CADOWGA GUURKA .Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

                                             CADOWGA GUURKA .

Guur marka laga hadlayo waa riyada qof walba uu leeyahay, qof kasta oo naga mid ah dunidana ku nool wuxuu ku naaloonayaa in uu maalin uun samaysto guri uu isagu leeyahay maamulkiisa kana soo saaro Ubad sida uu isaga doona dunida wax ugu  soo kordhin kara waxna ka baddali kara qaabka noloshiisa.

Ma ahan wax sahlan guur, dhawaq ahaan wuu u muuqan karaa mid sahlan balse xaqiiqda ayaa waxay tahay in uusan sahlanayn, nolosha sideedaba ma ahan mid sahlan oo sida aad rabto kuu soo qaabisho ama aad ka yeelan karto.

Maalin walba guur ayaa ka dhaco daraf walba oo dunida ka mid ah 70% inta hagaagto waa yartahay oo caqabadaha uu la kulmo ayaa badan, sida la rabo ha lagu macneeyo, inkastoo mararka qaar lagu macneeyo qaabka loo alkumay in ay sabab u tahay bur burkiisa.

Fal walba oo la samaynayo waxaa wanaagsan in inta aan la samayn laga fakaro lana fahmo macna ahaan waxa uu yahay iyo waxa uu u baahan yahay, saldhigiisa waxa uu yahayna in la garto iyadana waa mid meesha ku jirto.

Guri marka la dhisayo lama bilaabo dhismihiisa ilaa la qorsheeyo ama la ogaado waxa uu u baahan yahay alaab ahaan iyo qarash ahaanba iyo qaabka loo dhisayo, marka intaas la ogaado ayaa dhidibada loo taagi karaa aqalka ama guriga la dhisayo, balse intaas inta ay wax ka dhiman yihiin laguma niyoon karo dhisiddiisa.

Sidaas si la mid ah ayaa loo baahan yahay in guur marka la samaynayo loo gorfeeyo loona ogaado waxa uu u baahan yahay iyo waxa haddii aan la helin uusan la dhismi Karin, guriga tiirar ayuu ku taagan yahay haddii tiirarkaas qaar ka mid ahna la siibo waxaa hubanti ah in uu gurigaas dhacayo, sidaas si la mid ah waa in loo gartaa in guurkuna uu leeyahay tiirar lama taabtaan ah  oo la doonayo in la dhowro si uusan bur bur ugu imaan.

Hadaba waa maxay tiirarka uu u baahan yahay guurka in lagu dhiso?

Hadaba aqriste adiga haddaad guur in aad samayso diyaar u tahay wali ma is waydiisay maxay tahay waxa uu u baahan yahay guurka, maxaase looga maarmayn in la helaa ka hor inta aan la suubin?

Haddii aad tahay mid hore guur u sameeyay oo guurkiisa ka bur buray ma is waydiisay sababta uu u bur buray muxuuse la’aa guurkaa oo ay ahayd in la helaa si looga bad baadsho burbur.

Dhibaatada dhicideeda waa mid meerta ah inkastoo sababaha ay ku dhacdo loo tiriyo in aan qayb ku leenahay ficil ahaan oo dhib walba uu dhaco uu yahay mid ka dhasha fal aan samaynay sida la rabo ha loo macneeyo hadhow.

Hadaba si aan uga digtoonaana dhibaato ku dhacdo riyada kaliya ee la hubo in ay rumoobi karto nolosheena haddiiba nafta nagu sii jirto qaddartana noo saamaxdo ay tahay riyada guurka maxaa nalooga baahan yahay si aan uga digtoonaano in uu gurigeena dumo.

Aniga oo ka leexanayn cinwaanka maqaalkan ayaan haddana jeclaan lahaa inta aanan u guda galin waxa lagu magacaabo cadowga guurka in aan marka hore iftiimiyo waxa loo baahan yahay in la ogaado inta aan guurka la samayn.

Guurka sidiisaba wuxuu u baahanyahay saddex shey oo kala ah Jacayl, Dareen  iyo Baahi.

Qofka guurka samaynayo waa in uu saddexdan mid leeyahay ama uu wada leeyahay haddii saddexdan uusan wada lahayn way cuslaanaysaa in uu fahmo qiimaha guurku leehahay.

Mar walba oo wax la samaynayo waxaas la samayanyo, waa in ay jirtaa baahi loo qabo in la sameeyo sidoo kalana waa in uu jiraa dareen loo qabo, iyo jacayl loo qaba intaba.

1-Jacayl waa in aad u qabtaa qofka aad nolosha la wadaagayo haddii uusan jirin jacaylna hubaal in guurkaas uu noqonayo mid burbur ku dambeeyo maalin ay noqotaba, marka aan burbur leeyahayhayna ma ahan qasab in lagu kala tagaa ee iyada oo la isla joogo ayaa hadana la wada joogin oo magac ahaan ama duruufo kale ay isku kiin hayn karaa qofka aad nolosha wadaagaysan, sidaa darted, waaxaan dhigay qodobka jacayl muhiimadda koowaad in uu ka noqdaa baahida qofka doonayo in uu wax guursado.

2-Baahi. Waa in ay jirtaa baahi aad u qabto samaynta guurka aad doonayso in aad samayso haddii aysan kugu jirin baahi maba jiri karayso baahi aad u samayso xitaa haddii markaas lagugu qasbo waxaa hubaal ah in aadan ku nagaanayn maxaa yeelay maba jirto baahi aad u qabto guurkaas.

3-Dareen isagan waa qodobka saddexaad ee la doonayo in la iska eego inta aan la samayn guurka, waxaa lagaa doonayaa in aad is waydiiyo war guurka aad doonayso in aad samayso baahi intee la eg ayaad u qabtaa amaba ma jirtaa baahi kugu riixayso in aad samayso?

Xaqiiqda ayaa waxay tahay in saddexdan ay mar walba in ay is raacaan ay nolosha guurka muhiim u tahay aana dhihi karo waa tiirarka uu ku istaagi karo guurka gurigaas la doonayo in la alkumo.

Hadaba haddii lagu guulaysto in guri la dhiso waxaa haboon in laga dhowro wax walba oo dumin karo gurigaas la dhisay, taasna waa mas’uuliyad saaran labada dhinac ee wada dhistay gurigaas ayaga ayeyna tahay in ay fahmaan waxyaabaha la doonayo in ay ka ilaaliyaan in gurigooda dumo.

Hadaba inta garan karaysa waaba garanaysaa inta aan garanayn Ayaan jeclaan lahaa in qodobo ka kooban ilaa 4 qodob aan u iftiimiyo si ay uga digtoonaadaan in gurigooda uu dumo.

1 xiriir la’aanta : labada qof haddii xiriirkooda uusan joogta ahayn oo wax walba oo la soo darsa aysan wadaagayn waxaa meeshaas ka dhalayana waxa la iska ilaalinayay ee ahaa cadowga guurka, qodobkan waa muhiim runtii, labada qof ee guriga wada dhisatay marka hore gurigooda wuxuu ku dhismay xiriir ay sameeyeen, sidaas si la mid ah waxaa wanaagsan in xiriirkooda uu mar walba joogta ahaado xitaa haddii qof xanaaqo waxaa wanaagsan in uusan la aamusin xanaaqiisa oo uu la wadaago qofka kale sababta uu uga xanaaqay ama uga xumaaday, qasab maahan in xal laga helo dhanka wax laga tabanayo muhiimadda waa in dhanka wax laga tabanayo la ogeeysiiyaa in uu jiro dareen nuucaas ah.

2 Danaysi gaar ah: danaysiga gaarka ah waa cadow ka mid ah cadowga labaad ee dumin kara guurka labada is calmatay, runiti qodobkan waxaan dhihi lahaa hadduuba qof ka mid ah labada qof ee wax wadaagaysa la yimaado in ay tahay qayaano qoys oo la doonayo in ciqaabta uu mudan yahay qofkaas la mariyo.

Haddiiba lagu heshiiyo in nolol lawada dhisto oo wax lawada wadaago maxaa keenayo wax gaar loo leexsado ama wax qof u gooni ah oo uusan qofka kale ogayn, qofkan nolosha kula wadaagaya maxaad ugu dooratay in uu shirko kugula noqdo noloshaada haddiiba ay jiraan dana kuu gaar ah oo isaga aad ku fushanayso ogaal la’aantiisa, hala iska ilaaliyo ayaan dhihi lahaa danaha gaarka ah ee hoos ku duugan ee aan lala wadaagayn lamaanahaaga.

3 in lagu kala jeesto Sariirta: sariirta in lagu kala jeesto waa midda soo dadajisa in lagu kala tago guurkaas lawadaagayay, maxaa yeelay waa baahida ugu daran ee labada qof ay wada qabaan, qof walba wuxuu guriga waalidkiis uga soo tagay in uu dhisto guri uu isagu leeyahay sariirtana waa meesha kow ay ka bilaabato qanaacada guud ee labada qof wada wadaagayaan, sidoo kalana waa midda saldhiga u ah in la soo saaro ubad iftiimiya farxadda qosyka labada wax wadaagaysa. Sidaa darted, sariirta in labada qof ay isku cidleeyaan ma wanaagsana ama ay isku colaadiyaan.

Arrintan sida badan canaabteeda waxaa la saaraa dumarka oo u isticmaal sida hub ay uga aargudanayaan ama ay ku ciqaabayaan ragooda marka ay is gafaan balse waxay moogan yihiin in raga marka arrintan lagu sameeyo waxa ugu horeeyo uu ku fakaro ay tahay sida canaabtan ama canaadkan uu uga bixi lahaa ama ugu yaraan uu u heli lahaa baddal kale oo uga maarmo in ciqaabtan oo kale ay ku dhacdo taas oo haddii ay dhacdana haweenayda ficilkaas suubisay nafteeda ku tartarsiisa in ay laba mid marti u noqoto. Ina y gurigeeda burburiso iyo in ay ku noolaato daganaasho la’aan soo wajahda qoyskeeda, taas oo mas’uuliyadda koowaad iyada sabab looga dhigayo.

4 Xilkasnimo la’aan: qof walba waa in uu muujiyaa in uu xil ka saaran yahay sugidda ammaanka qoyska, waa in aysan jirin arrin qoyska dantiisa ah oo si gaar ah la iskugu riixo, arrinta Iyana sida badan waxaa lagu eedaa dumarka ina y si gooniyo waajibaadka kala dhaxeeya ragooda ay si gaar ah ugu riixaan.

In la isla wadagartaa in qoyska la wada leeyahay waa in ay noqotaa muhiimadda koowaad waa in qofna aan lagu eedin ama si gooni ah loogu riixin in qoyska uu isagu si gooni ah u leeyahay, haddii taas ay dhacdo oo haweenayda ay samayso markaas waxay u muuqanaysaa in ay dayacayso waajibkeeda qaybta ay lahayd.

Qoys wuxuu qoys ku noqdaa in si wada jir ah loo wada dhisto qof walbana qofka kale caybtiisa uu asturo oo aysan jirin in qof gaar gooni loogu riixo lahaanshiyaha qoyska. Hadaba waxaan kusoo gunaanadayaa in la garto marka hore baahida loo qabo al kumidda qoyska, marka la alkumana la fahmaa oo laga baaraan dagaa waxyaabaha bur burin karo in la garto oo laga hor tago.

W/Q Mohamed Musa Sh Noor.

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

 

 

SHEEKOOYIN