WALIGAA GAARIMAYSID. Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

WALIGAA GAARIMAYSID.

Haddii aad sugaysid in sanadka cusub uu kuu wacnaado adiga oo waddadii aad wacnaantaas ku samaysan lahayd samaysan markaas waxaa la dhihi karaa ma aadan qaadin waddadii aad ku gaari lahayd tiigsashada aad tiigsanayso sanadka cusub in uu ku noqdo sida aad doonayso.

Haddii aad guursatay guurkaaguna uu marayo waqti adag oo iska imtixaanan, waa in aad xusuusnaataa markaas in noloshu tahay mid caqabado badan loona baahan yahay in aad dulqaad badan uga gudubto dhibaatooyinka ku haysto adiga oo kaashanaya jacayl iyo is adkayn.

Haddii aad wax walba u qaadato in adiga laguula dan leeyahay ama si shaqsi ah u qaadato markaas waxaa u diyaar garowdaa in qof walba oo noloshaada soo maraa uu kuu gafayo waa sida uu dareenkaaga yahee, taas haddii ay dhacdana macnaheeda waa in noloshaada oo dhan aadan noqonayn qof faraxsan.

Haddii mar walba aad jeceshahay in aad wax u aragto sida ay kuula muuqdaan oo aadan qaddarin sida dadka kale wax u arkaan markaas u diyaar garow in aad la harjaddo sida aad ku hesho qof ku fahma ama aad fahmi karto.

Haddii aad jeceshahay in cunugaaga uu wax u qabto una fahmo sidaada oo kale markaas waxaad haleynaysaa nolosha cunugaaga waxaana carqaladaynaysaa qaabka korrimadiisa.

Xusuusnow in aad mar ahayd cunug yar oo waqtigiisa la jaanqaadaya, cunugaagana uu yahay mid la jaanqaadaya waqtigiisa, mar walbana wax ku qiimee in waqtigu is baddalay.

Haddii uu yahay waqtiga adag oo kaliya waqtiga aad Eebe xusuusanayso waxaad ogaataa in Eebe uu waqtiga kugu adkayn doono mar walba si dareenkaaga ku aadan xaga alle loo soo jeediyo inta aad ka arkayso iftiinka dhabta ah.

Haddii aad tahay mid jecel mar walba dhisidda moralka iyo fahamka dadka adigana aad jeclayn ama aadan ku mashquulayn in aad mooralkaaga iyo fahamka naftaada baahidooda garato, markaas waxaad ogaataa in waqtigu kugu dhamaan doono adiga oo garan waxa ay ahayd riyada aad mar walba ku riyoon jirtay.

Haddii caay ama diidmo uu qof ku caayay ama ku diiday ay hurdo la’aan kugu ridayso, naftaada quus u dhawaynayso, shakina kugu abuurayso,waxaad ogaataa markaas in ay kuu taal shaqo adag oo naftaada aqoonsigeeda ah.

Haddii is baddalka noloshaada uu yahay in aad isku baddasho qof kale si aad u farxad galiso, markaas is baddalkaaga waa mid waqigiisu gaaban yahay, waxaan ku dhihi lahaa is baddalka waa in uu naftaada ka yimaadaa, ma ahan in aad qof ku farax galisaa, qofna yuusan kuu faraxsanaan haddiiba aad u aragto waxa aad samaynayso in maslaxaddaada shaqsiyadeed ay ku jirto samee.

Haddii naftaada horumarinteeda aad ku xirayso mar walba wax muddaysan oo la aqoon xilliga la heli doono ama ay kuu iman doonaan, markaas noloshaada waxay qoorta uga xirantahay wax aan la aqoon, horumarinta noloshaada sakanka aad ku fakarto ku dhaqaaq iyada oo wax shuruud ah iyo wax gaar ahba aadan ku xirin, haddii aadan sidaa u fakarina waligaa gaarimaysid la soco.

Haddii ducadaada iyo baryadaada wax waydiisashada ay ka badantahay mahadnaqa waxa aad haysatana aysan kuu muuqan markaas waxaad ogaataa in aad ahaanayso oo kaliya mid barya badan oo waligiisa aan garan waxa uu haysto,  baahi ka xun ma jirto nolosha marka aad garan wayso waxa aad haysato balse aad mar walba ka fakarto waxa kaa maqan.

Asluubta ducada ayaa ah inta aadan Alle marka hore wax waydiisan waa in aad uga mahadnoqdaa inta badan ee xisaabta lahayn ee kugu mannaysta, intaas oo aan ku iman baryo aad isaga barisay balse ku timid garasho iyo deeq uu isaga kuugu deeqay, inta badan aad shukrsiaan waa inta badan oo siyaada aad heshaan, sidaa darteed baahidaada muuqeeda yuusan kaa indha tirin ka mahadnaqidda nimcada aad haysato.

Haddiiba aad mar walba sugayso in lagu saxo balse aadiga aadan waxba sixin waxaad ogaataa in mar walba aad marti uga ahaanayso noloshaad dad kale, nolosha waa qaado iyo bixin, inta badan aad wax bixiso waa inta badan aad wax qaadatid ama heshid, dunida ma ahan mid hoo oo kaliya, ee waa hoo iyo isii, sidaa darteed waa in adiga xagaaga wax laga helaa si wax aad u heshid, haddii taa aan lagaa helina waligaa gaarimaysid.

Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@Gmail.com

 

SHEEKOOYIN