Filan waa Q34AAD W/Q: Yaasiin Xasan Muuse

Filan waa Q33AAD

Maxamed hooyadii, waxay u la hadashay si degan, oo waano waalid ka muuqato, isla markaana Maxamed niyada u dhisaysaa, waxay tidhi: “Hooyo aroos iyo howshiisa ha inoo dambaysee gabadha sidey wax ugaadheen?

Wuxuu yidhi: “Deeqa, shil gaadhi ayay ku dhaawacantay, waliba nabaro culus ayaa soo gaadhay, hadday ka badbaado nasiib ayay leedahay, sidaa darteed howshii arooska hala joojiyo.

Waxay tidhi hooyadii: “Maya, howshu sideeda ayay u soconaysaa, go’aanka kaligaa ma lihid, wax walba waa nasiib, waxaan rajaynayaa inay Deeqa durba caafimaado, mida kale deg dega is ka dhaaf, dhibka laysku naco, hadday arrintu sida aad sheegayso tahay, inta ay soo caafimaadayso waan sugaynaa, waa ku sidee hooyo, ma waxaad rabtaa inaad cidlo kaga dhaqaaqdo?

Soo ma ogid, gabadhu waa walaashaa, waa qofka aad doonaysay inaad nolasha la wadaagto, halkii aad xanuunka iyo dhibka la qaybsan lahayd ayaad rajo xumo iyo waxaan loo fadhiyin la soo booday.

Intaas waxay u raacisay, waxaan rabaa inaan gabadha isbitaalka ku booqdo si aan xaaladeeda caafimaad wax uga oggaado.

Maxamed aad ayuu ugu farxay hadalada hooyadii ee naxariista badan, balse wuxuu hooyadii ku qanciyay, in xaaladda Deeqa ay aad u culustahay, amar ilaahay mooye ay adagtahay inay shilkan ka bad baado, sidoo kale wuxuu yidhi:“Muqdisho ayaa saaka loo qaaday, markaa waxaa ila qumman in howsha halkaa ku hakisaan, Deeqa anaa idinka jecel, laakin waxaad moodaa hadda inaan ka rajo go’ay, sababtoo ah waa qof geeri iyo nolal u dhaxeysa.

Deeqa way nabad qabtaa wax shil ah oo ay ku dhaawacantayna ma jirto, laakiin Maxamed ayaa jeclaystay inuu qaabkaa qaldan hooyadii wax ugu sheego, sababtoo ah, way la qumanaan wayday inuu hooyadii u sheego, sheekadii Filanwaaga ahayd ee uu Deeqa kala kulmay.

Arrintani waxay ka turjumaysaa inay Deeqa iyo Maxamed u kala dhammaatay, wax dambe oo isugu dhimani ayna jirin, dhankiisana ay ka dhimatay.

 Galabtii ayuu telefoonka ka wacay Deeqa, isagoo uga tacsiyeey dhibaatada ay soo martay intii ay isjeclaayeen iyo wixii ka horreeyayba, wuxuu u sheegay in uu aad uga xunyahay marxalada qalafsan ee ay Deeqa uga sheekaysay, balse wuxuu ku eedeeyay in ay wax yaabo badan oo khalada ay sameysay.

Wuxuu yidhi “Waan ka xumahay inaad arrimaha qaar iga qarsatay, dabcan waxaa suurta gal noqon lahayd, in xal loo heli lahaa, haddii kale ugu yaraan inaan dhibka kula qaybsan lahaa, si walba, wixii dhacay waa dhaceen, waxaan doonayaa inaan is cafino, wixii maanta ka dambeeyana aan isku ixtiraamno si walaaltinimo ah, muddo badan ayaan farxad iyo sheeko wanaagsan isla qaadanay, waan jeclaa inaan nolasha wadaagno, laakin dhankaaga ayay wax walba ka dhicisoobeen.

Ma doonayo inaan dib ugu laabto wixii dhacay, laakin si aad xaqiiqda u ogaato, islamarkaana u garowsato dambiga aad naftaada iyo tayda ka gashay, waxaa wanaagsan inaad adigu dib isku xisaabiso.

Waad igu ballan furtay anigoo naftayda kuu hibeeyay, waxaan  rajo badan ka qabay inaan farxad kugu la noolaado, balse kuma guulaysan hadafkaygii iyo himiladaan higsanayay, horay ayaan ugu hungoobay mid adiga kaa horasay oon qalbiga u hibeeyay, waxaan ku dhawaaday inaan waasho, adna nabaradii aan bogsii lahaa ayaad  si arxan daro ah falaadh iigu halgaaday.

 Waxaan u malaynayaa, maanta ka hor inaana kaaga sheekayn, wixii na dhaxmaray aniga iyo Canab, dhibaatadii aan kala kulmay gabadhaas, waxay noqotay mahadho taariikhda iigashay, waligayna inta aan noolahay aana ilaawi doonin, waxaan kaaga qariyay waxay ahayd, waxaan ku rajo waynaa Deeqa ayaad ku ilaawi doontaa, laakin adna qaybtaadii waad ka ciyaartay sidii aan u noqon lahaa cilmi  boodharigii qarniga.

Adoo dhibkaa iigaystay haddana, waxaan kuu balan qaadayaa inaana goynayn walaaltinimadii iyo wanaagi aan shalay isku baranay, marwalba waxaan kuu qadarinayaa si xushmad leh, waxaa intaa dheer oon kugu waaninayaa inaad iska ilaaliso inaadan waligaa qof khiyaamin ama ruux aad qalbigiisa dhaawicin, waxaad ku dadaashaa runta oo haka leexan haba qadhaadhaatee, qofkii kugu naca isagaa ayaa cirka roob ku og.

Ma doonayo inaan kulano, sababtoo ah waad dareemaysaa waxyaabo badan ayaa jira oo xusuustooda dhib mooye dheef aan laga dhaxlayn,  anigu dhankayga waxbadan ayaan goconayaa, qalbigii aad  dhawaacday ayaan doonayaa inaan dhayo, mar haddaan dhaqso kugu ilaawi karin wixii dhacayna xal loo hayn, inaan kala dheeraano ayay dantu ku jirtaa, laakin telfoonka waan iska bariidin karnaa.

 Ugu dambayntii, waxaan kaa codsanayaa inaad qadarka ilaahay ku samirtid, intaa ayaa murugo iyo walbahaar adduun kuugu filan, iska ilow wixii dhacay, xusuustaada ka jar oo is hilmaansii, waxaadna isku daydaa inaad dib uga soo kabato wixii ku soo maray, waxaan ku leeyahay ha ka quusan noolasha, dhibta laguma waaroo dhaxal looma yeeshee,waxaa iman dharaar riyadaadu ay dhab noqon inshaa’alaah.

 Deeqa iyadoo ilmaynaysa ayaa waxay tidhi: “Aboowe waad mahadsanahay waana kaa qaatay waanada iyo taladdaa qiimaha badan eed ii soo jeedisay, laakiin waxaan mar labaad kaa codsanayaa inaad cabashadayda ii tixgaliso, anigu dartaa ayaan waxan oo khalada u sameeyay xitaa gurigaygii madaxaaga ayaan u dumiyay.

Deeqa aad ayay isugu dhabar jabisay sidii ay qalbiga Maxamed u kasban lahayd, wixii khalaadaada ee dhacayna halkaa loogu ilaawi lahaa, wakhtiga hadda la joogana guur iyo mustaqbal looga wada hadli lahaa.

Hasayeeshe Maxamed  ayaa si cad u diiday, wuxuu yidhi:“Wax walba wakhti ayay leeyihiin  mar hadday kalsoonidu meesha ka baxdo way adagtahay in lays aamino, sidaa darteed intaa ha inoogu ekaado xidhiidhkii mudada dheer inaga dhaxeeyay,

Intaa kaddib Deeqa markay aragtay in uuna maxamed dhankeeda u soo jeedin waxay qaadatay go’aan degdega.

 La soco qaybaha dambe.

W/Q: Yaasiin Xasan Muuse

SHEEKOOYIN