Gabayga: HOGATUSAALE Abwaan Maxamad Xuseen Faarax

Gabayga: HOGATUSAALE

Gabagaan waxaa ku jira (66) bayd, oo xambaarsan ilaa (150) sifo, sidaas daraaddeed lixdan iyo lixdaas bayd waxaa loo adeegsan karaa mahmaah, duurxul ama hogatusale hadba gudboon, ee ka bogasho wacan.

Ha’da gabay Bashiir Maxamadow, hooda curinteeda

Halabuur haddaa tahay abwaan, hibo ILAAH siiyey

Suugaanta waa la hojiyaa, heer walbooy tahaye

Mar kastana hadaaq loo ma dhoho, sida halhayseede

Maalinteey arrini haawatee, talo hummaagowdo

Oo ay himmaddu kuu dirtaa, la hindisoodaaye.

 

Marka xigana hooyaale gabay, waa hogtii culuse

Waana hooy hiddaha kaydiyoo, hariya taariikhe

Waana eray hikaadiye hubaal, laga halraacaaye

Waana dhigane kaa hara berri, sii jira hadhoow’e

Ha yeeshee hilaaddaas si aan, loo hareer marinin

Hiyiraac fudayd loo ma holo, heedhe maansada’e

Muddaa loo horseedaa halkii, aad ka hawlgeline

Misna lagu hawadiyaa xaqiiq, loo hanweyn yahay.

Afartaasi waa hooto gabay, qaabka loo humo’e-1

Haddii aan halkaas ku hakiyeen, horay u sii guuro

Seddaxley haloosiman habdhaca, oon hambo u diidey

Halhaleel anoo ka la hufaya, xarafna haabhaaban

Aan haaneedsho hogorkiyo-2 sidii, sidigti heemaale-3

Idinkuna horaaddada-4 u dhiga, haamihiyo dhiisha.

ALLAA hiba leh, Nabigaa hidda leh, hanasho diintaa leh

Aabbaa hurid leh, hayn iyo habniin, hirasho hooyaa leh

Ragbaa hiirle, dumarbaa halbale, gaydho-5 halahaa leh

Fardaa hagacle,-6 baqalbaa huftale,-7 hogof dameer baa leh

Geelbaa hayin leh, giirbaa-8 hebdale,-9 haylna-10 ari baa leh

Haadbaa baalle, halaqbaa micile, haaruf-11 bahalbaa leh

Dadbaa hiil leh, xoolaa hiliba leh, haraso eey baa leh,

Badbaa hirar leh, webibaa hilale,12  halalac roobbaa leh

Dhirbaa hoos leh, milicbaa hanfi leh, hogo-13 kaliilbaa leh

Dhulbaa hogoble,-14 hawdbaa mirale, heega samadaa leh

Higlaa hadawle,-15 huyunbaa-16 udbale, haali-17 garasbaa leh

Godbaa huur leh, haarbaa-18 hawale, hilif bannaanbaa leh

Dabbaa holacle, halas iyo dhimbilo, digo hulaaqdaa leh

Honkorriyo,-19 harraad loo dhintiyo, haqo abaar baa leh

Hara buuxda, hoobaan curdana, hamash barwaaqaa leh

Hobeey iyo helleey, hees macaan, horasho ceel baa leh,

Halgan dirir, naftoo loo hantaqo, geesi hanad baa leh

Handafyiyo-20, fudayd haadaduun,-20 hoorig fulay baa leh

Huqya gocasho, haydaaro abid, haydal-21 doqon baa leh

Hillaab rogan, hayeeshaalihiyo, haandhe-22 nacas baa leh

Handhareeg, habaar waalidkiis, kuu hertiyey baa leh

Harreen tabasho, habarraawihiyo, hagas agoon baa leh

Hibaaq cabasho, hiilkii walaal, ruuxaan helin baa leh

Hafyo ba’an, harmiid-23 iyo higayn, tuug had-hadaybaa leh

Shaki hawiran, haybaal-24 warxumo, badaw hinnaasaa leh

Hafar dulun, haweeneey masayr, uu helliyey baa leh

Aqal heelad weyn, hooy udgoon, gaari hufan baa leh

Guri holofa, agab wada hunyuca, baalli habacdaaleh,

Hoyaad iyo harsimo, hoo anfaco, deeqsi huban baa leh

Hagoog foolxun, hiingaar jirxumo, hudur baqayl baa leh

Ceeb hadiidan, haaweey-25 hunguri, uu horkacay baa leh

Haruubraac, hadhiin baahatiyo, hamas-26 dagaagbaa leh

Hadba hoorso, deeq hadalla badan, tuugsi haqasbaa-27 leh

Hanti laga dhergiyo, haybad wacan, haabo shaqadaa leh

Hiddiwaas,28 halaanbooy hiddii, hawl dad hayabaa leh,

Hubaashiyo, xaqoo lagaa hakiyo, hagar ibliis baa leh

Hujuun iyo, hangaaguro-29 shishiyo, heerid cadawbaa leh

Hagardaamo, hoosaasin dhagar, hode gumeystaa leh

Horatubyo, hargaafiyo hantaaq, xaasid haganbaa leh

Hantaaturo, dadkii hadimo nacab, daba hadeecaa-30 leh

Bahdil hogasho, hoog iyo darxumo, Ina la haystaa leh

Haaraan shallaay, iyo handaco,-31 haajir baqaybaa leh

Farxad hambalyo, horintii xorriyo, haakah tiri baa leh

Hiddiidiilo, heelliyo caweys, guul dad helay baa leh,

Halyaal go’a, haldoor haadku cuno, duullan ororbaa leh

Hoh-hey murug, heddii dhimashadiyo, geeri hebel ba leh

Himbiriir dahsoon, iyo hundhurid, hibasho ciil baa leh

Habheeb iyo, afdhiig haadwariiq, heel cabsiyabaa leh

Hantatoobsi, haab’haabashiyo, hiyikac dhiillaa leh

Habayaaq,-32 hantaawilif-33 qax iyo, habqan colaadbaa leh

Hansashiyo,-34 halkaa doonto hurud, haysi nabadbaa leh,

Hilmaan badan, hotqayl -35wiila iyo, Hiindo-36 umulbaa leh

Arrin la himliyiyo, talo habboon, haarib-37 oday baa leh

Heedaddaaw,38 hunnaa-39 jaahilnimo, daba-huleel-40 baa leh

Hoggaan dhaba, aqoon la higsadoo, lagu hadaafaa leh

Hawraar rumeed, ballan hirgala, daacad huwashaa leh

Hunnu hunnu, huruuf iyo nacayb, hagag qabyaalaa leh

Habarwacasho, halkasiinyo-41 been, hirig siyaasaa leh

Huuhaa, lagu hungoobiyo hantaqo, hadaf qabiil baa leh

Habsan dibudhac, waalka ka harid, ummad is hiiftaa leh

Isku soo hiloow, heer midnimo, wadar heshiis baa leh

Horusocod, hannaan iyo wanaag, qaran hagaagaa leh,

Hanqalooc silloon, iyo hankaag, heemis-42 damacbaa leh

Habda heer, hamuun iyo hunguri, hawo adduunbaa leh

Hakad-43 waxa leh, hooy aakhiroon, laga habaabeeyne

Jannaa haracle, holan iyo kulayl, hura cadaabbaa leh

Ha yeeshee, hilada wacan qofkii, ALLE hanuunshaaleh,

Ha’da gabay, hikaad iyo halbeeg, hoorisyada baydka

Hidde raaca suugaanta guud, haqab la’aan weera

Galayr ina Hilowliyo(1) Bashiir(2), heegantii dhaqanka

Hodan Sheekh(3), horyaalkii Cabdiyo(4), Hoodo anigowle.

Afartaasi waa haatufkii, hogatusaaleeyne

Hojis iyo tilmaan dhibic ku xira, tii hartana hooya

Hoosin-44 kaa dhugmale baa la yiri, geeddi haayiraye

Anna hingilka-45 maansada waxaan, soo hintiqiyaaba

Hayaankeeda meeshaan u wedey, haatanaan imide

Heensaha intaan yara ka rogo, dabarna haabsiiyo

Aan hinraago sida halable aar, oo habaansanaya.

Han gurrucan, aqoon higsi maran, aragti haybsoocan

Caqli hadidan,-46 hiyi wada hangalan, garasho heehaaban

Hawaas beena, haad-haad fudayd, harawsi dhoodaala

Halaaq abida, hiinhiin-47 hordhada,-48 hadadaf-49 beeleysan

Habhab durugsan, hammi gaabaniyo, hootanuud-50 damaca

Hamaghamag nacayb, iyo handadid, hawhaw iyo aabi

Hadba gooddi, dhaar iyo hanjabid, hugun is weydaarta

Hurgumiyo, harriigtimo damqada, haaro iyo boogo

Hayaay iyo hayaay, hoognayeey, haadnayeey na la hel

Halaag le’asho, halakiyo dagaal, weerar lagu hoobto

Hiraab la arko, dhiig hoora iyo, meyd is haraf yaalla

Hambo dirirta, habaqle is halliga, haajira collowda

Hawtulhamag, hareer ka la mariyo, heeran ka la guura

Hasin nolola, hadanhaad-51 rajaa, himilo hoos qaawan

Intaasoo hulhulan,-52 halis horma ah, hadi-53 la’aanteeda

Soomaalidan belada haakuftaye,-54 ka la habawdaa leh.

Dhammaad

Curiye: Maxamad Xuseen Faarax

ERAYEYN;

  1. Humid; humhumid: farsameyn.
  2. Hogor: nuuc geelu u boxo.
  3. Heemaal: hal magaceed.
  4. Horaaddada: hasha naasaheeda hore.
  5. Gaydho: timaha dhaadheer ee garbaha geela ka baxa.
  6. Hagac: orod booddada.
  7. Hufto: daalid.
  8. Giir: lo’da.
  9. Hebed: neefka aan bayrka ahayn.
  10. Hayl: dhegjeex summad ariga dhegta looga dhogo.
  11. Haaruf: timaha bahalaha wejiga uga yaal.
  12. Hilo: meesha webiga laga cabo.
  13. Hogo: kulaylka xilliga roobku curan rabo.
  14. Hogob: dhulka meesha godan.
  15. Hadaw: madowga caleenta dhirta.
  16. Huyun: geed magiciis.
  17. Haali: caleenta garaska ka baxda xilliga jiilaalka.
  18. Haar: meel bannaan.
  19. Honkorre: kulayl.
  20. Handafyo: haadaduun= fudayd.
  21. Haydal: doqon.
  22. Haandhe: qofka garashada gaaban.
  23. Harmiid: muuqaalka qofka baqaya.
  24. Haybaal: weydiin.
  25. Haaweey: qofka caqliga iyo tabartu ku yartahay.
  26. Hamas: marras.
  27. Haqas: aqash.
  28. Hidiwaas: heesid.
  29. Hangaagurro: handadid niyad jebin.
  30. Daba hadeec: daba socosho.
  31. Handaco: iska hadal.
  32. Habayaaq: dad carar ku ka la lumay.
  33. Hantaawilif: geeddi ka la lumay.
  34. Hansasho: nasasho.
  35. Hotqayl: wiil.
  36. Hiindo: hooyo.
  37. Haarib: shayb.
  38. Heedadaaw: hadba meel u carar.
  39. Hunnaa: hadal aan hubbanayn.
  40. Huleel: samir iska tegid.
  41. Halkacsiyo: arrin kuu gaara dad ku qatalid.
  42. Heemis: weel salkiis cuto ku hartay af ku gororin.
  43. Hakad: joogisi laga sii dhaqaaqayo.
  44. Hoosin: geeddi socda.
  45. Hingil: hanqalka ama qalka dadka
  46. Hadidan: meel ujeeda.
  47. Hiinhiin: qatar. Hiimhiim.
  48. Hordhad: xoolaha guriga ku soo hormara.
  49. Hadadaf: or-orod.
  50. Hootanuug: ubadka geela ee labada halaad nuuga.
  51. Hadanhaad: wax ku boodid ama ka boodid.
  52. Hulhulan: wax meelo ku kal qarqarsan.
  53. Hadid: fahmid.
  54. Haakuf: le’asho.

SHEEKOOYIN