Lur Jacayl iyo Lahasho Haween: Q1AAD – W/Q: Liibaan Cartan

Lur Jacayl iyo Lahasho Haween: Q1AAD

 

Hordhac

“Lur Jacayl iyo Lahasho Haween”. Waa ciwaanka sheeko laga qoray qiso jacayl oo dhab ah. Sheekadani muddo ayay dahsoonayd oo dad yari ay si teelteel ah uga war qabeen, waxa ayna isaga gooshaysaa laba qaaradood. Waxa ay xambaarsan tahay jacayl beerqaad ah oo ay murugo xanuun badani ku gadaaman tahay.

Qoraalka sheekadan iyo hannaankeedaba aad ayaa looga shaqeeyay, akhriskeedana waa lagu raaxaysanayaa. Dhacdooyinkeedu farsamo aad u sarreysa ayay isugu xiran yihiin, illaa erayga ugu dambeeya la akhriyana lama saadaalin karo dhammaadkeeda. Sheekada waxaa ku googgo’an suugaan heeso ah oo duruufaheeda iyo dunideeda khuseeya.

 

Lur Jacayl iyo Lahasho Haween Q1AAD 

Waa ammin dharaar ah harkii.  Dhul cagaaran uu dooggu is gaaray, dhirta mirood kala duwan ay dhinac walba kaga teedsan tahay, geedo waaweyn oo damalo ahina ku yaalaan oo harsiga iyo hoosgalka ku wanaagsan, cimmiladu maaha kulayl iyo qaboow midna ee waa hoosiis marna cadceedu bannaanka imaneyso, kolna daruuraha ku dhuumaneyso, udugga dharabka cawska iyo neecawda macaan ee hoohadka ah ayaa nafta dareen deganaanshiiyo ah ku abuuraya oo  ayjeclaysanaysaa oo una riyaaqaysaa.

Dhaw jidhaamood iyo durduro yaryar oo gacamo ah ayaa dhex maraya goobta qurxoon waxaa kale oo jira biya loogu talo galay inay dhirta waraabinayaan ama biyeeyaan oo kolba iskood isu furaya kolna kaadsanaya.

Guud ahaan cimmilada iyo bilicda goobta ayaa ah mid qof walba raali gelinaysa oo uu jeclaysano sii joogitaankeeda iyo dhex mushaaxeeda, waxaa indhahaagu qabanayaan, shimbiraha kala duwan ee kuwa biyo ku noolka ah iyo kuwa kale ee duula oo damaashaadaya isuna jiibinaya codkooda heesaha ka macaan, balanbaalista midabyada badan ee hadba dhan u dilaameysa iyadoo koox koox ah iyo shinnida ka gurey ubaxa agabkay malabka ku diyaarin lahayd ayaa iyaguna qayb ka ah waxyaabaha aadka kuu soo jiidanaya, aqriste wax kale oo aan kuugu tilmaamo garan maayo waxayse dadku ugu yeeraan goobtaan “ Jannadii Ifka”

Hanad oo goobtaa muddo kula damaashaadayey qaar ka mid ah jaalayaashiisa oo sheeko iyo kaftan xiise leh kula qaatay, ayaa markii ay cadceeddu godkeeda u sii dhowaatay ee buuraha bariga kaga toosani casuus dahabi ku sagootinaysay ayuu laba ubax oo casaan dhiin ah ka goostay beer u dhaweyd oo ubaxyoda lagu beero.

Si xarrago leh isaga oo labadii ubax midba gacan ugu haya ayuu gurigiisii  abbaarey dhankaas iyo gurigiisa,  halka uu Hanad joogaa waa carri Maraykan oo muddo uu ku noolaa deegaana u ahayd.

Hanad ayaa Aaladda Internetka ee lagu wada xiriiro oo uu aad u adeegsado, waxa ay iska barteen Habboon.  Habboona Waxa  ay ku nooleyd carriga Norway, muddo waxay ka wada socdaan baraha lagu wada xiriiraba, aaladda Skype ee la iska arko ayay ku kulmeen markii dambe.

Habboon waa gabar habdhaqan wanaagsan oo furfuran, aadna u cod macaaneyd marka uu qof maqlo codkeedana dareen naxariis leh ku abuurayo maalintii ugu horreysay ee uu maqlo Hanad Codkeeda aadka u qurxoon ayaa dhegahiisu macaansadeen, waxaana codka Habboon uu Hanad ku beeray dareen qalbigiisa aanu marnaba ilaawi karin.

Waxay wada hadlaan oo wada sheekaystaan lana kaftamo, waxaa markii dambe nafaha lagu maaweeliyay dhegaysiga heeso si wadajir ah loo wada dhegaysanayo; mid ka mid ah heesihii uu Hanad shiday ayay Habboon ku dhegtay. Codka in uu dheereeyo si ay hagaag ugu dhegaysato ayay ka codsatay. Heestu waa heesta “Farraanti”, ee uu codkiisa hallaasiga ah ku qaado Xanfar-Yare oo miraha iyo laxankuna aad soo jiidasho gaar ah u leeyihiin. Hanad waa hees uu jecel yahay, Habboonna heestii bay la dhacday.

Ayada oo keli ahi kuma ay dhegin heesta e, waa hees uu isaguna si gooni ah u jeclaa. Maalintaasi loogama horreyn oo maalin u suntan bay u noqotay Hanad. Waxaa qalbigiisa degay wax uusan garanayn meel uu ka raacay. Waxa uu ku maqan yahay uun gabadhaa. Halkaas ayuuna ka bilaabmay xiriirka Habboon iyo Hanad,bishii maarso gu’gii 2014-ka.

Waxay bilaabeen in ay magac aan mid walba kiisa ahayn isugu yeeraan. Farraanti ayuu noqday. Waayo, heestu waa hees ay labadooduba si isku mid ah u wada jecel yihiin oo xasuusta bilowga xiriirkoodiina ku suntan. Waxaa la is weydaarsaday sawirradii oo xiriirku mid hoos u dega ayuu noqday. Maalintii uu muuqeeda arkay, qof Alle qurux u dhammeeyay in ay tahay uu yaqiinsaday. Jowharad la mood indhaha aanad ka jeedinayn jaaheeda sida jeegaanta roobkana u soo jiidanaysa indhaha weeye;  hannaanka iyo hubqaadka, habsamida iyo heemaalka Habboon ayaa hiyi kiciyey Hanad. Waa sida ubax aad ku indho-doogsanayso iyo sida fallaaraha oo ay midabka kala siman tahay, cadceeddana nuurka ayay isaga mid yihiin, qalbigiisana boqol jibbaar baa dareenkii caashaq ee hayay ku siyaadisay.

Suugaani waa tii dareen kaa keeno e, waxa uu quruxda Habboon u holladay in uu ku cabbiro hab suugaaneed. Waxa uu tiriyay ereyadan:

  • Sidaad tahay johorad baa
  • Indhaha sii jiidatoo
  • Habbooneey jaaha iyo
  • Mid joogaagii la mida
  • Ogow dumar kuma jirtee.

Habboon waa gabar dabeecad wanaagsan oo niyad furan, dulqaadkuna u dheeryahay. Waa shakhsi furfuran oo shaqo badan. Quruxdeeda jireed waxaa ka daran waa qalbi-dhaya–marka aad dhugato farxadda iyo niyad wanaagga lagu qurxiyay. Waa inan wanaagga u dhalatay oo dulqaadku u yahay waxa ay dumarka kale kaga horreyso. Dhammaan waxa ay leedahay intii astaan gabar lagu raaci jiray.

Hanad wuxuu habeenkaas uu arkay seexday isaga oo maskaxdiisa ay ka guuxayaan sawirradii Habboon. Jiif iyo joogba waa ay isa seegeen, laba indhoodna waa uu isu keeni waayay. Waxaa qalbigiisa ka bixi la’ dareennada is biirsaday ee ku midoobay qalbigiisa. Waxa uu is weyddiinayaa su’aalo uusan u heyn jawaabo. Marba humaagga Habboon ayaa hor yimaadda.

La  soco qaybta 2aad

W/Q: Liibaan Cartan.

SHEEKOOYIN