Home Curis WAAYIHII WARSAME Q7AAD W/Q: Cali M Diini

WAAYIHII WARSAME Q7AAD W/Q: Cali M Diini

0
SHARE

WAAYIHII WARSAME Q7AAD

Warsame asaga Ilaahay waa ka badbaadiyay xasuuqii meesha ka dhacay waxaa uu na ka mid noqday dad badan oo cag wax ka dayay si ay naftooda u la baxsadaan.

Dhawr saacadood kadib waxaa la soo aasay afartameeyo qof oo isugu jira ardaydii iyo haweenkii guryohooda laga soo jafay, toban iyo kow qof oo kuwii Iskoolka dhisi rabay oo aan midna ka fiigin, shaqaalihii xoogsata iyo muruqmaalka aha ee dhismaha ka shaqeeynayay iyo dad meesha iska marayay.

Intii aan meydadka la aasinba odayaashii iyo nabaddoonaddii reeraha dadkii dhintay iyo kuwa wax laayay waxa ay ogaayeen oo wada yaqaaneen dhammaan magacyada dadka meesha lagu laayay, beelahooda, reerahooda iyo jufooyinka hoose ee ay kala yihiin.

Taleefannada iyo ergooyinka ayaa tan iyo maalintii isdhaafayay habeenkiina guriga Xaaji Gacan ayaa la isugu yimid oo lagu go’aansaday in wixii meesha ka dhacay sidii dhaqanku ahaa lagu xalliyo. Xaaji Gacan waa mid ka mid ah odayaasha magaalada, waxa uu horjeege u yahay mid ka mid ah beelaha magaalada dega.

Xaaji Gacan waa toddobaatan jir nabaddoobimada ka dhaxlay aabbihihiis, Waa nin lagu yaqaan garsoornimo iyo go’aan qaadasho odayaasha magaalada iyo  dad kaleba ay haysbaystaan, waana nin ku xeeldheer dhaqanka Soomaaliga gaar ahaan kan miyiga. Balse  Xaaji Gacan ma ahan nin aqoon diineed iyo mid maadi bartay, ma ahan nin qora ama akhriaya far Soomaaliga waa se yara fahmaa haddii uu arko qoraalkeeda.

Maalintii xigtay ayaa haddana nabaddoonnadii iyo odayaashii isugu yimaadeen gurigii Xaaji Gacan. Dadka meesha isugu yimid waxa ay ka kala socdaan ama ergo ka ahaayeen saddexda beeleed oo ka dhasheen soddonkii qofood ee ee shalay la xasuuqay.

Intii kale meesha ku dhimatay ayaga beelahoodu magaalada ma deggana sidaas darteed waa looma ooyaan(Looma ooyaan) waa eray lagu duudsiyo qofka aan beel hubeysan ama meeshaas awood ku lahayn ka dhashay. Ergada saddexda beelood ee guriga Xaaji Gacan timid waxaa kala hoggaaminaya saddex oday oo kala aj Nabaddoon Weehaan Cuuke, Xaaji Camaleey iyo Ugaas Cabdi Cantuug.

Xaaji Gacan asaga beeshiisa dad ka ma dhiman balse Shiikh Cabdi ayay isku reer yihiin. Waxaa kale arrinta sii mujirnaya ayaa ah in Xuseen Lugeey oo ah hoggaamiyaha malesehiyadu uu Xaaji Camaleey oo dad dhintay xaqooda raadinaya uu ku beel yahay.

Balse Xaaji Camaleey waxa uu dilka dadka dusha ka saarayaa kuna eedaynayaa Shiikh Cabdi halka Xaaji Gacan ku doodayo in ciidanka dadka laayay uu yahay ciidanka beelwaynta Reer Weceeye oo ah qabiil ay saddexda beeloodba ku abtirsadaan laakiin ciidanku ku shaqaynayay amarka Xuseen Lugeey sidaas awgeedna Xuseen Lugeey yahay qof kaliya ee u qoolan musiibadii dhacday.

Balse dhanka kale Nabaddoon Weehaan Cuuke ayaa ku doodaya in dambiga dhacay aysan Shiikh Cabdi iyo Xuseen Lugeey oo kaliyihi gaysane uu qaybta ugu wayn leeyahay wiilka gaandhariga ka ah qorigga suugga ah oo ah kan dadka lagu xasuuqay.

Wiilku waxa uu ku beel yahay Ugaas Cabdi Cantuug oo beeshiisa ay colaad xuni kala dhaxaysa beesha Weehaan Cuuke , sidaas darteed Weehaan Cuuke waxa uu raba in dambiga dhan dusha laga saaro Ugaas Cabdi Cantuug iyo beesha uu ka dhashay maadaama ninka ridayay xabbadaha dadka dilay uu ayaga ka dhashay.

Ugaas Cabdi Cantuug asagu waxa uu aad u diidan yahay in ciidanka oo dhan dambiga la saaro, waxa uu doonayaa in wixii dhacay loo raacdo beelaha ay ka dhasheen Shiikh Cabdi iyo Xuseen Lugeey.

Xaajadii waa ay miliqday waxaana la garan waayay qolodii mag laga qaadi lahaa iyo qoladii loo qaadi lahaa madaama kuwa la dilay iyo kuwa wax dilay yihiin dad wada dhashay. Xaaji Gacan waxa ka dagaallamay in dhibta dhacday oo dhan Shiikh Cabdi korka laga saaro oo beesha Xaaji gacan bixiso magta oo dhan.

Halka Xaaji Camaleey diidan yahay beeshiisa oo dad badan meesha uga dhinteen mag laga qaado halkii ayaga mag la siin lahaa waayo Xuseen Lugeey ayaa beesha ah.

Ugu dambayn Xaaji Gacan oo Shiikh Cabdi matalaya, Xaaji Camaleey oo Xuseen Lugeey matalaya iyo Ugaas Cabdi Cantuug oo gaandhariga Suugga matalaya waxa ay ogolaadeen in masuuliyadda xasuuqa ay wada saaran tahay Xuseen Lugeey, ciidanka iyo Shiikh Cabdi oo ciidanku u dagaallamayeen waxaa lagu heshiiyay in qolo walba inta qof ee ka dhimatay magtooda qaataan ayna iska bixiyaan magta dadka ay dileen.

Yacni waa la isku tirsanayaa qolo walba inta ka dhinatay kaddibna qofba qof ayaa loo tuurayaa dabadeedna qoladii dheeri lagu yeesho ayaa bixinaysa magta qofka dheeriga ah ee lagu yeeshay.

Balse Nabaddoon Weehaan Cuuke ayaa dhaar ku maray in uusan aqbalayn heshiiskaas. Waxa uu ku dooday in ay dilal gaysteen Shiikh Cabdi, Xuseen Lugeey iyi gaandhariga suuga sidaas darteed aysan beeshiisu qayb ka ahayn xasuuqa taas beddalkeeda ay beeshiisa ka dhinteen afar qofood. Sidaas awgeed uusan yeelayn waxa aan ka ahayn magta afarta qofood.

Markii la ismariwaayay ayaa odayaashii ogolaadeen bixinta magta afarta ee beesha Nabaddoon Weehaan Cuuke. Waxa saddexdii oday, Xaaji Gacan, Xaaji Camaleey iyo Ugaas Cantuug ku heshiiyeen in afarta qof ee Weehaan Cuuke qoloba hal qof magtiisa bixiso kan soo harayna la wada bixiyo. Balse beesha Weehaan Cuuke waxaa horay ugu maqnaa oo ay dileen saddex qofood oo u kala dhashay beelaha odayaasha kale sidaas darteed midba mid ayaa loo tuuray. Weehaan Cuuke waxa uu yeeshay hal qof magtiis kaas oo ay wada bixinayaan saddexda beelood ee Xaaji Gacan, Xaaji Camaleey iyo Ugaas Cabdi Cantuug.

Shiikh Cabdi iyo Xuseen Lugeey iyo maleyshiyaadkii dadka huf ka dhigay ayaga cidna wax ma waydiin waxbana looma raacan hawlohoodi ayay iska wateen.

Waxaa jira buug la yiraahdo “Buug dhiig” Buuggan waxaa ku qoran inta ay reeruhu kala dileen, inta magtooda la bixiyey inta madlan ee loo balansan yahay inta lays dheeryahay, waa hawl ay nabbadoonadu qorteen in ay tireynta iyo kaydinta dadka dhintey noqoto wax lagu dheefsado.

Dhaqanka Soomaaliyeed ee magta qofku waa boqol halaad, waxaana loo kala bixiyaa 25 halaad oo jufada ama qoyska hoose ee ninka wax dilay bixiyaan iyo Qubane oo ah 76 halaad oo tolweynuhu bixiyo, waxaa dhaqan ah in la hormariyo Jufada iyo duugta oo lacag ah wada socda.

Arrimaha magta iyo xeerka dilka waa  laba qoloba sidey isu afgartaan ee  ku heshiiyaan ama ay  xeer ka dhigtaan, iyadoo xeerkaas  guud la raacayo, waxaa jira kuwa lacagaysta iyo kuwa soo gaabsada oo qiimo go’an u samaysta.

Dhanka kale ammintan lagu jiro maba jirin qof laga bixiyaa 100 halaad ee waxaa loo qiimeeyey lacag ka yar inta baabuurka tagsiga ahi joogo, waayo dhimashada ayaa ahayd mid joogta ah.

Sidaasoo ay tahay dadkaa dhintey ee buugga ku qoran magtoodu ma gaarto dadkii dhalay ama ay dhaleen ee waxaa dhexda u jooga odayaal ama ku guda oo ku bixiya mag kale oo reerka loo haystay ama yiraahda isu tuura hebel iyo hebel oo labadaba agoontoodi  ku weydo magtii aabbahood.

Dhacdooyinkani waa kuwo aad iyo aad ugu ballaartey geyiga Soomaaliyeed waana waxyaabaha keenay in dulmigu gaaro heerka ugu sarreeya marka la duudsiyo waalid iyo agoon wiilkoodi la dilay lagana dhigo dhiigi ubadkooda wax lagu xisaabtamo!

Markii dhacdadani dhacday maalmo kaddib lacagihii magta ahaa ayaa la qaybsanayey oo lagu qayilayay.

Xasuusta dhacdadaani waxa ay Warsame ku beertay cabsi iyo walaahow, waxa uuna u maleeyay in Shiikh Cabdi maqlay ama ogaaday in uu rabo in uu iskool aado. Waa uu aamusay oo dhinacyada fiiriyay, waxa uu dareemay saanqaad iyo jaqafti Shiikh Cabdi wax u eg oo daba socda inta uu istaagay ayuu gadaal fiiriyay mise qof iska dhaafe waxari ma daba socoto.

Welwelka kale ee Warsame qabo waa in Shiikh Cabdi yahay ama la aamminsan yahay ba nin wax walba ku riyooda wixii uu ku riyoodana deg deg loo arko. Waxa uu ka baqayaa in Shiikh Cabdi riyo ku ogaado qorshihiisa iskool aadidda.

Dhibaatada kale ee Warsame ka qabsan doonta iskoolka waa xatta dhibaatada kale ee hortaagani waa in iskoollada dhani ay ku yaallaan xaafaddaaha kooxda ay bidcadda u yaqaan ay degaan bidcadu na macallimiin iyo maamulayaal ka yihiin.

Sidaas darteed Warsame waxa haysta labo daran mid dooro, xerta ama iskoolka. Asaga oo sidaas iskula sheekaysana ayuu mawlicii iridda ka soo istaagay, kaddibna deg deg ayuu dib ugu noqday, Shiikh Cabdi oo arkay in aya inta mawlicii ka soo baxay ku yiri “Warsame inteed u laabatay Kitaabkii baa bilaaban rabee?”

Warsame ayaa isaga oo fiigtaalsan yiri: “Shiikh waan soo noqonayaa” ayuWaa uu isaga reebayaaye soo uu noqon maayo galabtana kutalagal u ma uusan imaan mawlaca ee intii uu fakarayay ayaa lugihiisu u soo hoggaamiyeen halkii ay yaqaanneen waayo ma aysan aqoon meelo kale oo aaan ka ahayn mawlaca iyo maqaayadda oo uusan waayahaan ku badnayn, marka waa iska sunno in luguhu halkii ay yaqaanneen kuu dhaqaajiyaan.

Warsame qolkiisi yaraa ee maqaayadda ku dhexyaallay ayaa uu toos u abbaaray, waa qol abaal wayn ku leh waa kii uu ka bilaabay nolosha magaalada balse waayadan waa uu ku caasiyay oo tan iyo intii uu xerowga noqday ku ma badnayn marmarna bilooyin ayuusan cag soo dhigi jirin. Sariirtii Siligga ahayd ayuu isdulwaray. Galabta xaalkiisu caadi ma ahan, si ayaa uu u daallan yahay, waa uu welwelsan yahay oo niyaddiisu ma deggana, iskoolkii iyo wadaadkii Shiikh Cabdi ahaa ayaa maskaxdiisa ku dhex loollamaya. Ku fakarka aadida iskoolku ma ahan wax ku cusub ee waayadaan oo dhan ba waxa uu ka masaraysanaa wiilal iyo gabdho asaaggiis ah oo  dharka iskoollada  kala duwan xiran buugaagna  sita oo uu waddooyinka magaalada ku arkayay.

W/Q: Cali M Diini

SHARE