oo saamayntooda aan ku riyoono, balse Duruufaha taagan ay inoo diidaan, xitaa waxaa suuragal ah haddii duruufaha inoo saamaxaan in riyadaas ka dhabaynteeda ay inagu adkaato, sababtana waxay tahay in damac iyo doonisba ay jiraan, balse go’aan qaadashada dhabta ah aysan wali kasoo dhamaan qalbiyadeena.
Mmusa

8-Dhabta
Dhabta aad ku nooshahay  iyo doonista waxa aad doonayso mararka qaar waa kuwa aan is waafaqin, sidaa darteed marka ay taas dhacdo waxaa wanaagsan in dhabta dhexda loo dhuuqsado oo doonista aan la aqoon saldhigeeda Dhagaha laga furaysto.
Mmusa

                                                           9-Hadalada qaar 
Hadalada qaar tilmaan xitaa kuma filna, halka ay aamusnaanta qaar kaaga filantahay tilmaan iyo wax walba oo markaa u baahan sheegis.
Najiib Maxfuud

                                                  10-Qofna ha dhibin 
Qasab maahan in aad wada qanciso Dadka oo dhan ee waxaa ka wanaagsan in aadan qofna dhibaatayn.
Mmusa

 11-Taladayda qaado haddii aad Xaas tahay.
Waxaa dhowr jeer la kulmay su’aalo ka imaanaya habalaha qaar ee xaaska ah iyo kuwa aan wali noqon Xaas, balse u madlan in ay noqdaan.
Marka aan u kuur galay waxa ay ka cabanayaan dhamaantood waa hal arrin taas oo ah, is faham darro ka dhex jirta ayaga iyo wahelkooda Nolosha, balse taas macnaheeda maahan in is faham darradaas ay gaartay heer ay ku kala tagaan xiriirkooda ama is wahelintooda Nolosha.
Dabcan mar walba is khilaaf wuu imaanayaa, ma jiraan wax kaamilan dunida, taas waxaa sii dheer in laba Jinsi la kala yahay oo laba degmo ama laba qoys lagu soo kala barbaaray.
Sidaas ay tahay hadana waxaa lagu heshiiyay in nolosha lagu shirkoobo oo la iska weheshada wax badan oo aan nolosha munaasab ku ahayn, sidoo kalana la iska baahi tiro tabashada Jismi ee labadaas Issir uu mid walba tabayo.
Cabashada dumarka ayaa mar walba ku salayssn in ragoodu aysan waqti siin, aysanna ka wareesan sida xaalkodu yahay marka ay muddo maqnaadaan.
Sida badan dumarka cabashadooda kuma salaysna Baahi jismi iyo mid masruuf, ee waxay ku salaysantahay in uusan ninkeeda waqti ku filan siin, waqtiga uu maqan yahayna ay aaminsantahay in uu uga faaiidaynayo mid kale iyada oo laga yaabo in dhabtu aysan sidaa ahayn.
Hadaba, waxaan tala ahaan ku dhihi lahaa hablahaas inta aad ka fakaraysaan ninkiina in uusan waqti idin siin, fadlan idinka waqti naftiina siiya marka hore, oo fahma shaqada badan ee idiin taala , hubaal haddii qofku fahmo  shaqadiisa in uusan ka fakaraynba baahina u qabayn waqti ka sugid xaga qof kale.
Walaashey waxaa lagaa doonayaa in aad fahamto waajibkaaga. Nolosha aad ninkaaga wadaagayso qaybta aad ku leedahay kasoo bax, adiga oo ninkaaga waxba ka filayn xagiisa, micnaha aadan waxba ka sugayn taas baddalkeeda.
Is fahamka wuu imaanayaa marka aad naftaada fahamto, balse, marka uu kugu jiro Qalqal iyo waxbaa la iga qaatay, Naag ayuu iga qarinayaa, waa la ila guursaday, heblaayo oo la ila qabo ayaa la iiga eexdaa, hubaal markaas in aadan daganayn.
Fadlan naftaada daji, ninkaaga galab walba naag cusub u noqo, inta uu naag kale ka damci lahaa, adigaba way kugu taalaa ee soo bandhig quruxdaada .
Balse haddii marka uu yimaado aad guriga ka maqantahay, ilmaha buuqooda aad ku wareejiso, ama adiga aad ku buuqdo marka uu yimaado, bal is waydii markaas yaa lagu eedayaa waqtiga halkaa ku lumay, yaasa lumiyay? Dabeecadda Aadanaha ayaa ah in baahadiisa uu dareemo mar walba, balse waxa sababay in uu baahdo uusan ogaan karin, iyada oo laga yaabo waxa uu tabanayo in uu isaga isku sababay.
Hadaba is qiimee walaashey, inta aadan ninkaaga eedayn qiimayn kalana aadan ku samayn isaga.
Mmusa

12-Cimriga iyo Caqliga
In cimrigaaga kordho waa qasab aadan waxba ka qaban karin, in caqligaaga kordhase waa doorashadaada, adiga ayey kugu xirantahay sida aad caqligaaga u kordhiso.
Xigasho

                                             13-Dhibcaha Hadalka 
Marka ay dadka kula hadalyaan fadlan dareenkaaga oo dhan soo jeedi, si waxa dadka ay ku hadlayaa ay kuu galaan haddiiba ay wax faaiido ah laga heli karo hadalkooda, sidaas si la mid ah marka aad hadlayso dooro dhibcaha ugu qiima badan hadalkaaga, si inta uusan dhamaan dhagaysiga ay dadka u hayaan hadalkaaga aad hadalkaaga u dhamayso.
Mmus

                                                    14-Is adkee.
Ha noqon mid jilcan oo dharbaaxadu dhulka ku riddo, kufidddana ku daciifa, guul darradana ay raja tirto, gafkuna uu laabtiisa dilo, dar Alle u xooganow oo u wajah xaaladaha kula soo darsa si iimaansan, maxaa yeelay, qofka iimaanka leh ee Alle ku xiran ma jirto waddo ay kasoo gali karto Daciifnimo.
Mmusa

15-Wanaag filashada 
Wanaag filashada micnaheeda maahan in aadan xanuusanayn, in aadan dhibtoonayn, in aadan ooynayn, iyo in aadan dhimanayn, ee waa in aad awood u leedahay oo raali ku noqotaa wax walba oo Qaddarta Eebe ay kuula timaado.
Mmusa

16-Caaqil iyo Nacas
Waxaynu ku noolnahay Duni dadka caaqiliinta ah ay shaki iyo kalsooni darro laabtooda buuxisay, halka kuwa nacasiinta ah ee wax ma garatada ahna ay laabtooda buuxisay kalsooni iyo go’aan qaadasho dhab ah.
Mmusa

17-Caaqlika
Caaqilka maahan midka wanaaga iyo xumaanta kala garta, waa midka marka uu wanaaga garto raaco, shartana ka hara marka ay lasoo darasto
Sufyaan Bin Cayina

18-Saddex adiga ayey kugu dhacdaa 
Shirqool iyo Hagar aad ku samayso qof aan dambi kaa galin adiga ayey kugu dhacdaa.
Dulmi aad qof u gaysato adiga ayuu kugu soo laabtaa.
Ballanta oo aad jabisaa ciqaabka ka dhasha dushaada ayuu ahaanayaa.
Mmusa

la soco axad walba.

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN