Hammi caashaq iyo hunga been ah Q32AAD W/Q: Cabdisalaan Macalin Xirsi

Hammi caashaq iyo hunga been Q32aad.

Xaliimo waxay bilow ilaa dhammaad si hagar la’aan ah uga warantey xaalka Nasra, Cumarna intaas afkeeda ayuu eegaya wuxuuna haleeltiin u waayey inuu biyihii iyo shaahii loo keenay Afka saaro, waa midabyeynayaa marba nooc ayuu wejigiisu isu rogayaa, Xaliimo isuma taqaan, waa halkii Soomaali ka tiri “ Xaajo nimaan ogeyn baa ba’ shaye, Xaliimo oo warkii wada ayaa mar qura isbedelka wiilka ku dhacay intey la yaabtey tiri: “ Walaal maxaa kugu dhacay maad wax cabtid, qoftani maaha mid aan sheekadeeda halkan ku dhammeyn karnee.

Cumar oo hadalka carrabkiisa ku calaanjiinaaya caro darteed, dhuuntana sifaysanaaya ayaa hadalka qaatay oo yiri: Xaliimo gababdhaan aniga ayaa qaba xaaskaygiina aniga ayay tahay, nin kalana ma qabi karo,  aniga ayay iga soo fakatay, waxa aan ka bixiyay xoolo aad u fara badan, waxa ay ka dhalatay cid aad bulshada looga ixtraamo oo magac iyo maamus leh, wallow ay ayadu ku ciyaartay haddiiba ay laba nin lay noqotay, waa gabar nin  suldaan ahi dhalay, in badan ayaan ku taami jiray in aan cidaas ka guursado,  ugu danbayntiina waan guursaday, balse aniga oo qaba ayay soo fakatay ee ninka gabdhayda iga soo watay walaal adigu ma aqoon dheer ayaad isku leedihiin?

Xaliiimo ayaduna dhankeedii ayay ka fajacday oo ka fiigtay, waxa ay la yaabtay nasiib xumada Nasro, ninka ay ka soo carartay iyo midkaan ay u timid ayay isku fiirisay waxa ay kala noqdeen kaaf iyo kala dheeri,  ayada oo yaaban ayay tiri: Walaal ninka waan aqaanaa oo waaba reerkeena in aad is taqaanaan ayaa laga yaabaa, waana ku tusi doonaa oo aniga ayaan is kiin tusi doona waa mid habaar qabe ah, oo meel walba laga soo habaaray, halkaana ku daruufaysan, dhanka kale waxaan la yaabanahy naagta adiga kaa soo fakatay ee walbahaarka iyo dhibaatada aan ogay martay.

 Xaliimo waxa ay qalbiga ka qirtay in Nasro u qalantay dhammaan daruufiihii soo maray, haddiiba ay garan wayday in guri xalaal ah ay dhaqato, xaliimo waxa ay dhexda ka qaniintay farteeda, qalbigana waxa ay ka habaartay Nasro, waxa ayna qirtay in ay tahay mid lunsan.

Cumar is bedel ayaa ku dhacay in uu sii fadhiyana waa kari waayay,  asaga oo madax marba dhan u rogaayana albaabka ayuu ka baxay , waxa uu beegsaday, niman tolkiis ah guri ay joogeen waxa uuna uga warramay, arrinkiisa,  iyo dhibaatada ku dhacaday iyo in xaas uu qabay halkaan nin  ku haysan jiray, oo uu la qabay ninkiina weli joogo, raggii markii ay arkeen cariiriga uu Cumar dareemaayo waxa ay waydiiyeen in uu ninka gabadha la guursaday ee gabdhiisa ka dhacay yaqaano iyo in kale, Cumar waxa uu sheegay in uusan aqoon, balse gabar walaashiis ahi ay taqaano, ninkuna cidda yahay, kolkaasbay xaajadii raggii la sii qaraaraaratay oo la cuslaatay, waxaa la wacay oo xariiri la sameeyay  xaliimo waxaana laga codsaday in ay ninka ballamiso gurigeeda keento, Xaliimo waa fulisay codsigii  waana ballamisay Nuur,  waxaan layskugu tegay gurigii xaliimo, Nuur ragii meesha iskugu yimid waa wada garteen, balse loomA malayn in uu asaga yahay, ninka gabAdha halkaan keenay, nin ragga ka mid ahaa oo la yiraahdo, Kallane xayte, ayaa xaliimo waydiiyay ninkii ay u direen kuna yiri: Xaliimo aaway ninkii aan kuu dirnay, masoo socdaa?

Xaliimo walaal sooma socdo e ninka gabdha Cumar qabay waa Nuur Ganey, waana ka  ku ag fadhiya.

Raggii waa yaabeen oo fajaceen, nin kasta oo meesha joogana dhankiisa ayuu u ashahaatay sababtoo ah waxa ay isku garteen, Cumar iyo Nuur.

Kullane oo ah ninka ragga meesha joogay ugu aftahansanaa, uguna da’waynaa  ayaa sheekada bilaabay oo yiri: Nuurow wiligaaba ceebaad dul fadhi jirtay iyo camal xun , maantase mid wayn ayaad dul fadhidaa,  ee bal  nooga warran si ay kuugu suura gashay in aad guursato gabdha abtigaa qabay?

Nuur anigu gabar abtigay qabay ma guursan ee maxaad ula jeedaa, ceeba ayaad dul fadhidaa adeer?

Nuur waa mooge, xaliimana waxba uma soo sheegin, sababtoo ah waxa ay baqday in haddii arrinka ay usii sheegto in uu baxsado lana waayo.

Kullane ma jirtaa gabar aad Hargaysa ka keentay oo aad hal bil halkaan ku qabtay?

Nuur: anigu wiligayba ma guursan, gabar aan qabana ma jirto, balse waxaa jirta gabar aan si hoose u heshiinay oo Hargaysa ka timid, hal bilna aan wada joognay, ayada Ayaan isoo raadsatay lamana qabin?

Kullane: Si hoose ayaan u heshiinay maxaad ka wadaa?

Gabdha: Anigu ma mehersan nin saaxiibkay ah oo aan isla qayilno oo aad wada taqaanaa  ayaa si been ah habeen  igu mehriyay, waxaasina meher ma ahayn.

Ragii meesha joogay waa yaabeen, mid walba dhankiisa ayuu u tacajaybay.

Cumar ayaa halmar soo booday ayada oo la yaaban yahay oo Nuur dhuunta qabatay, ragiibaa ka fujiyay asaga oo leh: Waryaa sideed ku awooday in aad gabdhayda guursato.

Ragii kolkii ay kala qabteen, ayay is bareen labadoodii, Cumar waxa loo sheegay in ninkaaNi yahay wiil ay dhashay gabar ay ilmo adeer yihiin Cumar, sidaa dareteena uu abti u yahay.

Lasoco qaybaha kale.

W/Q: Cabdisalaan Macalin Xirsi

 

SHEEKOOYIN