Xabsi Doon! Q3AAD W/Q; Saciid Muuse Axmad(Ustaadka)

qormo

Xabsi Doon! Q3AAD

Waxaa la gaaray maqrib, dibna waa u soo carraabay anoo ka dhuumanayo bartii koontarool ee horteyda tiilay, Laakiin soo galitaanka iyo sii bixitaanka ayaan isku si loo baadhin, waxaa la adkeeyaa soo galitaanka sidaa daraadeed ayaa la iga soo dajiyay gaarigii aan saarnaa, Waxaa la igu xawilay meel kale oo markis ah, Markisku waa saldhig aan saa u waynayn oo marka hore taxqiiq lagu mariyo ruuxa la geeyay, Waxaa la igu dhax daray 18 kale oo itoobiyaan ah, Xilligu waa 8sideedii habeenimo, Sim jim, Su’aalo iyo jawaabo ayaa nala marsiiyay, ka hor inta aan hal qol naloo taxaabin.
Aniga itoobiyaanka hal kalmadna kama aqaano, marka laga reebo (Midhinow) oo la iigu sheegay (Maxaad rabtaa)iyaguna kuma jiro mid luqad kale yaqaano, mid ba afcarabi sakaraat ah jajabsanayo, Markii qolkii nala dhax geeyay ayaa kor nalooga xiray, qolka waxaa yaalo 4 buste, Roog iyo shamac toona ma laha, oo waa shamiito gacan ku samays ah, Oo aan si fiican loo simin, qabow xun baa dhacayo, Afartii buste hal mar ayaa lagu wada dagay, waloow aan darafkayga ka qabsaday, haddana ma rabo in balaayadan injirta badan ila wadaagto, Cabsi kalana waa ka qabaa, oo wili waan xasuustaa waxii nagu dhax qabsaday laashkii aan saarneeyn, markii aan soo tahriibayay, Laashka waxaa loogu talagalay, 70 qof laakiin waxaanu ku saarneyn boqol iyo dhowr ruux, sidaasina waxaa dadka ku qasbay ragii laashka lahaa, Oo diin iyo caqli celiyo midina laheyn, Waxey ahaayen aalkuliistayaal bandado xashiish ah cabsanaa, serumka dhiigoodana haddii la baaro, waxuu noqon lahaa, qamri, Si arxan darro ah ayeey dadka ula dhaqmayeen. Sidii ayaxii ayeeyna isku dulsaarsaareen, 40 itoobiyaa ah ayaa nala socotay, waxaa lagu xareeyay qaanada hoose, 70 soomaali ahna kor ayaa la saaray, Waa la wada kadaloobaa, mana helaysid meel aad lugta ku fidsato, qofka kaa soo horjeedo, ayaad kaltan lugta isugu dulfidsaneysaan, taasi waxaa kuu dheer jugta iyo jagta, eey ragan cabsan oo laashka wato, ku hayaan shacbiga saaran. Si la isugu dheeli tiro, geedkan sido, wax ka tan weyn oo laga yaabo, inuu daqiiqad qura dhan isu rogo, dadaalka iyo roorka ka baxayo raga dadka xaraasayo ayaa ah, mid aad ka naxayso, waxaana la isla dhacayaa biro shub ah, iyo midiyo caarado dheer oo aad waran u moodo.
Aniga janaqow ahaan, ragan xeebta ayaanba ku heshiin waaynay, waxaase igu qasbay inaan soo raaco, 7nin oon wada soconay isku degaana ahayn, safarkuna waxuu fiican yahay inaad la socoto, dad ku yaqaano.
8saac markaan badda ku dhax jirnay, ayuu laashkii socodkii gabay, waxaana kabiinada kore soo istaagay naaquudihii oo dhalo qamri ah gacanta ku wato, Waxbuu ku hadlay aanan garaneynin, waxaanse ka fahmay kaliya”(Kala saara lo’da iyo ariga) Gabalka ha noo dhaco ayeey ugu jawaabeen kuwii wax xaraasayay,
Bacdul maqribki ayaa isku shaandhayn la smeeyay, Afartankii oromada ahaa iyo dhowr iyo toban soomaali ahna waadiga ayaa lagu daray, Aniga xiligaa ma ogi wax dhacayo oo waan suuxsanahay, Waxan ku soo toosay laba saaxiibadeydi ah, oo igu dul murmayo, iyagoo wadnaha iga taabanayo, Indhaha markaan soo kala qaaday, ayaan ogaaday in meeshu yara waasac tahay, markaasaan weydiiyay waxa dhacay, oo la ii sheegay in la is firdhiyay.
Waxba yaan war kugu daaline mid ka mid ah itoobiyaankii, oo qaanada ku haray, ayaa isna sideeydoo kale soo baraarugay, , waxuu ogaaday inayan cidiba noolaayn markaasaa waxaa ku soo dagay, cudur aanan la garaneynin, Indhihiisu waxey noqdeen jaale, Waxuu bilaabay inuu qabsado dadka u dhaw dhaw, Dhowr qof ayuu qaanada hoose ku jiiday, qofka uu qabsado inta uu isku dulfidiyo, ayuu sanka saxaro u marinayaa, deeto xididka dhuunta ku yaalo ayuu ilkaha kaga suranayaa oo uu dhiiga ka jaqayaa, Nimankii wax xaraasayay naftoodii ayeey la baxsadeen, Iney dilaana wey damceen balse uma suurta galeyso ineey rasaaseeyaan, illeeyn waxuu ku jiraa qaanada hoose, oo haddii la duleeliyo, laashka waa uu dagayaa, Kaaga darane dadkan la jiidjiidanyo ma siinayaan wax eey isku difaacaan, oo haddii eey biro u dhiibaan waxey ka baqayaan in iyaga lagula soo jeesto, Saa asxaan looma wada hayee, Sidaas ayuu shan qof ku cunay, kii lixaad waxuu noqday mid 7deenii ka mid ah, Waanse la rafanay oo waan ka soo dhignay inagoo isku duuban, Nasiib xumo, midkii aan soo badbaadinayay saacad kadib waxuu midabkiisii noqday sida ninka bahalka ah ee qabsaday, indhihiisiina waxeey noqdeen jaale, Waxuuna bilaabay inuu hiraago, Nin walbow naftaa ayeey tagtay, ruux walbana waxuu ka baqay in cudurkan taabashada la isku qaadsiiyo ku dhaco,Waloow aan horey u xirxirnay haddana waxaa dhacday inuu badda isku tuuro inagoo aan waxba u qaban karin. Kiina mid 7 aad ayuu la booday, walaalkii oo la socday ayaa is hayn waayay oo ka daba galay, labadoodiiba midna nolol kuma soo noqon, Jumladan ah ( an gaalo i waytee) ayuu wiilka ku qeylinayay, taasoo micnaheeda aanan markaas aniga garaneynin, laakiin markaan barriga imid la ii sheegay in laga wado(Tol beelayeey) Caawa ayeey aniga i haystaa.

La soco Q4AAD.

W/Q; Saciid Muuse Axmad(Ustaadka)

SHEEKOOYIN