KADINBAX Q5AAD. W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

KADINBAX Q5AAD. W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Joon waa aqbalay muran dheer ka dib, inuu alaabta u haayo, bannaankaana ku sugo. Balse, kuma farxin in loo diido inuu galo masaajidkii uu dartiis u waayay wax badan, waalidkii na ay isku seegeen. Asigoo jirddiino bannaanka ah iska fadhiya “Allaahu Akbarta imaamka masjidku dadka ku dushinayona maqlaya dhabannadana haysta ciil iyo caro darteed” ayaa waxa soo maray goobtii uu fadhiyay dhowr gabdhood oo iyagu na iskoolka kasoo baxay, balse, aysan isku fasal ahayn. Sacdiyo qalanjo oo ahayd gabar naxariis badan ayaa soo dhinac fadhiisatay Joon garabkana jug ka siisay. Joon naxdin darteed ayuu hag isku yiri, balse, si debcan ayay Sacdiyo Qalnjo u tiri: “Joon maxaa kugu dhacay oo aad dhabannada la haysataa, ma waalidkaa baa dhintay? Mase adigaa lagu garaacay oo wax ku gaareen see wax kaa yihiin?”

Sacdiyo Qalanjo waxa ku qufulnaa inaan Joon u ooyayn Diin iyo Masaajid galow, sababtoo ah kuma baran, weligeedna kuma arag. Joon waxa uu billaabay inuu gacantiisa bidix ku balaasho wajiiga, si uu u muujiyo inaan murugo iyo dhib haysan. Sacdiyo Qalanjo se in muddu ah ayay dul taagneyd oo wax kama qarsana. Waxayna mar kale ugu celisay isla su’aashaa sare ku xusan. Joon asigoo is doqon diidsiinaya ayuu dhankii Sacdiyo Qalanjo soo jalleecay, kuna yiri: “Dhib ma jiro, balse, nimankii aan saaxibbada aheyn, Soomaalida na ugu jeclaa dartood na aan u Muslimay ayaa ii diidey inaan Masaajidka la galo” Intaan Joon hadalkii dhameyn ayaa Sacdiyo Qalanjo ka dhex gashay, kuna tiri; Ma Muslim ayaad tahay? Sow yiri: Haah! Oo Towxiidka ayaa lay qabtay mar hore, habka loo cibaadeysto oo Eebbe loo caabuda na si gaar ah ayaa lay baraa. Sacdiyo Qalanjo oo ahayd gabar garaad badan ayaa ku tiraabtey: “Ma taqaan sababta kaa reebtay inaad gasho masaajidka?” Joon wuxuu ku yiri maya! Sacdiyo Qalanjo wey ku qososhay, iyadoo dareensiinaysa inay yihiin walax aan afkeedu karin. Waxayna ku tiri; “ Inaan kuu sheego waan jeclaa sababta ay kaaga reebeen gelitaanka Masaajidka, balse, waxan u deynayaa Wiilasha maadaama ay kugu la ballameen inay kuu sheegi doonaan marka ay soo dukadaan.

Sacdiyo Qalanjo oo indhaha ka qaadday jamaacadii Masaajidka ku dukaneysay oo safkii ugu horreeyay soo baxay, ayaa Joon si hal-haleel ah uga dhaqaaday, kuna tiri: “Caawa ayaan is arkeynaa muggaas ayaanna kala warqaadi doonnaa ee soo nabad gal”. Wax yar ka dibba waxa masaajidkii ka soo baxay wiilashii oo soo dukaday salaaddii Duhur, waxayna ku yiraahdeen; Joonow inna keen aan xaafadaheenni aadno’e. Balse, Joon waa ka diidey ilaa uu ka fahmo sharciga ka reebay inuu galo Masaajidka. Joon waxa uu yiri: “Waa baxaynaa waa se inaad ii sheegtiin, shuruucda iga reebtay gelitaanka goobaha cibaadada” Axmed, Cumar, Caddaan iyo jaamac yare waa is eegeen, hal walba kan kale ayuu u baaqay, si uu warka u iba furo. Iyagoo weli is eegaya nin hadalka furana laga la’yahay, ayaa waxa soo dhinac istaagey, Shidane Xuurshe oo da’ ahaan ka waynaa dhammaantood, dhigtana fasallada ka sarreeya ee Iskuulkooda. Joon, Axmed, Cumar, Caddaan, Jaamac yare na ay saaxibbo yihiin isku xaafad ah. Shidane oo la yaabban dhallintaan saaxibbadiis ah oo is eegaya ayaa si kedis ah u yiri: war maxaa idin helay oo lays la eegayaa?”

La soco qeybaha xiga, Haddii Eebbe idmo. 

W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

SHEEKOOYIN