Doob gaamuray! Q5AAD W/Q: Bashiir C. Xuseen(Barbaariye)

Doob gaamuray! Q5AAD

Mahad-dheere, oo aad iyo aad uga gubanayay ereyadii kululaa ee ay Gobaad ku hiiftay, ayaa go’aansaday, inuu ka dhabeeyo doonista Gobaad iyo guurkeeda, isaga ooGeedka weyn ee ay odayadu ku shiraan ka soo raadiyay adeerkii Warsame, si uu arrinkan cusub ee ku soo kordhay uu u la socodsiiyo, maadaama aan xaajada ka odayeynteeda aan isaga looga maarmin.

Wuxuu soo jeedaaliyaba, wuxuu sheedda ka arkay dhowr oday oo u soo ruqaansaday in ay goobta ka dhaqaaqaan adeerkii Warsamana uu la socdo, markaa ka dib Mahad-dheere intuu Odayadii wada bariidiyey buu si gaar ah oo waalidnimo leh u la faqay, adeerkii, wuxuuna ka codsaday, inuu ka caawiyo hamigiisa ah inuu reer dhisto maadaama uu yahay shan iyo labaatan jir aan weli guursan una baahan wehel kalgacal iyo lammaane uu ifka ka dugsado.

Oday Warsame oo ahaa adeerka keliya ee Mahad-dheere aabbihii la dhashay baa intuu garabka soo qabtay, si hoose ugu yiri ”Dhib ma leh adeer waan ka shireynaa arrinkan, balse odayadan martida ah baan sii dhoweynayaaye halkaagan igu sii sug”.

Mahad-dheere, oo dareemay filasho wacan niyaddana ay u yara degtay baa markiiba, si farxadeysan ugu war celiyay ”Waa yahay adeer, mahadsanid waan ku sugayaa”.

In cabbaar ah ka dib, Oday Warsame Xirsi, oo soo dhameystay sagootinta odayadii martida u ahaa, ayaa soo noqodkiisii ku soo rogaal celiyay Geedka talada iyo garsoorka oo uu kula ballamay wiilka uu adeerka u yahay Mahad Cawaale Xirsi.

In waxoogaa ah markii uu u yara sheekeeyay odayo kale oo horay Geedka u sii hoos fadhiyay, ayuu geesta kale ka arkay Mahad-dheere oo keligii meel cidla ah fadhiya fikir dheerna ku talax tagay!

Oday Warsame, dhinaca Mahad, intuu u soo dhaqaaqay buu meel agtiisa ah soo fadhiistay, wuxuuna isaga oo la kaftamaya si dhoolla caddayn ah ugu salaamay “ War haye maandhoow, sidee bay wax u jiraan nin la galay baad ii la saansaan egtahaye?”.

Aamusnaan yar ka dib, Mahad-dheere oo luqunta sii lalminaya, ayaa  si hoose oo jilicsan u yiri “Adeer waan caraysnahay, waayo ma aan filayn anaa xoola haysta in ay gabar degaanka joogta ay i diidi karto!”

Oday Warsame, oo sida uu Mahad wax u dareensan yahay aan u dareensanayn, ayaa mar kale yiri “Ma intaas un kaliya ayaad la talameysaa maandhow oo murugada intaan le’eg ku gelisay?”

Mahad-dheere, intuu madaxa kor u soo yara qaaday buu ku jawaab celiyay “Adeer wax kale maahee, arrintii aan u ballansanayn,ayaan ka sii fekerayay mana filayo,inay tahay mid kolleey iyo kolleyba, adiga lagaaga maarmi doono”.

Oday Warsame oo Mahad-dheere, si dhab ah u calool baarayay, ayaa weydiintiisii duur xulka ahayd ku billaabay, erayo kooban oo xuuraansi u qaab ekaa, wuxuuna si degganaani ay ka muuqatay u yiri:-

  • War heedhe Mahadoow,
  • Waa adigan hunduda ee
  • Hoos uun u fooraree
  • Maxaa ku haya maandhow?.

Mahad-dheere:-

  • Halyeeyow Gacalkayoow
  • Ma hurdoo habeenkii
  • Ma harsado dharaartii
  • Hillaac baan arkayaa
  • Hogol baa i kor taagano
  • U qabaa haraad weyn.

Oday Warsame:-

  • Adigoon himbiriirsan
  • Hadal kaada caddeeyoo
  • Warka hoos ugu daadeg.

Mahad-dheere:-

  • Adeerkey ma huraanow
  • Hiloow baa  i haleelay
  • Wadnahaa i hafeefan
  • Kalgacayl igu heermaa
  • Naftaydii kala haadshay.

Oday Warsame:-

  • Talo wey ku hagtaaye
  • Bal Maxaad  hindisootay
  • Ku haysaa hiyigaaga ?.

Mahad-dheere:-

  • Gabar aannu heshiinaa
  • Hami geyga ku taaloo
  • Guur baan u hawooday.

Oday Warsame:-

  • Waa hagaag arrinkaasiye
  • Haboontaad gacalootey
  • Hadal maydin dhexyaal
  • Heshiis laysla wadaagay?
  • Waa halkee saldhigeedu
  • Halka reerku galaaniyo
  • Hooyga aabbaheed joogo?

Mahad-dheere:-

  • Waan hayaa  hilinkeeda
  • Waaba reerkaahorteena
  • Himiraale ag yaale
  • Hooska buurta beegan. 

Oday Warsame:-

War gabadha ma ina Heybaa?

Mahad-dheere:-

Haa adeer waa iyada qudheeda.

Oday Warsame:-

Heybe wax ka waayi meynee,aniga igu hallee arrinkiisa.

Mahad-dheere:-

  • Wanaaga hadalkaagu
  • Iga qaadyey hilaabtoo
  • I hilaadi barwaaqo.

Oday Warsame, oo wiilka uun adeerka u yahay sii qancinaya,ayaa mar kale u sheegay oo ku yiri  “Heybe gacal iyo xigaal weynu nahay mana filayo inay xaggiisa xumaani inaga soo gaareyso ee taa ka seexo adeer, waa hubaal haddaan hoga laygu ridin,inaad goordhow aqal geleyso oo aad reer yeelan doonto e”.

Mahad-dheere, oo ay filashada guurkiisu soo yara wanaagsanaatay baa adeerkii Warsame aad iyo aad ugu mahad celiyay, wuxuuna isaga oo obsi raynrayn oo qosol gariiraya dhowr jeer iska soo daba celceliyay  “Mahadsanid adeer, mahadsanid adeer!”.

Oday Warsame oo sii hubinayay sheekada gunteeda, ayaa Mahad dheere weydiiyay weydiinb ahayd ”Adeer inanta si fiican ma isu afgarateen oo arrinka guurka qorsha ahaan, si wanaagsan ma uga heshiiseen?.

Mahad-dheere, wuxuu adeerkii ka qariyay kana been sheegay dhab ahaan jikaarkii kululaa ee uu kala soo kulmay Gobaad iyo diidmadii qayaxnayd ee jixinjix la’aanta ahayd!, wuxuu adeerkii u sheegay, in ay sheekadiisu dhameystir un u baahan tahay, wuxuuna markiiba la soo booday oo uu yiri “ Haa adeer gabadha, waxey igu tiri, diyaar baan kuu ahaye reerka iga soo doono!”.

Waa hagaag adeer, doonis la’aan wax ku waayi meyside niyadda samo u sheeg” ayuu yiri oday Warsame oo xabadka u garaacayay inanka uu adeerka u yahay, wuxuuna hadalkiisa sii daba dhigay eray kalsooni gelin ah oo ahaa“ Berritaba guurti baan u dirayaa ee sidaa ku laab qabowso hana is oran adeerkaa wuu kaa seexday”.

Waa yahay adeer culeys i dul saarnaa baad iga ridday ee eebbe iga ma kaa qaado” ayuu ku sii rabi tuugey Mahad-dheere oo sii dhaqaaqayay kuna riyaaqay taakuleynta adeerkii oo u fududeynaysa helitaanka gabadhii uu la haasaaway ee qabka iyo isla weynidu ku jira awgeed diidmada quus uga dhigtay ee uu sina u soo hollin waayay!

Waa la is  is af gartey,  go’aankuna wuxuu noqday doonista Gobaad, in la soo dedejiyo loona diyaar garoobo hawl xididnimo oo loo kaashanayo waayeelka iyo waxgaradka la xushmeeyo ee degaanka sida aadka ah looga tixgeliyo, waxeyna ballani ku  soo geba gebowday maalmo gudahood in ay abaabulka hawshani ku soo dhammaato.

La soco qaybaha kale

W/Q: Bashiir C. Xuseen(Barbaariye)

SHEEKOOYIN