XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Qaybtii 64aad

                                                      1-Farxadda
Farxaddu ma ahan mid iska diyaarsan oo kusoo raadsata waa mid ka dhalata Afcaashaada.
Dalai Limo

2-Sabab ha u noqon dhaawac.
Marnaba ha furin albaabka murugada, xitaa haddii ay ka imaan lahayd qof qaali kugu ah, micnaha adiga sabab ha u noqon in lagu dhaawaco.
Victor Hugo

3-Farxad kaamil ah
Nimcada waxay u baahantahay in laga mahadnoqo.
Dambiga wuxuu u baahan yahay in laga towbad keeno.
Dhibaatada waxay mudantahay in lagu sabro.
Hadaba qofka sabarka, towbada iyo shukrinta badshaa wuxuu helayaa farxad kaamil ah.
Mmusa

                                                  4-Dunida sidan ayaa loo kala sifeeyay.
Waxay dhaheen hadal ha loo daayo Ingariis
Shumisna ha loo daayo Faransiis
labisna ha loo daayo Talyaani
Gaari wadidina ha loo daayo Jarmal
Qarash lagu ciyaarana ha loo daayo Carab
Cawayn iyo qoob ka ciyaarna ha loo daayo Carrebian ( karrebian)
Mmusa

                                                       5-Ma ogtahay?
Salaaddu waa Farxad
Dambi dhaaf waydiisashada Allana waa Risqi.
Waalidka oo baari loo noqdana waa waddada guusha.
Runta oo la badiyana Carada Eebe ayey damisaa.
Ducada oo badisidna Alle ayey kuu dhawaysaa.
Quraanka aqriskiisa oo badisaana waa raaxada qalbigaada.
Mmusa

                                                         6-Qofka ku jecel
Qofka ku jecel mar walba wuxuu kuu arkaa mid ka duwan dadka kale, sheekada aad qofkaas mar walba la wadaagto waa midda ugu quruxda badan sheekooyinka kale, inta yar aad kala maqantihiin waxay ka dhigantahay dunida oo dhamaad lahayn, dhaawiciisa dhaawacyada kale wuu ka baaxad wayn yahay, kalgacaylkiisana ma jiro kalgacayl la macaan ah, wax walba oo qofkaas kaaga muuqdana way qurux badan yihiin, macaan badan yihiin, xiisa badan yihiin, xamaasad badan yihiin, hawo badan yihiin, riyadiisa ayaad mar walba la nooshahay.
Mmusa

 

  7-Waad xususan kartaa
Waad xusuusan kartaa qof kugu waynaa oo dunidan aan ku noolayn.
Waad xusuusan kartaa qof aad jeclayd oo kaa lugeeyay.
Xusus ka xun’se ma jirto qof aad jeceshahay oo aad ogtahay in aadan helayn.
Mmusa

                                                               8-Farxad siin
Mar walba u dhowow qofka ku farxad galin kara, waxaa kaloo la jirkooda badisaa kuwa aan farxad halayn la’aantaa.
Mmusa

9-Dhibaato badan
Dhibaato badan waa qarsoomi lahayd haddii midkeen midka kale xaalkiisa uu la socon lahaa inta aanan ku mashquulin muuqeena iyo macnaha afkeena ka baxaya.
Ahmed shaqiiri

                                                           10-Dadka qaar
Dadka qaar waxay qabaan fikrad laabtooda culaysisa, taas oo ah in haddii sida ay rabaan ay u noolaadaan aysan farax galinayn dadka qaar ee noloshooda ku hareeraysan.
Hubaal in marnaba uusan jirayn qof noloshaada raali ka noqonaya, waxa ku daba taagan waa Xaasidiin, Maseerowyaal, iyo kuwa kale oo ay dhibayso guushaada sababta ay u dhibsanayaana aan garan karin haddii la waydiiyo.
Mmusa

                                                  11-Quruxda Qalbiga 
Quruxda waa luuqadda Qalbiga uu fahmi karo oo kaliya.
Way fududdahay in aad qalbiga qof kale gasho ama qalbigaaga la galo.
Laakin qalbigaada haddii uu qof mar ka baxo ama aad kiisa ka baxdid waxaa adag in aad mar dambe dib u gasho.
Aan xafidno qalbiyada kuwa ina jecel iyo kuwa aan jecelnahayba .
Mmisa

12-Naxariis
Waxay tiri Nin naxariis badan haddaad heshid, waa Shiid aan waxba haysan.
Wuxuu yiri Naag naxariis badan haddaad heshid oo guursatid waxaa lumo hankaaga kale ee dumar aad u qaadi lahayd.
Mmusa

                                                        13-Garoob
Waxay tiri haddaad guursato Nin isaga oo jecel naagtiisi hore oo xoog looga furtay, mar wlaba iyada ayuu ka fakarayaa, oo mararka qaar waqti aan munaasab ahayn ayuu magaceeda sheegaa kuna qarwaa!!
Wuxuu yiri naag lasoo furay haddad guursatana, hebel ma gaartid ayey ku shallaysaa, mar walba waxay dhahdaa markii aan saas ahaan jiray, xusuusteeda kii hore kama go’o.
Garoobna meeshaas ayaa la dhigay yaab!!!!
Mmusa

                                                         14-Shaqo adag 
Waxay tiri “Nin shaqa badan ma guursan lahayn, sababta markii la waydiiyayna waxay tiri waqti kuuma helayo oo mar walba waa Mashquul!!
Wuxuu yiri “Naag shaqa badan waa iimaan darantahay, wax ku filan ma jiraan, mar walbana waad ku ag qadaysaa oo waqti kuuma helayso, iyada oo jajaban ayey habeen walba imaanaysaa, marka aad tiraahdo heblo Caawa?  jawabteeda waxay noqotaa dhabarka ayaa i kala go’an. Kkkkkk  hhhhh
Shaqa adagna xagaas ayaa lasoo dhigay, yaa la rabaahee.
Mmusa

Waxay tiri ” ninTajir ah haddaad guursato, Xushmad darro iyo Qaddarin la’aan iyo Af xumo u diyaar garow”.
Wuxuu yiri “naag Qani ah haddaad guursato, u diyaar garow Dullinimo iyo dareen xumo, mar walba Ninnimo kuuma aaminsana, dooddeena waxay ku qotontaa maxaa tahay? wax ma tarayahow.
Yaab taajirnimana xagaas ayaa la dhigay!!!
Mmusa

                                                           15-Caaqil.
Waxay tiri “haddaad hesho nin caaqil ah, wuu daacadnimo badan yahay, dumarna nin aad daacad u ah ma rabaan”!!!
Wuxuu yiri “haddii ay caqli badantahay ma dhaqmayso, mar walba Jadwal dhaqaalahayga iyo noloshayda qatar ku ah ayey qorshaysaa.
Kkkkk caqlina waa la nacay, yaab!!!
Mmusa

                                                             16-Nin qurxoon.
Waxay tiri nin qurxoon ayaan doonaynaa haddanu dumar nahay, cilladda ninka Qurxoonse waa in uusan maskax furnayn, oo maskaxdiisu ay tahay Fuunto.
Wuxuu yiri naag qurxoon qacda indhaha ayey u roontahay, waasa dhoohantahay marka ay guriga timaado, tabashadeedana waa badantahay, talaabo walba ay qaaddana tala xume kaste Isha ayuu la raacaa.
Wallee quruxleey waa laguu kiilay maanta.
Mmusa

17-Ninkaaga Waqti sii.
Fadlan ninkaaga waqti sii, telkiisa ka leexo, su’aalaha badan ka dhaaf, xagee ka timid iyo xagee u socotaa ha dhihin, tala keen u ahow ama taladiisa qaado.
Waxaa badan waxa uu kaa doonayo, waxaa badan waxaad u noqon kartid, waxaa badan macaanka aad dareensiin akrtid
Waxaa badan inta jeer ee aad u noqon kartid 5 dumar ah oo kala duwan.
Waxaa badan inta aad qancin kartid.
Raga waa la samaystaa ee samayso.
Wuu damac badan yahay, damaciisa yaree, waad awoodaayee.
Isaga ha ku mashquulin adiga isku mashquul, Nabad Qalbi waad helaysaayee.
Kalsooni sii isaga, si aad kasooni uga hesho .
Mmusa

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN