Maansada: “Faysbuug” Curiye; Maxamed Xuseen Faarax

Maansada: “Faysbuug”

“Faysbuug”, waa maanso kooban oo ka warramaysa walxaha, wacaalka iyo waloohoodka lagala kulmo “Faysbuug”.
Waa maanso maad iyo madadaalo isugu jirta, ayna ku milan tahay suugaan macaan, meerisyo miisaaman iyo macno mug ah leh. Maansadu waxay si farshaxannimo iyo aftahannimo ku fadhida u soo badhigaysaa wax in badan oo naga mid ah ka qabsaday, ku arkay ama uu kala kulamay intii uu adeeg sanayey “Faysbuug”. Haddana maansadu waxay tahay tiri:

Maansada: “Faysbuug”

U fekerey u faaldhigay
U fiidsadey u fiirsaday
Fursad iyo waqti u huray
Faallooyin badan galay
Falanqeyn ku sii daray
Fasax qaatay oo faqay
Mar labaadna soo furay
Doc kastaba ka fiirshoo
Fahmi waayey Faysbuug!

Fidno iyo lar kululaa
Fasahaada badanaa
Faan beena badanaa
Fashilaado badanaa
Fowdadu u fududaa
Maxaa magacyo foortaa
Fays qurxoon la soo dhigay
Feliseey Fadumo Luul
Filsan iyo Farxiyo Ladan
Fanaxleey Faceeddila
Faloowar iya Faamoos
Feysaldheere Faraxsane
Fu’aadquruxya Fuulmaan
Maxaa fool la yaabliyo
Lagu qariyey foolxumo
Sawirrada farshaxankaa
Maxaa midaad fankeediyo
Farihiyo ilaa food
Sida fiidda geedaha
Fiil gaduudan laga dhigay
Faruuryahana fareejiyo
Aad mooddey Feynuus
Markii ballan fagaariyo
Faalal aad ku kulantaan
Kugu noqon fajaajuur!

Maxaa wiil farshaxanoo
Feereysan oo dheer
U eg faraskii ceelfaax
Dib ka noqon firkii coon!

Waxaa duul facweeynoo
Lixdankii faltamijiray
Sheeganaaya fiiftiin!

Maxaa cay fasaxaniyo
Aflagaaddo lagu furay
Maxaa hadal fogaadoo
Faafreeb la soo marin
Faalladiisa lagu qoray.

Inuu yahay falsheydaan
Anigoo fa;daas iyo
Ku og filimmo dheeriya
Haddana kama firiistee
Farahaan la gelayaa
Firaash dheer u qaataa
Barkimooyin fiiqdaa
Fallaartaan ku daaraa
Fooldhar kilig ku siiyaa
Faandhi seerji taabtaa
Farendhiga ka goobaa
Faaylmoorka baaraa
Fisqi iiga muuqdaa
Fiidhbak ku laabtaa
Fig kaleeto saaraa
Finisheey yidhaahdaa
Fadlan lacag ku shubo aad
Faayl Menu aadaa
Igu yiraa Fariidoow
Markaas foori baaqdaa
Naxdin fuuf iraahdaa
Iskaraajka fiiqdaa
Mar labaad fur maagaa
Batarigu fariistaa
Ciil faraha ruugaa
Hurdo fiican waayaa
Maskaxdoo i fiixdiyo
Indho fuursan mooyee
Faa’iido kama helin
Fekrad kale qofkii qaba
Ha noo sheego Faysbuug?.

Dhammaad.

Curiye:
Maxamed Xuseen Faarax

SHEEKOOYIN