Ma Illoobi doono Q3AAD W/Q: Ibraahin-Nolosha

Ma Illoobi doono Q3AAD

Nasiino ka dib, innaga oo wada qadeyneyna ayaan arrinkii marti-qaadka ku wargaliyey marwadeyda, waana ay iga aqbashay. Aad baanu u faraxsaneyn. Qofba tookadiisa ayaa afka loo galinayey cunno malabka ka macaan, oo ay gacanteeda malabeysan ku sameysay. Ubad baa inoo joogay, waxa ay ahaayeen saddex carruur ah oo kala ahaa Qeys, Anfac iyo Filsan.

Saddex sano ayey kala weynaayeen. Anfac waa curaddeyda, iyada ka dibna wuxuu Eebbahey inoo hibeeyay Qeys iyo Filsan oo mataano ahaa. Saddexdooduba waa ay jiifeen. Intii aan shaqada ku maqnaa ayey hooyadood siisey qado, ka hor intii aysan seexanna taleefoonka Meyran ayey iga soo waceen. Sheeko-xariiro aan ugu talo-galay baan uga sheekeeyey. Sameecadda ayaa u furneyd aaladda ay igala hadlayeen.

“Aabbe, maanta casharradii aan soo qaatay in aan kuu akhriyo ayaan rabaa, ee soo dhaqso.” Anfac oo markaa dhiganeysa fasalka koowaad ee dugsiga hoose, ayaa sidaa tiri. “Indho-u-rooneey, haye, aabbe.” Ayaan ugu warceliyey. Waxa ay aheyd gabar caqli badan, kana gudubtay Jallaad khamiisaad. Su’aalaha ay i weydiiso qaarkood oo dhabta ku saleysnaa, waxa aan u waayi jirey jawaab u qalanta. “Indheer-garad” ayaan ugu wici jirey.

Qeys iyo Filsan, waxa ay ifka joogeen saddex gu’ iyo dhowr bilood. Da’dii aan u qorsheeyay in aan dugsi-quraan ku geeyo, waxa uga harsan bilo aan badneyn. “Aabbe, annagana?” Fislan baa i su’aashay. “Adinkuna waad ii sheekeyn doontaan” ayaan ku maslaxay. Sheeko-carruureedka aan uga sheekeeyo ayey iigu celin jireen labadooduba.

Qeys waxa uu ahaa wiil aamusnaan badan, laakiin aad buu u jeclaa sheeko-xariirada; dadku waxa ay ku xaman jireen in uu aniga iga raacay dhinacyo badan. Masawirradeyda waagii aan dhallinyarada ahaa, ayuu aad u daawan jirey. Inta aan ka maqanahay ubadkeyga, aad baan u walwali jirey. Waxeyba ay ila aheyd, haddii aan guriga la joogo, in aan ka ilaalin karay dhib, cudur iyo waxyeello kasta oo soo food-saari laheyd. In aan ka maqnaado saacado badan danta ayaa keentay, waayo, iyaga ayaan u xammaali jirey, si aysan u dareemin baahi-adduun.

Innagoo wada qosleyna ayey xaaskeyga xannaanada jeceli ku tiri “Aabbihiin shaqo ayuu ku jiraaye macsalaameeya, galabta ayuuna idiin sheekeyn doonaa.” Mid-mid bey ii dhunkadeen, ka dibna waxa ay si wadajir ah u qaadeen tix kooban oo caado u aheyd, kolka ay i macsalaameynayaan.

“Aabbeheennoow

Ifka noloshoow

Kugu arwaaxnee

Ammaano Ilaah.”

Nolosha sida aan jeerkaas u arkayey, aad bey u dheelli-tirneyd. Aniga iyo bilcaanteydu, qadadii ka dib waxa aanu isla aadnay geed Barde ah oo lix gu’ jirsaday, kuna yaallay barxadda hore ee gurigeenna. Waxa uu lahaa harac qabow. Intii aan maqnaaba waa ay bilbishay. Waxa aan u heystay, in ay ku rusheysay biyo aan aheyn kuwa dunida laga isicmaalo.

Geedkan barakeysan, gufaacadiisu waa sida reyska. “Allaahu akbar! Yaa ku galgasha reyskan aan wali engegin.” Waan is iri. Dhis dhowr mardo ah ayaan kol hore ku wareejiyey, si uu geedku uga nabadgalo daaq iyo dayac. Gogol iyo barkin baa diyaar ku ah meel aan ka fogeyn jiridka bardaha.

Indho-guduudso ayaan is lahaa inta laga gaarayo salaadda casar. “Kubkub” iyo cod dheer baanu ka maqalnay xagga ganjeelka. “Naa Hibooy, Meyran ma joogtaa? Kaalayoo iridda iga fur bal.” Ilhaan baa tiri. Meyran iyo Ilhaan waa ilmo-adeer, saaxiibbana waa ay ahaayeen.

Adeegtadii oo aan jawaabin bey xaaskeygu dheegga dhulka ka qaadday. Uur bey laheyd laakiin ma jirin culeys u diidayey in ay dhaqso u kacdo. Ilmaha ay siddo, qiyaas ahaan waa labo ilaa saddex bilood. Wey istaagtay, “Macaanto, hore u soo dhaaf.” Meyran baa ku tiri Ilhaan oo darafka garbosaarkeeda isku babbineysay.

Salaan iyo is-warsi baa na dhex-maray aniga iyo Ilhaan, dabadeedna gudaha ayey galeen. Qolka fadhiga in ay u gudbeen bey ila aheyd, anigana gamaanyaa i qabatay. Markiiba waan hurday. Abbaare afartii galabnimo oo daqiiqado la’ ayaan ka toosay. Qacdii aan indhaha kala qaaday, waxa aan eegay hareeraheyga, Meyranna iima muuqan. Malaha intii aan jiifayba iima aysan iman. Buraashad ay ku jiraan biyihii aan ku weyso-qaadan lahaa, ayaa agteyda taalla. Waan weyso-qaatay, ka dibna waxa aan u aaday mowlac yar, oo ay dadka xaafaddu ku cibaadeystaan.

Salaaddii baan ka soo baxay. Ubadkii oo hurdada ka wada toosay baan guriga ku soo laabtay. Dhankeyga ayey u soo carareen, si wadar ahna laabteyda ayey ugu tuurteen, laakiin ilaa iyo markaa indhaheygu wey qaban waayeen Meyran. Mar baan is iri “malaha waxa ay is raaceen Ilhaan.”

Aniga iyo carruurteydii, waxa aan dultagnay miis jalbeebka guriga yaalla, waxa aan is weydiiyey “ma Meyran baa diyaarisay mise Hibo?” Carruurtii baan u shubay caano ku jirey dhiil qori ah, oo barqadii laga lisey ari aan tobaneeyo gaarin, oo inoo jooga. Walaalkey Qummane, oo reer-guuraa ah ayaa ii keenay.

“Aabbe, caanaha ha la dhammo waad weynaaneysaan, anna waan idiin soo noqonayaa.” Ayaan ku iri, “haye” iyo qosol ay farxadi ka keentay bey hal toog isla jiibiyeen, iyagoo is dhuganaya.

Waxa aan u tallaabay gudaha guriga. Qolkii jiifka ayaan gal maagay. Hoos buu ka xirnaa, in ay joogtay oo aysan bixin baan ogaaday. Markii aan garaacay bey iga furtay. Wajigeedu ma furfurneyn, hurdadu in ay sidaa ka dhigtay baan u qaatay. “Meyraney, maxaa qolkan kulul ku seexiyey? Weydiinteyda ayaa sidaa aheyd.

In cabbaar ah bey af-daboolneyd, oo ay cijiyaha gacmeheeda ku mashquulsaneyd. Aniguna, armaajada ayaan kolba qaanad ka faagayey, oo waxa aan xulanayey dharkii aan ku aadi lahaa madashii la iiga yeeray.

“Waa imisadii?” ayaa ka soo fuqday mar ay indhaha maraamaratay ka dib. Waan u sheegay sida ay tilmaameysay goor-sheegtu. Sasaankeeda ayaan u bogi waayey. Wax in ay saluugsaneyd bey ila noqotay. Waa aan weydiiyey waxa jira, iyana aamusnaan badan ka dib, waxa ay iigu warcelisay “kuma raacayo, waan xanuusanayaa.” Waa hadal bilaa iidaan ah, ugama baran, iyada lafteedu hadallada noocaas ah waxa ay u arki jirtey kuwo qallafsan.

Erey kasta waxa ay ku kaabi jirtay mid kalgaceyl iyo naxariis leh. Marmarsiyeheedu ima cajabin, xanuun hayeyna ma jirin e, waxa ay la xaraarugsaneyd arrin aanan ogeyn. Waxa aan u dhabbo-galay sidii aan ku soo saari lahaa sirta aasan. In badan bey isku dayday in ay igu qanciso “waxbo ma jiraane, iska bax waa inoo caawa markii aad soo laabato.”

In wax leyska qarsado waxaa diidayey qodob ka mid ah dasuurka nolosheenna. Kama aanan yeelin, ugu dambeyn wey hadashay. “Adiga iyo gabadha Istaahil la yiraadho ee reer Aw Diiriye, maxaa idinka dhaxeeya?” Waxa ay aheyd su’aasheedii ugu horreysay. Ma aqoonsan ilaa ay iga tustay masawir aan kula jiro, oo lagu dul qoray “jaceylku ha waaro!”

W.Q: Ibraahin-Nolosha
Muqdisho, Soomaaliya

Facebook: @Ibraahinnolosha
Twitter: @Ibraahinnolosha

 

SHEEKOOYIN