Home Curis WAAYIHII WARSAME Q6AAD W/Q: Cali M Diini

WAAYIHII WARSAME Q6AAD W/Q: Cali M Diini

0
SHARE

WAAYIHII WARSAME Q6AAD

Muddo markii uu Warsame maqaayadda ka shaqaynayay magaaladiina uu la qabsaday oo sidii reer magaalkii u labbistay ayuu bilaabay in uu salaadda tukado, muxuu se ku tukadaa? Waligiisba alif looma xarriiqine.

Waxa uu u tagay macallin dugsi Qur’aan ku haysa meel aan maqaayadda ka fogayn kana codsaday in uu baro salaadda. Macallinkii halkii ayuu Warsame ku baray salaadda shuruudeheeda dhawr asbuuc kaddib na Warsame dusha ayuu ka xafiday Faatixada iyo Atixiyaadka laakiin waxaa ku adkaaday saddexda suuradood ee quraanka ugu horreeya (Al Naas, Al Falaq iyo Al Ikhlaas) sidaas darteed ayuu go’aansaday in uu Qur’aanka barto.

Dugsiga ayuu tagaa subaxdii salaatul Fajarka, labada saacna maqaayadda ayuu hawshiisa ka qabsadaa. Inta uu maqaayadda joogo marka uu firaaqo yar helaba casharka dugsiga laga soo siiyay ayuu muraajeceeyaa.

Wax ka yar gu’ Warsame soddonka jus ee Qur’aanka dusha ayuu ka qabtey, waxa uuna mawlacaha Shiikh Cabdi ka  bilaabay raacashada kutubta axkaamta safiinatu salaad ilaa minhaaj ayaa uu dabada isugu qabtay. Waxa uu bartay dhawr kitaab oo axaaddiis ah iyo siirada (csw)  waxa uu si fiican u kala bartay qabiilooyinka Carabta gaar ahaan Qurayshta, dagaalladii Carabta dhexmari jiray Islaamka ka hor iyo kaddiba iyo gabayadii ay suugaanyahannada Carbeed isku karbaashi jireen iyo kuwii ay beelaha ugu kala hiillin jireen.

Waxaa uu noqday wadaad suufi ah oo raatibka iyo kalwinta tusbaxa aan joojin.  Waxa uu safka hore ka galaa xadrada jimcaha lagu qabto mawlaca xerta. Waxa uu ka mid noqday ragga wadaadku aadka ugu kalsoon yahay mar kasta oo wadaadka sab, qur’aan akhris yo tacsi looga wacana Warsame waa ninka koowaad ama labaad ee Shiikh Cabdi ogaysiiyo.

Siyaarada mashaa’ikhdii waawaynayd ee Suufiyadda ee gobollada kala duwan ee dalka lagu dhigo gu’ walba Warsame hadda marti sharaf     kuma aha ee waxa uu ka mid yahay isku dubaridayaasha iyo qabanqaabiyayaasha siyaaradda.

Maqaayaddii marka uu kansho helo ama lacag u baahdo un buu tagaa.Xerowgii Warsame wax uu sidaas ahaadaba galab asaga oo guri habartartiis oo mar dhow magaalada soo degtay jooga oo qolka fadhiga fadhiya ayaa uu miis yar oo hortiisa yaallau ka arkay kitaab qur’aan ah oo dulsaaran ka na yara duwan kuwa uu yaqaanno, inta uu istaagay ayuu soo qabtay kaddibna baalashiisa kala furay, waa kitaab ku qoran Af Carabi iyo Af Soomaali, inkasta uusan Afkiisa hooyo (Af Soomaali) qori karin akhrinna karin haddana waa uu fahmay.

Waa uu xanaaqay, “inkaari ha ku dhacdee maxay kitaabka Alle ugu gafeen oo Af Soomaaliga ugu qoreen?” ayuu iswaydiiyeen, “ma bidcaa kitaab Alle taqaan?” ayuu sii raaciyay. Waa uu ogaa in habaryarti tahay kooxda suufiyadu bidco (al itixaad, gardheer) u yaqaanaan, balse horay uma uusan ogayn in ay haysato kitaabkii Alle oo Af Soomaali lagu qoray.

Waxa uu damcay in uu habaryar waydiiyo sababta kitaab Alle loogu ciyaaray haddana waa uu ka xishooday. Xishoodka iyo afgaabnidu waa tilmaamo uu Warsame lahaa waa sababta uu saaxiibada badan ku yeeshay haddana habaryar xushmad gooni ah ayuu u hayay waayo waalidnimada ka sokow waxa ay ahayd Habaryar aad u wanaagsan aadna u jecel Warsame tan iyo intii ay magaalada soo degtayna waxa uu ka baxay kalinimadii oo waxa uu noqday nin hooyadiis magaalada deggan tahay oo kale.

Habaryar iyo islaamo kale oo qol kale ku sheekaysanaya ayuu inta tannaagooday ku yiri “habaryar nabadeey waan sii baxayaaye”, “intee aadaysaa habaryar ayay tiri?”

Warsame wuxuu u sheegay inuu masaajidka ayaan aadayo”

Iyadoo qoslaysa ayay tiri: “Haye habaryar, Masaajidna u ma socotide mawlicii ayaad ka soo xadrayn rabtaaye,

Warsame oo dareensan kaftan waayeelka habaryartii ayaa inta qoslay yiri: “ Qoloba mawlac bay ka xadreysaa, ee nabadgelyo habaryar.

Markii uu gurigii habaryar ka tagay inta uusan masaajidka gaarin Warsame waa uu fakaray, waxa uu iswaydiiyay, maxaan Af Soomaaliga u baran waayay?

Haddaan Af Soomaali aqaan sow kitaabkaas aan guriga habaryar ku soo arkay ma akhriyeen kaddibna ma ogaadeen sida ay bidcadu ugu gefeen kitaabka Alle?  Isagoo weli sii talamaya ayuu naftiisa kula faqay “Alleyle waan in aan AF Soomaaliga bartaa!.

Haddana waxa uu soo xasuustay sida Shiikhiisu u neceb yahay iskoollada iyo in haddii uu Iskool aado xerta laga saari doono. Warsame iyo Ragga kale ee ay xerta isla yihiin sida caadada u ah wax walba oo ay samaynayaan Shiikh ayay u sheegaan haddii uu ogalaado way sameeyaan haddii se uu diido bartaas ayay kaga haraan. N Ninkii wax uusan Shiikhu raalli ka ahayn sameeya waxaa loo aqoonsadaa saaqid diinta ka tagay.

Sidaas darteed Warsame waa uu ku qasban yahay in uu Shiikha u sheego in rabo in uu aad iskool Af Soomaaliga lagu barto haddana waa uu ogyahay in aan Shiikhu sinnaba ku yeelayn waayo Cali Fareey iyo Cigaal Sugulle ayaa mawlaca laga eray kaddib markii ay Iskool aadeen. Waxa kale oo Warsame goob u joog u ahaa ilaa saddex Iskool oo xaafadda laga dhisi rabay oo Shiikh Cabdi diiday.

Waxa uu xasuustaa dhacdo hadda ka hor magaaladaa ka dhacday oo qalbigiisi murugo ku reebtay. Waxa ay ahayd barqo arbaco ah meel mawlaca Shiikh Cabdi u muuqata ayaa waxaa soo istaagay iskarogayaal carrakaawo iyo shamiito sida iyo dhawr baabuur oo rag iyo dumar la socdaan, kaddib cagafcagaf habeenimadii meesha la soo dhigay ayaa bilowday carroqaadis iyo geedo rujin.

Shiikh Cabdi oo socodka boobsiinaya ayaa u dhaqaaqay meeshii dhismuhu ka socday xoogaa kaddib na asaga oo caro la karkaraya ayaa uu xertii ka soo dhexdhacay asaga oo qaylinayana ku yiri “Dhammaantiin soo kaca fadhi nooma yaallo, dalkii iyo diintii bidco iyo gaalo ayaa soo weeraray.” Xertii dhammayd waa ay wada istaagtay, mid kabiirrada ka mid ah ayaa Shiikhii ku yiri “Shiikh maxaan sammaynaa?”

Shiikh Cabdi ayaa ugu jawaabay “Maxay tahay maxaan samaynnaa? Diintii ayaa lagu soo duulay ee ma wax aan la samayn karin baa jira? Nin kasta gurigiisa ha aado ha na soo qaato qori ama bastoolad ninkii aan heli karinna seef, toorrey, faas ama wixii kale ee uu helo ha soo qaato.

Shiikh Cabdi oo dagaalgalintii sii wata waxa uu yiri “Hebelow xaafad hebla u kac oo soo saar Islaamaha iyo carruurta, hebelow adna xaafad hebla ku orad, hebalow adna maqaayad hebla u tag oo odayaasha soo wargali oo naga soo gaara ku dheh, “Warsamow adna maqaayadda ku orad oo dadka soo jaf, ku dheh cunta cunista joojiya u sheeg marka dagaalka jihaadku socdo in cunto cunis loo fadhiyo waa xaaraam qadcan ah, qofkii cunto u fadhiista maalinta jihaadkana Rabbi naar kulul ayuu ugu yaboohay.”

Hal mar ayaa mawlicii lagu kala yaacay oo nin kasta meeshii la faray ku orday. Ardaydii yaryarayd ee dugsiga qur’aanka dhiganaysay xattaa waa la soo dumay loona soo dhaqaajiyay meeshii dhismaha laga waday.

Shiikh Cabdi asagu gaari yar oo mawlaca u horyaallay ayuu qaatay waxa uu u dhaqaaqay dhankaas iyo xero ay maleeshiyaadka magaalada ugu xoogga badani deggan yihiin, maleeshiyadii oo qaar hurdaan qaarna qaybinayaan lacagtii ay xalay isbaarada laaamiga taalla laga soo aruuriyay ayaa Shiikhii oo cimaamadda bitinayaa ka dhexdhacay, “tol la’ayeey! Tol beelayeey! Haddii aad rag waxtara tihiin maanta bidco iyo gaalo iskoollo carruurta lagu gaalaysiiyo kama dhiseen magaaladayada”

 Xuseen Lugeey oo ah hoggaamiyaha maleeshiyada ayaa inta uu Shiikhii gacanta qabtay ku yiri “Shiikh Cabdi isdaji, isdaji, wax walba oo aad nooga baahato diyaar baan u nahay ee bal si deggan wax iigu sheeg maxaa jira?”

Shiikh Cabdi oo la xarbinaya sidii uu  gacanta Xuseen Lugeey isaga furfuri lahaa ayaa yiri “isii daa Xuseen , Xuseen isii daa, hadal kale iyo wax sheeg waqti u ma haynno ee ciidanka soo kiciya, gaalo iyo bidco wax ay soo soocdaanba maanta mawlacaygi ayaa ay dhisan rabaan.”

Shiikh Cabdi oo hadalkii sii wata waxa uu yiri asaga oo codkiisa kor u qaadaya maleyshiyaadkiina toos u la hadlaya “Wiilalyohow maanta fursad ayaad haysataan, fursad Ilaahay idinku kugu cafin doono wixii aad dhacdeen iyo wixii aad disheen, haddii aad maanta diinta Alle u hiillisaan oo gaalada iyo bidcada magaalada ka saartaan Alle iyo Rasuulkiisa, Awliyada iyo mashaayiiqdii dhammaantood raalli ayay idinka noqon doonaan.”

Xuseen Lugeey markii uu intaas maqlay ayuu ciidankii amar ku siiyay in ay si deg deg ah xaafadda dhan u hareereeyaan gaalada iyo bidcadana soo qabqabtaan wixii la qaban waayana dhabarka laga toogto.

Ciidankii hubkoodi ayay gurteen waxayna dusha ka wada fuuleen Cabdibilayaashii iyo Suugaggii meesha u yaallay.  Xuseen Lugeey iyo Shiikh Cabdi waxa ay fuuleen Cabdibilihii Xuseen Lugeey oo qori dhashiike afyare ahi ku rakiban yahay, waxa ayna u dhaqaaqeen meeshii uu dhismuhu ka socday.

Warsame waxa uu tagay maqaayaddii uu ka shaqayn jiray waxa uu na odayaal fadhiyay u sheegay farriintii Shiikh Cabdi inkasta oo uusan ‘Waa wareey soo baxaay’ ku oran haddana waxa uu u sheegay odayaasha in xaaladdu ay meel xun marayso farahana ka bixi doonto haddii aan waxgarad ku bixin.

Odayaashii iyo Warsame oo lugaynaya ayaa halkii ka soo dhaqaaqay. Toban daqiiqo kadib na Warsame iyo odayaashii waxa ay gaareen meeshii oo waxa khalqi dhooban aad la yaabaysid. Haween iyo carruur ciidaas ka badan ayaa ku qaylinaya

  • Bidco bidco bidco, doonimaynno,
  •  gaalo gaalo gaalo, doonimayno,
  •  bidci iyo gaal, ha naga baxaan,
  •  gaaliyo bidciyo timirtoodaba
  •  doonimaynnee,ha naga baxaan
  • Magaaladayada, ha nooga baxaan.”

Nin da’ dhexaad ah oo leh gar yar oo fiiqan sida garka orgiga oo kale, shaati buluug ah oo darfihiisa intii la hoosgaliyay surweel madow oo si wacan loo tolay suun ballaaran dusha looga meegaaray , waa labbis qof xiran lagu tuhmo aqoon, hanti, iyo ugu yaraan in uu ka yimid dhul Xamar ugu sokeyso,  oo raggii meesha Iskoolka ka dhisi rabay ka mid ah ayaa taagan meel u dhaxaysa dadka bannaanbaxaya iyo toboneeyo qof oo asaga la socday oo qaarkood ilaalo hubaysan yihiin. Waxa uu dadka u sheegayaa in ay isdajiyaan, waxa uu leeyahay “Walaalayaal idajiya, annagu bidco iyo gaalo midkoodna ma nihin waxaan nahay dad deegaanka u dhashay oo aad wada garanaysaan, meeshaanna waxa aan ka wadnaa waa wax u qabadka dadkeenna, bidco iyo gaalo midna nama soo dirin, lacagna nama soo siin ee annaga ayaa go’aansannay in aan dadkeenna goobo wax u ay ku bartaan u dhisno.”

Ninkii oo wali hadlaya ayaa waxaa hal mar la maqlay rasaas xoog leh, boor iyo qiiq madow, dhagax iyo dhiig firdhanaya, cad hilib ah oo faniinaya, qof dhulka waran iyo mid ka dul boodaya, cabaadka iyo taaha naf sii galbanaysa, oohinta carruurtii yaryarayd ee dugsi laga soo kiciyay, goobtii dhammayd waxa noqotay mid indhihii eegaa uurkutaallo ku reebaysa.

Halkii la rabay in laga dhiso mustaqbalka jiilasha dambe waxa ay noqotay meel maydadku daadsan yihiin. Inkaar qabe marqaansan oo wadaad  dhiileysan soo cabbeeyay ayaa qorigga suugga ah ku hurgufay.

Suuggu waa qori loo sameeyay in diyaaradaha NATO uu hawada sare ku ugaarsado, waa qori aanba loogu talogalin in dhulka loo jeediyo ee loo sameeyay in uu hawada u dallacnaado.  Inkasta oo baabuurtii kale ee hubaysanayd ay xasuuqa ka qayb qaateen haddana Suuggu sida uu wax u aafeeyay wax la malayn karo ma ahayn tobonaan wareeg oo rasaas ah ayuu ku faaruqiyay wiil marqaasan oo lugta uu suugga ku ridayo dacas ugu jiro.

Warsame asaga Ilaahay waa ka badbaadiyay xasuuqii meesha ka dhacay waxaa uu na ka mid noqday dad badan oo cagaha wax ka dayay si ay naftooda u la baxsadaan.

La soco qaybaha kale

W/Q: Cali M Diini

SHARE