Home Curis Ma Illoobi doono Q4AAD W/Q: Ibraahim Cismaan Afrax (Nolosha)

Ma Illoobi doono Q4AAD W/Q: Ibraahim Cismaan Afrax (Nolosha)

0
SHARE

Ma Illoobi doono Q4AAD

Waan gartay Magaca iyo wajiga gabadhu iguma cusbeyn, laakiin in leysku kaaya xiriirin karo marna kuma fekerin.  Istaahil, waxa ay ka mid aheyd musharraxiin u tartamaayey afar jago, oo ka bannaanaa waaxdeenna shaqo. Agaasimaha ayaa ii xilsaaray, kala shaandheynta shaqaalaha cusub ee la qaadanayey. Nasiib-darro, waxa ay gashay diiwaanka kuwii ku guul-darreystay imtixaankii la marayey.

Maalmo ka dib, Istaahil oo aan hayey waraaqeheedii codsiga shaqo iyo imixaankii ay gashay, ayaan kula kulmay meel laga dukaameysto. Kaftan baa ina dhex-maray, iyo xog-warran ku saabsan habka loo xulay shaqaalaha la doonayey.

Intaa ka dib, waxa ay iga codsatay in aynu masawir isla galno. Moobeelkeeda ayey nooga qaadday. Waanu kala tagnay, wax kale oo na dhex-marayna ma jirin. Intaana waa aan u sheegay xaaskeyga, Meyran.

“Wax aanad adigu raalli ka aheyn, sidee bey u sameyn kartaa?” “Maxaadse isugu dhawaateen markaad sawirka isla galeyseen?” doodda ay Meyran ka soo dabci weyday ayaa sidaa aheyd. Waase hinnaaso dumar oo u baahan deggenaan, iyo in si dabacsan loola macaamilo. Markii hore, waxaan qaatay go’aan xun, oo ahaa in aan kaligey xafladda xaadiro.

Ka dib markaan arkay lammaanihii, ka dib markaan arkay wadajirkoodii wacnaa, ka dib markaan arkay farxaddii iyo koolkoolintoodii, waxaan go’aansaday in aan guriga ku laabto. Si kastaba ha igu qaadatee, waxaa markan iga go’an, in aan xaaskeyga maslaxo, isna raacno. Sheydaankii xumaa ayaan ka naaray. Murti miid ah iyo hawraar xareed ah ayaan ugu qubeeyey. Suugaanna waa aan ku quraan saaray. garwaaqsi dheer ka dib, aadnay oo tagnay xafladdii nalaga martiqaaday, annagoo ismaandhaafkii soo afjarney.

Akhriste, wali waxaan kaaga sheekeynayaa nolosheydii kalinnimada aheyd ee Xamar. Beryahaas aynu is moog nahay, bar go’ ayey iga dhigeen. Waxaan aaminay, in iyada la’aanteed ay wax waliba yihiin waxba. Dadka qorraxda jecel, sabab bey ku jeclaadeen oo waa ileyska maalintii laga helo. Bishana, waxaa loo jeclaadaa kaaha habeennimo. Qofka aad jeceshahayna sabab baa loo jeclaadaa, ayna ugu weyn tahay nololqeybsi iyo isu hufnaanta iyo kalsoonida gaarta heer nafta laysa siiyo intaad ifka ku nooshihiin. Waan wacay, codkeedii xabeebta lahaa kolkii aan maqlay, waan qaboobay. Culaabti i haysayna waa iga degtay. Intaan dhihi karay iyo intey ii dhiteysaba waan is dhahnay.

Kolkaan xanuunsado, haddii ay dhaqaatiirtu ogaan lahaayeen halka ay iga joogto, iyada ayey xaashi iigu xarriiqi lahaayeen, oo midka ugu dhabcaalsani, wuxuu dhihi lahaa: “3×3 waa inaad la hadasho ama aad weheshato, Dajiya.” Deeqsiguna saacad kasta ayuu ii qori lahaa. Dareemay inay barwaaqo ii aheyd aan ku xasilo. Dajiya aniga ayaa u la baxay, dadkana waxay u aheyd Mayran. Waxay sheekadu socotaba, goor dambe yey nala gaartay.

Sidan oo kale marka aynu u wada hadalno, waxaa dhici jirtay in aan kala bogan wayno, waa xilligii shukaansiga e, oo aynu si toos ah u kulanno. Libdhadu waxa ay leedahay kaah iyo iftiin aad u qurux badan, oo aan dhaayaha waxyeelin, marka ay soo baxeyso iyo marka ay godkeeda u hoyaneyso oo kaliya; balse dayaxa iftiinkiisa, waa la dhowran karaa mar kasta; si la mid ah qofka aad jeceshahay ee wadnahaaga ku qodban.

Bile ahaan, farxadda qiimeheedu waa ii saddex. In ay Mayran ii faraxsanaato; aniga oo farxaddeedu i farxad galiso; iyo in ay farxaddeennu joogto ahaato. Waagaas wuxuu ka mid ahaa xusuuseheennii hore. Waana xusuus aan akhristow dib kuu xusuusiyey. Waan nafisay markii aan codkeeda maqlay, ee aan wada sheekeysannay in muddo ah. Habeenkeygii mise habeenkeenna? Cawo qurux badan ayey inoo aheyd, aniga iyo xaaskeyga.

Markuu waagu bikaacay, waxaan dib ugu laabtay hawlihii aan Xamar u aaday. Tu ka duwan maalmihii hore ayey aheyd. Markan waxaa naloo sheegay, in la beddelay shaqadii naloo tabobaray goobaha aan ka billaabeyno, oo markii hore ahaa magaalooyinkii aynu ka nimid. Waxaa lagu hormarayaa oo la diiwaangalinayaa bulshada Xamar, oo aqoonsi in loo sameeyo lana tiro-koobo ayey dowladdu amar ku bixisay. Qolyaha arrinkaa ku shaqada leh, waa aniga iyo saaxiibbadii tabobarku u socday oo laga kala keenay gobollada dalka.

Diyaar-garowgeennu ma xumeyn, tabobar ku saabsan habka diiwaangalintana waa nala siiyey. Waxaan ka koobneyn kooxo u kala qeybsan degmooyinka, shaqaduna sidii ay aheyd ayey inoogu billaabatay. Markaas oo kale, waxaad is weydiineysaa: “baqdin xagga ammaanka ah miyeysan jirin?” haa waa ay jirtay. Ma meel aan cabsi laga aqoon baa dunidan ku taalla? Haba ugu badnaato mid laga qabay xisbigii wadaaddadu horkacayeen. Waa qarbudayaashii waagii oo la sharciyeeyey, la shuutashuuteeyey, loona galiyey shaar qaran. Xantu xilli ma leh! Iyaga uun baa loo xaglin jirey qas kastoo dhaca, iyaguna waa ay beenin jireen. Waa dhaqanka siyaasadda.

Shaqadii masuuliyaddeeda naloo dhiibay ee diiwaangalinta aheyd, ayaan gudogalnay. Waxaa koox kasta lagu daray tiro kormeerayaal ah oo hawsha dusha kala socday. Saddex maalmood ayaanu wadnay. Qabyaba ha iska ahaatee, in badan waan qabannay, intii hartayna dib baa loo dhigay.

“Wajiga koowaad ee diiwaangalinta” ayuu hawlgalkaasi ahaa, kii labaadna waxaa lagu madlay toddobo cishe ka dib. Aniga iyo saaxiibbadey, waxaa nala siiyey maalin fasax ah. Nasiino ayey inoo aheyd iyo dareen farxadeed, waayo, wax loo dhigo maba jiraan in dalkaaga iyo dadkaaga aad u shaqeyso, waliba adigoo u mitidaya, sidii ay sharaf iyo qabweyni ugu noolaan lahaayeen jiilka maanta iyo kuwa ka dambeeya.

Tani waa shaqo ka duwan middeydii hore. Xogihii la soo ururiyey in la keydsho ayaa xigtay, ka hor wajiga labaad. Qiyaas ahaan, waan ku guuleysannay in aynu diiwaangalinno muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nooleyd caasimadda, boqolkiiba konton.

W/Q: Ibraahim Cismaan Afrax (Nolosha)

SHARE